SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XEERKA SAXAAFADDA DFKMG

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

DOWLADDA FEDERALKA KMG

WASAARADDA WARFAAFINTA

 

Xeerka Qabyada ee Saxaafadda

 

HORUDHAC

 

 

Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshada, waxtar weyna u leh. Warbaahintu run sheega ku dhisan waa midda u adeegeysa kobcinta dimoqraadiyadda, xuquuqul insaanka, horumarinta dalka iyo yagleelidda caddaaladda.

 

Saxaafadda iyo  warbaahintu maadaama ay yihiin wax u adeegaya waa inay aahaadaan qaar leh xeer iyo xeer nidaam, oo aysan ku xadgubin xuquuqda, muwadiniinta, hay’adaha iyo dowladda toona.

 

Beenta iyo dicaayadda aan sal laheyn iyo majara habaatinta xaqiiqadu waxay dhaliyaan fidno, isku dhac, bur-bur iyo is naceeb, waxaan waqtigan iyo mustaqbalkaba u baahanahay ay yihiin nabad gelyo, kala dambeyn, is qaddarin, cadaalad, waxdhis iyo nabad ku wada noolaansho.

 

Xorriyadda qawlka oo ay ka mid tahya cabbirka fikirka iyo run sheegiddu waa mid ay aqoonsan yihiin falsafadda xeerka, heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo baaqyada heer qarad iyo gobol.

 

Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya waxay damaanad qaaday oo ay oggoshahay heshiisyada la soo sheegay, waxayna dhiira gelineysaa xorriyaddaas, iyadoo lagu shaqeynayo qodobka 20aad faqraddiisa 1aad iyo 2aad ee Axdiga KMG ah.

 

Hawlaha saxaafadda iyo warbaahinta waxaa nidaamiya oo soohdimeynaya xeerkan iyo xeerarka kale ee dalka.

 

Saxaafadda iyo warbaahinta gar ahaaneed waa inay u kala soocnaato xilligii bur-burka ee la soo maray (1991-2004) iyo xilligan oo ay waddanka ka jrito dowlad sharci ah oo qaranku leeyahay.

 

Dadku markay helaan awood ay ku heli karan warar sugan ayay yeelan karaan ka qeyb gal wacan ee faltanka Dimoqraadiyadda iyo nidaamka dowliga ah, waxayna is hortaagi karaan talaabooyinka waxyeelaya sharafta Qaranka sida: Laaluusha, eexda iyo isku xadgudubka.

 

Ugu dambeyn, warbaahinta wanaagsan waa tan shacbiga ugu yeerta horumarinta iyo aslubuta wanaagsan, kana waanisa  wixii waxyeelaya madax banaanida, nabad gelyada iyo Midnimada Qaranka.
 

Xeerka Saxaafadda ama warbaahinta

 

Qodobka 1aad

Qeexidda Saxaafad iyo Warbaahin

 

Warbaahin waa qalabka loogu gudbiyo Bulshada,  warar,  macluumaad, khudbado, xog iyo afkaar kuwaasoo lagu gudbiyo maqal, muuqaal iyo qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada iyo qalabka kale ee warbaahinta,  sida idaacadaha, telefishinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada, farshaxanka, sawirrada, buugaagta iyo wax kastoo la daabaco oo si guud loogu soo bandhigo bulshada.

 

 

Qodobka 2aad

Xorriyadda Saxaafadda

1.     Warbaahintu waa inay yihiin qaar u madax bannaan fidinta xogta iyo Wararka,, isla markaana waa inay u hoggaansamaan sharciga iyaga nidaaminaya iyo shuruucda kale ee dalka.

2.     Xorriyadda Qowlka iyo fikirka waxaa lagu damaanad qaaaday Axdiga Qaranka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya qodobkiisa 20-aad,  faqradihiisa 1aad, 2aad , Baaqa caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Axdiyada caalamiga ah kuwa qaaradeed iyo goboleed ee Soomaaliya qeybta ka tahay.

