Xoghayaha joogtada Wasaarada Arimaha Gudaha DFKMG Md. Xuseen Xaashi
oo sheegay mudo 3 maalmood loo qabtey Miisaaniyada Gobolada iyo
Degmooyinka Gobolada dalka in lagu soo diyaariyo
Xaflada lagu soo xirayo Siminaar Ujeedadiisu tahay diyaarinta
miizaaniyada Gobolada iyo Degmooyinka 2008-da oo ay soo qaban qaabisay
Wasaaradda Arimaha Gudaha, isla markaasna ay ka faa’iideysanayaan
25xubnood oo ka kala socda Isku duwayaasha D/hoose, Xoghayeyaasha iyo
Xisaabiyeyaasha D/hoose ee Gobolada Baay iyo Bakool oo ay wax ka
dhigayeen, Xoghayeha joogtada, Agaasimaha Guud, Kan Gobolada iyo
Degmooyinka iyo Agaasimaha Deeqaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha,
Xisaabiyaha Guud iyo Hanti dhowrka Qaranka ayaa lagu soo gebagebeeyey
Magaalada Baydhabo.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arimaha gudaha Md. Xuseen Xaashi
Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arimaha Gudaha Md. Xuseen Xaashi oo aan
wax ka weydiiney gunaanadkii siminaarka waxa ka soo baxay ayaa waxaa uu
sheegay in Xiritaankii siminaarka uu ka soo qaybgaley Wasiirka Arimaha
Gudaha DFKMG Xildhibaan Max’ed Max’uud Gacma dheere waxaa uuna kula
dardaarmey buu yiri “in miizaaniyada Gobolada iyo Degmooyinka lagu
diyaariyo mudo seddax maalmood ah, Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolada iyo
Degmooyinka kale ee dalka la siiyo tababaro noocaan oo kale, waxaa keloo
laysla gartey habka loo maamulo dakhliga, Kharashaadka, cida awooda u
leh sixiixa iyo habka wada shaqeynta D/hoose, islamarkaana la abuuro ilo
dhaqaale Gobolada iyo Degmooyinka, lagun sahqeeyo shuruucda
miizaaniyadaha iyo xisaab xirka D/hoose”.
Sidoo kale Md. Xseen Xaashi wuxuu keloo sheegey in xiritaankii
siminaarka ay ka Hadley Xisaabiyaha Guud, Hanti dhowrka guud iyo xubno
ka socdey Haweenka Gobolka Baay, lana doonayo in qaybaha kale ee labaad
iyo seddexaad loo qaban doono Gobolada Gedo, Galgaduud, Hiiraan iyo
Sh/dhexe, halka midka seddaxaadn loo qaban doono labada Jubba iyo
Sh/hoose waqtiyada inagu soo aadan.
Laakiin marka aad eegto qaabka hawlahaan u socdaan ayaa waxaad moodaa
mid ku kooban afka mas’uuliyiinta DFKMG oo marka goobaha shirarka
laysugu yimaado ay soo jeediyaan oo keli ah, mana jiro wax tilaabo kale
oo la qaado oo aan ahayn siminaarada kala duwan ee ay Hay’adaha Deeq
bixiyayaasha ugu bislaynayaan qandaraasyadooda, kuwaaso caqabado hor leh
dalka u keena, islamarkaana burburiya hadafka iyo ujeedada guud ee dalka
iyo dadka Soomaaliyeed, balse la arkidoonee halka ay ku dambeyn doonaan
arimahaan isku maran ee hadana u wada jidbeysan qabashada xilallka kala
duwan ee dalka oo aan waxba loogu qaban.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com