SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baarlamaanka DFKMG oo Ansixiyey in Ra'iisul wasaare iyo Wasiirada laga soo dooran karo xubno ka baxsan Baarlamaanka....

Kulan ay maanta (Arbaca Nov 7, 2007) Baydhabo ku yeesheen xubnaha baarlamaanka DFKMG ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay in ra'iisul wasaaraha iyo Wasiirada DFKMG laga soo dooran karo baarlamaanka bannaankiisa iyo dhexdiisaba.

Arrintan ayaa dhacday kaddib markii lagu soo waramay in si degdeg ah ay fikirkoodii u bedeleen xildhibaanadii la fikirka ahaa Cali Maxamed Geedi oo ku doodayey in ay ilaalinayaan sharciga baarlamaanka, una muuqdeen kuwo ka tanaasuley fikirkaas si degdeg ah. [Halkan ka eeg fikirkii ay hore u aaminsanaayeen]

Codayntani waxay Madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yuusuf siineysaa awood buuxda oo uu ra'iisul wasaare kaga soo magcaabi karo bannaanka Baarlamaanka (iyo gudihiisa haddii uu doono), taas oo ah arrintii uu aadka ugu ololeeyey. [Halkan ka dhegeyso Hadalkii uu hore uga yiri arrintaas...]


Wararkii: Nov 7, 2007

  • Mucaaradka Itoobiya oo sheegay in Soomaaliya haatan ka jirin Xukuumad ay la shaqeeyaan ciidamada Itoobiya

  • Gacma Dheere oo taageero ka raadinaya Beelaha Haweiye

  • Ciidamada Itoobiya oo ka guuray dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali

  • Ciidamada Itoobiya oo hawgal balaaran ka sameeyey Muqdisho

  • Afar qofood oo mayd ah oo ay dileen ciidamada Itoobiya oo...

  • C/fitaax Shaaweeye “Aad baan uga xunnahay dilka muwaadiniinta Soomaaliyeed lagula kacayo”


Mucaaradka Itoobiya oo sheegay in Soomaaliya haatan ka jirin Xukuumad ay la shaqeeyaan ciidamada Itoobiya

Iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan weerarada lagu hayo ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya ayaa dhanka kale mucaaradka wadanka Kenya waxa uu ka codsaday Dowladda uu hogaamiyo Meles Zenawi in ciidamada Itoobiya ka soo saaraan dalka Soomaaliya, maadaama haatan aysan muuqan dowlad Soomaaliyeed oo ay taageeraan.

“Waxaa muhiim ah in ciidmada Itoobiya la isugu keeno dhanka Xuduuda Ereteriya aan la wadaagno intii ay Muqdisho ku sii qulquli lahaayeen” ayay yiraahdeen Mucaaradka oo sheegay in shacabka Itoobiya maalin walba maqlayaan dhimashada ciidamada Itoobiya eek u sii kordhaya gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in Dowladdu ay kharineyso waxyeelada Ciidamada Itoobiya.

Gacma Dheere oo taageero ka raadinaya Beelaha Haweiye

Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo wasiirka arrimaha dibadda ka ahaa dowladdii Cali Max’ed Geedi oo todobaadkii hore is casilay ayaa haatan bilaabay sidii uu taageero uga dhex raadin lahaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan beesha uu k soo jeedo Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere). Gacma Dheere ayaa kulamo gaar ah la leh odoyaasha iyo waxgaradka Beesha Habargidir, isagoo doonaya in ay kala qayb-qaataan sidii uu u noqon lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya. Gacma Dheere ayaa waxaa kale oo la sheegay in uu doonayo in uu taageero ka raadinayo Beelah Hawiye, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Baydhabo kulan kula yeesho waxgarad iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beelaha Hawiye, si ay gacan ugu siiyaan sidii uu u noqon lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Gacma Dheere oo loo saadaalinayo in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa haddana Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku xiray in uu taageero ka raadiyo Beesha Habargidir ee uu ka dhashay. Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo ah siyaasi mudo ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa uu Dowladdii Cali Max’ed Geedi ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha, waxa uuna sheegay mar la wareystay in ay wasaaraddiisa ku guuleysatay hawlo fara badan oo la xiriirta dhinaca nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta. Gacma Dheere oo maalmahan ay badatay qaabilaadiisa ayaa waxa uu sheegay mar la wareystay in uu si aad ah ugu rajo weyn yahay in uu Noqdo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya. Isku soo wada duuboo maalmo kooban ayaa ka haray waqtigii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusu magacaabi lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya oo ka guuray dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali

