SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

Gen. Cadde Muuse Saxiixiisa ma Lagu Been Abuuranayaa?....

C/Naasir Guure Faarax "jeer" oo cadayn waayey xilligii uu Cadde Muuse u magacaabay afhayeenka madaxtooyada iyo Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland... Hadda waxa uu sheeganayaa in uu yahay Wakiilka Puntland u Fadhiya dalka UK. isagoo hanjabaya...

  • "...hadaad Soomaaliya raja ka qabtaan joojiya waxaa wadaan hadii kala wata howshiina waxa idiin danbeeya waa ogan doontan hadaad Puntland caga dhigtaan." Sidaas waxaa yiri C/Naasir Guure Faarax "jeer" oo sheegtay in uu haysto "Diigreeto uu madaxweyne Cadde ku magacaabay wakiilkii u horeeyay ee Puntland u fadhiya UK".. Markii arrintaas SomaliTalk.com su'aal ka weydiisey ayuu sidaas kusoo jawaabey....
  • mr. "Jeer" Waa afhayeenkii xisbiga Ramaas ee Yurub, welina ma uusan caddayn xilliga uu xisbigaas iska casiley iyo in uu weli wakiil u yahay iyo in kale...

Warbixin iyo Faallo: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, waxaa lagu yaqaan marka uu wareegto soo saaro in uu u sameeyo xeer (lambar) iyo taariikh, isagoo inta badan cuskada xeerka dastuurka Puntland.

  • Eeg sawirka hoose oo ah cinwaanka sare ee Xeerkii ka soo baxay xafiiska madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi, waa Xeer Madaxweyne Lanbarkiisu yahay 179 kuna mudeysan Nofeenbar 17. 2007,  Xeerkaas oo ku saabsanaa magacaabid xilal sare ee Ciidmada DGPL... waxaa halkaas ka muuqda sida lagu yaqaan wareegtooyinka Cadde Muuse in ay leeyihiin xeer-lambar iyo taariikh:

  • Waregtadaas sare hadal ah kama taagna, balse tixraac ahaan ayaan qormadeena asaas uga dhigeynaa...

Laakiin waxaa beryahan soo baxay waraaqo ay ka muuqato shaabada xafiiska madaxweynaha DGPL, laakiin aan lahayn xeer-lambarkii taxanaha ahaa ee madaxtooyada iyo taariikhda uu saxiixay Gen. Cadde Muuse.

Waxaa ugu dambeeyey warqad uu C/Naasir Guure Faarax "jeer" sheegtay in madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi ugu magacaabay wakiilka ay Puntland ku yeelan doonto UK iyo in awood loo siiyey in uu soo jiito hay'adaha deeq bixiyayaasha iyo NGO-yada.

Warqaddaas oo aad hoos ku arki doontid, inkasta oo erayada ku qoran ay u muuqdaan kuwo aad uga miisaan yar kuwo madaxweyne u qoray dal shisheeye qof wakiil uga noqonaya, hadana waxaa taas kasii daran in warqaddaasi aysan lahayn XEER, LAMBAR, TAARIIKHdii uu saxiixay madaxweynaha DGPL..

Tan kale warqadda uu madaxweyne ku magcaabayo wakiil, sababtee keentay in lagu qoro "TO WHOM IT MAY CONCERN" oo ah "CIDDA AY KHUSAYSO"... Ogow haddii qofka warqadda qorayaa uu yahay madaxweyne, wakiilkuna yahay mid u fadhiyi doona dal kale, ma ku haboon tahay in erayadaas la adeegsado oo laga dhigo in ay ku socoto cid aan la aqoon (oo majhuul)..?

Warqadda aan ka hadleyno waa tan hoos ka muuqata. Waxaana SomaliTalk.com soo gaarsiiyey C/Naasir Guure Faarax "jeer" [keenadiid18@hotmail.com] markey taariikhdu ahayd Nov 25, 2007 8:48 AM. Waxana uu cinwaanka emailka uu soo diray ku qornaa: "Tigreeto uu madaxweyne cade ku magacay wakiilkii u horeeyay ee puntland u fadhiya uk..."

