SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo Ciyaaraha EuroSom

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 

MAXAAKIMTU WAXAY SI DADBAN U TAAGEERAYAAN IN ITOOBIYA LAWAREEGTO SOMALIYA .... JULY 28 2007           

Cabdiraxman Sh. Ismaciil (ABUUTURAAB). 
Abuturab100@gmail.com               
 

,Anoo sii wata qoraaladii aan ugu digayay Ummadda Somaliyed in aysan ku kadsoomin halganka guuldarro ee ay hogaminayaan maxakimtu, sababtoo ah waxay khilaafeen shareecada Islaamka iyo caqliga saliimka.

Waxa maxakimtu hortaagan yihiin wada hadalka iyo heshiiska Somaliya, ayagoo ku xiraya in Itoobiya dalka ka baxdo, Caqligaas foorarana waa kii sabab u ahaa in Itobiya dalka qabsato.

Waxan ku bilaabayaa hadalkii Cabda Cabdullaahi oo aanan marnaba uga maarmeyn qoraaladayda; (Ciddii ku xirta heshiiska Somalida, iyo wada hadalada, in Itoobiya dalka ka baxdo wuxuu quful ku dhuftay albaabkii Itoobiya ka bixi lahayd).

Waxan ummadda Somaliyeed u sheegayaa in hawlgalka maxakimtu uu yahay mid taageeraya qorshaha Itoobiya kula wareegayso Somaliya,

Waxan kaloo caddeynayaa in maxakimtu si khaldan u fahamsan yihiin, si khaldanna u turjumayaan, waxay tahay dawlad Islaaamiya iyo sida lagu gaarayo. 

Waxay u fahamsan yihiin dawlad Islaamiya ay ku iman karato oo kaliya in kooxda culimada ee maxakimta dawladnimada lagu wareejiyo, cid kale oo xaq u leh in ay shareecada ku xukumaanna uusan jirin, Ra'gaasu wuxuu la fac yahay, nin reer baadiye ah baa Masaajidkii Rassuulkeenna barakaysan CSS ku kaadshay, markaasaa Asxaabtii ku qayliyeen, Rasuulkeenna barakaysan CSS baa wuxuu yiri daaya oo wadaan biyo ah ku shuba kaadidiisa(masjidku ciid buu ahaa),markuu kaadidiisii dhamaystay baa Rassuulku CSS u yeeray oo yiri meeshaan waxa loogu tala galay in Alle lagu caabudo,ninkiibaa wuxuu la yaabay siday ugu qayliyeen iyo sidii Rassuulku CSS ugu naxariistay uguna naseexeeyay, markaasuu yiri, Ilaahow aniga iyo Muxammad u naxariiso, qof kalana ha u naxriisan, Rasuulkii baa ku yiri; wax weyn baad koobtay(naxariistii Alle weyne SW oo ballaarneyd baad labadeenna oo qura ku koobtay), Waxan kaga jeedaa, Ilaahow aniyo Muxammad u naxariiso cid kalana hanoola naxariisan, waxa la mida  ninkii yiraahda shareecada waxa ku xukumi kara hal koox oo ka mida culimada muslimiinta oo kaliya, wuxu soo koobay wax weyn, wuxuuna u muujiyay ku dhaqanka shareecada islaamka, waxan dhaqan gali karin, sababtoo ah waa waxan dhici karin in wadan hal koox oo kaliya dawlad ka ahaato.

Shareecada waxa ku xukumi kara qofkasta oo muslin ah oo ku qanca, mana ahan in culimada oo kaliya fulin karto. waa qawaaniinka dalka oo lagu badalo qawaaniinka Islaamka, ma ahan rag, lagu badalo rag, (ragga dawladda haya oo lagu badalo, raga culimada maxakimta, ama culimo kale).

Taasi waa fahamka iyo fakarka maxakimta, waxase kasii hooseeya kana natiijo xun falka (ficilka) waxay u shaqeynayaa in aan cid kale shareecada ku xukumi karin(saa xaqba uma aysan laha eh,waa siday qabaan), ayana aysan ahayn dad maamulkoodu dawladnimo gaari karo,waxa markaas natiijadii ku dhammaatay in aan waligeed la helin cid shareecada wax ku xukunta, inta maxakimtu jiraan.