3.     Warbaahinta gaarka laguma sameyn karo wararka ay sii deyneyso faafreeb, laguma qasbi karo sii deynta warar u xaglinaya xukuumadda  xilliga tartanka siyaasadda.

 

Qodobka 3aad

Xeerka Saxaafadda

1.     Xeerka Saxaafadda waxay tahay in uu nidaamiyo howlaha kala duwan ee warbaahinta, ha ahaato mid dowlad leedahay ama mid gaar loo leeyahay (Public and Private media). Wuxuu kale uu qeexayaa xiriirka u dhexeeya wasaaradda iyo Bahda saxaafadda.

2.     Xeerkani wuxuu tilmaamayaa xiriirka u dhexeeya hay’adaha warbaahinta, bulshada iyo dowladda.

 

Qodobka 4aad

Warbaahinta Gaar ahaaneed

1.     Waxaa la furan karaa warbaahin gaar ahaaneed waxaana furan kara urur, shirkad iyo muwaadin kasta oo Soomaali ah, waxayna xaq u leeyihiin inay furtaan warbaahin gaar ahaaneed marka uu buuxiyo shuruudaha hoos ku qoran:

a)     Inay soo qortaan codsi ku lifaaqan nooca warbaahinta ay doonayaan furashadeeda.

b)    Inay wada tashi kala sameeyaan daneeyaha doonayo inuu furto warbaahin Golaha Saxaafadda Qaranka, warbaahinta uu doonayo inuu furto: nooceeda, awoodeeda, tayadeeda, qaabkeeda iyo kanalka ama frequency-ha uu isticmaalayo.

c)     In qalabka uu keensanayo ama uu haysto aanu aheyn mid wax u dhimaya deegaanka iyo habsami u shaqeynta warbaahinta kale.

2.     Warbaahinta gaarka ee hadda shaqeysa waa inay soo weydiistaan ruqsad warbaahineed, waxayna Golaha Saxaafadda Qaranka u soo gudbinayaan qaab dhismeedka warbaahintooda, qalabka ay haystaan iyo frequency-ha ay ku shaqeeyaan iyo goobta ay ku taallo warbaahintu.

3.     Warbaahinta  ma shaqeyn karto haddaysan helin ruqsadda oggolaanshaha iyo diiwaan gelin.

 

Qodobka 5aad

Haya’daha saxaafadda dibadda

1.     Hay’adaha saxaafadda iyo wakaaladaha wararka ee adduunka waxay xor u yihiin inay dalka ku yeeshaan wakiillo uga howl gala si joogto ah, ama si aan joogto aheyn, bacdamaa saxaafadda dalka ay xor tahay, sida uu qabo Axdiga Federalka KMG ee Soomaaliya, waxaa sharci looga dhigayaa inaysan ka hor imaan  Xeerka dalka iyo anshaxa suuban.

2.     Hay’adaha Warbaahinta dibadda iyo cid kastoo daneyneysa waxay iskaashi warbaahineed la yeelan kartaa Warbaahinada jira ama warbaahin cusub oo la dhisayo oo shirkad ku wada noqonayaan, marka ay soo buuxiyaan shuruudaha uu tilmaamayo Sharciga dalka.

3.     Weriyaha ajnabiga ah waxaa ka reeban inuu ku dhaqaaqo, wixii ka hor imaanaya xeerka Saxaafadda, Dhaqanka Suuban, Diinta iyo shuruucda kale ee dalka.

4.     Wakiillada hay’adaha Warbaahinta ee ajnabiga ah iyo wariyayaashooda haddii lagu soo eedeeyo inuu ku xadgudbay xeerkan, waxaa si ku meel gaar ah looga joojinayaa shaqada ilaa iyo inta dacwaddiisu ka dhamaanayso, waxaana loo gudbinayaa hay’adaha garsoorka, haddii dambi uu ku caddaado wuxuu muteysanayaa in lagu fuliyo ciqaabta lagu xukumay.

