SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Ibraahiim Diiriye: Aabbe Ciidamada Itoobiya ka dileen Saddex Wiil oo uu dhaley
Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha oo aan ka hadlin Dilkaas foosha xun
Wuxuu u baahan u yahay Gargaar


Saddexda wiil ee walaalaha ahaa ee Ciidamada Itoobiya dileen [20-jir, 18-jir iyo 16-jir]


Waadidka wiilasha la diley

Waxaa maalintii shalay ahayd xafiiska nagu soo booqday Ibraahim Diiriye Mire oo dhalay saddex wiil oo 19/6/2007 ciidamada Itoobiya ku dileen agagaarka Kulliyaddii hore ee Jaale Siyaad. Wiilasha oo magacyadoodu kala ahaayeen C/qaadir Ibraahim Diiriye oo 20-jir ahaa, Sharmaake Ibraahim Diiriye oo 18 jir ah, iyo Jaamac Ibraahim Diiriye 16 jir ah.

Dilkaas ayaa waxa uu yimid mar Ciidamada Itoobiya gaari ay saarnaayeen halkaasi qarax loogu gaystay, waxaana dhacday in Ciidamada Itoobiya markiiba ku yaaceen xaafadihii halkaasi ku dhawaa, waxayna hal guri ka soo wateen lix qofood oo ay ku jireen saddex wiil oo walaalo ah, wiil saaxiibkood ah iyo labo oo guri dhiseesay oo farsamo yaqaano ah ah.

Ibraahim oo ah Aabbaha dhalay wiilashaasi xiligaasi waa uu ka maqnaa guriga, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri:

“anigoo ku sugan Magaalada ayaa la igu soo wargeliyey in carruurtii ay ka kaxeysteen ciidamada Itoobiya guriga, waxaana i gashay cabsi iyo rajo ah in la sii deyn doono, markiiba waan soo cararay” ayuu yiri Ibraahim Diiriye oo intaa raaciyey “Haddana Taleefan ayaa ii soo dhacay waxaana la igu yiri saddexdii wiil ciidamada Itoobiya way dileen, waxaana la ii daba dhigay in labo nin oo farsamo yaqaano ah oo ka shaqeenayey guriga iyo wiil isna wiilasheyda saaxiib la ahaa iyana la dilay maydkoodana wadada uu yaalo, waxaana la dhaqaaqi waayey naxdin”.

Ibraahim oo markaan wareysanayey ilini ay ka socotay ayaa waxa uu ii sheegay in wiilasha qaarkood ay dhameeyeen Dugsiga sare midka weyna uu dhawaan shaqo bilaabi lahaa, ibraahim waxa uu dhacdadaani ku tilmaamay mid naxdin leh oo laga murugoodo, isagoo sheegay in aysan ka hadlin ilaa iyo haatan Hay’adaha xaquuqda Aadanaha, sidoo kalana aysan ka hadlin Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya.

 “Waa xoog aan ku baxsan lahaa, waayo waxay joogeen xiligii lagu nacfin lahaa, hase yeeshee taasi ma dhicin, oo waxaa maalin cad si bareer ah loogu toogtay wadada dhexdeeda” ayuu sii raaciyey hadalkiida Aabbe Ibraahim Diiriye oo isagu u mahadceliyey dadka deriska ahaa ee gacanta ka gaystay duugista carruurtiisa, wuxuu kale oo uu intaa sii raaciyey “Anigu wax shaqo ma hayo maanta, waxaanse fiirsanayey saddexda wiil xoogooda, hase yeeshee qadarta alle ayaa ku dhacday, laakiin gacan ka gardaran ayaa dishay.

Saddexda wiil oo dhiganayey dugsiga sare ee Badbaado ayaa waxaa dilkooda ka naxay Ardaydii ay isku fasallada ahaayeen, waxaana maalin walba Guriga booqda ardaydaasi oo raxan raxan u socota.

 

Aabbe Ibraahim ayaa sheegay in uusan marnaba ka hari doonin xasuuqii loo gaystay carruurtiisa uuna dacwo ku soo oogi doono dadkii ka dambeeyey dilka carruurtaasi.

Aabbe Iraahim Diiriye wuxuu u baahan yahay Gargaar, waa aabbe ay carruurtiisii ka dileen ciidamada Itoobiya, wixii gargaar ah ugu soo hagaaji.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Tel 002521-552494

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com