w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- ISLII, NAIROBI
|
Munaasabad Qalin
Jabin ah oo ka dhacday Xarunta Gheifka Islii 9
Street oo ay dad badan ka soo qayb galeen
Daawo
Sawirada Munasabadda
Maalinimadii
Khamsiita ahayd ee ay taariikhdu ku beegneed,
21 June 2007 ayaa waxaa munaasabad arday ka
qalin jabinaysay (Computerka Soft Ware) Schoolka
Al- Imra Union Of Language and Computer
Training waxay ka dhacday xarunta Dowlada Hoose
ee Xaafada Islii ee ku taala 9 Street waxaana
ka soo qayb galay munaasabadaasi arday badan iyo
waliba dad wayne kala duwan oo ay ka muuqatay
faraxad iyo shucuur xanbaarsan wax barashada
hamuumta loo qabay.
Xaflada ayaa waxay ku bilaabtay Aayado Quraan ah
ka dibna waxaa la guda galay barnaamijka
qaybihiisii kala gadisnaa, waxaana halkaasi
hadalo wax ku ool ah ka soo jeediyay marti
sharaftii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay
munaasbada ardayda shahaada lagu
gudoonsiinayay,waxaana halkaasi hadal qiimo
badan ka soo jeediyay mid ka mid ahaa
waalidiinta oo ku hadlayay magaca waalidiinta oo
dhamaan dhalinyaradii ardayda ahayd ku dhiiri
galiyay in ay sii wataan waxbarshada oo aysan
waxbarashadu ahayn mid meel ku eg,isaguu
hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri '' qofba
markii uu wax baranayo waa inuu kalsooni buuxda
u hayo waxa uu baranayo si uu heer uga gaaro
bari oo uu dalkiisa iyo diintiisaba u anfaco
Waxaa kale oo halkaasi hadal qiimo leh ka soo
jeedisay Khadiijo Mayow Abuukar oo ka mid ah
saxafiyiinta ugu waa wayn kuwa dalka soomaaliya
isla markaana macalimad xiligii dowlada
soomaaliya ka ahayd dalka Soomaaliya,waxayna ku
dhiiri galisay dhamaan ardayda in ay mar kasta
ku fakaraan in ay aqoonta soo hor mariyaan,si
gaar ah ayaa dhiiri galin buuxda oo ku aadan
dhanka wax barashada waxay u jeedisay
gabadhihii ka soo qayb galay munaasabadaasi
waxayna tiri '' mar waliba raga ama wiilashu
waxay idinka aaminsan yihiin inaad ku fiican
tihiin canjeelada iyo birta iyo howlaha guriga
maahan sidaa waa inaad idinku ka qayb qaadataan
wax barashada way idin anfacaysaa'' ayaa ay tiri
Khadiijo Mayow Abuukar', waxaa halkaasi ka
hadlay wariye Mursal Quule Axmed oo ka mid ah
saxafiyeenta ka howl gala Iqra Fm waxuuna
ardayda ugu baaqay in ee sii wataan dadalkooda
ku aadan waxabarashada, waxaa kaloo ka hadalay
wariye Maxamed Cabdi Bootaan oo ka tirsan
Shabakada SomaliTalk waxoona ardayda soo
xasuusiyay hormarkii uu gaarsiiyay ra,iisal
wasaarihii hore ee
Malaysia Mahathir Maxamed dalkiisa oo ku
aadanaa dhanka waxbarashada iyo dhanka
caafimaadka, waxuuna ugu baaqay dhalinyarada u
baqooleysa dalalka reer galbeedka in ay wax ka
soo bartaan oo ay ku hormariyaan dalkooda.
Mid ka mid ah gabadhihii ka khudbeeyay
munaasabada ayaa oo magaceeda la yiraahdo
Nadiifo Cumar Abuukar ayaa waxay soo jiidatay
dadkii ka soo qayb galay ka dib markii ay
khudbad qiino leh oo ay ku jeedisay qayb ka mid
ah Luuqada Carabiga ee ugu sharafta badan
luuqadaha Caalamka, waxayna kaga sheekaysay
ahmiyada ay lee dahay wax barashada.
