Warar: June 23,
2007
-
Qaraxyo ka dhacay
Magaaloyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diinsoor
-
Siminaar lagu
qabtay xarunta SSWC
-
Dowladda
Federaalka oo diyaar garoow ugu jirta Munaasabahada 26-ka Juun iyo 1-da
Luulyo..
-
Sheekh Aadan
Madoobe oo maanta u ambabaxaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.
-
Dagaalo ka dhacay
Gobalka J/hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo
-
Dowladda
Mareykanka oo walwal ka Muujisay xaaladda nabadgelyo xumo ee dalka Magaalada
Muqdisho
-
Firimbi oo
beeniyay in uu Max’ed Dheere uu xanuunsanayo…
Demonstration on Tuesday June 26 2007 in
Washington DC
Somalia: UN: Humanitarian Situation Report
22 June 07
Qaraxyo ka dhacay
Magaaloyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diinsoor
Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Waxaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa qaraxyada lala beegsanayo
ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaana qaraxyadii ugu
dambeeyey ay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diisoor.
Labo qarax oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa
iyo labo qofood, mid waxa uu ka dhacay isgoyska Kaasabalbalaare, halka midka
kalana uu ka dhacay agagaarka Dekedda weyn ee muqdisho, iyadoo kii ka dhacay
Dekedda weyn ee Muqdisho ay ku geeriyoodeen lix askari oo ka tirsan Dowladda
Federaalka, mar ay miino kula qaraxday gaari ciidmada Dowladda FKMG wateen.
Sidoo kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne waxa ay sheegyaan
in qarax weyn uu ka dhacay bartamaha Magaalada oo uu ku dhintay hal qof,
sidoo kale warar ka imaanay Diinsoor ayaa waxay sheegaay in koox dabley ah
ay weerar ku qaaday saldhiga Booliiska degmadaasi halkaasi oo ay ka gaysteen
qaraxyo iyo waliba israsaaseyn noo la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa iyo
shan qofood
Siminaar lagu
qabtay xarunta SSWC
Siminaar socday mudo saddex maalmood ah ayaa lagu qabtay xarunta Ururka
Badbaada Haweenka iyo Dhallankaa SSWC ee magaalada Muqdisho.
Siminaarkaan oo lagu baranayey cashiro ku saabsan xaquuqda Haweenka,
Mas’uuliyadda Bulsha dhexdeeda ku leeyihiin Haweenka, Doorka Go’aanka
qaadashada siyaasadda dalka.
Siminaarkaan waxaa cashiro ka bixinayey Macalimiin aqoon iyo waayo-aragnimo
dheer u leh arrimahaasi oo ay ka mid ahaayeen Max’ed Cilmi Guure iyo Sheekh
Ibraahim Max’ed Nuur.
Gebagabadii siminaarkaan oo ay ka soo qaybgaleen 70 xubnood oo isugu jiray
Rag iyo Haween waxaa macallimiinta iyo ka qaybgalayaashu ammaan balaran u
soo jeediyeen Hay’adda SSWC oo suuragelisay siminaarkaan waxayna ku
booriyeen in ay sii wado qabashada aqoon kororsiga noocaan oo kale ah.
Waxaa siminaarkaasi soo xiray Hindi Axmed oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu
sareysa Hay’adda SSWC, iyadoo uga mahadcelisay Macallimiinta iyo ka
qaybgalayaasha habsami u socodkii duruusta kuna adkeysay xubnaha qaatay
duruustaani ay uga faa’iideeyaan inta kale ee aan fursadda u helin.
Dowladda
Federaalka oo diyaar garoow ugu jirta Munaasabahada 26-ka Juun iyo 1-da
Luulyo..
Iyadoo ay fooda nagu soo haysa maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-Luulyo
ayaa Dowladda Federaalka waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u qabsoomi
lahaayeen munaasabadahaasi oo ku weyn shacabka Soomaaliyeed.
Manta ayaa la filayaa in Dowladda Federaalka ay magacowdo guddi qabanqaabiya
munaasabadahaasi, waxayna munaasabadani kus oo beegmeen xili Magaalada
Muqdisho lagu soo rogay bandow aan la ogeyn marka uu dhamaanayo, sidoo kale
waxay ku soo beegmeen xili ay magaalada Muqdisho ka jiraan qaraxyo iyo
dilal.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa
aragtiyo kala duwan ka muujiyey munaasabadahan, qaarkood waxay sheegeen in
xiligaan aan la xusi Karin munaasabadahan, maadaama ay dalka ku sugan yihiin
wax ay ugu yeereen ciidamo shisheeye, sidoo kalana jawiga Magaalada Muqdisho
uu xiligaan yahay mid jahwareersan.