5.     Hay’adaha warbaahinta dibadda marka ay wakiil u soo dirsanayaan dalka, waxaa ku waajib ah inay oggolaansho ka helaan wasaaradda Warfaafinta, dadka ay soo dirsanayaana waa inay u hoggaansamaan shuruucda dalka.

 

Qodobka 6aad

Golaha Saxaafadda Qaranka

1.     Waxaa jirayo Guddi madax bannaan oo aqoon u leh saxaafadda iyo Qaanuunka oo wadayo howlaha saxaafadda Qaranka, waxayna noqonayaan Golaha Saxaafadda Qaranka waxayna ku imaanayaan hannaan doorasho:

a)     GSQ waxaa laga dhex dooranayaa bahda saxaafadda, ururada bulshada, sharci yaqaanada iyo seddax xubin oo dowladda ka socda.

b)    GSQ waxaa uu ka koobmayaa 15 xubnood.

c)     GSQ waxaa oggolaanaya wasiirka Warfaafinta.

 

2.     GSQ waxa uu u xilsaaran yahay:

a)     Ilaalinta ku dhaqanka xeerkan iyo anshaxa saxaafadda iyo hirgelintiisa.

b)    Dhex-dhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka bahda saxaafadda dhexdeeda, saxaafadda gaar ahaneed dowladda iyo bulshada.

c)     Qiimeynta iyo oggolaanshaha howlgalka hay’adaha warbaahinta gaar ahaaneed.

d)    Soo jeedinta kala noqoshada oggolaanshaha howlgalka warbaahinta gaar ahaaneed.

e)     Waxaa loo soo gudbinayaa cabashooyinka ka yimaada suxufiga iyo warbaahinta iyo midda iyaga dhex marto, tan dowladda.

f)      Anshax marinta hay’adaha warbaahinta gaar ahaaneed iyo wariyayaasha.

3.     Warbaahinta daneyneysa furasho warbaahin cusub ama horay u jirtay waxay dalab codsi ah u soo gudbinayaan Golaha Saxaafadda Qaranka si ay ugu sameeyaan qiimeyn inay soo buuxiyeen Shuruudii loo dejiyay, howlgeli kartana, waxayna u gudbinayaan Wasaaradda Warfaafinta.

4.     Golaha Saxaafadda Qaranka waxaa xilkiisa sii wadaya Guddiga Qaran ee Horumarinta Sharciga Saxaafadda inta laga dooranayo.

5.     GSQ wuxuu ku imaanayaa doorasho labadii sanaba mar, wuxuuna yeelanayaa xeer hoosaad uu ku shaqeeyo.

 

Qodobka 7aad

Diiwaan gelinta, khidmada, Mulkiyadda, Maamulka iyo Masuuliyadda

1.    Diiwaan gelin: Warbaahin kasta, sida idaacad, telefishin, wargeys, madbacad, shineemooyin, ururrada Saxaafadda, ha ahaadeen qaar hadda jira ama kuwo cusub oo la furayo waa inay is diiwaan geliyaan.

2.    Khidmada Diiwaan gelinta: Warbaahinta gaarka ah ee gudaha iyo dibadda waxaa laga qaadayaa khidmad diiwaan gelin, mid sanadeed iyo Khidmadda Suxufiyiinta ajnabiga ah ee imaanaya dalka, waxaa lagu qeexi doonaa xeer nidaam ay soo saari doonto wasaaraddu, iyadoo kala tashaneysa hay’adaha Canshuuraha  ee Wasaaradda Maaliyadda.

3.    Mulkiyadda Maamulka iyo Masuulka: Warbaahin kasta oo si  gaar ah loo leeyahay waa inay leedahay mulkiile loogu soo hagaago oo leh mulkiyaddeeda iyo maamule ka masuul  ah shaqada.

a)    siga diiwaan gelinta waa in lagu soo qoraa lahaanshaha, magaca milkiilaha, deegaankiisa, cinwaankiisa gaar ah, nooca warbaahinta ay ku howlan yihiin. Sidoo kale waa in codsiga lagu muujiyaa magaca, aqoonta iyo cinwaanka maamulaha.

b)    Labada jago ee ah Mulkiyadda iyo Maamulka waxaa isku qaban kara hal qof oo qua.

