164 Qof oo Ku Dhintay Rabshadihii ka Dhashay Doorashadii Kenya
iyo Raila Odinga (Xisbiga ODM) oo Khamiista ku baaqay Bannaanbax loogu
magac daray "Inqilaabkii Shacabka"..
- SomaliTalk.com | Janaayo 1, 2008
Nin mudaharaadayaasha ka mid ah oo boolisku garaacayaan, meeshu waa
xaafadda Kaptembwa ee Nakuru. Sawirka: Standard |
Maalintii 3aad (Isniintii Dec 31, 2007) ayaa rabshado ka sii
socdeen Kenya taas oo ka dambeysey kaddib markii guddiga doorashadu ay si degdeg
ah ugu dhawaaqeen in doorashada uu ku guulaystey Mwi Kibaki, kaddibna uu
natiijadaas diidey Raila Odinga.
Guddiga doorashada ayaa hadda ku kala qaysan sidii laga yeeli
lahaa natiijayada iyada oo afar guddigaas ka mid ah shir jaraa'id ku sheegeen in
loo baahan yahay in si madax bannaan loobaaro in qaar ka mid ah guddigi ay wax
is daba maryeeyeen.
Sida ay werisey jariidada Standard oo soo xiganeysey Booliska,
waxaa tirada dadka ee kudhintay rabashada ka dhashay doorashadii Kenya ay
gaartey (Isniintii) ilaa 164.
Dhimashada ugu badani waxay ka dhacday Manyatta iyo Nyamasira oo
boolisku ay toogteen dad mudaharaadayey. Magaalada Nairobi waxaa Isniintii
kudhintay ilaa 40 qof. Magaalada Eldoret (oo Soomaalidu xususato in lagu qabtay
shirkii lagu soo asaasay DFKMG) waxaa ku dhintay ilaa 24 qof.
Magaalooyinka Nairobi iyo Kisumu waxay Isniintii ahaayeen dhul
ay ku gadaaman yihiin Boolis.
Hoggaamiyha xisbiga ODM (Orange Democratic Movement), Raila Odinga,
waxa uu ku baaqay bannaanbax socdaalkii million-ka qof, oo ay ugu yeereen
"Inqilaabkii Shabacka". ee baarlamaanka Kenya, waxayna sheeganayaan in Kibaki uu
shubtay doorashada oo aysan aqbali doonin natiijada, balse mudaharaadka ay
dhigaan ay ku inqilaabi doonaan.
Mombasa waxaa la xiray goobihii ganacsiga. Nairobi galabnimadii Isniinta
waxay u muuqatey meel cid la'ah, dadkuna guryohooda ay ku gabanayaan.
Dalka Canada ayaa walaac ka muujiyey rabshadaha ka dhashay doorashada Kenya.
Sidoo kale waxaa walaac muujiyey midowga Yurub.
Dawladda Igiriisku waxay soo saartay digniin ay dadkeeda uga digeyso
socdaalka qaybo ka mid ah Kenya.
Odinga oo Diiday Nadiijada Doorasha Kenya
Waxana uu sheegay in uu Isniinta is Caleemo Saari doono...
Kibaki oo ku Guulaystey Doorashadii Kenya..
- Ugu Yaraan 20 Wasiir oo Lumiyey Kuraastoodii Baarlamaanka
Kibaki |
Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa ku guulaystey
doorashadii Kenya. Sidaas waxaa shaaca ka qaaday tirintii
cod bixinta ee maanta oo Axad ah (Dec 30, 2007) ay faafiyen
guddiga doorashada kenya.
Codadka la tiriyey waxa uu Kibaki helay 4,584,721, taas oo ah boqolkiiba 47%.
Halka Raila Odinga uu helay 4,352,993, taas oo ah boqolkiiba 44%. Halka
musharaxa saddexaad oo ah Kolonzo uu helay 879,903. (oo ah 9%).
Sidaa daraadeed, guddiga doorashada kenya, waxay ku dhawaaqeen in doorashadii
madaxweynaha Kenya uu ku guulaystey Mwai Kibaki. Waxay guddigu shaaca ka qaadeen
in Kibaki uu yahay madaxweynaha Kenya.
