Barnaamijkii Radio Xoriyo
13 November 2007.
Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Dad shacab oo ciidammada gumaysigu laayeen.
Dad gumaysigu ku xidhxidhay meelo kala duwan.
Shirar ka dhacay Birmingham iyo Manchester.
======================
Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay
dagaallo badan oo waxyeellooyin ba’an loogu gaystay ciidammada gumaysiga
Itoobiya. Dagaalladaas ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka
mid ah, waxayna u dhaceen sidatan;
10/11/07 dagaal ka dhacay Suryada Gumarta, oo Garigo’an u dhaw, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
09/11/07 dagaala ka dhacay Jirriile, oo Garigo’an u dhaw, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, waxaa sidoo kale lagaga
dhaawacay 3 askari.
06, 07 iyo 08/11/07 waxaa weerarro mir ah lagu qaaday ciidammada
gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuxun, waxaana loo gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Isla 06/11/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ku qaaday ciidammada
gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Wardheer, waxayna u gaysteen
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
05/11/07 waxaa weerar gaadmo ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay
oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Daalatooyiga, waxaana cidammada
gumayisga la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Isla 05/11/07 Haarcad waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo
gumaysigu leeyaha, waxaana la gaadhsiyay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
Sidoo kale 05/11/07 waxay CWXO baabuur kaga gubeen ciidammada guamysiga
duleedka magaalada Dhagaxbuur, iyadoo ay baabuurkaas ciidammada
gumaysiga kaga dhinteen in ka badan 50 askari.
04/11/07 Cutub ka tirsan CWXO ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay
magaalada Sasabane, waxaana hawlgalkan la qorsheyay, ka dib markii laga
warhelay in saraakiil ciidammada gumaysiga ka tirsani ay ku sugan
yihiin. Hawgalkan waxaa lagu dilay saraagl sare oo ka tirsan ciidammada
gumaysiga, ninkii madaxda ka ahaa malleeshiyo Dabaqoodhi ah oo magaalada
la dajiyay iyo nin isaguna gadh-wadeen u ahaa sargaalka Itoobiyaanka ah.
Markii hawlgalkan magaalada laga fuliyay waxay ciidammada gumaysigu
gubeen guud ahaan magaalada Sasabane, marka laga reebo Masaajidkii,
waxayna ku laayeen dad shacab ah.
31/10, 01 iyo 02/11/07 waxaa weerarro kala duwan lagu qaaday ciidammo
gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Gaashaanley, oo
Dhagaxbuur ka tirsan, waxaana ciidammada gumaysiga loo gaystay khasaare
aan faahfaahintiisa la haynin.
28/10/07 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo
ku sugnaa Cawl-ku-dhal, oo ka tirsan Dhagaxbuur, waxaana loo gaystay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. Aroornimadii ka denbaysay ayaa
weerar kale lagu qaaday, hase yeeshee waxaa loo tagay ciidammadii
gumayisga oo ka guuray. Waxaa goobtii loogu tegay malleeshiyo Dabaqoodhi
ah, kuwaasoo laga qaaday hubkii ay wateen.
27/10/07 Magaala-cad waxaa lagu qaqabtay koox Dabaqoodhi ah oo tiradoodu
ay 5 gaadhayso, ka dibna waa la iska sii daayay markii digniin la
siiyay, hubkiina laga qaaday.
Isla 27/10/07 Dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray
Boodhley, oo u dhaxaysa Higlaley iyo Cobolle, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 20 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 27/10/07 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammada gumayisga
eek u sugan Yoocaale, waxaa lagaga dilay 5 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Dad shacab oo ciidammada gumaysigu laayeen.
Cidammada gumaysiga Itoobiya ayaa dad shacab ah ku laayay meelo kala
duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
08/11/07 waxay ciidammada gumaysigu xerada Garabcase ee magaalada
Jigjiga ku dhex dileen oo maydkooda dibada u soo tureen 2 qof oo shacab
ah. Dadkan ayaa maydkooda la aqoonsan kari waayay, sababtuna waxay ahayd
iyadoo maydkoodu uu muudhmuudhay.
06/11/07 Ciidammada guamysigu waxay xerada Garabcase ee magaalada
Jigjiga ku dileen 8 qof oo maxaabiista halkaas ugu xaraysan ka mid ahaa,
waxayna dadkan maydkooda ku soo tureen meel xerada duleedkeeda ah,
iyadoo ay dadwaynihii ku adkaatay inay aqoonsadaan.