 

4.    Cinwaanka Diiwaan gelinta: Warbaahin kasta waa inay leedahay xafiis loo yaqaano iyo cinwaan loogu soo hagaago , sida P.O.Box, E-mail, Fax iyo Telefoon, haddii mid ka mid ah cinwaanadaas la waayo waxaa la isticmaalayaa kuwa la heli karo. Warbaahin lama furan karo haddii aanay buuxin, shuruudaha ku qoran xeerkan.

5.    Waqtiga: Markii la buuxiyo shuruurdaha ku qoran xeerkan, waxaa warbaahinta ruqsadda lagu siinayaa muddo bil gudaheeda (30 casho), haddii aanay jirin duruufo dib u dhigaya oo lagu qanci karo. Muddada ay sugayso ruqsadda warbaahintu ma qaban karto wax howl ah oo la xiriira Warbaahinta.

6.    Cabasho: Daneenayaha soo dalbaday oggolaansho furasho warbaahin gaar ahaaneed ama mid horey u jirtay ee ku qanci waayo  Go’aanka Golaha Saxaafadda Qaranka, waxaa u bannaan inuu u cabto Wasaaradda Warfaafinta, haddii uu ku qanci waayo go’aanka Wasaaradad Warfaafinta waxaa u banaan inuu u cabto Maxkamadda Gobolka.

 

Qodobka 8aad

Luminta Ruqsadda Diiwaangelinta

 

Hay’adda warbaahineed ee hore loo siiyay ruqsad, lana diiwaan geliyay waxay lumin kartaa xaqaa, marka ay howl geli waayaan qalabkeeda warbaahineed muddo lix bilood ah, ama inta ay mar shaqeeyeen uu soo galay hakad ah 6 bilood.

 

Qodobka 9aad

Tilmaamo muhiim ah

1.     Daabacaad kasta, sida wargeysyada ha ahaado maalinle, ama mid xilliyadeed ama nooc kasta oo daabacaad warbaahineed ah, waa inay ka muuqataa, magaca, taariikhda daabacaadda, deegaanka,, magaca Maamulaha iyo Tifaftiraha.

2.     Wargeys kastaa ee la soo saaro nuqulka (sample) ugu horreeya nuqul ka mid ah waa in la dhigo Golaha Saxaafadda Qaranka,  Wasaaradda Warfaafinta, Maxkamadda Goblka iyo Xafiiska Xeer ilaalinta.

 

Qodobka 10aad

Is beddelka ku yimaada warbaahin horey loo diiwaan geliyay

 

Is beddel kasta oo ku yimaada muuqaalka, awoodda iyo tayada warbaahintii horay loo siiyay ruqsad, lana diiwaan geliyay, masuulka hay’addaas wuxuu Golaha Saxaafadda Qaranka iyo wasaaradda Warfaafinta iyo Maxkamadda Gobolka u soo gudbinayaa beddelka uu ku yimid, kaas oo lagu diiwaan gelin doono muddo 7 maalmood (Maalmo shaqo) gudahood ah.

 

Qodobka 11aad

Isbeddelka Mulkiyadda, Magaca iyo Maamulka

Isbeddel kasta oo lagu sameynayo Mulkiyadda, Maamulka iyo magaca warbaahinta waxaa lagu wargelinayaa Golaha Saxaafadda Qaranka, Wasaaradda Warfaafinta, Maxkamadda Gobolka iyo Xeer ilaalinta Guud, waxaana la diiwaan gelinayaa is beddelka.

