SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Nov 8, 2007

  • Dadweynaha Muqdisho oo ku ballamay in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada
  • Cali Mahdi iyo Gacma Dheere oo olole ka wada Magaalada Baydhabo
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho
  • Qarax lala beegsaday maqaayad ku taala Jamhuuriya ee degmada Yaqshiid
  • Xubnaha Baarlamaanka oo sacbis ku ogolaaday qaar ka mid ah go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta
  • Max’ed Dheere oo mar kale ugu baaqay Dadweynaha in aysan barakicin
  • Wafdi ka socday Q/Midoobey oo soo gaaray Baydhabo

Dadweynaha Muqdisho oo ku ballamay in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada

Waxaa Magaalada Muqdisho ka bilowday banaanbaxyada looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo waliba tacadiyadda ay gaysanayaan waxaana shalay Magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo arrimahaasi.

Banaanbaxayaaha ayaa waxay ku qaylinayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “in Ciidamada Itoobiya ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya” “Beesha Caalamaka ha eegaan dhibaatooyinka iyo tacadiyada ay ciidamada Itoobiya ku hayaan Bulshada Soomaliyeed”.

Dadka oo watay boorar ayaa waxaa horkacayay dhallinyaro iyo Odoyaal kuwaas oo watay Makaroofano oo ay dadka ugu yeerayeen ina y ka soo qaybgalaan banaabaxa looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya, waxayna banaanbaxyadaani ka dhacan jidka Sodonka iyo jidka Warshadaha ayaa dadka wajiyadooda waxaa ka muuqatay caro aad u xoogan, kadib markii ciidamada Itoobiya ay dileen labo wiil oo w alaalo ah, taas oo ay si weyn uga wada naxeen dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Dadkaasi banaanbaxayey ayaa waxay ku ballameen in ay maalin walba dhigi doonaan banaanbaxyada ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya.

Cali Mahdi iyo Gacma Dheere oo olole ka wada Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Magaaladaasi ay ka socdaan kulamo looga hadlayo arrimo la xiriira cidda bedeli lahayd Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi.

Cali Mahdi Max’ed iyo Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay Baydhabo ku qaabileen dad fara badan oo ay kala hadlayeen sidii loogu magacabi lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya. Cali Mahdi waxa uu kulamo la yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu kala hadlay sidii uu u noqon lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale waxa uu qaabilay Odoyaal ka tirsan Beesha Mudulood oo uu ku booriyey in ay gacan ku siiyaan sidii loo magacaabi lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale Gacma Dheere ayaa isna kulamo la leh siyaasiyiin iyo waxgaradka tirsan Beesha Habargidir oo uu kal ahadlay sidii ay gacan ugu siin lahaayeen magacaabista Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Cali Mahdi iyo Gacma Dheere waxay sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeesheen madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf oo ay u soo bandhigeen in loo magacaabo xilka Ra’isul Wasaarenimo ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay wax weyn ka bedeli doonaan xaaladda murugsan ee ka taagan Soomaaliya haddii xilkaasi loo magacaabo, waxay kaloo sheegeen in ay taageero ka haystaan beelaha ay ka soo jeedaan.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay gaaraan odoyaal iyo waxgarad ay ka soo kala jeedaan Gacma Dheere iyo Cali Mahdi, hase yeeshee Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay in lagu cadaadinayo in Ra’isul Wasaare uu u magacaabo nin haysta dhalshada Mareykanka oo uu wato dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in uun Mareykanku ku tilmaamay banaan ka keenista ninka loo magacaabayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya. Ninka la sheegay in uu wato mareykanku ayaa laga soo xigtey in hawsha ugu weyn ee uu qaban doono haddii loo magacaabo Ra’isul Wasaare ay tahay sidii uu wada xaajood ula furi lahaa kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Inkastoo dhowr maalmood ka harsan tahay waqtiga Madaxweynaha DFKMG looga fadhiyo in uu ku soo magacaabo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa haddana waxaa Magaalada Baydhabo ku qulqulaya siyaasiyiin fara badan oo doonaya in ay qayb ka helaan golaha Wasiirada ee dhawaan la magacaabi dooono.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxayna wateen Gawaarida dagaalka iyo kuwa xamuulka, waxayna wadda isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ahayd mid u xirneed Ciidamada Itoobiya.

Ciidamadaan ayaa waxaa la sheegay in lagu xoojinayo dhinaca xuduuda Ereteriya iyo Itoobiya oo waayadan ay ka jirtay dhaqdhaqaaq aad u xoogan, waxaana soo gelitaanka iyo ka bixitaanka Muqdisho ee Ciidamada Itoobiya si weyn ugu wareeray Bulshada Soomaaliyeed.

Qarax lala beegsaday maqaayad ku taala Jamhuuriya ee degmada Yaqshiid

Labo qof ayay waxyeelo ka soo gaaray qaraxyo xalay lala beegsaday xaafadda Jamhuuriya ee degmada Yaqshiid.

Qaraxyadaan ayaa markay dhacayeen waxaa goobta ku sugnaa dhallinyaro fara badan oo halkaasi ku shaaheysay, ilaa iyo hadda ma cadda sababta qaraxyada loola beegsaday maqaayaddaasi, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in maqaayaddaasi loo keenay dhowr warqadood oo loogu digay, inkastoo aan la ogeyn waxa looga digay.

Maqaayaddii ayaa lagu kala caray kadibna irdaha loo laabay, waxayna dad goob joogayaal ahi sheegeen in dhaawacu intaa ka badan yahay.

Ma ahan markii horeysay oo qaraxyo lala beegsado gobo noocaan oo kale ah, balse horey ayay u dhaceen kuwo la mid ah.

