SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Barnaamijkii Radio Xoriyo  
23 Jun 2007.  
 
Dagaallo badan oo CWXO ku jabiyeen kuwa cadowga.
 
Dadwayne cadowgu meelo kala duwan ku laayay.
 
Ciqaab wadareed ciidammada ku hayaan deegaanno kala duwan.
 
Dagaallo badan oo CWXO ku jabiyeen kuwa cadowga.
 
Barnaamijkii Xog-Warran(Jabhad Xaq ah..Warbixin dheer uu wariye Jeffery oo u shaqeeya Newyork Times  kaga waramayo Ciidanka qalabka sida ee ONLF iyo wadanka Ogadenya).
 
======================            
 
Dagaallo badan oo CWXO ku jabiyeen kuwa cadowga.
 
 
Wariyaha nooga soo warrama jiidda hore ee dagaalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo si wayn loogu jabiyay ciidammada naf la-caariga ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
20/6/07 Afwayne waxaa lagu miray cidammada gumsysiga, waxaana loo gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
 
20/6/07 weerar gaadmo ah oo ciidammada gumsyiga loogu gaystay meesha lagu magacaabo Xiiraha, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa guaysiga lagaga dilay 3 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
20/6/07 Dhagaxley waxaa lagu weeraray kolonyo baabuur ah oo ciidammada cadowgu leeyihiin, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
20/6/07 Oonyood weerar gaadmo ah oo ciidammada cadowga loogu gaystay, waxaa la gaadhsiiyay khasaare ba’an.
 
19/6/07 Hunjurri, oo Dhagaxbuur u dhaw dagaal adag oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
19/6/07 weerar mir ah oo lala beegsaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Diyaar, oo ka tirsan degmada Awaare, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay inta la ogyahay 11 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Sidoo kale 19/6/07 dagaal ka dhacay Afwayne, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 19/6/07 Kurtun, oo Dgaxbuur ka tirsan, waxaa lagu miray ciidammada gumaysiga, waxaana loo gaystay khasaare an faahfaahintiisa la haynin.
 
19/6/07 Kaba-royaan, oo Garoonka u dhow, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
18/6/07 Gumarrey, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay labo baabuur, oo iyaga iyo wixii saarnaaba ay halkaas ku bas-beeleen. Ciidammada gumaysiga ee xaruntoodu tahay agaalada Qabridaharre ayaa markii khasaarahaas loo gaystay waxay dib ugu jeesteen dadwaynaha rayadka ah, waxayna odayaasha magaalada u sheegeen in loo haysto magtii 8 nin iyo labo baabuur oo laga gubay.
 
17/6/07 Kabaalo-Cadde, oo Garigo’an u dhow, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 3 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 17/6/07 Waafdhuug duleedkeeda dagaal aad u qallafsan oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay inta la ogyahay 70 askari, 26 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidankan Waafdhuug lagu jabiyay ayaa mar kale isla taariikhdaas lagu helay Garloogube, waxaana laga dilay 8 askari, 9 kalana waa laga dhaawacay.
 
16/6/07 Gudhis dagaal aad u culus oo ka dhacay waxaa cadowga laggaa dilay inka badan 92 askari, 58 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 16/6/07 Dhagaxyaley, oo Garigo’an u dhow, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
15/6/07 Waddo-Abaareed, oo Awaare ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 6 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
14/6/07 Qolqolow, oo Qabridaharre u dhow, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal Baabuur oo Uuraal ah, waxaana bas-beelay isaga iyo wixii saaraa.
 
14/6/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa gacanta ku dhigay meesha lagu magacaabo Roga, oo wax yar u jirta magaalada Harar, waxaan dagaalka meeshaas lagu qabsaday ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay, waxaa sidoo kale lagaga furtay 8 Qri.
 
11/6/07 Dhagax-madow dagaal mir ah oo ka dhacay, waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
 
11/6/07 waxay CWXO gacanta ku dhigeen 4 ka mid ah malleeshiyo hubaysan oo ciidammada gumaysiga la shaqeeya, kuwaasoo lagu qabtay meesha lagu magacaabo Dhurwaale, oo Qabribayax u dhow. Malleeshiyadan ayaa la sii daayay, ka dib markii digniin la siiyay ah inayna dib ula shaqaynin ciidammada guaysiga.
 
Dadwayne cadowgu meelo kala duwan ku laayay.
 
Ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 20 qof, kuwaasoo ay qaarkood gawraceen.
 
 
 
 
Markii ay taariikhdu ahayd 18/6/07 waxay ciidammada gumaysiga ku gawraceen magaalada Gumarrey 3 nin oo rayad ah oo maydkooda suuqa ay soo dhigeen, waxaanan magaciisa helnay Alla ha u naxariisteen Xasan Axmed Jees Baddal. Waxay sidoo kale dhaawac gaadhsiiyeen hal nin oo lagu magacaabo Xasan-nuur Cawil Mahad.
 
Magaalada Qabridaharre waxay ku dishay markii ay taariikhdu ahayd 19/6/07 Alla ha u naxariistee C/qaadir Xareed Alaaki.
 