Iyadoo ciidamada Itoobiya ay maalmahan soo galayeen magaalada Muqdisho ayaa haddana waxay shalay ka guureen dugisigii sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo Isgoyska Sanca, balse ciidankaani ayaa waxaa la sheegay in ay ku biireen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo hawlgal ka wada qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Ciidamadu markay ka guureen goobtaasi ayaa waxaa ku qamaamay dadweyne aad u fara badan kuwaas oo bililiqeysanayey dareeska ciidamada Itoobiya, madaama dharkii hore ciidamada Itoobiya laga bedelay, waxayna dadweynuhu qaateen dharkii hroe oo ay iska siibeen ciidamadu.

Ciidamada Itoobiya ayaa weli degan xarumo fara badan oo isugu jira Jaamacado, Isbitaalo, kuwaas oo loogu adeegi jiray danta guud ee ummadda Soomaaliyeed, waxayna taasi keentay in ay joogsato waxbarashadii ay heli jireen arday fara badan oo Soomaaliyeed.

Ciidamada Itoobiya oo hawgal balaaran ka sameeyey Muqdisho

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la sheegay in ay ku faafeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ciidankaasi aad u hubeysnaa ayaa waxay baaritaan ku sameeyeen deegaano ay ka mid yihiin Gubta, Barwaaqo, Carafaat, Xuusa Xoolaha iyo deegaano ka tirsan degmada Yaqshiid.

Ciidamadaasi oo u socday si raxan raxan ah ayaan la kulmin wax iska caabin ah, mana jiraan wax ay gacanta ku dhigeen, iyadoo habeen hore weerar lagu qaaday saldhigga ay ku leeyihiin Warshadda Baastada.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay galeen qaar ka mid ah guryaha ku yaala xaafadihii ay shalay hawgalka ka sameeyeen.

Hawlgalkaan oo soo gebagaboobay shalay galabnimadii ayay dib ugu laabteen ciidamadaasi xeryahoodii, goobaha ayna baareena waxa ay ahaayeen goobo ay si aad ah weeraro uga yimaadaan ciidamada Itoobiya, maalintii shalay ahaydna waxay waayeen hub iyo ciidan.

Ciidamada Itoobiya oo maalmahan si aad ah u soo galaayeen Magaalada Muqdisho ayaan waxaan la ogeyn in ay sii wadi doonaan hawlgaladaasi.

Afar qofood oo mayd ah oo ay dileen ciidamada Itoobiya oo...

Shalay subaxnimadii ayaa bulshada ku nool agagaarkii warshaddii hore ee Taraqa waxay ku soo baraarugeen maydadka afar qof oo la sheegay inay dileen ciidamada Itoobiya halkaasna ay soo dhigeen maydkoda.,
Dadkaasi ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ay horey u qabteen ciidamada Itoobiya, lamina garanayo sababaha ay u dileen.

Waxaa maalmahan sii kordhayey tacadiyada iyo dilalka ay gaysanayaan ciidamada Itoobiya, iyadoo maalintii doradaad ahayd soo dhigeen labo qof oo mayd ah agagaarka Maslax oo ah xarun ay degan yihiin ciidamada Itoobiya.

Hay’adaha xaquuqda aadanaha ayaa arrintaani walaac ka muujiyey kuna tilmaamay mid xadgudub ku aha sharciyadda caalamiga ah, sidoo kael waxaa arrintaani walwal ka muujiyey dadweynaha Soomaaliyeed oo iyana ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadannimada.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay xeryahooda ku haystaan dad fara badan oo ay ka qabqabteen Magaalada Muqdisho, sidaa darted wax war ah ka hayso xarigaasi iyo tacadiyada loo gaysto dadkaasi, waxayna ku ekaadeen oo keliya in ay baarayaan tacadiyadaasi.