  • Warqadda hoose ma leh xeer lambar iyo taariikh uu madaxweyne saxiixay iyo meel sugan oo ay ku socoto....


Eeg warqadda oo weyn...

Isla maalintii uu warqadda sare soo diray, waxa kale oo uu C/Naasir Guure Faarax "jeer" soo diray email labaad oo ku taariikhaysnayd Nov 25, 2007 4:17 PM, waxa uu ku soo qoray qoraal hanjabaad ah oo uu ku qoray sidan:

ramaas
C/Naasir Guure Faarax [jeer]

"Qoraalka digreetada waxaan idinku soo diray inaad ogo tan waxaan ahay oo anaan wax sheegan."

"Waxaan idiin sheegin hadaan mucaarad ahay iyo hadaan dowli ahay waa wax aniga ijira xaq uma lihidin inaad sida foosha xun ii daba gashaan oo aad maalin walba i haysatan."

"Ugu danbayn hadaad Soomaaliya raja ka qabtaan joojiya waxaa wadaan hadii kala wata howshiina waxa idiin danbeeya waa ogan doontan hadaad Puntland caga dhigtaan." Kaasi waa hadalkii C/Naasir Guure Faarax "jeer" oo hadda sheegtay in uu Puntland wakiil uga yahay UK.
____________

SomaliTalk.com waxay jawaab udirtay isla habeenkaas, Nov 26, 2007 12:36 AM, waxaana weydiiney xaqiijin in uu kala caddeeyo laba derejo oo uu bisha November dhexdeeda sheegtay tan saxsan:

  1. Nov 1, 2007: afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland - waa sidii aad xilligaas sheegatay
  2. Nov 25, 2007: "Diigreeto uu madaxweyne Cadde ku magacaabay wakiilkii u horeeyay ee Puntland u fadhiya UK" Waxa uu ahaa cinwaanka emailka aad nooso dirtay...

Hoos ka akhri Emailkii SomaliTalk.com u dirtay "mr. Jeer" [Nov 26, 2007]

Jaalle Afhayeenka Madaxweynaha Puntland (sida aad sheegatay) ama wakiilka Puntland sida ku qoran warqadda aad noosoo dirtay:

Ugu horayn warqadda aad noosoo dirtay kuma cadda xilligii uu madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi, saxiixay, sidoo kale kuma cadda xeerka wareegtada madaxweyne oo lambar leh.. Sida aan ka warqabno haddii madaxweyne wareegto soo saaro waa in ay lahaato XEER LUMBER lagu tix raaco iyo Taariikh (kamana muuqdaan warqadda aad noosoo dirtay)... Ee arrinta sababtay ma cadayn kartaa..

Jaalle Afhayeen, waxaan warqad aad sidaas ku sheeganeysid kaa helay Nov 1, 2007. Isla maalintaas ayaan kusoo weydiiney cadayn maadaama lagugu yiqiin xisbigii Ramaas. Wax jawaab ah markii aan kaa weyney, oo jawaab ka weyney DGPL ayaan Nov 5, 2007 arrintaas qoral ka qornay, maanta [Nov 25, 2007] ayaadna noosoo dirtay qoraal muujinaya in aad Puntland wakiil uga tahay dalka UK.. Miyaan arrintaas la oran karin waa mid ka duwan wixii aad hore u sheegatay ee ahaa "afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland" Maxaad taas kaga jawaabeysaa.. Ogow maadaama aad tahay qof ku jira maamulka sida aad sheganeysid wax kasta oo aan is weydaarsano waxay noqon doonaan PUBLIC DOMAIN la daabaco...