Waxan ku caddeynayaa in aysan cid kale xukunka shareecada u ogolayn, intii ay awoodda haysteen mar qurana dawladda ku meel gaarka ma aysan ka codsan, umana soo ban dhigin ku dhaqanka shareecada,(walaalayaal aannagu xukunka idinkuma haysanno, waxan kaliya oo idinka rabnaa in aad shareecada Alle weyne SW ku xukuntaan,shareecadu waa wax u suubada xukun, Allaa usoo dajiyay, adinkuna xaq baad u leedihiin waxad tihiin muslimiin, adduunku idinkama hor imaanayo,( waxa adduunku ka hor imaanayaa ku dhaqanka shareecada markii si khaldan loo turjumo). 
 

Waxan ku caddeynayaa in aan maxakimta fakarkooda iyo maamulkoodu dawladnimo gaarsiisnayn, laba arimood; Tan koobaad awooddii aad ogeydeen oo soo martay (dal,dad,maal,muruq,) sinaba ugama aysan faa'iidaysan, nin awooddaaasoo kale soo martay oo aan dhannaba uga faa'iidaysan waxay caddeyneysaa in uusan dawladnimo shaashaddaba usoo fuulin, Tan labaad maxakimtu waxay ku guul darreysteen in ay yeeshaan hal guddoomiye,urur samaysan kari waayay hal guddoomiye dawlanimo ma hogaamin karo, Adduunku wax badan buu jiray sooma marin urur laba guddoomiye leh, ama dawlad laba madaxweyne leh,Golaha shuurada oo uu Sh. Xassan xukumo ma wuxuu hoos yimaadaa golaha fulinta oo uu Sh. Sharif xukumo?, mise golaha fulinta oo uu Sh. Sharif xukumo baa hoos yimaada golaha shuurada, ee Sh. Xassan xukumo?. 
 

Gunaanadkii wuxu noqday maxakimtu dawladnimo ma gaari karaa cid kalana dawlad kama noqon karto Somaliya intay dhaqdhaqaaqayaan, markaas halgankoodii wuxu ku dhammaaday in Somaliya aysan dawlad noqon, haddii Somaliya dawlad noqon waydana waxa la wareegaya Itoobiya, Somaliya waxa loo qaybinayaa dawlad goboleedyo yar yar, (Somaliland, Puntland, Jubbaland,Shabeelle land,Banadirland, Hobyoland, iyo kuwa kale), oo col ah oo midba mid lagu xuuxiyo, mid kastana hoos timaaddo dawladda Federalka Ethiopia. 
 

Halganka Maxakimta ay ku qaadaceen shirka qaran ee dib u heshiisiinta Somaliyeed, ay si joogto ah u qarxinahayaa Xamar, ay si joogto ah dhufeys uga dhiganayaan, Hoobiyana la hoos galayaan shacabka masaakiinta ah kadibna Itoobiyaanku madfaca ku hogaaminayo, waxa natiijadeedu tahay in aan dawladnimadii iyo qarannimadii   Somaliya waligeed soo noqon. 
 

Waxa mudan in aan qoralkeyga ku gunaanado hadalkii Cabda Cabdullaahi ay u qortay Sh. Sharif; (Waqtigaad Maxamad-dheere dirirayseen adaan ku raacsanaa, haddana mabda'aygii wax iskama badalin, marka aad leedahay miino aassa,  miinaduna aysan kala garanayn ciyaalka banooniga ku ciyaaraya jidadka Xamar iyo Askarta Itoobiyaanka, waxa igala natiijo roon hadalka Maxamad-dheere leeyahay madoonayo in rasaas la maqshiiyo dhagaha shacabka. 
 

Waxan ummadda Somaliyed ka codsanayaa, inaan maxakimta ka harno, inaan dawladda ku meelgaarka taageerno, inaan shirka dib u heshiisiinta taageerno, inaan midowno,in aan is cafinno, Si aan qarannimadeennii iyi dawladnimadeennii usoo ceshanno.

 
Haddaan in yar oo kaftan ah dhex gashado, markaan qoraalka diyaarsho waxan u diraa la taliyaashayda,si ay usoo saxaan una soo gaabshaan, waxay dhahaan markaan akhriska bilowno annagoo wili macaansanaynaa warqaddu naga dhammaataa, wax laga saarana ma lahan. 
 

Talodiina iyo taageeradiinnaan codsanayaa.   
 

Cabdiraxman Sh. Ismaciil (ABUUTURAAB). 
 

Abuturab100@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan Waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com