Markey saacadda Kenya ahayd 6.00pm, Axad Dec 30, 2007 ayaa Kibaki loo
dhaariyey in uu mar labaad noqdo madaxweynaha Kenya. Dalka Kenya waxaa
madaxweynaha la doortaa 5-tii sano-ba mar.
Isha: Website afhayeenka Dawladda Kenya...
http://www.communication.go.ke/elections/
Isha: Website afhayeenka Dawladda Kenya...
http://www.communication.go.ke/elections/
Xagga kuraasta Baarlamaanka waxaa xubnaha ugu badan helay xisbiga ODM ee
Raila Odinga, halka xisbiga PNU ee Kibaki uu helay 32 xubnood. Xisbiga ku soo
xiga oo ah ODM K uu helay 14 kursi, Xisbiga KANU uu helay 5 kursi, Xisbiga
SAFINA 5 kursi...
Isha: Website afhayeenka Dawladda Kenya...
http://www.communication.go.ke/elections/
Shaxda hoose waxay muujineysaa sidii ay dadweyanaha ku dhaqan gobolada Kenya
ugu kala codeeyeen madaxweynaha (Waa codadkii la tiriyey 6:00pm Dec 30, 2007),
waxaana muuqata gobolka loo yaqaan Central in uu Kibaki ka helay codadka ugu
badan.
Shaxda hoose waxay muujineysaa guud ahaan tirada codadka la tiriyey inta ay
heleen musharaxiinta madaxweyananimada Kenya.
Isha: Website afhayeenka Dawladda Kenya...
http://www.communication.go.ke/elections/
Ugu Yaraan 20 Wasiir oo Lumiyey Kuraastoodii Baarlamaanka
Ugu yaraan 20 wasiir oo ka mid ahaa dawladii hore ayaa lumiyey kuraastoodii
baarlamaanka, waxaana ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii Kenya, Moody Awori (oo
loo yaqaan jirey ADEER MUUDI).
Waxaa kale oo ka mid ah nin ay muddo dheer jaal ahaayeen Kibaki, caana ka ah
Kenya oo ah Nicholas Biwott.
Waxaa kale oo kuraatoodii lumiyey wiilasha uu dhalay madaxweynihii hore ee
Kenya, Moi, oo kala ah Gideon, Raymond iyo Jonathan.
Wasiirada kale oo kuraatooda lumiyey waxaa ka mid ah: Mohamed Abdi Mahmud, Kipruto Kirwa, Raphael
Tuju, Kivutha Kibwana, , Joseph Munyao, Mutua Katuku, Newton
Kulundu, David Mwiraria iyo Njenga Karume.
Hoos ka akhri Warbixinadii hore:
Kibaki oo Wax yar Ku Horeeya Doorashada Kenya
Wararka ugu dambeeyey ee ka soo baxaya tirinta codbixintii Kenya
ayaa tibaaxay in madaxweynaha Kenya ee hadda, Mwai Kibaki, uu tiro aad u yar ku
horeeyey codadka ilaa hadda la tiriyey (3:00pm Dec 29, 2007).
Codadka la tiriyey waxa uu Kibaki helay 2,394,099 cod. Halka oo
Raila Odinga helay 2,388,721 cod. Musharaxa saddexaad oo ah Kalonzo waxa uu
helay 231,183 cod. Laakiin qiyaas ahaan Kibaki iyo Odinga boqolkiiba waa barbar
ka dhac oo waxay haystaan 48% codadka oo dhan, waxaase sida muuqata hal dheeri
wata Kibaki.
Isha: Website afhayeenka Dawladda Kenya...
http://www.communication.go.ke/elections/
Kibaki
Odinga |
Guud ahaan codadka ilaa hadda la tiriyey
musharaxiinta u sharaxan madaxweyne waxay codadka u kala
heleen sida hoos ku qoran (waa tirintii 3:00pm Dec 29, 2007)
Isha:
http://www.communication.go.ke/elections/
Kuraasta baarlamaanka waxaa xilligaas la sheegay in 40% uu helay
xisbiga Odinga ee ODM, sida ka muuqata shaxda hoose.
