Daarood Ismaaciil iyo
Tigree Ismaaciil
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Soomaalidu waxay aad u
qiimaysaa xiriirrada bulshada. Cidda la jecelyahay ama la soo dhawaynayo
waxaa lagala ambaqaadaa meesha ugu dhaw ee xiriirka lagala leeyahay,
sida: tolnimada, reer abtinimada, xididnimada, darisnimada, isbahaysiga,
saaxiibnimada iwm. Xiriirka ugu weyn ee ay qadariyaan waa abtirsiga
haddii uu doono haba dheeraadee. Cidda ay muujinayaan xiriirka adag ee
kala dhexeeya waxay ugu abtiriyaan awoowayaashood. Waxay sidaa ku
noqdaan dad isku hayb ah oo si siman uga wada faa’iidaysta isbahaysigaas
oo magta wada bixiya, hiil iyo hoo-na ka dhexeeyo, quud iyo qaaraana
wadaaga.
Xiriirka noocaan ah wuxuu
dhexmari jiray Soomaalida uun, taariikhdana laguma hayo in isbahaysi
noocaan ah oo dhexmaray Soomaalida iyo qolo gaalo ah. Ka dib markii
gumaysigu ka adkaaday kacdoonadii lagaga soo horjeeday, dalkana uu si
buuxda gacanta ugu dhigay ayaa waxaa bilowday hunu hunu sheegaysa in ay
jiraan qabaa’il iyo afraad xiriir hoose la leh gumaysiga, waxaana soo
shaac baxay halkudhigyo ay ka mid ahaayeen: Pro Talyan oo lagu magacaabi
jiray kooxo ka soo horjeeday xorriyadda, mase jirin cid si bareer ah
hayb ula sheegata gumaysiga. Xilliyadii dambe ee jabhadaha mucaaradka
Soomalidu u galeen Xabashida ayay dadka qaar bilaabeen in ay gaalada ugu
abtiriyaan awoowayaashood; si ay u muujiyaan xiriirka dhaw ee kala
dhexeeya, ka dibna waxay noqotay wax la isaga daydo oo qoladii
qabqableheedu Xabashida u galaba ay ku tillaabsato. Waxaynu maqalnay
Tigreegu waa Jabarti, Facaye Sade, Xarle Koombe …iwm. Haddaba aynu is
weydiinee maxaa ka dhab ah isbahaysiyadaan?, maxaase ka dhalanaya oo
dhib iyo dheef ah?.
Ugu horrayn isbahaysiga
Soomaalidu wada gali jirtay wuxuu ahaa mid dhab ah oo daacad laga wada
yahay, kan Xabashida lala galayse waa is moodsiise ma aha wax dhab ahaan
jira. Xagga nafciga isbahaysiga Soomaalidu wuxuu ahaa mid labada
dhinacba ka wada faa’iidaystaan, kanse waa mid 100% u adeegaya Xabashida
oo qur ah, qabiilka la socdana aysan waxba ka faa’iidayn haba yaraatee,
marka laga reebo in ay reer hebel kale ku xumaynayaan. Mar kasta oo
duulaan la qaadayo waxaa afka la soo saaraa xagga Soomaaliya, cid kasta
oo la dilayo ama xoolo kasta oo la qaadayana waa kuwa Soomaaliyeed ee
marna ma dhacdo in xagga Itoobiya weerar loo wada qaado, mana jirto mar
la wada laayo Xabashi ama la wada dhoco xoolo Xabashiyeed. Marka dhinac
kale laga eego xilfigaan wuxuu u dhisan yahay in lagu waxyeeleeyo gaar
ahaan dadka iyo deegaanka qabiilka la socda Xabashida; maxaa yeelay
jabhad walba waxay Xabashida ku soo hogaamisaa deegaanka qabiilkeeda.
Xabbaddii dhacdana waxay haleelaysaa dadkooda ama duunyadooda. Tan kale
inta halganku socdo waxaa Xabashida fursad loo siiyaa in ay si buuxda u
dhexgasho qabiilkaas, qaybihiisa iyo deegaankiisa, waxayna xiriir adag
la yeelataa dad badan oo muhiim ah. Ugu dambayntana kuwii keenay ayay
kuwo kale ka hoos samaysaa oo iyagii kaga takhalustaa. Intaa waxaa dheer
dhibaatooyin isugu jira kuwo diineed, nabadgalyo, miskexeed, dhaqan iyo
dhaqaale oo laga dhaxlayo isbahaysiga Xabashida.
