- Garowe: Puntland Malahan Maxkamad
Dastuuri ah oo lagu kala baxo hadii khilaaf ka dhasho Golayaasha Xukuumada.
- Dangoroyo: Degmada Dangoroyo ee Gobalka
Nugaal oo laga hirgaliyay Isgaarsiinta Casriga ah.
Garowe: Puntland Malahan Maxkamad Dastuuri ah
oo lagu kala baxo hadii khilaaf ka dhasho Golayaasha Xukuumada.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
GudoomiyahanMucaaradka ah ee Xisbiga Ramaas (RPP) Daahir Ciiro ayaa sheegay
dhibaatada ugu wayn ee keena kala saarid la aanta ka jirta Golaha Xukuumadu ay
tahay iyada oo ay meesha kamaqantahay Maxkamadii Dastuuriga ahayd taasi oo uu
madaxwaynuhu Baabi'iyay si aan loo helin meel lagu kala baxo islamarkaana uu u
sameeyo wax alle wixii uu doono sax iyo khaldba kaasi oo inta badan keena
khilaaf islamarkaana sababa in la waayo Halkii lagu kala Bixi lahaa.
Sida laga wada warqaban deegaanada Puntland kama jirto Maxkamad Dastuuri ah
taasi oo marka Golaha xukuumada iyo Golha sharci dajintu isku qabtaan arin muran
wayn dhalisa loo noqon lahaa oo lagu kala bixi lahaa halkaasi taasoo gabi
ahaanba uu baabi'iyay Madaxwaynaha DGPL si aan loo helin cadaalad iyo meel lagu
kala baxo taasi oo Maxkamada Dastuuriga ah ee DGPL.
Afhayeenka Xibiga Ramaas Daahir ciiro oo aanu wax ka waydiinay waxyaabaha inta
badan sababa khilaafka Golayaasha dhexdooda ka dhasay ayaa arintaas ku tilmamaay
in sabab u tahaya dhawr arimood waa tan horee khilaafka inta badan waxaa keena
madaxwaynha oo aan aqoon sharci lahayn islamarkaana raba in uu sida uu doono wax
u maamula isaga oo aan wax tixgalin ah ka helayn Golaha sharcid ajinta oo ay
iyagauna arintaas ay ku qabsadaan madaxwaynaha oo markaas u maro sifo kale oo
khaldan, waa tan kale sabab waxaa u ah musuqmaasuq hareeyay puntladn oo
baabi'iyay Golayaashii dawlada oo u bartay in ay qaataan laaluush islamarkaana
sababa in ay baal maraan sharcigii iyaga oo u jeeda xoogaagii jeebka loo
galiyay, iyo iyada oo aysan jirin ba maxkamadii dastuuriga ahayd oo lagu kala
bixi lahaa hadiii uu dhasho khilaaf taasi la'aanteed oo keentay in uu sii daba
dheeraado khilaafku meel sarena gaaro, iyo arin kale oo jirt oo ah Caudaruus
muuse Boqor oo ah agaasimaha Madaxtooyada oo isagu isku arka in uu yahay nin
sharciga ka wayn sida uu doonana wax u raba cidii uu doonana cayrin kara cidii
uu doonana keeni kara meesha oo kasaramaray awoodii madaxwaynaha iyo dii sharci
ahaaneedba.
Si kastaba Maxkamada Dasuuriga ah ayaa qayb wayn ka qaadata xalinta khilaafkasta
oo ka yimaada Gole sharci sida baarlamaanka, xukuumada waana lama huraan in ay
dhisan thay maxkamada dastuuriga ahayd taasi oo xalisa khilaafadka ka dhasha
golayaasha dawlada oo inta badan la rumaysan yahay in ay isku qabtaan sharciga.