Isha:
http://www.communication.go.ke/elections/constituency.asp
Akhri: Soomaalida iyo Raila
Wararkii hore ee doorashada:
Xisbiga mucaaradka Kenya ee ODM ayaa sheegtay in uu guul ka gaaray
doorashooyinkii madaxtinimada, iyagoo ugu baaqay in Madaxweyne Kibaki uu
aqbalo in laga guuleeystay, si looga baaqsado rabshado dheeraad ah.
Codadka rasmiga ah ee soo baxay ilaa hadda ayaa muujinaya in
musharaxa Raila Odinga uu boqolkiiba afar ka horeeyo Madaxweyne Kibaki iyo
baarlamaanka oo ay ODM ku yeelay ilaa 92 kuraas.
Kaddib in ka badan 48 saacadood markii ay ka
soo wareegtay xilligii ay xirmeen cod-bixintii
doorashooyinkii dalka Kenya, ayaa caro ku saabsan sida
gaabiska ah ee ay u socoto sheegista natiijooyinka kama
dambaysta ah waxa ay keentay in rabshado teel-teel ah ay
meelaha qaar ka dhacaan.
Kumannaan kun oo dadweyne ah ayaa waddooyinka u soo baxay,
kuwaasoo weerarro ku qaaday dukaamo isla markaana gubay taayarro magaalada xagga
Galbeedka dalka Kenya ku taalla ee Kisumu, halkaasoo uu ku xoog badan yahay
hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Raila Odinga, sidoo kalena waxa ay iska horimaadyo
ka dheceen caasimadda Nairobi xaafada Kamaguje ee dagmada ISLII ku taalo ay
soomaalida u badan yihiin oo qof ku dhintay halka magaalada KIsumu ay ka dhacay
bililoqo si weyn laga bilileeqastay dukaamada.
Qiyaas la sameeyey 2.30pm (Dec 29, 2007) waqtiga Kenya waxa ay
muujinaysay in Odinga haystey 47.5%, halka Kibaki haytey 47%
Isha: Daily Nation, Kenya
Waxaa gudoomiya doorashooyin Kenya uu qiray in lagu celiyo
doorashada marka kale marka lagu cel celiyey dhibka sida weyna ka dhacay xafada
Kamaguji oo Nairobi inteeda kale ka dhicin uu ka dhacay ayada, ayadoo ilaa 7
sanduuq oo cod ku jireen meesha laga qaaday oo askar ilaalinesay ay markii lacag
la siiyey ka qaaday ayadoo xisbiga PNU ee kibak nin u tartamaayo simon uu sidaas
sameeyey ayadoo somalida ay iga sharaxneeyaan labo mushaax dhinac MP ilaa 16
kale dowlada hoose.
Waxaa muuqato in ay wali socoto ku shubashada ay wadaan, sida
xisbiga PNU taas oo maanta keenay marka Gudoomiya doorashin uu meel kaga rabay
96 uu ku tilmaamay tiro yar ayado xisbiga ODM ay ku qeynileen Gudoomiyaha kadin
dhaqta jalaq u siin waayey kadib ay dul tageen oo meesha dagaal ka dhici gaaray
ayadoo uu hadalkii joojiyey gudoomiya uu yiri dad aan meel aan u diray meel ay
jiraan ma aqaano kalsooni ma ku qabo ayaa waxaa su’aal weydiiyey DR Najib Balala
“hadii aadan kalsooni ku qabin aniga sidaan ugu kalsoonan karaan najiida aad
sheegeso qofka dalka madaxweyn ka ah waa taqaan ee sheeg rajada wadan Kenya iyo
dad adiga ayaa haayo ee caadaala sheeg ‘ ayuu yiri DR Najib Balala, kadib
su’aahi ayuu Najib Balala si waday asagoo ka wakiil ah Mr Raila Odinga uu yiri
sidaa igu kalsoonan karnaa 18 meel ee codad ku harsan yihiin Gudoomiya ayaa
sheegay inuu kor aadayo najiiada bari shaaci doono.
Dad badan ayaa waxey is weydiinayaan doorasha gashay maalin
afaraad oo wali aan si sax aan loo heli qof helay dad qaar uu ku macneeyey
ayadoo la doonayo in lagu shubto.
