Warar: June 29, 2007
- Barre Hiiraale "C/llaahi Yuusuf ayaa ka
dambeeyey in qarax la ii gaysto"
- Dil loo gaystay Guddoomiyihii waaxda
koowaad ee Degmada Dayniile
- Dowladda Mareykanka oo loo gudbiyey
dacwad ka dhan ah Geedi.
- Qarax lala beegsaday gawaari ay
lahaayeen ciidamada Itoobiya oo ka dhacay...
Barre Hiiraale "C/llaahi Yuusuf ayaa ka
dambeeyey in qarax la ii gaysto"
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Dowladda Federaalka haatanna xildhibaan ka ah
Dowladda Federaalka ayaa maalintii doraad ahayd waxaa loo gaystay qarax aad u
weyn oo ahaa mid meelaha fog fog laga hago, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday
darawalkii Gaariga, waxaana ku dhaawacmay Barre Hiiraale iyo saraakiil kale oo
la socotay.
Barrre Hiiraale oo la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud ayaa waxa uu
sheegay mar la wareystay in qaraxii lala beegsaday Gaariga uu saarnaa laga soo
abaabulay magaalada Muqdisho lagana dambeeyey waxa uuna carabka si gaar ah ugu
dhiftay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
“Markii uu dhaawacu I gaaray, waxaa rasaas dabaaldeg ah laga riday xarunta
Madaxtoonyada Dowladda Federaalka ee Magaalada Muqdisho” ayuu si kulul u yiri
Barre Hiiraale oo sheegay in lagu raad joogo raggii loo soo adeegsaday
qaraxasai, hase yeeshee afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa warkaasi ku
tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la doonayo in laga isaga hor
keeno Bulshada Soomaalyeed.
Dil loo gaystay Guddoomiyihii waaxda
koowaad ee Degmada Dayniile
Iyadoo ay weli sii kordhayaan dilalka loo gaysanayo mas’uuliyiinta Dowladda
Federaalka, Ciidamada Booliiska iyo guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banadir
ayaa shalay degmada Dayniile lagu dilay guddoomiyihii waaxda koowaad ee
degmadasi oo lagu magacaabo Max’ed Xaaji Cali, waxaana la sheegay in dilkiisa ay
gaysteen saddex nin oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Dhawaan ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay dileen guddoomiyihii degmada Shibis
Abuukar Xuseen Bandaas, iyadoo maamulka Gobalka Banaadir uu dhawaan ilaalo gaar
ah iyo gawaariba siiyey guddomiyaha degmooyinka Gobalka Banaadir.
Duqa Magaalada Muqdisho Max’e Dheere ayaa waxa uu sheegay in kooxaha ka
dambeeyey qaraxyada iyo dilalka ay yihiin kuwo aan dooneyn in dalku ay nabadi ka
dhacdo balse doonaya in dalku uu sii ahaado dowlad la’aan, waxa uuna sheegay in
aysan marnaba u dhutin doonin oo ay sii wadi doonaan hawlaha ay ku sugayaan
amaanka Magaalada Muqdisho.
Dowladda Mareykanka oo loo gudbiyey dacwad
ka dhan ah Geedi.
Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka waxay sheegayaan in wasaaradda Arrimaha
Dibadda ee Mareykanka loo gudbiyey dacwad ka dhan Ra’isul Wasaare Cali Max’;ed
Geedi oo haatan booqanaya wadanka Mareykanka, waxaana dacwadaas gudbiyey dad
Soomaali ah oo sheegay in Geedi uu Soomaaliya ka galay dambiyo dagaal iyo waliba
xasuuq.
Dadkii gudbiyey qoraalkaasi waxay ka codsadeen Dowladda Mareykanka in ay talaabo
adag ka qaado Cali Max’ed Geedi iyo waliba shaqsiyaadka la mid ah sida ay
hadalka u dhigeen.
Magaalada Washington ayaa waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo
booqashada Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ee dalka Mareykanka, waxayna dadka
qaarkiis ku dhawaaqayeen “Geedi waa gacan ku dhiigle, waa nin maxkamad deg deg
ah la soo taagaa” “Soomaaliya waxaa ka dhacay xasuuq ay gaysteen Ciidamada
Itoobiya iyo Dowladda Federaalka”.
Wasaaradda arrimaha Dowladda Mareykanka qoraalkaasi waa ay ka aqbashay dadkii
soo gudbiyey, waxayna sheegtay Wasaaraddu in ay baaritaan ku sameyneyso
waxyaabaha ay ka tabanaan dadka Soomaliyeed Dowladda Federaalka.
Qarax lala beegsaday gawaari ay lahaayeen
ciidamada Itoobiya oo ka dhacay...
Shalay subaxnimadii ayaa kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey agagaarka
Hotel kaah oo ayna la socdeen kuwo kale oo Soomaali ah ayaa waxaa lala
beegasaday qarax si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in
qaraxaasi uu gaystay khasaare naf iyo Gaadiidba leh.
Dad goob joog ahaa ayaa inoo sheegay in gebi ahaanba Gaarigii Itoobiya uu
burburay isla markaana uu ku dhacay meel ka fog halkii uu qaraxu ka qabsaday,
sidoo kalana gaari Cabdi-Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo Soomaali ah ayaa isna
halkaasi ku burburay.
Waa qarixii labaad oo loo gayso ciidamada Itoobiya todobaad gudihiisa, iyadoo
dhawaan gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya lagu qarxiyey agagaarka
Kulliyaddii Jaale Siyaad.
Waxaa maalmahan ku soo saa’idayey Magaalada Muqdisho qaraxyada iyo weerarada
lagu hayo ciidamada Itoobiya kuwo Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaa sii
kordhayay dilalka loo gaysanayo xubnaha u shaqeeya Dowladda Federaalka.
Hayadda NCF oo qabatey Dood ku saabsan
waxbarashada
Maalintii shalay ahayd ayaa dood ku saabsan Waxbarashada waxaa lagu qabtay
Hotel Saxafi Two, waxaana ka qaybgalay Macallimiin, Aqoonyahano Arday iyo
dad ehel u ahaa waxbarashadii Soomaaliya oo mudo ku soo dhex jiray, waxaana
soo qabanqaabiyey Hay’ad wadani oo lagu magacaabo National Civic Forum,
waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Axmed C/lllaahi Ibraahim oo ah ka
mid ah saraakiisha sarsare ee Hay’adaasi oo sheegay in doodaani ku saabsan
waxbarashada aysan ahayen doodii ugu horeysay oo ay qabto hay’addooda,
isagoo sheegay in doodaha noocaan ah ay ka soo bixin karaan sidii
waxbarashada Soomaaliya loo horumarin lahaa...
AKHRI....
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Hayadda NCF oo
qabatey Dood ku saabsan waxbarashada
Marxuum Ugaas Barkhdle Cumar oo
ka mid ahaa Ismiada Puntland oo lagu
Dilay Nairobi
Waxaana a dhawacay labo qof oo uu mid
yahay dhaawac halis ah....
Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2007
|