SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: June 23, 2007

Muqdisho iyo Bandowgii Xalay Oo Laga Maqley Qaraxyo Xoogan Oo Isdaba Joog Ah.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Magalada muqdisho oo habeenkii xalay [June 23, 2007] ahaa bandow ahayd ayaa laga maqlayey ku dhowaad ilaa 7-qarax oo si weyn looga dareemay guud ahaan caasimada islamarkaana aan la ogayn khasaaraha ka dhashay .

Qaraxyadan xalay ka dhacay degmada hodan , howl-wadaag iyo meelo kale ayaan la ogayn waxyeelada ay gaysteen ,taasoo loo aanaynayo magalada muqdisho oo xalay waxii ka dambeeyey 7-fiidnimo ahayd bandow islamarkaana aysan jirin wax gaadiid iyo dad ah oo soconaya xaafadaha iyo jidadka waaweyn ee magalada, iyadoo ay ku roondaynayeen xaafadaha magaalada muqdisho iyo weliba jidadka waaweyn ee caasimada ciidamada booliska DFKMG iyo weliba kuwa ethiopia .

Sidoo kale ciidamo aad u fara badan ayaa lagu arkayey wadooyinka waaweyn ee dhex mara magaalada muqdisho kuwaasoo ku gaaf-wareegayey wadooyinka soo gala xaafadaha ,iyadoo aysan jirin cid lagu soo qabtay bandowgii xalay sida ay saxaafada u xaqiijiyeen sarakiisha booliska DFKMG ee ku mashquulsanaa bandowga lagu sheegay in lagu sugayo amaanka caasimada muqdisho oo dhowaanahanba ahaa mid faraha kasii baxaya.

Dhinaca kale Dadka shacabka ah ee Muqdisho ayaa muujiyey inay u hogaansameen bandowga ay kusoo rogtay dowlada KMG ahi islamarkaana maqribnimadii xalay u kala hayaamay xaafadaha ay kala degan yihiin oo lagu arkayey waxii ka horeeyey maqribnimadiiba iyadoo qof kastaba uu usii deg-degayey hoygiisa si aysan ugu dhicin bandowga islamrkaana ay uga nabad galaan xabsiyada muqdisho oo noqday kuwo aan wax daryeela lahayn qofkastaana uu wer-wer ka qabo in lagu xiro gobtaas nafka dhowrka ah.

Si kastaba ha ahaatee bandowga magaalada muqdisho ee xalay ka hir-galay ayaan la ogayn xiliga inta uu sii socon doono ,waloow uusan waxba ka bedelin amaanka caasimada muqdisho oo xalay laga maqlyey qaraxyo xoogan oo isdba joog ah.

Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo uu Saamayn Ku Yeeshay Bandowgii Xalay.

Masaajidada magaalada muqdisho oo Allah dartiis loogu cibaadysato ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa saamayn weyn ku yeeshay bandowgii lagu soo rogay caasimada muqdisho iyadoo laga dareemay isbedel xaga waqtiga salaada la tukan jiray.

Muuqaalka magaalada caasimada ee muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa ka duwanaa habeenadii lasoo maray ee 16-kii sano taasoo ay ku yaraadeen dhaq-dhaqaaqyada dadka isu socodka gadiidka iyo weliba salaadii cishaha oo xalay la tukadey waqti aan hore loo tukan jirin Masaajidada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemay isbadal aad u weyn iyadoo dadkuna ay Salaada maqrib markii ay tukadeen ka dib sii daba dhigeen Salaada Cishaha oo la tukan jiray 7:30 fiidnimo balse xalay la tukaday 6:45 maqribnimo.

Bandowgii xalay ayaa sidoo kale ahaa mid cabsi iyo wel -wel ku abuuray dadka shacabka ah oo dhowaanahanba ay haysatay amaan daro baahsan oo ka jirta caasimada muqdisho ,islamarkaana dib u dhac ku riday sidoo kale salaada subax oo la tukan jiray 5 subaxnimo halka saaka ay ka dib dheceen badanaaba masaajidada muqdisho laga tukadey 5:15 xaalada bandowga darteed oo ku beegnayd 5-subaxnimo

Waxaa soo baxaya qaylo dhaan ku aadan waqtiga salaada ALLE oo ay soo sareen culimo'udiinka ku dhaqan caasimada muqdisho qaarkood ayaa ka codsaday dowlada KMG ah inay hadii uu bandowgu sii socon doono ay waqtiga uga dhigaan ilaa 8;fiidnimo iyo 4:30 subaxda hore si ay u gutaan waqtiga salaada ALLe ,ma jiraan wax masuula oo ka hadlay arintan ku aadan waqtiga salaada iyo bandowgu sida ay isu keeni karaan ,iyadoo ay arintani kusoo beegmayso xili culimo'udiin badan laga qab-qabtay magaalada muqdisho islamarkaana aan la ogayn halka ay ku sugan yihiin .

