Daabaco Boggan | Print

AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo
Ciyaaraha EuroSom
Cadde
Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.
Daawo: Video-Bannaanbaxii Garoowe
DAAWO...

Xubno ka
tirsan Xiriirka
Soomaaliyeed ee
K/cagta oo ka
qaybgalay
Siminaarkii
Futsalka iyo
Beach Soccer-ka
ee dalka
Marooko.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo
gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Wararkii: July 30, 2007
-
Qaraxyo ka kala
dhacay Muqdisho, Afgooye iyo Baladweyne
-
Weeraro lagu
qaaday xarumo ay deganaayeen ciidamada Dowladda federaalka iyo
kuwa Itoobiya
-
Nin sheekh ah oo
laga watay Masjid ku yaala Magaalada Muqisho..
-
Geedi oo kulan
albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Meles Zenawi, kadibna ugu
soo laabtay Baydhabo
-
koobka Jaaliyadda
soomaaliyeed ee Koofur Afrika
Qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho,
Afgooye iyo Baladweyne
Waxaa sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka
dambeysa qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa
Itoobiya, waxaa maalintii shalay ahayd qaraxyo ka kala dhaceen
Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Baladweyne.
Haddii aan ku hormarno qaraxyadii ka dhacay
Muqdisho, waxa ay labo qarax ka dhaceen suuqa Bakaaraha, waxaa ka dahcday
labo qarax, waxaan ku dhintay labo qofood, waxaan u dhaawacmay ilaa iyo shan
qofood, sidoo kale waxa uu qarax ka dhacay Isgoyska Kasabal-balaare, waxaana
qaraxaasi ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Magaalada
Afgooye waxay sheegayaan in halkaasi laga maqlay magaaladaasi kaas oo laga
beegsaday gaari uu saarnaa Guddoomiyihii degmada Afgooye, hase yeeshee
qaraxaasi waa uu ka badbaaday gudoomiyuhu, hase yeeshee waxaa ku dhaawacmay
labo qofood.
Warar kale ee ka imaanaya Magaalada Baladweyne
ee Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in qarax lala beegsaday Gaari booyad ah
oo biyo u dhaaminayey ciidamada Dowladda, waxaana qaraxaasi loo xirxiray
dhowr qofood.
Weeraro lagu qaaday xarumo ay deganaayeen ciidamada Dowladda federaalka
iyo kuwa Itoobiya
Labo xarumood oo ay ciidamada Itoobiya ku
leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa lagu ekeeyey weeraro aad u balaaran,
waxaana weerarkaasi soo qaaday kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada
Itoobiya ee Soomaaliya.
Weerarkii koowaad waxa uu ka dhacay agagaarka
Florensa oo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya, waxaan weerarkaasi socday
mudo sodon daqiiqo ah, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala
duwan, hase yeeshee rasaastii la isweydaarsanayey ayaa waxaa ku dhaawacmay
dhowr qofood, sidoo kale weerar ayaa iyana lagu qaaday ciidamo Itoobiyaan ah
oo deganaa agagaarka Xayle Bariise, waxaana la isku weydaarsaday hubka
noocyadiisa kala duwan, ilaa iyo haddana khasaarihii ka dhasahsy weerarkaasi
lama hayo.
Dhinaca guri loo qorsheeyey in uu dego
guddoomiya Gobalka Banaadir Max’ed Dheere ayaa isna weerar lagu qaaday,
waxaana weerarkaasi socday mudo labaan daqiiqo ah, ilaa iyo dhowr baasuuke
ayaa ku dhacday guriga Guddoomiye ku xigeenka Nabadgelyada Gobalka Banaadir
C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa sheegay in uusan wax dhib
ah soo gaarin guriga iyo waliba ciidamadii difaacayey, isagoo sheegay in
lagu raad joogo dadkii ka dambeeyey
Nin sheekh ah oo laga watay Masjid ku yaala
Magaalada Muqisho..
Iyadoo ay sii xoogeysanayaan xariga lagu hayo Culima’udiinka iyo waliba
gelitaanka Masaajidda ee Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa xabsiyada
Dowladda Federaalka buux-dhaafiyey boqolaal culimo ah oo aan waxba galabsan.
Maalintii shalay ahayd ayaa masjid
ku yaal Xaafadda Buulaxuubey ayaa waxaa soo galay afar nin oo aan labisneyn,
waxayna u tageen Sheekh Masaajidda ku sugna xiligasi oo lagu magacaabo
Sheekh Faarx, waxayna ka codsadeen in uu Haweenay ku mehriyo, markii uu
Sheekhu diiday in uu raaco raggaasi, ayaa waxay markii dambe ula soo baxeen
Bistoolado, waxayna u sheegeen in ay yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda,
waxayna amar ku siiyeen in uu raaco, waxayna markiba ku tureen gaari.
Sheekh Faarax oo ka tirsanaa Culimada Tabliiqa
ayaa waxa uu hormuud u ahaa kooxo culimo ah oo dacwado ka waday gobalada
dalka, waxaan la sheegay in aan la ogeyn halka loola dhaqaaqay. Dhanka kale
maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka tirsan Dowladda waxay galeen labada
maxjidka Sheekh Cali Suufi iyo Masjidka Bil-iyo-Xidig, waxayna halkaasi ka
wateen dhowr qofood oo Salaadda ku tukanayey.
Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa walwal ka
muujiyey gelintaanka masaajidda ee Ciidamada Dowladda Federaalka.
Geedi oo kulan albaabadu u xiran yihiin la
yeeshay Meles Zenawi, kadibna ugu soo laabtay Baydhabo
Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geedi oo haatan booqasho
ku jooga Magalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxa uu maalintii
shalay ahayd kulan la yeelshay Ra’isul Wasaarha dalka Itoobiya Meles Zenawi,
waxaan kulankaasi la iskula soo qaaday xaaladda Soomaaliya, waxa uuna Cali
Geedi faahfaahin uga bixiyey in xaaladda nabadgelyo ee Muqdisho ka soo
reyneyso.
Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare
Geedi uu ka dalbady Meles Zenawi uu gacan ka gaysto khilaaf xoogan oo u
dhexeeye Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka, kaddib markii qaar ka mid ah
Xildhibaa-nada soo jeediyeen in lala xisaabtamo Dowladda Federaalka.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa
waxay ku doodayaan in uu dhamaaday xiligii horey loogu qabtay in dowladda
sii shaqeyso muddo afar bilood ah.
Heshiiskii xiligaasi la wada gaaray ayaa waxaa
gacan ka gaystay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Musfin, Ra’isul Wasaare Geedi
ayaa kulankii uu Adis-Ababa kula soo qaatay Meles Zenawi kadib waxa uu
shalay soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo kaga qabgali doono doodad
Baarlamaanka uu ka yeelanayo Xukumaddiisa
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
koobka Jaaliyadda soomaaliyeed ee Koofur Afrika

