"Inta Laga Xoraynaayo Laascaano Qofna Xataa Mushahar Qaadanmayo" -
Jeer
Xisbiga Mucaaradka ee Ramaas ma waxa uu ku biiray Maamulka Gen. Cadde Muuse,
mise waa lagu been Abuurtay....
Waxaa SomaliTalk.com soo gaarey qoraal lagu sheegay warsaxaafadeed laga
soo diray emailka lagu aqoon jirey "Afhayeenka" xisbiga mucaaradka Ramaas [RPP], C/Naasir Guure Faarax
"jeer" [keenadiid18@hotmail.com],
kaas oo cinwaankiisu ahaa ""Inta laga Xoraynaayo Laascaano qof-na Xataa Mushahar
Qaadanmayo". Waxaana qoraalkaas (oo aad hoos ku arki doontid) ku cad in
mr. Jeer uu hadda yahay "afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta
madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland".
Waxaan
isku daynay in aan arrintaas ka xaqiijino Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas
Political Party (RPP) Daahir C/qaadir Muuse, oo aan u dirnay Email:
Daahirciiro@hotmail.com,
waxaana weydiiney su'aalo ah:
- 1. Arrintaasi ma runbaa (in mr. Jeer uu noqday afhayeenka Puntland)
- 2. Haddii ay run tahay ma arrin xisbigu la ogyahay baa mise waa uu
ka baxay xisbiga oo xisbigu hadda waxa uu leeyahay afhayeen kale
- 3. Waa maxay aragtida xisbiga RPP ee hadda, ma waxa uu ku biiray
maamulka DGPL mise waa xisbi ka madax bannaan (oo mucaarad ah)
- 4. Haddii xisbiga Ramaas uu ka madax bannaan yahay DGPL maxaa
maamulka xisbigu u cadayn wayey arrintaas (in afhayeenkii xisbigu ku
biiray DGPL) waayo afhayeenka [Jeer] oo sidaas lagu ogaa ayaa hadda
sheeganaya in uu afhayeen u yahay Dawlad Goboleedka Puntland.
Emailkii aan u dirnay guddoomiyahay xisbiga Ramaas (Nov 2, 2007) weli wax
jawaab ah kama helin.
Sidoo kale waxaan Nov 1, 2007 email u dirnay C/Naasir Guure Faarax "jeer"
oo aan weydiiney xaqiijin aan u qornay sidan:
- Ugu horayn waxaan hubineynaa in emailkan [keenadiid18@hotmail.com]
uu soo diray afhayeenka/kii xisbiga Ramaas. Haddii qoraaga emailkan
uusan ahayn sidaas [oo uu ka baxay afhayeenimadii xisbiga Ramaas], maxaa
cadayn u ah in uu yahay afhayeenka madaxtooyada Puntland?
Wax jawaab ah kama helin emailkaas oo ahayd tii qoraalka laga soo diray
ilaa hadda aan qoraalkan qoreyno (Nov 5, 2007).
Sidoo kale waxaan la xiriirnay emailka madaxtooyada maamulka Puntland oo
ah puntlandstate@yahoo.com,
waxaana u qoray qoraalkan aan xaqiijin ku weydiineyno:
- Ku: DGPL: Waxaan helay qoraal tibaaxaya in C/Naasir Guur Faarax
[jeer] oo sheegan jirey in uu ahaan jirey afhayeenka xisbiga RAMAAS (ee
Yurub) ayaa sheegtay in uu yahay "afhayeenka madaxtooyada ahna
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland", isla
mar ahaantaasna soo saaray warsaxaafadeed.
- Haddaba arrintaasi ma runbaa,, goorma ayaana xilkaasi ugu bilowday
haddii ay run tahay, mase waxaa lagu been abuuranayaa DGPL... waxaana
su'aasha weydiiney si aan u hubsano xafiiska madaxweyanaha DGPL oo leh
emailkan
puntlandstate@yahoo.com.
Ilaa hadda wax jawaab ah kama helin DGPL oo aan email u dirnay Nov 2,
2007.
Dad
ka warqaba siyaasadda Puntland oo aan arrimahaas afhayeenka wax ka weydiiney
ayaa xusay in sababta suurtagalka ka dhigi karta in mr. Jeer laga dhigo
"Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland" ay la
xiriiri kartokaddib markii dhowaan uu Wasiirka
Warfaafinta Puntland oo Qummaati uga jawaabi waayey su'aalo ay weydiisey
Idaacaad Australia ee SBS.