 

Qodobka 12aad

Anshaxa  Saxaafadda

1.     Sharciga Nidaamka saxaafadeed ee Qaranku wuxuu ku salleysan yahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee shacabka,  waxaana Warbaahinta Soomaaliyeed ka reeban inay gudbiso ama faafiso wax kastoo wax u dhimaya diinta Islaamka, dhaqanka suuban ee shacabka Soomaaliyeed. Waxaana saxaafadda ka reeban:

a)     Sheegista ama faafinta, warar been ah ama xog aan sal iyo raad laheyn.

b)    Gudbinta ama faafinta arrimo halis gelin kara nabad gelyada Qaranka.

c)     Gudbinta iyo faafinta qoraal, maqal iyo muuqaal ahaan waxyaabo lid ku ah caqiidada iyo shareecada Islaamka.

d)    Faafinta ama daabacaadda sawirrada lagu muujinayo cawrada bini’aadamka ee xaqiiqada ah.

e)     Saxaafaddu waa inaysan faafin muuqaallo muujinaya jir bini’aadam oo la googooyay, faraxumeyn, iyo sawirro argagax ku abuuraya bulshada.

 

Qodobka 13aad

Warbaahin aan sharciyeysneyn

1.     Cid kasta oo furta ama faafisa warbaahin saan haysan ruqsad  iyo diiwaan gelin waxaa laga xirayaa warbaahinta, waxaana lagu ciqaabayaa xarig aan ka yareyn 6 bil ilaa 1 sano iyo ganaax aan ka yareyn lacag Soomaali qiimaheedu u dhimo US$200 (labo boqol oo doollar) ilaa US$ 500 (Shan boqol oo doollar) haddii aanay ka dhalan fal dambi ciqaab ah oo awood u leh Maxkamadda dalka inay galaan.

2.     Sharikaddii ama shaqsigii ku soo bandhiga qoraal warbaahintaas sharci darrada ah, waxaa lagu ganaaxayaa lacag qiimaheedu yahay US$50 (konton doollar) ilaa US$ 150 (Boqol iyo konton doollar).

 

Qodobka 14aad:

Wax ka beddelid aan la sharciyeyn

1.     Hay’addii warbaahineed ee si ku celcelis ah u soo saarta wargeys, Website ama daabacaad aan ahayn midka dowladda u diiwaan gashan, iyadoo aan loo oggolaan is beddelkaas waxay mutaysaneysaa ciqaab xarig ah oo aan ka yareyn ilaa lix (6) bilood iyo ganaax lacageed oo aan ka badneyn US$ 100 (Boqol doollar) haddii aanay ka dhalan fal dambi ciqaab ah oo awood u leh maxkamadda dalka inay galaan.

2.     Hay’addii warbaahineed ee la xukumay waxaa ku waajibaya inay soo celiso ama soo saarto nuqulkii asalka ahaa ee uu diiwaan gashanaa ilaa iyo inta looga oggolaanayo is beddelka.

 

Qodobka 15aad

Caddeyn been abuur ah

Ciddii been abuurta ruqsadda diiwaan gelinta ama qorta qoraal aan waafaqsaneyn shuruudihii lagu siiyay ruqsadda, haddii aanay ka dhalan fal dambi ciqaabeed, waxaa lagu ciqaabanayaa xarig u dhexeeya 1 ilaa 3 sano iyo ganaax lacageed oo u dhexeeya US$500 ilaa US$2,000.

 

Qodobka 16aad

Faafin macluumaad been ah

Waxaa ka reeban faafinta been iyo dacaayad liddi ku ah sharafta muwaadin, qofka, hay’ad ama dawlad, warbaahintii faafisana wararkaas beenta ah waxaa ku waajibaha:

a)     Inay raali gelin ka bixiso qoraal iyo saxid, kuna faafiso (column-ka 1aad ee bogga hore), ee lagu daabacay ama isla barnaamijkii idaacadda ee laga sii daayay warka, iyadoo raali gelintaas ku sameyneysa muddo aan ka badneyn 48 saacadood ama marka dacwaddaasi soo gaarto.

b)    Inay u oggoalato muwaadinka ama hay’adda inay ka soo jawaabaan wararka ay u arkayaan inay ku yihiin  been iyo sharaf dhac lagu waxyeeleynayo, iyadoo aan laga qaadaneynin wax kharash ah, waxaana lagu jawaabayaa isla wargeyska, baalka iyo column-kii warka lagu qoray ama warbaahintii laga sii daayay, jawaabta ceynkaas ah waa in aan la kala dhantaalin nuxurkeeda, si ay u gudbiso macnihii ay ku dhisneyd jawaabtu.

