MADAX SARE OO CARE KA TIRSAN OO SOCAAL KU MARAY KARKAAR (DAAWO
SAWIRO)
Waxaa
Degaanada Gobolada karkaar ee D.G.P.Land socdaal dheer oo xaga dhulka ah ku
maray wafdi heer sare ah kana socday Hay'ada Care international Madaxa sare
ee Care ee Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan John ,Care country director David
iyo weliba Team Leaderka Care ee Garowe Iilaan Abdulahi ayaa waxaa aay ugu
horeyntii booqsho ku tageen Tuulada X.Kheyr ee Degmada Qardho halkaas oo
kulamo kula yeesheen Maamulka Gud.Tuulada X.Kheyr Max'ud X.Kheyr Madax ka
tirsan NGOga wadinga ah ee GARWADO iyo weliba dadweyne aad u fara badan .
Socdaalka wafdiga ayaa la xiriira xaqiiqo raadin ku saabsan sida ay
howlaha care aay ka wado gobolka yihiin .
Wafdiga ayaa waxay la kulmeen Madaxa Maamulka Degmada iyo Gobolka ugu
horeyn wax aay socdaal dheer oo dhulka ah ku mareen Xarumaha Suuqyada ee
Degmada Qardho sida suuqa Xoolaha,caanaha,qudaarta iyo weliba suuqa weyn ee
Bagaashaka wafdigaan ayaa waxaa waday oo tusay goobahaas oo dhan Gud.Degmada
Qardho Cismaan Buux Cali iyo weliba C/samad Yusuf oo ah project Mangerka
GARWADO NGO.
Sida uu noo sheegey Dr.Axmed Aadan Gaas ka mid ah Howlwadeenada NGOga
GARWADO oo la socdey inay la Kormeerka wadeen in Hay'ada care iyo garowdo
aya ka dhaxeeyso shaqo soo jireen ah isla markaana ayaa iyaga dhankooda
diyaar u yihiin in aay howlaha aay ka wadaan degaanada aay sii xoojiyaan.
Tuulada X.KHEYR
Garwado ayaa waxa aay Tuulada X.Kheyr aay ka fulisay Labad Xarun oo kala
ah Xarunta daweynta Xoolaha iyo Dukaanka Tuulada oo aay shirko ku yihiin 13
haween ah oo aya maalgeliyeen hay'adaa care
Safiyo Axmed Kheyr Gud.GARWADO oo ku dheeraatay waxyaaba ayaa Ngo ahaan
ka qabteen deganka ayaa indhadooda waxa aay ku soo tustay madaxdii care.
sidoo kale dumar fara badan oo halkas ka hadlay ayaa wax aay mahad u
bogaadin u jeediyeen Madaxa sare ee Care iyo Garwado ka dib wafdiga ayaa
waxa aay soo gareen Magaalada Qardho intii aaysan soo gaaran magaalda ayaa
waxaa lagu soo dhaweeyay Fardo aad u qurux badan iyo weliba gawaari aad u
tiri badan ka dib waxaa aay toos u abaareen oo aadeen xarun suuqa haweenku
leeyahay oo Care aay ka dhistay Xafadada Gacan-Libaax ee Deg.Qardho halkaas
oo aay ugu sii gudbeen Suuqo badan oo aay ka mid ahayeen Suuqa
caanaha,xoolaha,qudaarta iyo suuqa bagaashka.
Tuulada UURI
Xilgii galabnimada aheynd ayaa wafdiga waxaa aay u gudbeen tuulada uuri
oo ka tirsan Deg.Qardho halkaas oo Ngo garwado ka fuliyey Mashruucyo igu
jira waro biyo iyo weliba dhul biyo celin ah .
Intii ay wafidgu ku sugnaayeen deganada Uuri,Qardho iyo X.Kheyr oo ka
badan 12 saacadood ayaa waxaa martiqaadaayey si qaado sharaf ah waxaa loogu
sameeyay ugu dambeeyntii Hotel Alle _aamiin Qardho halkaas oo aay kulamo
kula Yeesheen
Yasin Siciid Gud.G/karkaar iyo Cismaan Buux Cali Duqa Degmada Qardho
iyaga oo ka wada hadlay arimo badan oo khuseeya degaanka ugu dambeeyntii
waxa uu shirku ku soo damaaday Jawi aad u degan .
Wafdigiina waxa aay u socdaaleen Caasimadda D.G.P.land ee Garowe.

C/weli Xasan Gooni
gooni2@hotmail.com
Qardho,Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2007
QADO SHARAF LOO SUUBIYEY AABAYAASHII ISBOORTIGA
SOOMAALIYEED IYO CIYAARIHII UGU DANBEEYEY

Waxaa qado sharaf aad loo agaasimay oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan
aabayaashii isboortiga Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qabanqaabiyey ururweynaha
KANAVA iyo EuroSom. Warka oo dhan...