Qoraalka Nov 1, 2007 laga soo diray emailka afhayeenka/kii xisbiga Ramaas
waxay u qornay sidan:
"Inta laga Xoraynaayo Laascaano qof-na Xataa Mushahar Qaadanmayo"
- Jeer
from: kenadid farah <keenadiid18@hotmail.com>
date: Nov 1, 2007 1:46 PM
Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha
warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland C/Naasir Guure
Faarax[jeer].
Ayuu wuxuu ku beeniyay warar aay maalmahan saxafada qaar qoraysay oo ahaa in
maxaabiis Muqdisho lagaqaaday Galkacayo lageeyay iyo in aay madaxwyne
C/Laahi Yuusuf iyo madaxweyne Cade Muuse kawada hadleen dhaqaalaha ku baxa
ciidamada Muqdisho ku sugan iyo in dhaqaalaha Puntland dad gooniya qaato.
isagoo ka hadlaayana wuxuu yiri afhayeenku
"Ma jirto maxaabiis Muqdisho laga keenay oo la keenay Galkacayo, Puntland
maahan meel xabsiya oo wax lagu xiro ee waa dhul umadi dagan tahay, Muqdisho
iyadaa xabisyo leh wax Puntland loo keeno baan jiri karin.
tankale ma jirto wada hadal madaxweyne C/Laahi iyo madaxweyne Cade dhexmaray
oo ku saabsan ciidan hebal dhaqaalihiisa hala dhimo iyo ciidan hebal
dhaqaalihisa hala badiyo.
Wuxuu kaloo masuulku ganafka ku dhuftay in dhaqaalaha Puntland koox gooniya
qaadato xiligaan. Isagoo dhanka kalana cadeeyay in Lascaano xili dhoow la
weeraridoono. wuxuna yiri
"Waxba kama jiraan in dhaqaalaha Puntland wakhtigaan kooxyar qaadato,
dhaqaalaha Puntland dhamaantii waxaa hada loo qoondeeyay sidii loogu xorayn
lahaa gobolka Sool ee nalaka haysto hadaanahay maamulka iyo shacabka
Puntland, dhaqaale la lunsado iska daaye jiro maayo xataa mushahaar uu
qaadanayo qof ka tirsan maamulka Puntland inta laga xorayn magaalada
mihiimka ee Lascaanod.
Saxaafada waxaanka codsan in aay san qorin wax aaysan turxaan bixin kana
shaqeeyan wanaaga dadkooda iyo dalkooda.
Qoraalkaas oo sidaas u qoran waxaa laag soo diray emailka:
C/Naasir Guure Faarax "jeer" [keenadiid18@hotmail.com]
Waxaa xusid mudan in C/Naasir Guure Faarax "jeer" xilligii uu sheegan
jirey/ahaa afhayeenka xisbiga Ramaas in uu qori jirey qoraallo aad uga duwan
qoraalkiisa cusub.. Waxaana qoraaladiisii hore ka mid ah kuwa hoos ku qoran:
C/Naasir Guure Faarax [jeer] |
Oct 1, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Afhayeenka xisbiga ramaas ee u fadhiya midowga yurub
C/naasir Guure ayaa ugu baaqay in ay xilka iska casilaan labada masuul ee
ugu sareeya xiligan dhanka siyaasada puntland, Waa sida ay hadalka u
dhigeene labadaas masuul oo ay ula jeedeen Madaxwaynaha hada talada haya ee
Gen: cade muuse iyo wasiirkiisa maaliyada maxamed cali yuusuf (gaagaab) oo
ay ku sheegeen in ay hantidii umada ay iyagu gooni ahaan u lunsadeen
islamarkaana ay Acount dibedaha ah ku shubteen hantidii umadu ay lahayd
waxayna sameeyaan musq maasuq aad u baaxdawayn ayuu afhayeenku ku yiri
shirkisa jaraaid ee uu ku qabtay xafiiskiisa Garoowe.
SII AKHRI...
Nov 29, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]:
Afhayeenka
Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland &
Gebi ahaanba Soomaaliya.. "Waa inuusan maamulka Puntland ka noqon
go'aankii ahaa qaadashada shareecada Islaamka, waa inuu madax weyne Cadde
Muuse kala diraa dowlada hadda dhisan soona dhisaa dowlad taya leh kana dhex
muuqdan xisbiyada siyaasiga ah iyo culama'awdiinka iyo aqoon yahanada wadani
nimadu ku jirto, waxaan kaloo madaxweynaha u soo jeedin inuu san iska indha
tirin dabaysha iyo isbadalka Puntland iyo Soomaaliya oo dhan kusoo
cusboonaday, yaraysana doonista shacabka Puntland waxa ay rabaan iyo ku
dhaqanka shareecada Islaamka, haddii u madax weynuhu iska indha tiro
arimahaas oo dhan wixii ka yimada oo dhib ah isaga iyo maamulkiisa dhabarka
u ridan." SII
AKHRI...