c)    Haddii Muwaadinka, hay’adda, ama dowladda  laga sameeyay been, ama la sharaf dilay ku qanci waayo raali gelinta la bixiyay waxay xaq u leeyihiin inay ka dacwoodaan hay’adaha Garsoorka soona bandhigaan cabashadooda, weydiistaana magdhow.

d)    Dambiyada lagu galo warbaahinta waxaa wadajir masuul uga ah qofkii Warbaahinta ka sii daayay, ama ku qoray qoraalka iyo tifaftiraha.

e)     Warbaahinta waxaa ka reeban inay faafiso dacaayad qof dhintay iyo qof aan miyirkiisu taam aheyn oo aan is difaaci karin, haddii ay taasi dhacdo waxaa la raacayaa isla qodobkan fakhraddiisa b, t, j, iyadoo xaqlayaashiisa/ dhaxlayaashiisu ay dacwad ka furan karaan hay’adaha garsoorka ee ku shaqo leh, dabadeedna ay xeer ilaalintu dhaqaajineyso dacwadda ciqaabeed ee la xiriirka arrintaas.

 

Qodobka 17aad

Cawil Celin

Qalabka Warbaahinta ee lagu dhaliilay sharafta qof ama hay’ad, wuxuu weydiisan karaa Maxkamadda kabid lacageed ama cawil celin oo ka baxsan magdhowga, taasoo loola jeedo khasaaraha soo gaaray, Cawil celinta la soo xusay waxaa lagu qiimaynayaa culeyska dhibta iyo dhumucda soo gaartay.

 

Qodobka 18aad

Faafin khasab ah

Hay’ad warbaahineed ee lagu xukumo dambi ciqaabeed, ganaax ama magdhow iyo cawil celin, waxaa warbaahinta la xukumay ku waajiaya inay baahiso xukunka lagu riday, haddii ay ka baaqsao waxaa lagu ganaaxayaa Sh.so u dhiganta $500- $1500 (Shan boqol ilaa kun iyo shan boqol oo doollar).

 

Qodobka 19aad

Warbaahinta Dowladda

Warbaahinta dowladda waxaa ka masuul ah Wasaarada Warfaafinta, wasiirka Wasaaradda wuxuu magacaabayaa agaasin waaxeed oo qaabilsan xiriirinta Warbaahinada dowladda, tan gaarka ah iyo tan caalamka.

a)     Waxaa jiraya wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) oo ah ururiyaha, gudbiyaha, qeybiyaha wararka dowladda, SONNA waxay ka jawaabaysaa codsiyada iyo baahida xogeed ee warbaahinada dowladda, midda gaar ahaaneed iyo tan caalamka, SONNA waxay soo xiganeysaa wararka Wakaaladaha Caalamka, iyo warbaahinada gaar ahaaneed ee gudaha.

b)    Waxaa jiraya warbaahin dowladeed sida idaacado, wargeysyo, telefishino, website-yo iwm, kuwaasoo soo bandhigaya warar, barnaamijyo, filimo iyo madadaalo ay kula tartamayaan warbaahinta gudaha.

c)    Warbaahinta Dowladda waxay u madax banaan tahay mihnadeeda saxaafadeed iyadoo dhowreysa anshaxa saxaafadeed.    

 

Qodobka 20aad

Iskaashi warbaahineed

1.       Waxaa banaan abuuris shirkado warbaahineed oo ka dhexeeya dowladda iyo qeybaha warbaahinta gaar ahaaneed iyadoo la dhiira gelinayo horumarinta iyo tayeynta Warbaahinta laga hadlayo, waxay ahaan karaan kuwo hadda jira iyo kuwo cusub oo al dhisi doono.

