SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo Ciyaaraha EuroSom

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

 Avv, Cali Muumin Ismaaciil “waxaa iga su’aal ah meel aan amaan ka jirin sida loogu xisaabtamayo”

Xildhibaan Indhogeele “ Xamar in la tago wax fududd ma aha”,

Xildhibaan Cali Aadan Xuseen “Xukuumadu hadii ay aqoonsi dhab ah leedahay sida hada ay u dhaqmeyso uma dhaqanteen”

Doodii Moshinka Baarlamaanka DFKMG ee ka Dhanka ahayd xukuumada Prof. Geedi oo weji kale isu rogtay{Fadhigii Labaad ee Dooda qaybtii 1-aad}  

Kulankii  labaad ee ay ku yeeshen Xubnaha Golaha Baarlamaanka DFKMG Hoolka shirarka ee Magaalada Baydhabo oo ay isugu yimaadeen 206- mudane, islamarkaana looga doodayey mooshinka la xisaabtanka Xukuumada  Prof.Geedi, ayaa waxaa ka Hadley 17 mudne, mudanayaashaan ka Hadley intooda badan waxaad moodaa iney isku ag dhowaayeen fikradahooda, hadaba waxaan isku dayi doonaa inaan soo koobno kuwooda ugu muhiimsanaa. 

Ugu horeyn waxaan soo qaadaneynaa Xildhibaan Indhogeele waxaa uu yiri “Baarlamaanku wuxuu soo marey marxalado kala duwan, waxaana qabaa in la xisaabtamo way haboon tahay, laakiin mid wax dhisaysa ayaa wanaagsan, hadii aad fiiro dadka qaarkood hadaladooda ma aha wax loo baahan yahay, anigu waxa laga sheegayo Idaacadaha oo kale waan ka sheegi karaa laakiin waan ka xishoonayaa, sababtoo ah Xamar in la tago wax fududd ma aha, in wax la qabteyna waa in la sheegaa  waxna way dhiman yihiin, waxaan gacanta ugu jirney Hay’ada UNDP maantase waan ka xorowney, waana tilaabo gore loo qaadey ee nimanka leh Dowlada way dhacdey ha ogaadeen”.

Xildhibaan Maxamed cali shiriye ayaa isna qaba fakir ah “ Mudane Gudoomiye iyo Xildhibaano anagaa dhiisha ruxney, markii aan ruxney Subag baa ka yimid, halkaan waxaa la keeney Mooshin, waxaana ka mid ahaa qodobadiisa in Baarlamaanka dibu-habeyn lagu sameeyo, sababtoo ah Gudiyada Baarlamaanka waxay ku dhisnaayeen markii hore nidaamka 4.5-ka, hadase waxay ku dhisan yihiin nin jeclaysi, Gudiyaduna waxay ka mid yihiin mid lagula xisaabtamayo xukuumada, la xisaabtan kuna ma aha wax la diidi karo, intaan u gudbin waxyaabaha kale horta waa in Baarlamaanka dibu-habeyn lagu sameeyaa”. 

Avv, Cali Muumin Ismaaciil waxaa uu doodiisa ku bilaabey “ waxaan jeclahay inaan sheego, hadii aynu rabno inaann sharci dejino oo cadaadalada ka shaqeyno,horta waa in aynu cadaalada isku maamulnaa, mooshinku wuxuu ahaa turxaan bixinta iyo dardargelinta Baarlamaanka, inkastoo laga reebey lifaaqii, marka laga hadlaayo la xisaabtan ka Dowlada waa xaq waana waajib ayuu yiri isagoo hadalkiisa si wata ayaa intaa ku darey “aniga waxaan ka mid ahay gudiga garsoorka iyo cadaalada waxaana gudoomiyaha ka codsaneynaa in labada Wasiir ee garsoorka iyo Arimaha Diinta nala soo hor fariiso, si aan wax uga ogaano wax qabadkooda intey xukuumadu jirtey wixii ay qabteen, tan kale waxaa iga su’aal ah meel aan amaan ka jirin sida loogu xisaabtamayo, sababtoo ah Dekeda Kismaayo waxay u dhigantaa tan Boosaaso, hadana ma shaqeyso oo nidaamkii ayaa hada laga hirgelinayaa, waxaana haboon ineynu tixgelino dagaalada hada ka socda dalka, waxaana wali wax lagu tuuraa Shirka dibu’heshiisiinta meesha uu ka socdo”. 

Mar uu ka hadlaayey Avv.Cali Muumin Xeer hoosaadka ayaa wuxuu yiri “ilaa iyo hada naloomasoocelin sharci uu Madaxweynuhu soo sixiixay ama diidey, waxaan codsanayaa in naloo keeno Dokumiintiyadaas, ilaa Gudoomiyaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha”. 

Cali Aadan Xuseen hadii aan soo koobno doodiisa ayaa waxaa uu yiri “Xukuumadu hadii ay aqoonsi dhab ah leedahay sida hada ay u dhaqmeyso uma dhaqanteen, sababtuna waxay tahay raga hada Gudoomiyayaasha gudiyada Baarlamaanka ayaan aqoontooda ahayn midi loo baahnaa, midaas ayaana keentey in Xukuumadu sidaas u dhaqanto ee aniga waxaan qabaa in gudiyada Baarlamaanka dhismahooda dib loogu noqdo”. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com, fatxumaaliky@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com