Dec 4, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]:
in maxaakiimta Islaamka ay dhowaan siin doonan xisbiga Ramaas dhaqaale lagu
dhiso garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe,: "Walaalayal maanta
aniga iyo idin kaba waxaay nootahay farxad wayn, maxaa yeelay hadaynu reer
Puntland nahay caasumadeenu waa Garoowe waxaadna ogtihiin oo ka warqbataan
in aysan waxba dheerayn tuuloyinka iyo miyigaba, waxaaynu kaloo ka warqabnaa
in maamulka Puntland uusan wixii casumadaha loo qaban jiray iskadaaye garoon
diyaaradeed uu u quuriwayay, markaan aragnay in maamulka Puntland caasumada
uusan wax usoo wadin aniga C/Naasir ahna dad badan oo reer Lascaanod ah oo
reer Galkacayo ah oo reer Qardhood ah ay igu yiraahden Garoowe baa garoon ku
fiican maxaayelay waxay ku taal bartamaha wadanka oo dhinac walba way u
dhowdahay, ayaan waxaan go'aan saday in aan darbi walba u qaraaco sidii
garoon lagu heli lahaa, Ilaahay mahadii waxaan arintan kala hadlay
maxaakiimta Islaamka wayna soo dhaweeyeen codsigayga, wuxuuna iga balan
qaaday gudoomiyaha shuurudu Xasan Daahir Aways in uu xisbigayaga Ramaas
dhowaan usoo gacan galin doono dhaqaalihii lagu dhisi lahaa garoonka
diyaaradaha ee Garoowe...
SII AKHRI,
Dec 8, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]:
"Maamulka Puntland oo ka Shaqaynaya isku Dhac kadhaca Degaanka Nugaal":
"Baaritaan badan kaddib waxaan ogaanay in madax sarsare oo ka tirsan
maamulka Puntland ay ka danbeeyeen colaadan oo ay waliba ku bixiyeen
dhaqaale dhan £35000 sidii labada qoys isku gacan saari lahaayeen, waxaay
kaloo hurinta dagaalkan u adeeg sadeen in dooxooyinka u dhaxeeya Garoowe iyo
Sunajiif uu shidaal kabuuxo qoladii hadda awood iyo deegan ku yeelatana ay
xaq wayn iyo mudnaan ku lahaanayan wixii kasoo baxa ee khayraad ah.
SII AKHRI
Dec 13, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]:
Afhayeenka Xisbiga RPP oo Canbaareyay Go'aankii Barlamanka DGPL, una digay
Itoobiyaanka: "ra'isul wasaaraha Itoobiya Miles usoo jeediyay inuu
ciidankiisa kalaboxo deeganka Puntland iyo Soomaaliyo dhan ba, hadii ay ka
bixi waayana ay xisbiga Ramaas Political Party iyo shacabka Puntland kala
kulmi doonan iska dhicin salka ku haysa Diin iyo xornimadoon."...
SII AKHRI...
Feb 2, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]:
Maamulka Puntland
waxa uu ku tilmaamay Keligii talis.. Shirkadaha Macdan baarita Puntland waxa
uu ku tilmaamay Maafiyo: Maalin dhowayd waxaa Garoowe yimi niman
ajaaniba oo leh shirkado macdan baaris ayaan nahay, waxana nimankan watay
maamulka Puntland, mana ahayn shirkado sax ah ee waa niman maafiya oo arimo
kale u socday, wuxuuna xisbigayagu ku wargaliyay inay ka noqdaan wadanka
haddii kale wixii soo gaara aysan qofna u raacan, wayna noqdeen.
SII AKHRI
Feb 22, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jee]:
"C/Laahi Yuusuf
iyo Cadde Muuse ma matalaan Reer Puntland": "Walaalayal waxaa ogaataan
in dadka reer Puntland ay ka soo horjeedan in carigooda cadow soo galo.
C/Laahi Yuusuf na ma matalo ummadda Puntland ee waa nin tiisa u shaqaysta,
marka inaga waxaa laynaga rabaa inaan isku tiirsanaano oo aynu arinta
C/Laahi iyo Geedi wadaan aynaan ku dagmin arintaaso ah qaybi oo xukun.
Ciidanka Puntland laga keenayna waa kuwo calooshood u shaqays-tayaaal ah
(ama la soo khalday) ee taa ogaada. Waxaan idiin sheegayaa in ciidanka
Puntland kuwa kadaran oo ka badan Muqdisho laga helaayo ee maamulka C/Laahi
ayaa baqdin ka qabo mahee. Marka ogaada in meel walba colooshiis u shaqayste
joogo." SII
AKHRI..