19/6/07 Hunjurri, oo Labiga u dhaw, kana tirsan degmada Dhagaxbuur, waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku dileen 18 qof oo rayad ah. Dadkan ay ciidammada gumaysigu halkaas ku laayen waxaa ku jira labo carruur ah. Dadkaasi waxaan magacyadooda helnay;
1-    Muxiyadiin Yuusuf Cumar
2-    Maxamed Yuusuf Cumar
3-    Macalin Cabdi Xaashi
4-    Maxamed Cabdi Qoor-yare
5-    C/llaahi Maxamed Af-daacuun
6-    Qoor-gaab Cali Abshir
7-    Miyir Cabdi Goorre
8-    Farxaan Cabdi Carab (gabadh)
9-    Sharaf Macalin Cabdi
10-                  C/llaahi Axmed Furre iyo
11-                  Cibaado Maxamed Cabdi oo dhaawac ah
 
19/6/07 waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku dileen meesha lagu magacaabo Coballey dadwayne rayad ah oo ay ku jiraan labo carruur ah oo yaryar, waxayna kala yihiin;
1-    Faroole Cabdi Bootaale
2-    Asad Yuusuf Iley
3-    Nuur Yuusuf Iley
4-    Waayeel Cabdi IImaan
5-    Ina Mataan oo magaciisa hore anaan haynin iyo labo carruur ah oo yaryar. Deegaannadan ay dadka ku laayeen ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale ku gubeen Aqallo badan oo hantidii taallay oo dhan ay ku bas-beeshay.
 
12/6/07 waxay ciidamada gumaysigu magaalada Qabridahare ku dileen;
1-    Cumar Islaan Muxumed iyo
2-    C/wali Sh Xirsi
 
Markii ay taariikhdu ahayd 01/6/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale ku laayeen meesha lagu magacaabo Ku-naso, oo ka tirsan degmada Shilaabo, afar qof oo rayad ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1-    Cali Cawaale Qorrax iyo
2-    Qorane Xasan Guuleed Kawiye
 
 
Ciqaab wadareed ciidammada ku hayaan deegaanno kala duwan.
 
Ciidammada gumaysiga oo hadda ku hawllan xasuuq ay ku hayaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya iyo cunaqabatayn dhaqaale oo ay si wadajir ah ugu soo rogeen dadwaynaha ku dhaqan Ogaadeenya oo dhan, ayaa ciqaab wadareed u gaystay dadwayne rayad ah oo ku nool qaar ka mid ah degaannada ay dhibaatooyinka ka wadaan.
 
Ciidammada gumaysigu waxay si qasab ah deegaannadoodii uga rareen dadwaynihii ku dhaqnaa nawaaxiga magaalada Yucub, waxayna isugu geeyeen Ceelka Walwaal, halkaasoo ay ilaa iyo hadda ku horjoogaan. Dadkan ayaa si qasab ah deegaannadoodii looga soo raray, iyadoon loo suuragalinin inay xoolohoodii soo kaxaystaan ama agabkoodii soo qaataan.
 
Dadkan ayaa halkaas ku tabaalaysan, iyadoon wax gargaar ah oo loo fidiyay ayna jirin tan iyo markii halkaas sida qasabka ah loogu soo xareeyay.
 
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu cunqabatayn gaar ah saareen dadwaynaha ku dhaqan in ka badan 11 tuulo oo ka tirsan degmada Galaalshe, kuwaasoo mudo bil ah wax ka baxay iyo wax galay midna ayna jirin.
 
Tuulooyinka xayiran waxay kala yihiin Malqaqa, San-madheedhle, Garrida, Dheenka, Daalatayowga, Karinka, San-xaskulle, Xero-safar, Tantoomi, Eedaan iyo Wiila-lays. Tuulooyinkan waxaa laga mamnuucay inay isu socdaan ama uu soo galo wax gaadiid ah, waxayna dadku ku nool yihiin waxa xoolohooda ka soo go’a oo kaliya.
 
Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu beryahan denbe oo dhan raafayaan dhalinyaradii ardayda ahayd ee meelo badan oo Ogaadeenya k mid ah, kuwaasoo si qasab ah askar looga dhigayo.
 
23 Jun 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2007


Qaraxyo ka dhacay Magaaloyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diinsoor
.Siminaar lagu qabtay xarunta SSWC....
.DFKMG oo diyaar garoow ugu jirta 26 Juun iyo 1-da Luulyo
.Sheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxaya Qaahira..
.Dagaalo ka dhacay Gobalka J/hoose, gaar ahaan Kismaayo
.Dowladda Mareykanka oo walwal ka Muujisay Muqdisho..
.Firimbi oo beeniyay in uu Max’ed Dheere uu xanuunsanayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 23

Bayaan: Beesha Hawiye ee Gobolka Minnesota, USA
Beeshu waxay ka digeysaa shir ku sheega loogu talo galey in lagu marin habaabiyo rayul caalamka...
Akhri Jun 22

Munaasabad Qalin Jabin ah oo ka dhacday Islii, Nairobi
Xafladdaas oo dadweyne farabadani ka soo qayb galeen
Akhri

Kulan balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beesha Gaal-Jecel ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho... Akhri... Jun 22

Puntland Malahan Maxkamad Dastuuri ah oo lagu kala baxo hadii khilaaf ka dhasho Golayaasha Xukuumada.
iyo  Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal oo laga hirgaliyay Isgaarsiinta Casriga ah... Akhri...

Madaxwaynaha DGPL Gen. Cade Muuse oo eedayn u jeediyay kooxaha ku sugan Asmara.
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com