Marxuum Ugaas
Barkhadle Cumar oo ka mid ahaa Isimida Puntland oo salaadii subax markii uu ka
soo baxay lagu Dilay Nairobi,iyadoo la dhaawacay labo qof oo uu mid yahay
dhaawac halis ah .
Waxay ahay abaarihii 6:30 AM
ee subaxnimo qiyaastii 45 daqiiqo ka dib salaadii subax maalintii Khamiista
ahayd 28/06/2007 markii uu Shahiiday[geeriyooday],Marxuum,Ugaas Barkhadle
Cumar oo ka mid ahaa isimada Puntland isla markaana ka mid ahaa culumada u soo
baxaysay umada soomaaliyeed, meeshuna waa Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada
Islii ee ay Soomaalidu dagan tahay.
''Salaadii subax markii uu
ka soo baxay masaajidka Abuubar Alsadiiq(6 Street ) ee xaafada islii ayaa waxaa
uu u dhaqaaqay dhanka jidka 8 Street halkaasi meel makhaayad ah oo shaaha laga
cabo subaxii,markii uu galay halkaasi oo fadhiyay in cabaar ah ayaa waxaa ka soo
galay iridii Makhaayada nin Burcad Kenyan ah oo ku hubaysan Bostoolad waxaana uu
ku bilaabay baaritaan laakiinse markii uu ku dhaqaaqay arintaasi ayaa Ugaas
Marxuum Barkhale iyo Cabdisamiic ay damceen in ay iska difaacaan burcada oo ay
si farsamadeedan uga tuureen bostooladii uu watay ka dib waxaa u soo gurmaday
labo Burcad ah oo banaanka kor ka ilaalinasay makhaayada waxayna rasaas
waxashnimo ah ku fureen Marxuumka Shahiiday ee Ugaas Barkhadle Cumar,sidoo kale
waxaa uu dhaawac ka soo gaaray laba qof oo mid uu yahay dhaawac cusulus
magaciisana la yiraahdo C/samiic oo iminka lagu baxnaaninayo Isbitaalka Kenyta
ee magaalada Nairobi halka kan kale oo ahaa nin oday ah oo uu dhaaca aad u fuud
wajiga ka gaaray ka dib markii ay xabadii ay sartay''
sida ay Somalitalk.com u sheegeen dadkii meesha joogay wax yar ka dib markii
falkaasi uu dhacay oo aan tagay.
Dhaca ayaa waxay ka gaysteen
burcadaan dilka gaystay gabi ahaanba masaajiyada xaafada Islii marka salaada
laga soo baxo gooba laga shaaheeyo laga soo bilaabo 12 Street masaajidka wayn ee
ku yaala kan masaajidka ku yaala 8 Street, Masaajidka Abuubar Alsaqiiq(6 Street
)iyo ugu danbayntii Masaajidka 3 Street ku yaala oo ay gabi ahaanba sida ay dad
xog ogaal ah u sheeegeen Somalitalk.com
Galabnimadii Khamiista ahayd
ayaa Salaadii Janaasada waxaa lagu tukaday Marxuumka Masaajidka wayn ee Abuubar
Alsaqiiq(6 Street ) waxaana ku tukaday dad aad u badan oo qiyaastii gaarayay 600
oo qof waxaana salaada dadka tujiyay Shiekh Maxamed Cabdi Umal.
Aaska Marxuumka ayaa waxaa
uu ka dhacay Qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi,waxaana ka soo qayb
galay dad aad u fara badan,oo ay hormuud u yihiin culumada Soomaaliyeed ee
dalkan Kenya qaar ka mid ah Shiekh Maxamed Cusmaan iyo culumo kale .
Shiekh Maxamed Cusman ayaa
Aaskii ka dib u duceeyay marxuumka Geeriyooday isagoo ku booriyay dadkii ka soo
qayb galay in ay EEBE xasuustaan mar walba oo qof waliba uu dunidaan ka tagayo
maalin oo uu aakhiro la tagayo Camalkiisa,marxuumkaan geeriyoodayna ay eebe
Khayr uga rajaynayaan maadaama isagoo salaad subax ka soo baxay ay dishay gacan
ka xaq daran
Tacsi ayaa waxaa diraya
1- Sheikh Maxamed
Cusmaaan
2- Ustaad C/laahi
Maxamed Faarax
3- Nabadoon C/wali Xasan
Biixi
4- Maxmed Nuur Shire
5- Jaamac Dharbaaxo
6- Maxamed C/laahi
7- C/rixamaan Muuse
8-
C/xakiim C/kariim Diiriye
9- Axmed Ciise Qulaam
10- Iiman Cali Cabdi
11- C/fitaax Cali
12- C/risaaq Maxamed
13- Ustaad C/risaaq Cirro
Waxaan Hadii aan
Nahay Bahda SomaliTalk.com EEBE uga baryaynaa Samir iyo iimaan inoo ka siiyo
Ehelkiisii iyo asaxaabtiisa iyo umada Soomaaliyeedba intii taqaanay.
Maxamed Cabdi
Maxamed Bootaan
Faah Faahin
Somalitalk,|June|29|2007
Nairobi,Kenya
Islii,
Botaan1@hotmail.com
Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha....
Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2007
Barre Hiiraale "C/llaahi Yuusuf ayaa ka dambeeyey in
qarax la ii gaysto"
.Dil loo gaystay Guddoomiyihii waaxda koowaad ee Dayniile
.Mareykanka oo loo gudbiyey dacwad ka dhan ah Geedi.
.Qarax lala beegsaday gawaari ay lahaayeen ciidamada..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Jun 29


|