C/fitaax Shaaweeye “Aad baan uga xunnahay dilka muwaadiniinta Soomaaliyeed lagula kacayo”

Guddoomiye k xigeenka arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada gobalka Banaadir C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweye) ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee ka taagan Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in shacabka loogabaahan yahay in ay garab siiyaan dowladda si loo soo celiy nabadgelyada.
C/fitaax waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin tacadiyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in arrintaani ay dabagal ku sameyn doonaan maamulka gobalka.

C/fitaax ayaa hadalkiisu u muuqday mid kulul, waxauuna sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed dilka loo gaysanayo uu yahay mid aan sinaba loogu dul qaadan Karin, waxa uuna hadalkaani ku soo beegmay xili ciidamada Itoobiya tacadiyo ka gaysanayaan magaalada Muqdisho, iyagoo ugu dambeysay afar qof oo maydkooda la soo dhigay agagaarka warshaddii hore ee Tara iyo Sagaarka.

Todobaad ka hor mar uu wareysi bixiyey C/fitaax Shaaweeye waxa uu sheegay in maamulka Gobalka Banaadir uu aad uga xun yahay barakaca bulshada Soomaaliyeed, isagoo u soo jeediyey beesha caalamka in ay gargaar la soo gaaraan ummadda Soomaaliyeed.

Weeraro loo gaystay mas’uuliyiin iyo ciidamada Dowladda Federaalka

Iyadoo weli ay sii socdaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo waliba mas’uuliyiinta ayaa weeraradii ugu dambeeyey waxay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalka Banaadir, waxaa weerar lagu qaaday guryo ay degan yihiin mas’uul ka tirsan dekedda iyo maamulka Gobalka Banaadir, waxayna halkaasi waxyeelo ka soo gaartay dhowr qofood, sidoo kale ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugnaa agagaarka afisyooni ayaa iyana la oo gaystay weeraro, waxaa kale oo iyana weeraro lagu qaaday kolonyo ciidamo itoobiyaan ah oo marayey agagaarka deegaanka Lafoole.

Weeraradaani waa kuwo har iyo habeenba ka dhacay Magaalada Muqdisho, ilaa iyo haatanna ma jirto xal loo helay weeraradaasi iyo dagaaladaasi, waxaana maalin walba ku sii barakacay dad fara badan oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Boqorka Sucuudiga oo galay xarunta Diinta Kirishtaanka

Waa markii ugu horeysay boqor ka tirsan wadanka Sucuudiga uu galo xarunta Kirishtaanka ee Fatikaanka ee Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxa uuna halkaasi kulan kula yeeshay Boobka diinta Kirishtaanka oo ay isla soo qaadeen xaalado fara badan oo ka taagan dunida.

Dowladaha Kirishtaanka ayaa iyagu aad u daneynaya in ay xarumo ku yeeshaan dalka Sucuudi Carabiya, hase yeeshee ayaa boqortooyada sucuudiga ay aad ugu adag tahay, maadaama Diinta Islaamka ay gacanta ku hayaan dad culimo ah oo ay aad uga dambeyso Dowladda Sucuudiga.

Boqor Cabdalla oo maalmahan booqasho ku marayey wadamada Yurub, ayaa arrintaan uu Fatikaanka ku galay waxay fajiciso ku noqotay Dunida islaamka, waxayna qaarkood sheegeen in ay muujineyso sida uu Sucuudiga ugu jajaban yahay Dowladda reer Galbeedka.

Dowladda Sucuudiga wax xiriir Dublamaasi lama la lahan xarunta Kirishtaanka looga arrimiyo ee Fatikaanka, waxaana haatan Dowladda Sucuudiga laga doonayaa in ay xiriir dublamaasiyadeed la yeelato dowlad iskeed u taagan oo ku taala dalka Talyaaniga.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com