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay shacabka ku dhaqan caasimada xili ay magaalada ku sugan yihiin cutubyo ciidamo ethiopian ah.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Jaaliyadda Carab Soomaali oo Gudoomiye Cusub loo Calaamo Saaray

Waxaa Xarunta Jaaliyadda Yemen oo ku yaala Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ka dhacaday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen Jaalaiyadda Yemen dadka loo yaqaan Carab Soomaali iyo mas`uuliyiin marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda Caleemo saarka guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Carab Soomaali .



Cabdalla Maxamed Cabuud ayaa si dimoqraadiyad ah ay u doorteen dadka ku abtirsada Jaaliyadda Yemen ama Carab Soomaali ee ku dhaqan dalka waxaana uu ahaa xafladda maanta mid lagu maamuusayay Caleemo saarka Guddoomiyaha Cusub Cabdalla Maxamed Cabuud .

Xafladaas oo ay ka hadleen mas`uuliyiin kala duwan ayaa waxaa ka mid ahaa Odoyaal dhaqameedyo iyo mas`uuliyiin ku kala hadlayay magaca Odayaasha Jaaliyadda , dhinaca bahda isboortiga uu Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) iyo Gobolka Banaadir oo ka soo qeybgalay Muriidi Golof oo ah Guddoomiye ku xigeenka G/Banadir Arimaha Howlaha Guud.



Guddoomiyaha Jaaliyadda Yemen Cabdalla Maxamed Cabuud oo ka hadlay Xafladda Caleemo saarkiisa ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono isku xir dadka u dhashay Yemen ee Soomaalida wuxuuna sheegay inuu si wanaagsan ugu adeegayo wuxuuna ka codsaday Jaaliyadda Yemen ee ku dhaqan Soomaaliya in ay ku gacansiiyaan howsha ay u doorteen .



Xafladda lagu Caleemo Saarayay guddoomiyaha Cususb ee Jaaliyadda Yemen ama (Carab Soomaali) waxaa ka soo qeybagalay mas`uuliyiin ka tirsan Golaha Barlamaan , G.O.S, gobolka Banaadir , aqoonyahano ,ganacsato iyo odoyaal dhaqameed isugu jiray Yemeniyiin iyo Soomaaliba wuxuuna ku soo idlaatay caleemo saarka guddoomiyaha jawi farxad leh .

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com 
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Cadde Muuse oo Boosas banaanaa buuxiyey, halkii isbedel looga fadhiyey.

Wareegto uu soo saaray M/weynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa waxaa lagu magacaabay 2 wasiir iyo 1 wasiiru dowle.

1. Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) oo ahaa Wasiirka madaxtooyad Puntland ayaa loo magacaaabay wasiirka Xanaanada xoolaha, Beeraha iyo deegaanka.

2: wasiirka Ganacsiga ayaa loo magacaabay Cabdi Samad Yuusuf Axmed (Abwaan) oo bedelaya booskii C/rsiaaq Cali Siciid (Shaah-doon ) oo dhawaan shaqada laga joojiyey.

3: Jaamac Xirsi Faarax ayaa isna loo magacaabay Wasiir dawladaha Amniga .


Waxaa wali meesha ka muuqda in aan wax isbedel ah uusan samayn madaxweynuhu, maadaama aan wax la bedelay jirin ilaa hadda, marka laga reebo Nin iskiis booskiisii uga tagay oo la buuxiyey, nin shaqada looga joojiyey IMW,

Maxamuud Cumar Bille
Graoowe
mcbille@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2007


Qaraxyo ka dhacay Magaaloyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diinsoor
.Siminaar lagu qabtay xarunta SSWC....
.DFKMG oo diyaar garoow ugu jirta 26 Juun iyo 1-da Luulyo
.Sheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxaya Qaahira..
.Dagaalo ka dhacay Gobalka J/hoose, gaar ahaan Kismaayo
.Dowladda Mareykanka oo walwal ka Muujisay Muqdisho..
.Firimbi oo beeniyay in uu Max’ed Dheere uu xanuunsanayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 23

Bayaan: Beesha Hawiye ee Gobolka Minnesota, USA
Beeshu waxay ka digeysaa shir ku sheega loogu talo galey in lagu marin habaabiyo rayul caalamka...
Akhri Jun 22

Munaasabad Qalin Jabin ah oo ka dhacday Islii, Nairobi
Xafladdaas oo dadweyne farabadani ka soo qayb galeen
Akhri

Kulan balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beesha Gaal-Jecel ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho... Akhri... Jun 22

Puntland Malahan Maxkamad Dastuuri ah oo lagu kala baxo hadii khilaaf ka dhasho Golayaasha Xukuumada.
iyo  Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal oo laga hirgaliyay Isgaarsiinta Casriga ah... Akhri...

Madaxwaynaha DGPL Gen. Cade Muuse oo eedayn u jeediyay kooxaha ku sugan Asmara.
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com