SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ganacsatada Puntland qaarkood oo beeniyey heshiis dhexmarey iyaga iyo Puntland.

Shir ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen ganacsatada beenineysa heshiiska ayaa xaley lagu qabtey hotelka Karama2 ee magalada Bosaso.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa ganacsato (iyo dad weyne) kor u dhaafaya 500 oo xubnood ayna ka mid yihiin xubno si weyn looga yaqaan deegaanada puntland,oo ay kamid yihiin Ganacsatada ugu waaweyn Puntland iyo issimo kala duwan, nabadoono.

Ganacsatadii halkaasi ka hadashey ayaa sheegey in aysan waxka ogeyn heshiiska ay sheegen dhawaan maamulka puntland in lagu heshiiyey maxjarka oo ay sheegeen inuu dhamaadey khilaafkii waxeyna sheegeen in aysan marnaba ka laabaneyn mawqifkoodii ku aadanaa maxjarka manoboliga ah oo ay ka soo horjeedaan.
Gudoomiyaha dallada xoolo dhoofinta Puntland Mahad Saciid Jabiye ayaa sheegey inuu san waxba ka ogeyn heshiiskan ay shaacisey shirkada al Furqan ee ahaa in ay dhameeyeen khilaafkii ka taagnaa maxjarka uuna taagan yahay waxaaana uu sheegey in ganacsada puntland ay xaq u leeyihiin inay Maxjar xoolaad ka dhisaan meesha ay doonaan laakiinse ay taas dowladu diidan tahay oo ay kusoo koobtay oo qurah in cid aan iyaga ahayn aysan dhisikarin waa sida uu yiriye, waxa uu sheegey inay Maxjarkan u arkaan waxaan suurta gal ahayn oo ay dad gaarihi wataan, oo uu isagu ogeyn meel lagu heshiiyey uuna imika uu marayo maxjarkii Xalaasha ahaa Gabagabo.

Ganacsade Cali Xaaji Siciid ayaa sheegey inuu aad uga xun yahay in ay ku dhawaaqaan in uu dhamaadey khilaafkii lana xaliyey isagoo sheegey inuu san waxba ka ogeyn arintaas, ayna mawqifkoodii sii wadanayaan.
iyadoo hadaba ay kulankaasi ka hadleen Ganacsato aad u badan ayaa waxey sheegeen in aysan heshiinskaasi waxba ka ogeyn ayna dhisanayaan maxjarkooda.

bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com
bashiir137@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007

faysal"Faysal Ali Waraabe: Ma aaminsani wax Puntland Layiraahdo""maxaa yeelay Puntland waa Qabiil, Qabiilna dowlada ma noqon karo", sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlayey shir jaraa'id Nairobi.. Akhri

Safiirka Soomaaliya ee Indonesia oo Waraaqaha laga Guddoomay
iyo Safiirka Somalia u fariisanaya Uganda oo soo gaaray Magaaladda Kampala...
AKhri... Dec 1

Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Suuriya Oo Guddi Cusub Doortay.
Xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq ayaa.. Akhri... Dec 1

Boosaaso: kulan ay Soo Qaban Qaabiyeen Gabdhaha Beesha Ismaaciil Cali
kulanka waxaa looga hadlayey baahida wax qabad ee beeshu ay u baahan tahay oo ay kamid yihiin, sidii loo... Akhri Dec 1

ciiroXisbiga Ramaas oo Beeniyey in Afhayeenkii Xisbigaas ee London uu Wakiil u Noqday DGPL
Waxaana xisbiga Ramaas uu DGPL uga Digey in ay iska magacawdaan C/Naasir Guure "jeer"... Akhri..

jeerGen. Cadde Muuse Saxiixiisa ma Lagu Been Abuuranayaa?....
C/Naasir Guure "jeer" oo cadayn waayey xilligii uu Cadde Muuse u magacaabay afhayeenka Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com