Jaalle, wakiilka Puntland ee UK, waxaad kale oo maanta noosoo dirtay qoraal u muuqda dhaar iyo hanjabaad.. Haddaba sida aad ogtahay waxaad deggan tahay dal ay ka jirto qaanuun iyo kala dambayn oo ah UK, dal saxaafaddu xor tahay xaqna u leedahay in ay raadiso musuqmaasuqa iyo isbada maryaynta iyo wax kasta oo loo baahdo in baaritaan lagu sameeyo si shacabka loogu caddeeyo.. Sidaas daraadeed, makula quman tahay in aad sida aad u hanjabtey noogu soo qortid emailka, anaga oo si xor ah oo saraaxo ah wax kuu weydiiney, kusiinay fursad aad ku jawaabtid, kuu ogol markasta in aad si saraaxo ah fikirkaaga ugu cabiran kartid SomaliTalk.com, sidii aad horeba ugu cabiri jirtey xilligii aad mucaaradka ku ahayd maamulka Cadde Muuse ee aad sheegayneysid hadda in aad wakiil u tahay.. Sidee marka ku keentay hanjabaad noocaas ah (waxaana hanjabaadaada ka dhigi doonaa PUBLIC DOMAIN la daabaco) iyo dhaarta (threat) noogu soo dirtid (emailka)... Mase qaanuunka dalka aad joogtid ayaadna aqoon u lahayn..

Si aad u fahatid markale su'aalaha aan kuweydiineyo:

  • Nov 1, 2007: afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland - waa sidii aad xilligaas sheegatay
  • Nov 25, 2007: "Diigreeto uu madaxweyne Cadde ku magacaabay wakiilkii u horeeyay ee Puntland u fadhiya uk" Waxa uu ahaa cinwaanka emailka aad nooso dirtay...

Haddaba labadaas kee sax ah. Tan kale Digreetada Madaxweyne Cadde kugu magacaabay goorma ayuu saxiixay ama goorma ayey soo baxday..

Tan kale, sidee qowmiyad dhan oo dal deggan wakiil ugu noqon kartaa haddii aadan si toos ah isu cadayn karayn xilliga lagumagacaabay, meesha lagugu magacaabay, shaqada aad dawladda u qabaneysid marka ay kuu bilaabatay, meesha dawladda lagala soo xiriiri karo aad wakiilka uga tahay UK... Waxaan kaa sugeynaa jawaab qayaxan... Sidee arrimo dawladeed wax uga xallin kartaa haddii aadan su'aal toos ah ka bixin karin su'aal toos la guu weydiiyey ama arrin wax lagaa weydiiyey...

Hadda (Nov 26, 2007), waxaan ku siineynaa fursad aad hanjabaadaas kaga laabatid, jawaabtaadana ogow in aan daabaci doono -Xitaa haddii aadan soo jawaabin in aan sidaas sheegi doono maadaama aad hanjabaad soo jeedisey adigoo ku nool dal xor ah oo saxaafadu xor tahay... (oo Sheeganaya wakiil dawladeed)

Waxa kale oo aan fursad kuu siineynaa in aad jawaab sugan naga siisid: Xilliga uu madaxweynaha DGPL kuu magacaabay Afhayeenka.. iyo haddii jagadaas lagaala noqday oo laguugu bedeley wakiilka Puntland ee UK, xilligee (ama goorma) ayaa taasi dhacday.. Taariikh sugan iyo xeer dawladeed ama xeer madaxweyne oo sugan noosoo dir...

XUSUUSIN: Haddii aad ahaan lahayd qof madax ka ah Puntland, miyaadan ogeyn in qof kasta oo dhulkaas jooga uu xaq u leeyahay in uu fikirkiisa cabiro.. Miyeysan ahayn arrimahaasi kuwii aad ku eedeyneysey Gen. Cadde Muuse xilligii maxkamaduhu xoogga lahaayeen (oo aad sheegi jirtey in aad had iyo jeer la xiriirtey Sheikh Aweys oo uu Garoonka galkaco dhisi doono markii uu Cadde dhisi waayey).. mase xaalku waxaa weeye hadba waxaan raacayaa qofka xoogga leh oo kuma socon kartid hab fikirkaaga..