Madaxwaynaha Puntland Cade Muuse qudhadiisa ayaa gacantiisa ku bur buriyay
Maxkamadii dastuuriga ahayd isaga oo aan xilka hayn sanad mana dhici kartaa in
madaxwaynihii sidaas u bur burshay maxkamadii dastuurigi ahayd in uu dib u
dhiso.
Maxkamada dasturiga ah ee Puntland ayaa waxaa la asaasay ama la hirgaliyay
xiligii la asaasay Puntladn taasi oo algu ansixiyay dhismaheeda asaaskii DGPL
balse ma noqon mid wax badan raagta oo waxaa dhawrjeer cagta Mariyay
madaxwaynayaashii isaga kala danbeeyay puntland ee soo maray in kastoo C/laahi
yuusu xiligiisii uu higaliyay hadana cade ayaa ku tuntay oo bur buriyay si lagu
helaana waa adagtahay say kama muuqato hadal haynteedu Golayaasha dawlada haday
ahaan lahayd Baarlamaanka, iyo Xukuumada , shacabkuna maba dareensana ahmiyada
ay u leedahay maxkamada dastuuya ee Dal madax banaan.
Dangoroyo: Degmada Dangoroyo ee Gobalka
Nugaal oo laga hirgaliyay Isgaarsiinta Casriga ah.
Degmada Dangoroyo oo ka mid ah 6da degmo uu ka kooban yahay Goballka Nugaal laga
Hirgaliyay Isgaarsiinta Casriga ah ee loo yaqaano Tellephonada ka dib markii ay
shirkada Isgaarsiinta ugu wayn deegaanada Puntland ay halkaasi gaadhay
islamarkaana ay suurta galisay helida adeegsiga wicida tellephonka dal iyo
Dibeba taasi oo ay dadka ku dhaqan degmadaasi ay si wayn ugu bogeen islamarkaana
y ku tilmaameen horumar ay degmadu ku talaabsatay.
Degmada Dangoroyo ayaa ka mid ah Degmooyinka waawayn ee degaanada Puntland iyada
oo ay degmadaasina leedahay adegyo kale Sida koronto, MCH, Hotes, laba Dugsi
hoose iyo laba Dugsi dhexe islamarkaana laga wado degmadaasi dugsi sare kaasi oo
ay wado hirgalintiisa Haaya'da Islaamic Relife, Sidoo kale degmada Dangoroyo
waxaa ka jira kooxo ispoorti ah oo ku ciyaara magaca qaranka Degmada iyo kooxo
yar yar kuwaasi oo safaro xaga ispoortiga ah ku kala baxsha deegaanada Puntland
oo dhan.
Degmada Dangoroyo waxay sidoo kale ka mid tahay degmooyinka dhaqaale ahaan ay
puntland ku tiirsan tahay iyada oo ay degmadaasina ku taalo wadada laamiga ah ee
isku xirta Garowe iyo Bosaso islamakraana ah Degmo Baaxad wayn lehna Golihii
degaanka oo degmadasi laga hirgaliyay 5 Bilood ka hor.
Si kastaba Degmada Dangoroyo ayaa hada la mid ah degmooyinka kale ee caalamka
kuwasi oo hoos kulaalaya adeegsiga tellephonka islamarkaana ku dhexjira
Badwaynta Internetka, sidoo kale degmada Dangoroyo waxay ka koobantahay 4
xaafadood waxaana lagu qiyaasaa dadka ku nool degmadaasi 20.000 dhamaan raga
dagmadaasi ku nool ayaa ah kuwo u shaqo taga ka kaluumaysiga Biyaha Bada oo ay
si wayn ugu xiran yihiin dhaale ahaan iyo shaqo ahaanba waana dad ku xisabtama
kaluumaysiga bad dhacnimo ee ay dagmadaasi ku tiirsan tahay bad dhacda kuwasi oo
u soo xagaa baxa xiliga bad xiranta qoysaskooda iyo ehelkood si ay ula soo
noolaada xiliga badxiranta.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2007
|