Hayadda NCF oo qabatey Dood ku saabsan
waxbarashada
Maalintii shalay ahayd ayaa dood ku saabsan Waxbarashada waxaa lagu qabtay
Hotel Saxafi Two, waxaana ka qaybgalay Macallimiin, Aqoonyahano Arday iyo
dad ehel u ahaa waxbarashadii Soomaaliya oo mudo ku soo dhex jiray, waxaana
soo qabanqaabiyey Hay’ad wadani oo lagu magacaabo National Civic Forum,
waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Axmed C/lllaahi Ibraahim oo ah ka
mid ah saraakiisha sarsare ee Hay’adaasi oo sheegay in doodaani ku saabsan
waxbarashada aysan ahayen doodii ugu horeysay oo ay qabto hay’addooda,
isagoo sheegay in doodaha noocaan ah ay ka soo bixin karaan sidii
waxbarashada Soomaaliya loo horumarin lahaa.
Qodobadii sida aadka ah looga dooday, waxaa ka mid ahaa, Maxay tahay
Waxbarashadu?, yaase ah aqoonayahan?, Maraxaladihii kala duwanaa ee ay soo
martay waxbarashada Soomaaliya iyo qaybaheeda, in qiimeyn lagu sameeyo
waxbarashadii sanadkii 1990-kii ka hor iyo kadib, kaalinta waxbarashada iyo
Dalladaha, mideynta manhajka iyo kala duwanaasha Manahijta iyo saameynta ay ku
yeelan karto waxbarashada ardayda, maxaa sabab u ah isku dheelitir la’aanta
waxbarashada Wiilasha iyo Gabadha?, xiriirka Macallinka iyo Aradyga iyo
waalidka, tayeynta waxbarashada iyo caqabadaha jira iyo talooyin guud.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi lagu daawaday Filim ku saabsanaa waxbarashada
Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen Aqoonayahano Soomaaliyeed oo ku xeel dheer
waxbarashada wadanka, kuwaas oo ka hadlay heerarkii ay soo martay waxbarashadsa
Soomaaliya.
Xubnihii ka qaybgalay doodadda ee halkaasi hadlay, waxaa ka mid ahaa Muxiyadiin
Nuur Hilowle oo ka socday Jaamacadda Muqdisho oo isagu ku dheeraaday heerarkii
ay waxbarashada Soomaaliya soo martay iyo sida lagu tayeyn karo waxbarashada
wadanka, sidoo kale waxaa ka hadlay Cali Max’ed Cosoble oo isna ka socday
Jaamacadda Banaadir, waxa uuna soo jeediyey in ardayda la baro wax la yiraahdo
wadaniyada, isagoo sheegay in Carruurta Soomaaliyeed aysan waxba ka aqoon, waana
midda keentay burburka maanta ka taagan Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay Max’ed
Sheekh C/salaan oo wax ka barta Jaamacadda Islaamka ee Muqdisho, waxa uuna isna
sheegay ama lafaguray sida lagu hormarin karo waxbarashada Soomaaliya, waxaa
kaloo ka hadlay C/risaaq Yuusuf oo ka socday Jaamacadda Banaadir oo isna sheegay
in Manaahijta kala duwan ay ugu wacan tahay horumar la’aanta waxbarashada
wadanka Soomaaliya, waxa uuna soo jeediyey in la sameeyo manhaj mideysan.
Shamso Axmed Max’ed oo ka socotay Hay’adda SSWC ayaa iyana sheegtay in Manhajka
Soomaaliya uu dhibaato ku yahay carruurta Soomaaliya, waxayna ku boorisay in
Luuqad gaar ah waxbrashada lagu jiheeyo.
Faarax Shuceyb ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in carruurta Soomaaliyeed
loo helo dad aqoonayahano ah oo ka soo dhisa hoos si ay waxbarashadu u noqoto
mid tayeysan.
Sagal C/risaaq ayaa iyana waxay sheegtay in waxbarashada Soomaaliya lagu daro
Tiknoolajiyadda Casriga ah si ay wax ula qaybsadaan wadamada horumaray.
Macallin Aadan oo inta badan wax ka soo dhigi jiray Jaamacaddii Lafoole ayaa
isna waxa uu yiri “Manhaj dad kale leeyahay haddii aan qaadato waa adigoo qof
kale soo saaray, waxaana soo jeedi lahaa in laga haro manaahijta shisheeyaha
ah”, waxayna doodaasi ku dhamaatay sidii loogu talagalay.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2007


|