Waxaan sugeynaa jawaabtaada ilaa 48 saacadood oo ka bilaabaneysa marka aan dirno emailka (eeg taariikhda emailka).

Halkii laga sugayey in uu su'aalahaas si qayaxan uga soo jawaabo, C/Naasir Guure Faarax "jeer", oo mar sheegan jirey afhayeenka Xisbiga Ramaas, marna sheegtay  email uu SomaliTalk.com usoo diray Nov 26, 2007, waxa uu kusii socdey hanjabaadiisii, waxana uu soo qoray erayadan:

"Wali waxaad kusocotan wixii aan idin kala hadlay, waxaan leeyahay ku socda waxaad ka heshaan wax hayga siinina." kaasi waa hadalkii mr. Jeer.

Gen. Cadde Muuse waxaa la gudboon in uu iska fogeeyo warqaddaas haddii uusan saxiixin. Haddiise uu saxiixay waa in uu dib inta uu ugu laabto, u sameeyo xeer (lambar) iyo taariikh uu mr. Jeer ugu magacaabay wakiilka Puntland ee UK, isla markaasna in uu xeer ku caddeeyo xilligii uu mr. Jeer ka qaaday afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland.

Qoraa arkay in mr. Jeer oo warqaddaas ku daabacay Internetka ayaa yiri haddii ay run noqoto sheegashadaasi markaas miyaan la is weydiin karin "Puntland miyey ka baxday DFKMG waatay magacaabatay wakiil ay ku yeelaneyso UK, sow hawsha wakiilku ma aha hawshii dalwadda Federaalka...." Jawaabtaas waxaa ka horeysa in Cadde Muuse xeer-lambar leh ku magacaaabo wakiilka si loo helo tixraac sugan.

  • Guddomiyaha Xisbiga Ramaas waxa uu beeniyey in mr. Jeer iska casiley afhayeenimadii Ramaas, isla markaasna aan xisbigu war ka hayn meel lagu magacaabay in mr. jeer yahay wakiilka Puntland... AKHRI Qormadii Daahir Ciiro...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007


Qoraaladii uu hore mr. Jeer ku sheegtay in uu ahaa afhayeen::

"Inta Laga Xoraynaayo Laascaano Qofna Xataa Mushahar Qaadanmayo" - Jeer

Xisbiga Mucaaradka ee Ramaas ma waxa uu ku biiray Maamulka Gen. Cadde Muuse, mise waa lagu been Abuurtay....

  • SomaliTalk.com | Nov 5, 2007

Waxaa SomaliTalk.com soo gaarey qoraal lagu sheegay warsaxaafadeed laga soo diray emailka lagu aqoon jirey "Afhayeenka" xisbiga mucaaradka Ramaas [RPP], C/Naasir Guure Faarax "jeer" [keenadiid18@hotmail.com], kaas oo cinwaankiisu ahaa ""Inta laga Xoraynaayo Laascaano qof-na Xataa Mushahar Qaadanmayo". Waxaana qoraalkaas (oo aad hoos ku arki doontid) ku cad in mr. Jeer uu hadda yahay "afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland".

jeerWaxaan isku daynay in aan arrintaas ka xaqiijino Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Political Party (RPP) Daahir C/qaadir Muuse, oo aan u dirnay Email: Daahirciiro@hotmail.com, waxaana weydiiney su'aalo ah:

  • 1. Arrintaasi ma runbaa (in mr. Jeer uu noqday afhayeenka Puntland)
  • 2. Haddii ay run tahay ma arrin xisbigu la ogyahay baa mise waa uu ka baxay xisbiga oo xisbigu hadda waxa uu leeyahay afhayeen kale
  • 3. Waa maxay aragtida xisbiga RPP ee hadda, ma waxa uu ku biiray maamulka DGPL mise waa xisbi ka madax bannaan (oo mucaarad ah)
  • 4. Haddii xisbiga Ramaas uu ka madax bannaan yahay DGPL maxaa maamulka xisbigu u cadayn wayey arrintaas (in afhayeenkii xisbigu ku biiray DGPL) waayo afhayeenka [Jeer] oo sidaas lagu ogaa ayaa hadda sheeganaya in uu afhayeen u yahay Dawlad Goboleedka Puntland.

