SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Odinga oo Diiday Nadiijada Doorasha Kenya, Sheeganya in uu Isniinta is Caleemo Saari doono...

Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa ku guulaystey doorashadii Kenya. Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Axadii Dec 30, 2007 5:59pm, ay faafiyeenka guddiga doorashada kenya ayadoo markii gudoomiyaha ECK Samuel Kivuitu uu shaacin rabay la isku qabsatay sida wax uu u sheegayo kadibneh ciidan koofi cas loo yaqaano meesha ka saareen gudoomiyaha ECK Samuel kivuitu.

Wax yar kadib waxaa meesha shir jaraa’id ku qabtay Mr Raila Odinga “Kibaki ma ku qancaayo in uu doorasha laga guulesay shacabkuna ma aqaalayo anaga ma aqbaleeno wax dhaco waa la arki doonaa” sidaas waxaa dhahay Mr Odinga asagoo hadal sii waday waxuu yiri waxii dhaco waxaa noqon doonan ku gaaro wabiga kadib u gudba bada - midaas oo dad si kale duwan ay ku macneeyeen sidaa dhiig ama in uu gali doono State house wadan Kenya laga taliyo.

Mr Odinga “saakay ilaa hada waxaan la hadlay Gudiga doorasha ECK waxaa weydiiney ilaa 800 boqol oo kun oo cod meesha ay ka yimaadan meel kasto waxaan noo joogay wakiil PNU waxuu u joogay wakiil, wax ay heyso ha keento meesha aad ka keenteen noo sheega waa diiday Gudoomiya in arinkaas uu ka hadlo waxuu leeyahay iska day wax PNU heysato” ODM ayaa u haysato iyo dad qaar ee Kenyan ah in uu yahay qalad 800 boqol oo kun oo cod mid la sameeyey oo lagu shubtay sidaas laga badiyey MR Odinga.

Codadka la tiriyey waxa uu Kibaki helay 4,58M, Halka Raila Odinga uu helay 4,352M, musharaxa saddexaad oo ah Kolonzo uu helay 879 boqolal kun, Sidaas dardeed, guddiga doorashada Kenya ECK Gudoomiyaha Samuel Kivuitu asagoo qol aan sidaas wariyaal u badani joogin & dad xisbiyada uga wakiil ah aysan joogin meesha kaga dhawaaqay in doorashadii madaxweynaha Kenya uu ku guulaystey Mwai Kibaki. Waxuu gudoomiyaha ECK Samuel Kivuitu shaaca ka qaadeen in Kibaki uu yahay madaxweynaha wadanka Kenya.

Isla markii saacadda Kenya ahayd 6.13pm, Axad Dec 30, 2007 ayaa Kibaki loo dhaariyey in uu mar labaad noqdo madaxweynaha Kenya. Dalka Kenya asagoo meeshaas ay goobjoog ka ahayen ciidan xooga dalka saraakil ka dirsan, oo meesha aan dadweyne iyo madax kale aysan joogin ayadoo sida caadi ah loo sameen jiray madaxweynaha caleemasar iyo dhaar Jan 03 2008 oo wadama badan oo caalamka iyo shacab wadanka Kenya iyo madaxdiisa laga imaan jiray sida markii hore uu helay Kibaki doorashadii 2002 Dec 27kii, ayadoo taas ay ku tuseyso sida wax u qaldan yihiin sidaas waxaa dhahay Xasan Jabuuti.

Mr Odinga oo Isniinta saacada marka ay tahay 2pm dad ku balamiyey fagaaraha Uhuru Park si markiisa loo caleemo saaro shacab hortiisa ugu dhaarto, waxaa bandow lagu soo ragay Kisumo oo ay dagaan dad Odinga ka soo jeedan ayadoo mombasa rabsho iyo mudaahiraad sida kisuma oo kale ay ka dhacay ayadoo dad ay leeyihiin “hadii Raila uu san helin nabad ma jireyso”. Mombassa iyo kisuma oo rabshado ka dhaceen iyo  sida meesha sandaqado ay yaalen. Nairobi xaaladeeda laga baqayo, walow dad xaafada Kamagunji ay dad kula carareen cabsi xoogan jirto in dalka isku badalo sida Somaliya oo kale.


Si kastaba ha haatee waxaa kuraasta baarlamaan ku badan ODM oo l asheegay in ay heleen ilaa 92 kursi meesha PNU ay heesato 32 kursi waxaa dhiman ilaa sadex degmo oo doorasha PM lagu celin doono sida Kamagunji oo ay Somalidu u badan tahay oo ay ka shaqaxan yihiin labo musharax Yuusuf Xasan iyo ibraahim oo labadaba ay Somali yihiin.

Hadii ay loo daayeyo kibaki xiliga madaxweynaha waxba ma u suurta galayaan haduusan la heshiin ODM oo ku heesta barlamaanka 50% oo aqlabiyed weyn ku leh.

Mohamed Zaki | mah_ed229@hotmail.com

Kibaki oo ku Guulaystey Doorashadii Kenya..: Madaxweyanaha Kenya Mwai Kibaki ayaa ku guulaystey doorashadii dalka kenya, tirada codka uu helay waa... Akhri..

Warbixin Kooban oo ku Saabsan Nuxurka Dhibta Doorashada Wadanka Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2007

farooleCabdiraxman Faroole: Heshiiskii 2005 ee Khayraadka Dabiiciga, Cadde Muuse sharci uma lahayn in uu saxiixo...

Yemen: Xaflad Lagu Maa-muusayey Qalin-Jebinta 50 Arday oo Soomaali ah oo ka Dhacday Magaalada Sanca

Jordan: Kulan Wafti ka socda Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan iyo ardayda Jordan....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com