March 19, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]:
Dilkii marxuum
Ciise Cabdi Ciise..: Waxaan dowlada Soomaliya usoo jeedinayna inay kiis
kii Ciise Cabdi Ciise meel saarto qiratana inay masuuliyada dhibka iyagu
dhabarka u ritaan maadaama masuuliyada Muqdisho dowladu gacanta ku hayso,
waxaan kaloo dowlada usoo jeedinayna in dadkii Waamo lagu xasuuqay oo in
badan oo Ciise Cabdi ehel ahaayeen ay ku jireen in magdhow-goodii bixiso,
waxaan kaloo dowlada usoo jeedinayna inay sida ugu dhakh siyaha badan war
cad kasoo saarto dilkii marxuumka.
SII AKHRI
April 12, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jee]:
Dagaalka mashruuca ee u
dhaxeeya SL iyo PL iyo qorshaha ka danbeeya: Waxaanu shacabka
Soomaaliyeed la socodsiineynaa in dagaalka malmahan u dhaxeeya Somaliland
iyo Puntland uu san ahayn midxaqiiqa ee uu yahay mashruuc labada maamul isla
og yihiin, looguna gogol xaarayo in ciidamo Itoobiyana lasoo dhigo meelaha
dirirtu kasocoto, iyadoo ula jeedada ugu wayn ee Itoobiyaanka loo keeni ay
tahay sadex arimood oo kala ah in raga hada madaxda ka ah S/L iyo P/L ay
xukunka koror sadaan iyo in shirkado layiri shidaal bay qodin dhulka la
keeno iyadoo aan wada og nahay inaysan jirin shirkad shidaal soo sari balse
ay jiraan kuwo xaalufin khayraad u socda, iyo tan u danbayso ah in wadaadada
SL iyo PL xoolahada la kantaroolo dhaq haqaaqodana la xadado. Heshiiskan
ayaa kadacay magaalada Adis abbaba mar labada maamul ay tageen.
SII AKHRI..
May 16, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Sadexda khayraad oo ay madaxda Puntland masaakiintii
iyo agoontii iyo dadkii soo barakacay ayka qadiyeen oo iyagu maanta ay
xabada iskugu haystan oo qarka usaarantahay in ay isku laayan ayaa waxaay
kala yihiin, 1,200,000 (milyan iyo labo boqol oo kun) ay bixisay shirkada
Batroolka baarista Range Reources iyo 1,000,000 (hal milyan) oo ay bixisay
shirkada ari dhoofinta AL-Jaabir iyo waliba lacag lagu sheegay inay ka badan
tahay 1,800,000 (milyan iyo sedeed boqol) oo laga qaaday maraakiib ay
dhowaan qabatay shirkada bada Puntland ilaalisa oo lagu magacabo AL-Habiib,
iyadoo aan og nahay shirkadaan AL-Habiib in laftigeedu ay xaqdaro ku hayso
shaqada ay hayso oo wax raali ka ah uu san jirin.
SII AKHRI
May 31, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Afhayeenka Xisbiga
Mucaaradka ee RPP: Waxaan usoo jeedinayna barlamaanka Puntland inaay
maamulka Puntland maalmaha soo socda wax ka waydiiso shirkadii Range
Resources saamiyadii ay ka iib satay shirkada Consort qayb tii kaga soo
aaday Puntland meeshay martay dhaqaalahaas oo dhamaa $20 millyan oo ay
waliba Range ay sheegtay inuu kharash kaasu galay gacanta maamulka Puntland
10-05-07, waa in barlamaanku maamulka waydiiya meesha la dhigay lacagta iyo
dadka gacanta ku haya iyo waxa lagu qabanayo.
SII AKHRI
Hadda,
Nov 2007 fikirkiisa cusub waa:
Nov
1, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha
warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland: "Waxba kama jiraan in dhaqaalaha Puntland wakhtigaan kooxyar qaadato,
dhaqaalaha Puntland dhamaantii waxaa hada loo qoondeeyay sidii loogu xorayn
lahaa gobolka Sool ee nalaka haysto hadaanahay maamulka iyo shacabka
Puntland, dhaqaale la lunsado iska daaye jiro maayo xataa mushahaar uu
qaadanayo qof ka tirsan maamulka Puntland inta laga xorayn magaalada
mihiimka ee Lascaanod...
Intaas wixii dheer, Akhristayaasha ayaan u
dhaafnay jawaabta....