Emailkii aan u dirnay guddoomiyahay xisbiga Ramaas (Nov 2, 2007) weli wax jawaab ah kama helin.

Sidoo kale waxaan Nov 1, 2007 email u dirnay C/Naasir Guure Faarax "jeer" oo aan weydiiney xaqiijin aan u qornay sidan:

  • Ugu horayn waxaan hubineynaa in emailkan [keenadiid18@hotmail.com] uu soo diray afhayeenka/kii xisbiga Ramaas. Haddii qoraaga emailkan uusan ahayn sidaas [oo uu ka baxay afhayeenimadii xisbiga Ramaas], maxaa cadayn u ah in uu yahay afhayeenka madaxtooyada Puntland?

Wax jawaab ah kama helin emailkaas oo ahayd tii qoraalka laga soo diray ilaa hadda aan qoraalkan qoreyno (Nov 5, 2007).

Sidoo kale waxaan la xiriirnay emailka madaxtooyada maamulka Puntland oo ah puntlandstate@yahoo.com, waxaana u qoray qoraalkan aan xaqiijin ku weydiineyno:

  • Ku: DGPL: Waxaan helay qoraal tibaaxaya in C/Naasir Guur Faarax [jeer] oo sheegan jirey in uu ahaan jirey afhayeenka xisbiga RAMAAS (ee Yurub) ayaa sheegtay in uu yahay "afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland", isla mar ahaantaasna soo saaray warsaxaafadeed.
  • Haddaba arrintaasi ma runbaa,, goorma ayaana xilkaasi ugu bilowday haddii ay run tahay, mase waxaa lagu been abuuranayaa DGPL... waxaana su'aasha weydiiney si aan u hubsano xafiiska madaxweyanaha DGPL oo leh emailkan puntlandstate@yahoo.com.

Ilaa hadda wax jawaab ah kama helin DGPL oo aan email u dirnay Nov 2, 2007.

saalaxDad ka warqaba siyaasadda Puntland oo aan arrimahaas afhayeenka wax ka weydiiney ayaa xusay in sababta suurtagalka ka dhigi karta in mr. Jeer laga dhigo "Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland" ay la xiriiri kartokaddib markii dhowaan uu Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Qummaati uga jawaabi waayey su'aalo ay weydiisey Idaacaad Australia ee SBS.

Qoraalka Nov 1, 2007 laga soo diray emailka afhayeenka/kii xisbiga Ramaas waxay u qornay sidan:


  • "Inta laga Xoraynaayo Laascaano qof-na Xataa Mushahar Qaadanmayo" - Jeer

    from: kenadid farah <keenadiid18@hotmail.com>
    date: Nov 1, 2007 1:46 PM

    Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland C/Naasir Guure Faarax[jeer].

    Ayuu wuxuu ku beeniyay warar aay maalmahan saxafada qaar qoraysay oo ahaa in maxaabiis Muqdisho lagaqaaday Galkacayo lageeyay iyo in aay madaxwyne C/Laahi Yuusuf iyo madaxweyne Cade Muuse kawada hadleen dhaqaalaha ku baxa ciidamada Muqdisho ku sugan iyo in dhaqaalaha Puntland dad gooniya qaato. isagoo ka hadlaayana wuxuu yiri afhayeenku

     "Ma jirto maxaabiis Muqdisho laga keenay oo la keenay Galkacayo, Puntland maahan meel xabsiya oo wax lagu xiro ee waa dhul umadi dagan tahay, Muqdisho iyadaa xabisyo leh wax Puntland loo keeno baan jiri karin.
    tankale ma jirto wada hadal madaxweyne C/Laahi iyo madaxweyne Cade dhexmaray oo ku saabsan ciidan hebal dhaqaalihiisa hala dhimo iyo ciidan hebal dhaqaalihisa hala badiyo.

