SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JORDAN

URURKA ARDADA BANKA ISLAMKA EE JORDAN (IDBSAJ) IYO   WAFDI KASOCDA URURKA WADANIGA DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE SUUDAAN (SNYU) OO SI WADA JIR AH UGU CIIDAY WADANKA JORDAN ARIMA BADANA KAWADA HADLAY.

Ururka aradada banka islamka ee Jordan (ISLAMIC DEVELOPMENT BANK STUDENTS ASSOSIATION IN JORDAN) iyo wafdi ka socda ururka wadaniga dhalinyarada soomaaliyeed  ee suudaan Somali National Youth Union ( SNYU) ayaa si wada jir ah ugu ciiday dalka jordan.kuwaas oo munaasabada ciida carafo la wadaagay umadda musliimta ah ee caalamka gaar ahaan dalka Jordan oo si wayn looga xusay ciida carrafo.


Sawirada Kulanka ardayda  halkan ka daawo...Guji...

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay soo  agaasimeen ururka ardada Soomaaliyeed ee banka islamka gaar ahaan gudiga nashaadaadka taasoo lagu xusayay munaasabada ciida carrafo ayaa lagu qabtay xarun wayn oo ku taala magaalada IRBID taasoo ah magaalada ay ugu badan yihiin ardada soomaaliyeed ee Jordan.

Xaflada ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay wafdi ka socda ururka wadaniga dhalinyarada soomaaliyeed ee suudaan,

waxaana laga dheehan karay farxada wayn iyo reynreyn, wafdiga ardayda ayaa waxa siweyn ay ugu farxeen isku xirnaanshaha ardayda wax ka barata dalka Jordan iyo dadaalkooda waxbarasho.

   Xafladan ayaa waxa ay uga duwaneyd xafladihii hore ee ardayda qabsan jireen ardayda joogitaanka wafdiga martida u ahaa ardayda oo siweyn uga qeyb qaatay xaflada.

Xaflada ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya ardada soomaaliyeed iyo sida loo midayn lahaa mustaqbalka dhow maadama aynan jirin safaarado soomaaliyeed oo ardada dibadaha wax u qabata.


Sawirada Kulanka ardayda  halkan ka daawo...Guji...

Qodobka ugu muhiimsan ayaa wuxuu ahaa  sida loo heli lahaa arday fikirkiisu ka madax banan yahay qabyaalad iyo qabiil jacayl kaasoo barri dalka iyo dadkaba wax u qaban kara.

Dhanka kale labada urur ayaa kawada hadlay xiriirka ardayda labada wadan waa sudan iyo Jordan iyo in lasameeyo siminaro iyo muxaadarooyin lagu wacyi galinayo ardada taasoo kadibna looga sii gudbi doono wadamada kale sida Masar, Yemen Pakistan, Malaysia,iyo India  oo ay joogaan arday soomaaliyeed oo aad badan.


Sawirada Kulanka ardayda  halkan ka daawo...Guji...

Ugu danbayntii waxaa la isku waafaqay in ladhaqan galiyo qodobo dhowr ah oo ey ka mid yihiin:

  1. In lasameeyo xiriir iyo wadashaqeyn ardada wax kabarata dibada.
  2. In la sameeyo siminaaro si la isku dhex galo.
  3. In la sameeyo aqoon iswaydaarsi, simanaaro iyo dodo ku salaysan hab cilmiyeed.
  4. In la soo saaro jaraa’id  guud oo bille ah kaasoo looga hadlayo arimaha ardada soomaaliyeed ee dibada wax kabarata.
  5. In laga wada shaqeeyo dhismo urur good oo kulmiya ardayda soomaaliyeed.

            Ugu danbaystii waxan rajaynayaa in ay jiri doonaan arday soomaaliyeed oo dalka iyo dadkaba wax u qabata mustaqbalka dhow.

    Fadlan halkan guji si aad u daawato sawirada.  
     

    Waxaa diyaariyay. 

    Wakiilka Somaliedu ee Jordan.

    Eng. Ahmed-dayib mah’ed abdi

    Cellphone: +962-788287571. 
     

Xaflad Lagu Maa-muusayey Qalin-Jebinta 50 Arday oo Soomaali ah oo ka Dhacday Magaalada Sanca- Yemen

Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Dalka Hindiya oo dhigay Xaflad Aqoon isweydaarsi

Ururka wadaniga dhalinyarada somaliyeed ee sudan oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen dhalinyarada wadamada carbeed

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com