Sheekh Aadan
Madoobe oo maanta u ambabaxaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Guddoomiyaha Baarla-maanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan) iyo wafdi
uu hogaaminayo ayaa maantaa ka ambabaxaya Magaalada Nayroobi, isagoo ku sii
jeeda dalka Masar, kadib markii uu maritqaad ka helay Jaamacadda Carabta
gaar ahaan ururka Baarlamaanada Carabta oo kulan ku yeelanaya Magaalada
Qaahir ee dalka Masar.
Sheekh Aadan Madoobey ayaa la
filayaa in uu halkaasi ka jeediyo khudbad ku aadan Xaaladda Soomaaliya iyo
sidii Jaamacadda Carabtklu kaalin mug leh ugu yeelan lahayd dib u dhiska
dalka iyo waliba dhinaca nabadgelyada, sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu
kulamo la yeelan doonaa madaxda Baarlamaanada Carabta ee ka soo qaybgalaya
kulankaasi oo ka imaanaya dalalalka Carabta.
Dagaalo ka dhacay
Gobalka J/hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Kismaayo waxay sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Goofweyn uu shalay
kabilowday dagaal u dhexeyee labadii kooxood ee ka wada tirsanaa dowladda FKMG
iskuna hayay gacan ku haynta Magalada Kismaayo.
Dagaalkaan oo la isku adeegsaday
hubka culus iyo midka fudud ayaan la ogeyn khasaaraha uu keenay, iyadoo lagu
waramay in labada dhinac ay gaarayaan gurmado ka kala imaanaya Muqdisho iyo
Baardheere.,
Habeen hore ayay ahayd markii
halka lagu magacaabo Xaafadda Calanley oo ka tirsan Kismaayo uu dagaal ka dhacay
oo labada dhinac u dhexeeyey ee isku haya Magaalada Kismaayo, waxayna wararka
qaar sheegayaaan in ciidamo ka yimid Goof Guduud ay si dhuumaaleysi ah ku galeen
magaalada Kismaayo, balse hayeeshee Afhayeen u hadlay ciidamada ku sugan
Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in ciidamadii halkaasi soo galay laga
saaray dib loogu celiyey goobihii ay ka soo duuleen. Dhinaca kale wararkii ugu
dambeeyey waxay sheegayaan in ciidamadii ku suganaa deegaanka Buula Guduud dib
halkaasi looga soo riixay laga qabsadayna dhowr tikniko ah, sidoo kalana ciidamo
soo galay Kismaayana iyaha halkaasi dib looga riixay.
Dowladda
Mareykanka oo walwal ka Muujisay xaaladda nabadgelyo xumo ee dalka Magaalada
Muqdisho
Dowladda
Mareykanka ayaa walwal ka muujisay xaaladda nabadgelyo xumo ee ku soo
korortay magaalada Muqdisho kadib markii waayadii ugu dambeeyey ay ka
dhaceen qaraxyo iyo dilal loo gaysanayo ciidmada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Dowladadda Mareykanka waxay sheegtay in qaraxyadaan iyo dilalkaani ay sii
wiiqayaan hanaankii dib u heshiisiinta ee laga rabay wadanka Soomaaliya,
Dowladda Mareykanka waxay kaloo sheegtay in Dowladda Federaalka looga baahan
yahay inay wada hadal la furto kooxaha ka soo horjeeda si loo helo awood
qaybsi balaaran oo ay ku wada qancaan dhamaan kooxaha isku haya wadanka
Soomaaliya. Dhinaca kale Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa la filayaa
in Magaalada New York uu kula kulamo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Mareykanka oo ka codsan doono sidii taageero balaaran loogu fidin lahaa
Dowladda Federaalka si ay u gudato hawlaha dhinaca ammaanka iyo dib u
dhiska.
Firimbi oo
beeniyay in uu Max’ed Dheere uu xanuunsanayo…
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha
Siyaasadda ee Gobalka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey ( Firimbi) ayaa mar uu shir
jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu si kulul u beeniyey in duqa
Magaalada Muqdisho Max’ed Dheere uu ku xanuunsanayo magaalada Nayroobi, waxa
uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iy raad toona laheyn, waxa uuna
sheegay in guddoomiyaha uu hawlaha dhinaca Gobalka Banaadir ah u joogo Magaalada
Nayroobi.
Waxa uu u soo jeediyey C/llaahi Firimbi in ay ka fiirsadaan wararka ay
qorayaan isagoo sheegay in wixii haatan ka dambeeya lakula xisaabtami doono
warbaahinta waxa ay tabinayaan, isagoo sheegay in Warbaahinta looga fadhiyo
in ay dabagal xoog leh ku sameeyaan wararka ay bulshada u soo bandhigayaan
halka ay ka yimaadeen iyo xaqiiqdooda dhabta ah waxa ka jira.
Max’ed Dheere ayaa
todobaadkii hore waxa uu safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Nayroobi,
hase yeeshee safarka guddoomiyaha wax faahfaahin lagama bixin waxa uu ku
aadanaa.
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2007


|