    Wuxuu kaloo masuulku ganafka ku dhuftay in dhaqaalaha Puntland koox gooniya qaadato xiligaan. Isagoo dhanka kalana cadeeyay in Lascaano xili dhoow la weeraridoono. wuxuna yiri

     "Waxba kama jiraan in dhaqaalaha Puntland wakhtigaan kooxyar qaadato, dhaqaalaha Puntland dhamaantii waxaa hada loo qoondeeyay sidii loogu xorayn lahaa gobolka Sool ee nalaka haysto hadaanahay maamulka iyo shacabka Puntland, dhaqaale la lunsado iska daaye jiro maayo xataa mushahaar uu qaadanayo qof ka tirsan maamulka Puntland inta laga xorayn magaalada mihiimka ee Lascaanod.

    Saxaafada waxaanka codsan in aay san qorin wax aaysan turxaan bixin kana shaqeeyan wanaaga dadkooda iyo dalkooda.

    Qoraalkaas oo sidaas u qoran waxaa laag soo diray emailka:
    C/Naasir Guure Faarax "jeer" [keenadiid18@hotmail.com]


Waxaa xusid mudan in C/Naasir Guure Faarax "jeer" xilligii uu sheegan jirey/ahaa afhayeenka xisbiga Ramaas in uu qori jirey qoraallo aad uga duwan qoraalkiisa cusub.. Waxaana qoraaladiisii hore ka mid ah kuwa hoos ku qoran:

ramaas
C/Naasir Guure Faarax [jeer]

Oct 1, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Afhayeenka xisbiga ramaas ee u fadhiya midowga yurub C/naasir Guure ayaa ugu baaqay in ay xilka iska casilaan labada masuul ee ugu sareeya xiligan dhanka siyaasada puntland, Waa sida ay hadalka u dhigeene labadaas masuul oo ay ula jeedeen Madaxwaynaha hada talada haya ee Gen: cade muuse iyo wasiirkiisa maaliyada maxamed cali yuusuf (gaagaab) oo ay ku sheegeen in ay hantidii umada ay iyagu gooni ahaan u lunsadeen islamarkaana ay Acount dibedaha ah ku shubteen hantidii umadu ay lahayd waxayna sameeyaan musq maasuq aad u baaxdawayn ayuu afhayeenku ku yiri shirkisa jaraaid ee uu ku qabtay xafiiskiisa Garoowe. SII AKHRI...

Nov 29, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland & Gebi ahaanba Soomaaliya.. "Waa inuusan maamulka Puntland ka noqon go'aankii ahaa qaadashada shareecada Islaamka, waa inuu madax weyne Cadde Muuse kala diraa dowlada hadda dhisan soona dhisaa dowlad taya leh kana dhex muuqdan xisbiyada siyaasiga ah iyo culama'awdiinka iyo aqoon yahanada wadani nimadu ku jirto, waxaan kaloo madaxweynaha u soo jeedin inuu san iska indha tirin dabaysha iyo isbadalka Puntland iyo Soomaaliya oo dhan kusoo cusboonaday, yaraysana doonista shacabka Puntland waxa ay rabaan iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, haddii u madax weynuhu iska indha tiro arimahaas oo dhan wixii ka yimada oo dhib ah isaga iyo maamulkiisa dhabarka u ridan." SII AKHRI...