Macalin Cabdiraxmaan (Brtish) oo ka mid ah
macalimiinta Wax ka dhigta qaybaha kale ee
Schoolada al Cimra ee xaafada islii ayaa
halkaasi hadal ka soo jeediyay muhiim ahaa oo ku
aadan Aqoonta iyo Jahliga farqiga u
dhexeeya,Macalin Cabdilaahi (Waado) oo ka tirsan
macaliminta Al-imra Union ayaa isana ku
goobaabiyay ardayda waxbarashada, Macalin Axmed
Shiikh Aadan oo ka mid ah macalimiinta schoolka
dhigana Computerka ayaa isna ka hadlay
faa'iidayda uu lee yahay aalada Computerka
Barashadeedu.
Gabagabadii khudbooyinka ayaa waxaa khudbad ka
soo jeediyay halkaasi Maammulaha guud ee
Schoolka Xuseen Cumar Abuukar (Caanoole) waxaana
uu ku dheeraaday ahmiyada ay lee dahay aqoontu
isagoo sheegay in aqoon la'aanta ka jirta Dalka
Soomaaliya ay dhamaan dadka halkan jooga ay
keentay maanta,'' aqoon la'aantu waa cadowga ugu
wayn ee qofka bani aadamka ah la soo darsa ''
ayaa u yiri (Caanoole),mar oo ka war bixinyay
Schoolka ayaa waxaa uu sheegay in la furay Al
Imra Union Of Languages and Computer Training 1
Jully 1999,waxaana uu tibaaxay in ardayda dhigta
ay iminka gaarayso 550 qiyaastii iyadoo ay kuwa
kalana mar hore ka qalin jibiyeen oo ay dalka
kenya dibadiisa iyo gudhiisa ay joogaan.
Waxaa la soo bandhigay Riwaayad la magac baxday
'' DAMIIM MA JIREE DADAAL BAA LA IS DHER YAHAY''
oo ay ardayda ku soo bandhigeen halkaasi wax
yaabihii ay riwaaayadasi iga cajibiyay waxaa ka
mid ahaa araday ku matalaaye nin reer miyi oo
khaati ka istaagay wax barashada ka dib markii
uu dadaal dheeraad ah muujiyay ka hor maray
kuwii kale ee Reer magaalka ahaa ee ay wax ilsla
baranayeen markii hore damiin buu ahaa laakiin
dadaal ka dib ayaa waxa uu noqday nin aqoon
yahan ah oo macalin ka noqday markii danbe
Schoolkii oo dhiganayay.
Maamulka schoolka Al-imra Union ayaa ardaydii ka
so qeyb gashay munaasabadaas u qabatay
Wakhtiyaanasiib lagu gudoon siiyay abaal marino
kala duwan.
Ugu danbeetii waxaa aradaydii qalin jibisay oo
ay tiradoodu gaareesay 23 araday lagu doonsiiyay
shahaadadii qalin jabinta oo ka diwaan gishan
Society of Kenya waxaana halakasi joogatay
wakiil ka socday {The computer society of Kenya}
oo magaceeda la yiraahdo {Fanisha}, waxaana la
bixinaaye maamulka schoolak iyo wariye Khadiijo
Mayoow Abuukar.
Aradaygii ugu da'da yaraa oo qiyaastii jiray 9
ilaa 10 sano oo magaciisu la yiraahdo Xamza
Sheekh Abuukar {Xanfar} waxaana ka muuqatay
wajigiisa farxad aad u weyn isagoo u waramaayay
SomaliTalk ayaa waxa uu ugu baaqay dhalinyarad
asiga da'diisa ah inay waxabarashada ka daalin
ilaa ay heer ka gaari doonaan mustaqbalka.
Maahan markii ugu horasay oo munaasabad caynkaan
oo kale ay ka dhacdo xarunta Ghiefka ee xaafada
islii waxaana ay noqonaysaa mid ka mid ah kuwa
aad u badan oo halkaasi ka dhaca oo ay Schoolada
wax barashada ee xaafada Islii ku qabsadaan
xafladu.
Daawo
Sawirada
Maxamed
Cabdi Maxamed Bootaan
Nairobi, Kenya ,
Botaan1@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | June 21, 2007


|
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
©
www.SomaliTalk.com |
BAARID | SEARCH
|
|
|