Xagga abtirsiga:
Odayaasha loogu abtiriyay Xabashida iyo dadka ku abtirsada odayaashaas
badankoodu wax xiriir ah lama laha Xabshida ee xiriirkaani wuxuu ku
kooban yahay kuwa la shaqaysta uun, sidaa darteed waa in aysan
abtirkeena siin gaalada ee ay iyagu ku abtirsadaan awoowayaal Xabashi
ah, tusaale ahaan: hebel Tigree ama hebel Amxaar iwm.
Xagga diinta:
Dhibaatooyinka ka dhashay isbahaysigaan way wada taabanayaan diinta,
intii aynu soo sheegnayse waxaynu ku kordhinaynaa arrimahaan:
1. Waa wax lagu kala
fogaynayo muslimiinta, gaaladana lagu soo dhaweysanayo, muslimiintuna
dhab ahaan iyagaa walaalo ah, gaaladuna cadaw ayay u wada tahay.
2. Waxay qaadaysaa
teedka nacayb iyo colaadeed ee u dhexeeya muslimiinta iyo cadawgooda.
3. Waxay tirtiraysaa
caqiidada ka bari noqoshada gaalada iyo wali ka dhigashada muslimiinta,
waxayna dhimaysaa ka didista gaalnimada.
4. Waxaa lagu
xadgudbayaa awoowayaasha muslimiinta ah oo loogu abtiriyay ama lala
walaaleeyay gaalada.
5. Waa been abuur cad
oo lala jahrayo.
Maxaa lagu xallin karaa
musiibadaan:
Inta aynaan xalka ka
hadlin aynu is weydiino asbaabta keentay in dadkeena qaarki ku qamaamaan
Xabashida ilaa qaarkood jacaylkeeda ku kawkabaan. Waxaa ka mid ah
asbaabta mushkiladaan keentay: jahliga oo si ba’an ugu faafay bulshada.
Iyada oo muddo dheer si qorshaysan dadka looga fogeeyay diintooda.
Wacyiga bulshada oo aad iyo aad u hooseeya. Dadkii xulka ahaa oo loo
jarabaray nacamle-nimo, taas oo keentay in ay hadba kii hoggaanka u
qabta daba kacaan. Dulmiga qabiilooyinku isu gaysteen oo qaarkood
gaarsiiyay: (rag ciil cadaab ka dooray) iyo (Rabbi ka baq iyo rag iska
dhici meel ma wada galaan).
Maxaa xal ah?:
Ma jirto mushkilad aan
xal lahayn, tanina ma aha mid ugub ee waa musiibo meelo badan iyo
waqtiyo kala duwan ka dhacday caalam Al-islaami. Dhawr qodob ayaynu soo
qaadaynaa oo qayb ka noqon kara xalka mushkiladaan:
1. In lala dagaalamo
jahliga, lana faafiyo cilmiga, gaar ahaan caqiidada islaamka.
2. In bulshada si
wacan loo wacyigaliyo, lana kala baro cadawgeeda iyo sokeeyeheeda.
3. In la joojiyo,
lalana dagaalamo dulmiga iyo xadgudubyada la isu gaysanayo, gaar ahaan
dadka laga taagta roonyahay ama laga tiro badanyahay.
4. In kooxdii gaalada
raacda loogu abtiriyo kuwa ay raaceen ee aan la oran reer hebel ayaa
gaalada la safan; maxaa yeelay dambi dad gaar ah faleen ayaa qabiil dhan
oo muslim ah la saarayaa. Tan kale ceeb ay kaligood la madoobaan
lahaayeen ayaa laga fududaynayaa.
5. In la gumeeyo oo la
weel duwo kuwa gaalada raacay ilaa ay ka toobad keenaan.
6. In dadkeenu
garwaaqsado in dadka u gacan haadinaya aysan dantooda wadin ee ay dan u
gaar ah ku gaarayaan.
7. In hoggaanka
qabaa’ilka gacanta loo galiyo dad u danqanaya bulshada, isla markaana
leh dadnimo ay maya ku dhahaana kuwa marin habaabinta wada.
8. In xoog la saaro
heshiisiinta qabiilooyinka is qabta.
Gabagabadii shaki kuma
jiro in aysan ka dhaxayn Daarood iyo Tigree wax xiriir dhalasho ah oo
Nabi Nuux ka sokeeya. Xagga diintana midna Nabi Muxammad (scw) ayuu
tawxiidka ku raacay, midna Pulse ayuu shirkiga ku dabagalay. Waxa aan
cinwaanka sidan ugu doortay in aan loo fahmin in aan dad gaar ah u
jeedo, taas oo keeni karta in ay dadka qaar ka qadaan nuxurka qormada.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007