Mudgi Socosho - Cabdinaasir Guure (Jeer)....
Qore: Bashir Salah
bashiris@hotmail.com
Nasiib darada haysatay umadda Soomaaliyeed ayey ka mid tahay arinta Cabdinasir
Guure (Jeer).
Inagu uguma horeyn ummad jaha wareer ku dhaco oo wanaaga iyo
xumaanta, saaxiibka iyo cadowga, saxa iyo khaladka, dhibka iyo raaxadda,
habeenka iyo maalinta, iwm kala garan waayey. Umadda badan ayaa arinta soo
martay, laakiin Quraanku wuxuu in xusuusiyey reer bani-Israa’iil oo labadii nabi
ee la socday ka geeriyoodeen intii ay ku jireen arinteena oo kale.
Laakiin waxaa haboon in aan isweydiino sidee uga baxeen dhibkii
ayna ku jireen meeshii ay diidanaayeen ee Rabina la rabayna ku gaareen?
Waa in aan ka faa’iidaysanaa waaya aragnimada umadaha kale ee
inaga horeeyey, waxaa dhab ah in aan ku bixi doono sidii ay ku bixeen. Boqolaad
qof ayaa hadhi doona inta jidka lagu sii jiro, dhinac fikradeed iyo mid
caafimaad kay doonto ha ahaatee. Had iyo jeerna umad waxaa dhibka ka saari kara
dad ahdaaf, ra’yi iyo aragti dheer leh oo aan haasaawe iyo hoos u hadal midna
kaga daahi Karin arimihii ay bartilmaameedka ka dhigteen. Haddii umad tolnimo,
qoys, bah, iyo qabiil lagu mideyn karo ama horumar lagu gaarsiin karo Soomaaliya
ayaa caalamka ugu horeyn lahayd.
Bahda Somalitalk.com waxaan leeyahay xaal iyo cimaamad ayaan
idinka saarnay gafka, aan xeerka masuuliyadeed ka muuqan ee Cabdinasir idinkula
kacay, laakiin arin iyo masuulad weyn oo umadeed ayaan sideen ee yey idinka
daahin. Arinta afayeenimo mucaaradkana (Ramaas) walaalkayna waxaan leeyahay waa
ragow barasho geelow rarasho. Ninba taagtiis ayuu rogmadaa horaa Soomaalidu u
tiri. Markuu qofku habeen guureeyo isagoo aan la socon col iyo nabad wuxuu
mudan doono arintiisu sow mugdi socosho maahin. Cabdinasir sow hadda inama oran
wixii aan mudo idiin sheegayey waxba kama jiraan, anigu ninkii aad ii haysateen
ma ihi ee nakala wada.
Waxaan hubaa in jidku dheer yahay, arintuse waa yaa ku xiga.
Mahadsanid.
Bashir Salah
bashiris@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007
Xisbiga
Ramaas oo Beeniyey in Afhayeenkii Xisbigaas ee London uu Wakiil u Noqday DGPL
Waxaana xisbiga Ramaas uu DGPL uga Digey in ay
iska magacawdaan C/Naasir Guure "jeer"...
Akhri..
Gen.
Cadde Muuse Saxiixiisa ma Lagu Been Abuuranayaa?....
C/Naasir Guure "jeer"
oo cadayn waayey xilligii uu Cadde Muuse u
magacaabay afhayeenka
Akhri...
Ganacsatada Puntland qaarkood oo beeniyey heshiis
dhexmarey iyaga iyo Puntland
Waxaana arrintaas looga hadlay kulan
ka dhacay Boosaaso
"Faysal
Ali Waraabe: Ma aaminsani wax Puntland Layiraahdo""maxaa
yeelay Puntland waa Qabiil, Qabiilna dowlada ma noqon karo", sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo ka
hadlayey shir jaraa'id Nairobi..
Akhri
Boosaaso: kulan ay Soo Qaban Qaabiyeen Gabdhaha
Beesha Ismaaciil Cali
kulanka waxaa looga hadlayey baahida
wax qabad ee beeshu ay u baahan tahay oo ay kamid
yihiin, sidii loo...
Akhri Dec 1


|