2.       Heshiiska ku qoran farqada 1aad ee isla qodobkan , waa in lagu kala saxiixdo nootaayo, waana inuu goob joog yahay Garyaqaanka Guud ee Dowladda, waana in nuqul ka mid ah heshiiska laga diiwaan geliyaa maxkamadda Gobolka, heshiisla la diiwaan geliyay waxaa lagu keydinayaa Maxkamadad Gobolka.

3.       Heshiiska lagu abuurayo iskaashi warbaahineed oo ay kala saxiixdeen dhinacyada (Dowladda iyo Warbaahin gaar ah) waa in lagu caddeeyaa shuruudaha lagu heshiiyay sida: Muddada uu soconayo heshiisku, ujeedada, saamiyada ay kala leeyihiin dhinacyada iyo wax kasta oo ay dhinacyadu isku af gartaan in la geliyo heshiiska.

4.       Hay’ad kasta oo ka dhalata iskaashi warbaahineed oo ay ku shirkoobeen dowladda iyo warbaahin gaar ah, waa inay u hoggaansanaataa xeerkan iyo shuruucda Qaranka.

 

Qodobka 21aad

Suxufi

1.     Suxufi, waxaa noqon kara qof kasta oo Soomaali ah oo ka soo baxa Xarumaha Waxbarashada Saxaafadda ama aqoon u dhiganta leh,  waxaa kale oo noqon kara qof kasta oo leh xirfadda suxufinimo oo tababar ku soo qaato ama waayo aragnimo ka dhaxashay muddadii ay ku jirtay saxaafadda.

2.     Xirfadda Saxaafadda waa xirfad furan oo ay ka wada shaqeysan karaan qof kasta oo daneynaya sida ku cad sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

3.     Shaqaalaha kale ee ku howlan saxafadda iyo warbaahinta oo ah waayo arag aa farsamo yaqaan waxay ka tirsan yihiin bahda Saxaafadda, waxaana ku waajib ah inay dhowraan asluubta iyo anshaxa saxaafadda (Code of ethics of Journalism), xubnahaas aan soo xusnay waa in la siiyaa dhowrista suxufiga kale.

 

Qodobka 22aad

Waajibaadka  Suxufiga

1.     Suxufiga waa inuu yahay qof hufan oo xor u ah mehraddiisa, kana run sheegaa dhacdooyinka uu ka warbixinayo iyo caddeynta cidda ama meesha uu war ka helay.

2.      Suxufigu waa inuusan ku xadgudbin xuquuqda qofka, hay’adaha iyo Xarumaha Diinta iyo Dhaqanka Ummadda.

3.     Suxufigu waa inuu ka dhowrsado Faafinta warar been ah iyo dacaayadaha oo wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida  Qaranka, Midnimada adlka iyo nabad ku wada noolaanshaha Shacbiga.

4.     Suxufigu waa inuu dhowraa sharafka (dignity) lahaanshaha gaar ahaneed (privacy), Xuquuqda iyo karaamada dadka uu  wararka ka qaadayo, waana inuu u muujiyo ixtiraam.

5.     Suxufigu Waxaa ka reeban inuu ku helo xog ama sawirro gaar loo leeyahay si khyaano ah ama tuugo ah  aan loo oggolaan, haddii aysan jirin dan caam ah.

6.     Masuuliyiinta warbaahineed iyo wariyayaasha waa inay sii daayaan warfaafin tifaftiran, dhex-dhexaadnimo ka muuqato oo xaqiiqada ku fadhido iyadoo aan la waxyeeleynin xorriyadda saxaafadda.

7.     Haddii warbaahintu ama wariyuhu faafinayo war uu is qariyay qofkii sheegay waa in la qiimeeyaa ujeedada war tebiyuhu isu qariyay, kaddibna faafisaa wararka.

a)     Warka la faafiyay haddii laga cabto waa in war tebiyaha la qariyay laga hor sheego maxkamadda awoodda u leh dhegeysiga cabashada.

 

 

Qodobka 23aad

Xuquuqda Suxufiga

1.     Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay in la ilaaliyo amnigiisii, sharafkiisii iyo inuu u soo bandhigo xaqiiqada si xor ah.