Waxaa ka socdo wadanka s/africa gaar ahaan gobolka estaern
cap koobka horyalka oo ugu bilowday jaaliyada somaliya ee ku nool wadanka
s/africa gaar ahan gobolka port elizabeth.
ciyaarta ugu horeysay waxaa lagu furay kooxda horseed iyo
waberi iyadoo ay goosha raacday koxda horseed kuna badiyeen 2:0
ciyaar aad u wanagsan ayay lasoo baxday kooxda horseed waxaa
meesha ka fir fir coonaah ciyartoyga ugu qaalisanaa kooxda horseed
c/rahman dheere oo ciyaar wanag lasoo baxay galab taasi.
waxeyna is arki doonaan 3da koxood ee kala ah Al shabaab,
Midnimo, p.swhole saler's.
iyadoo rajada laga qabo koobka kooxdii qaadi laheyd ay jaalida
dhigtay koob qurux badan kooxdii badisa ay halkaa guushu ku raaci doonto .
wadanka kofur afrika wuxu imika udiyar garoobaah in sanadda
20010ka uu ku qabsoomo koobka aduunka wold cup .
wana wadankii ugu horeeyey ee africa loo iclaamiyay inuu ku
qabsoomo koobka aduunka ,hadana wadankaasi waxuu ka mid yahay wa k/afrikee
wadamada ugu hodonsan qaaradda africa .
hadaba cayaarahaasi akhriste yaal wixii kuso kordha waaxad kala
socondoontaan wabkan dayniile
Shukri Siidow Xassan
(Shukri Sharaf)
Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007


|