Xubnaha Baarlamaanka oo sacbis ku ogolaaday qaar ka mid ah go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta

Iyadoo maalmahan uu muran ka taagnaa in la ansixiyo go’aanadii shirkii dib u heshiisiinta ayaa haddana markii dambe waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka soo jeediyey in cod loo qaado in Golaha Wasiirada laga soo xulo Banaanka iyo in gudaha laga soo xulo.

Dood iyo falanqeyn kadib kal fadhi ay shalay isugu yimaadeen Baarlamaanka waxa ay cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen in golaha Wasiirada laga soo xulo gudaha iyo dibadda Baarlamaanka.

Max’ed Qanyare Afrax oo ahaa raggii sidda aadka ah uga soo horjeeday in Golaha Wasiirada laga soo xulo banaanka Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in arrintaani ay u sameeyeen in aysan mar kale kala qaybsanaani ku imaanin Golaha Baarlamaanka.

“Waad ogeyd xiligii uu Baarlamaanku ku kala qaybsanaa Muqdisho iyo Jowhar wixii dhacay” ayuu yiri Max’ed Qanyare oo sheegay in coddeyntaani ay wax ka tareyso sidii ay Dowladdu u sii shaqeyn lahayd.

Dowladda Mareykanka ayaa iyadu la sheegay inay si aad ah u soo dhaweysay aqlabiyaddii uu Golaha Baarlamaanka ku ogolaaday in Golaha Wasiirada laga soo xulo gudaha iyo dibadda, waxa uuna sheegay in arrintaani wax ka tareyso in Caalamka mar kale uu gacan siiyo Dowladda Federaalka.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu soo magacaabo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, ilaa iyo haddana waxa uu ku jiraa la tashiyo la xiriira cidda loo magacaabayo jagadaasi.

Max’ed Dheere oo mar kale ugu baaqay Dadweynaha in aysan barakicin

Max’ed Cumar Xabeebe (Max’ed Dheere) oo ah guddoomiyaha gobalka Banaadir oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale ku celiyey in shacabku aysan ka barakicin Magaalada Muqdisho oo ay ku nagaadaan guryahooda.

Max’ed Dheere waxa uu shalay khudbad ka jeedinayay xarunta Gobalka Banaadir, waxa uuna si kulul u beeniyey warka ka soo yeeray guddoomiyaha golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo ahaa in Max’ed Dheere uu mas’uul ka yahay dadka faraha badan ee ka qaxay magaalada Muqdisho, waxa uuna Max’ed Dheere wararkaasi ku tilmaamay kuwo aysan waxba ka jirin, isagoo sheegay in shacabka uu mar kale ugu baaqayo in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.

Max’ed Dheere waxa uu sheegay in hawlgalada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay sii socon doonaan tan iyo inta nabad lagu soo dabaalayo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka waxaa kale oo uu sheegay in uu Magaalada Nairobi kulan kula soo yeeshay Hay’addaha samafalka oo uu ka dalbaday in gargaar la siiyo shacabka ku nool Gobalka Banaadir.

Wafdi ka socday Q/Midoobey oo soo gaaray Baydhabo

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayna qayb ka yihiin Jaamacadda Carabta, IGAD iyo wadamo kale ayaa shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo, waxayna markiiba kulamo la yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay isla soo qaadeen sidii Hay’adahaasi ay gacan u siin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, iyo waliba sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wafdigaani ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda uu haatan dalku ku sugan yahay iyo waliba sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Wafdigaani waxay madaxweynaha ku wargeliyeen in Hay’adaha samafalka ay ka hawlgalaan gudaha wadanka, balse loo baahan yahay in la helo jawi nabadeed oo ay hay’aduhu ku shaqeyn karaan.

Wafdigaan waxay kaloo Madaxweynaha kala hadlayeen sidii uu u soo xuli lahaa Ra’isul wasaare bedela Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi, waxayna u soo jeediyeen Madaxweynaha in uu keeno Ra’isul Wasaare shacabka ka saari kara waqtigaan adag.

Madaxweynaha waxa uu dhankiisa u soo jeediyey Hay’adaha samafalka in ay ka sii shaqeeyaan deegaanada nabdoon oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin dad fara badan oo dhibaateysan. Dhinaca kalana wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro Baydhabo, waxaana la sheegay in ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf talooyin ka siin doonaan magaabista Ra’isul Wasaare.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2007

Mucaaradka Itoobiya oo sheegay in Soomaaliya haatan ka jirin Xukuumad ay la shaqeeyaan ciidamada Itoobiya
.
Gacma Dheere oo taageero ka raadinaya Beelaha Haweiye
.Ciidamada Itoobiya oo ka guuray dugsigii sare ee M.A. Cali
.Afar qofood oo mayd ah oo ay dileen ciidamada Itoobiya oo
.Shaaweeye “Aad baan uga xunnahay dilka muwaadiniinta
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Nov 7

Wariye Canadian ah oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Jigjiga kana warbixiyey xaalada.
iyo Dagallo lagu wiiqay ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Muqdisho Oo Laga Sii Barkacayo Islamrkaana Qarka U Saaran Inay Isugu Soo Haraan Dad HUbaysan Iyo Ciidamo Ethiopian ah... Akhri...

jeer"Ma jirto maxaabiis Muqdisho laga keenay oo la keenay Galkacayo..." - Jeer
Xisbiga Mucaaradka ee Ramaas ma waxa uu ku biiray Maamulka DGPL, mise waa....

xashi"Muddo 3 maalmood loo qabtey Miisaaniyada Gobolada iyo Degmooyinka Gobolada dalka in lagu soo diyaariyo" Xuseen Xaashi...

 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com