2.     Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay in la siiyo wararka uu u baahan yahay haddii aanay jirin sabab macquul ah oo siidaysa.

3.     Suxufiyiinta waa in dowladdu siisaa ama u fududeysaa fursado tababaro aqooneed oo la xiriira Mihnadooda shaqo.

4.     Milkiilayaasha qalabka warbaahinta iyo War fidiyeenadu waxay yeelan karaan ururro u gaar ah oo ay ku midaysan yihiin, danahoodana u difaaca.

5.     Milkiilayaasha warbaahinta gaarka ah, waa inay ilaaliyaan xuquuqda suxufiyiinta iyo farsamo yaqaanada u shaqeeya wixii ku saabsan arrimaha:

I)                  Heshiiska Shaqa qorista.

II)               Saacadaha shaqada

III)            Fasaxyada iyo jirrada

IV)            Shaqo ka tagista ruqsadda iwm.

 

6.     Milkiilayaasha warbaahinta gaarka ah, suxufiyiinta iyo farsamo yaqaanada shaqo waxay raacayaan shaqada ee shaqaalaha gaarka ah ee dalka.

 

Qodobka 24aad

Ilaalinta Xaqa lahaanshaha (Copy right)

Isticmaalka iyo  amaahashada  xog ama aaraa la soo minguuriyay waa in la xusaa qofkii curiyay xogta la xigtay waxaa reeban in la soo min guuriyo xog aan la xusin ciddii curisay.

b) Lama daabici karo lamana badin karo qoraal, sawirro, filim iwm oo aan oggolaansho laga heysan curiyaha ama soo saaraha.

t) Xuquuqda ku xusan qodobkan farqaddiisa (b) haddii lagu xadgudbo curiyaha ama soo saaraha waxa uu dacwad ka furan karaa maxkamadda gobolka.

 

Qodobka 25aad

Xeer ilaalinta

Dambiyada la xiriira warbaahinta waxaa iska kaashanaya baaristeeda Golaha Saxaafadda Qaranka, Wasaaradda Warfaafinta iyo Xeer Ilaalinta Qaranka, waxaana dacwadda gelaya Maxkamadda awoodda u leh qaadisteeda.

 

Qodobka 26aad

Xeerka

Xeerka Saxafadda waxaa lagu sameyn karaa wax ka beddel muddada seddaxda bil ee ka horreysa inta la hor dhigayo Golaha Sharci dejinta Soomaaliyeed.

 

Qodobka 27aad:

Dhaqan galka Xeerkan

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixayo Madaxweynaha Dowladda Federalka KMG ah ee soomaaliya, kaddibna lagu soo qoro faafinta rasmiga ah ee dowladda.

 

Magacyada Guddiga Qaran ee horumarinta Sharciga Saxaafadda

 

1.      

Yuusuf Cali Cismaan

Guddoomiye

2.      

Max’ed Ibraahim Isaaq

Xoghayn

3.      

Axmed Cali Max’ed

Xoghayn

4.      

Ruqiyo Cali Cabdulle

Xubin

5.      

Avv. Cabdiraxmaan Warsame

Xubin

6.      

Avv. Cabdi Weheliye Siyaad

Xubin

7.      

Axmed Max’ed Cali

Xubin

8.      

Shariif Macallin Maxamed

Xubin

9.      

Avv. Zakariye Maxamed Sheekh

Xubin

10.              

Salaad Iidow Xasan

Xubin

11.              

Xabiibo Axmed Jimcaale

Xubin

 

 

 ###

Sharcigaas oo ka kooban 27 qodob ayaa waxaa dhowaan ansixiyay golaha xukuumadda dowladda federalka, iyadoo muddo seddax biloodna uu ku jiri doono gacanta xukuumadda, dabadeedna la horgeyn doono baarlamaanka, markuu ansixiyana uu si rasmi ah u dhaqan geli doono.
 

Kulankii lagu ansixinayay sharciga saxaafadda oo lagu qabtay Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho

 ###

Waxaa soo tebiyey
 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SosmaliTalk.com | June 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com