02/11/07 waxay ciidammada guamysiga Sasabane ku dleen nin shacab ah oo
la odhan jiray Siraaj Cabdi Cali
01/11/07 Muluqo, oo Garigo’an u dhaw, waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Cumar.
31/10/07 Bilicil-buur, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen dadka kala ah;
1- Asli Muxumed Dhicis iyo
2- Miyir Maxamed Axmed-nuur
Isla 31/10/07 Buuxisada, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu
ku dileen Shugri Gees Ibraahim Dalab
30/10/07 waxaa xerada gumaysiga ee Garabcase ee magaalada Jigjiga
duleedkeeda laga helay maydka labo qof oo ka mid ahaa maxaabiistii
halkaas ku xidhxidhnay. Maydadkan ayaa ahaa kuwo muudhmuudhay oo aan la
garan Karin.
23/10/07 waxay ciidammada gumaysigu labo qof oo shacab ah ku dileen
meesha lagu magacaabo Laasa-caano. Labadan marxuum waxay kala yihiin;
1- Cabaase Cali Dalabey iyo
2- C/rashiid Maxamed Macalin
10/10/07 Waxaa Jeelka Booliska ee magaalada Jigjiga duleedkiisa laga
helay maydka afar qof oo la filayo inay ka mid ayihiin dalkii jeelkaas
ku xidhxidhnaa. Maydadkan ayaa ahaa kuwo qundhay oo aan waxba la garan
Karin.
Dad gumaysigu ku xidhxidhay meelo kala duwan.
Ciidammada gumaysiga ayaa dadwayne rayad ah ku xidhxidhay meelo kala
duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah.
05/11/07 Tuulada Waab, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ka soo qaqabteen dad dhawr qof gaadhaya, kuwaasoo ay ku
xidhxidheen magaalada Qabridaharre. Dadkani waxay kala yihiin;
1- Maxamed Haybe Muxumed
2- Ina Cabdi Xareed
3- Sh Mukhtaar Sulub iyo
4- Asad Cali Nuur, oo ay isaga labada gacmood ka jabiyeen.
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen Tuulada Waab,
iyadoo uuna dabkaasi waxba ka reebin guryihii Tuulada ku yaallay.
02/11/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku xidheen nin
agu magacaabo Cabdi-Mahad Caydiid.
30/10/07 Bashuuro, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada guamysigu jidhdil
ba’an ugu gaysteen C/waaxid Amiin Nuur
27/10/07 magaalada dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Khaliif Jaamac
2- Maxamed Jibriil
3- Xabiib Yuusuf iyo
4- In C/qaadir Fagadhe
26/10/07 Jeerinka, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidamada gumaysigu ku
xidhidheen dadka kala ah;
1- Shugri Xasan Nuur
2- Maxamed C/llaahi Bashiir iyo
3- Bashiir Ibraahim Yuusuf
Sidoo kale 26/10/07 Haar-cad wxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Farxaan Faarax Muxumed iyo
2- Cabdi-dhoonbe C/nuur Gaydh
Shirar ka dhacay Birmingham iyo Manchester.
Maalimihii sabtida iyo axadda ee tariikhdu ahayd 10-11/11/07 waxaa
magaalooyinka Bermigham iyo Mangaster ee dalka UK ka dhacay shirar si
fiican loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadaha Ogaadeenya
ee magaalooyinkaas.
Shirarkan, oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan, waxaa ka
qayb galay guddoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan iyo
guddoomiyaha Hooggaanka Arrimaha Dibada ee JWXO Mudane C/raxmaan Sh
Mahdi.
Shirarkan waxaa khudbado dhaadheer, oo xogwarran iyo wacyigalin isugu
jira ka soo jeediyay labadan masuul, iyadoo ay dadwaynaha Ogaadeenya
meel ay joogaanba ku dhiirrigaliyay inay si hagar la’aan ah uga qayb
qaataan hawlaha halganka Ogaadeenya.
13 November 2007
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu
yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa
Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2007
Deeq
lacageed oo lasoo gaarsiiyay wiil yar oo gacmo la'aan ku dhashay aadna u
dhibaateysan.
Isbahaysiga
Dib U Xoreynta oo Soomaalida Magaalada Leicester u qabtay kulan balaaran..
.Bannaanbax ka dhici doono Oslo, Norway
.Bayaan kasoobaxay Jaaliyada Sweden
Wararka oo dhan ka akhri halkan.....
Kullan
Nairobi ku dhaxmaray Musharax Yusuf Xassan iyo wariyaal Somali ah.. Akhri
Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....


|