Mr Odinga waxa uu dhowr kun oo boqol oo cod ka horreeyaa
madaxweyne Mwai Kibaki, laakin labada dhinacba waxay sheeganayaan in ay ku
kalsoon yihiin in ay guul helayaan.
Kuraasta Baarlamaanka ay ilaa hadda heleen xisbiyadu (waa
2.30pm, Dec 29, 2007) :
Isha: Daily Nation, Kenya
Daawo
Video Doorashada Kenya...
Si kastaba ha ahaatee, waxaa doorashooyinkani ay muujiyeen in
dadweynihii codadkooda dhiibtay ay inta badani iska diideen dowladda Mr Kibaki,
iyadoo ay ilaa 20 wasiir oo dowladda Kibaki ka tirsani lumiyeen kuraastoodii
baarlamaanka, kuwaasoo uu ku jiraan madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha
dibadda.
Mohamed Zaki | Email: mah_ed229@hotmail.com | Nairobi | Dec 29,
2007
KENYA: WAR KU SAABSAN DOORASHADA KA SOCOTA DALKA KENYA
Aroornimadii maalintii khamiista ayey aheed maalintii loo
dareeray u codeenta 2548 musharax oo u looltamaysay 210
kursi ee dalkani kenya.
14.2 million ayaa isku diiwaan galisay in ay u codeeyaan
musharixiintaasi. Sagaal kamid ah ayaa waxay ulooltamayeen
kursiga madaxwaynimada dalkani kenya.
Sagaalkaasi sadex kamid ah ayey ahaayeen kuwa ugu cadcad
uguna codka badnaa kuwaasi oo kala
ah madaxwaynaha haatan xilka hayo mudane madaxwayne Mwai
Kibaki oo u taagnaa xisbika PNU oo ka soo jeeda qabiilka
Kikuyu iyo Mudane Raila Odinga oo u sharaxnaa xisbiga ODM oo
asigana ka soo jeedo qabiilka Luwo ee dega gobolka Nyanza
iyo mudane Kolonzo Musyoka oo u sharaxnaa xisbiga ODM-KENYA
oo asigana ka soo jeedo qabiilka kamba.
Sida cad waxaa doorashadaasi ku horeeyo mudanaha u sharaxan
xisbiga ODM Raila Odinga oo 53% ka wata waxaana ku xiga
madaxwaynaha xilka hayey shantii sano ee la soo dhaafay oo
aan sidaa uga hooseenin Raila Odinga waxuna wataa 43%
waxaa ugu kusii xiga Kolonzo Mosyoka oo wata 3% inta
kalena ay isla wataan 1%
Raila Odinga waxa uu inta badan cododkaasi ka helay
gobolka xebta ee loo yaqaan coastal province iyo gobalada ay
soomaalida dagaan ee kala ah Wajir, Mandhera iyo Waqooyi
bari oo uu balamo saxiix wata uu la galay dadka muslimiinta
ah ee ku nool goboladaasi iyo gobolka Nyanza ee uu ka soo
jeedo.
Doorashadii ayaa waxay ku dhamaatay si wanaagsan kadibna
gudiga doorashada ayaa ku daahay cod tirinta tasi ayaana
qalalaso aad uwayn u keentay qeebo badan oo dalka gudihiisa
ah marka ay doorashada dhamaatay kadib qalalasahaasi oo
gaystay dhawac iyo boob fara badan.
Dadka taageersan xisbiga ODM ayaa ku mudaaharaadayey in sida
ugu dhaqsiya badan ay ku ogaadan natiijada ka soo baxday.
Gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalkani kenya ayaa asigana
ku celcilnayey in ay gobolada qaarkood aysan soo gudbin
tirada rasmiga ah ee uu ka sugayey, waxuuna ku hanjabay in
uu ku dhabaaqi doono tirada hada uu hayo hadaysan sida ugu
dhaqsiyaha badan ku soo xaroonin inta dhiman.
ABDUKADIR ADAM (abdilucky)
abdilucky3@hotmail.com
Akhri: Soomaalida iyo Raila
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007
|