Dec 4, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: in maxaakiimta Islaamka ay dhowaan siin doonan xisbiga Ramaas dhaqaale lagu dhiso garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe,: "Walaalayal maanta aniga iyo idin kaba waxaay nootahay farxad wayn, maxaa yeelay hadaynu reer Puntland nahay caasumadeenu waa Garoowe waxaadna ogtihiin oo ka warqbataan in aysan waxba dheerayn tuuloyinka iyo miyigaba, waxaaynu kaloo ka warqabnaa in maamulka Puntland uusan wixii casumadaha loo qaban jiray iskadaaye garoon diyaaradeed uu u quuriwayay, markaan aragnay in maamulka Puntland caasumada uusan wax usoo wadin aniga C/Naasir ahna dad badan oo reer Lascaanod ah oo reer Galkacayo ah oo reer Qardhood ah ay igu yiraahden Garoowe baa garoon ku fiican maxaayelay waxay ku taal bartamaha wadanka oo dhinac walba way u dhowdahay, ayaan waxaan go'aan saday in aan darbi walba u qaraaco sidii garoon lagu heli lahaa, Ilaahay mahadii waxaan arintan kala hadlay maxaakiimta Islaamka wayna soo dhaweeyeen codsigayga, wuxuuna iga balan qaaday gudoomiyaha shuurudu Xasan Daahir Aways in uu xisbigayaga Ramaas dhowaan usoo gacan galin doono dhaqaalihii lagu dhisi lahaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe... SII AKHRI,

Dec 8, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: "Maamulka Puntland oo ka Shaqaynaya isku Dhac kadhaca Degaanka Nugaal": "Baaritaan badan kaddib waxaan ogaanay in madax sarsare oo ka tirsan maamulka Puntland ay ka danbeeyeen colaadan oo ay waliba ku bixiyeen dhaqaale dhan £35000 sidii labada qoys isku gacan saari lahaayeen, waxaay kaloo hurinta dagaalkan u adeeg sadeen in dooxooyinka u dhaxeeya Garoowe iyo Sunajiif uu shidaal kabuuxo qoladii hadda awood iyo deegan ku yeelatana ay xaq wayn iyo mudnaan ku lahaanayan wixii kasoo baxa ee khayraad ah. SII AKHRI

Dec 13, 2006: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Afhayeenka Xisbiga RPP oo Canbaareyay Go'aankii Barlamanka DGPL, una digay Itoobiyaanka: "ra'isul wasaaraha Itoobiya Miles usoo jeediyay inuu ciidankiisa kalaboxo deeganka Puntland iyo Soomaaliyo dhan ba, hadii ay ka bixi waayana ay xisbiga Ramaas Political Party iyo shacabka Puntland kala kulmi doonan iska dhicin salka ku haysa Diin iyo xornimadoon."... SII AKHRI...

Feb 2, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Maamulka Puntland waxa uu ku tilmaamay Keligii talis.. Shirkadaha Macdan baarita Puntland waxa uu ku tilmaamay Maafiyo: Maalin dhowayd waxaa Garoowe yimi niman ajaaniba oo leh shirkado macdan baaris ayaan nahay, waxana nimankan watay maamulka Puntland, mana ahayn shirkado sax ah ee waa niman maafiya oo arimo kale u socday, wuxuuna xisbigayagu ku wargaliyay inay ka noqdaan wadanka haddii kale wixii soo gaara aysan qofna u raacan, wayna noqdeen. SII AKHRI

Feb 22, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jee]: "C/Laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ma matalaan Reer Puntland": "Walaalayal waxaa ogaataan in dadka reer Puntland ay ka soo horjeedan in carigooda cadow soo galo. C/Laahi Yuusuf na ma matalo ummadda Puntland ee waa nin tiisa u shaqaysta, marka inaga waxaa laynaga rabaa inaan isku tiirsanaano oo aynu arinta C/Laahi iyo Geedi wadaan aynaan ku dagmin arintaaso ah qaybi oo xukun. Ciidanka Puntland laga keenayna waa kuwo calooshood u shaqays-tayaaal ah (ama la soo khalday) ee taa ogaada. Waxaan idiin sheegayaa in ciidanka Puntland kuwa kadaran oo ka badan Muqdisho laga helaayo ee maamulka C/Laahi ayaa baqdin ka qabo mahee. Marka ogaada in meel walba colooshiis u shaqayste joogo." SII AKHRI..

March 19, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Dilkii marxuum Ciise Cabdi Ciise..: Waxaan dowlada Soomaliya usoo jeedinayna inay kiis kii Ciise Cabdi Ciise meel saarto qiratana inay masuuliyada dhibka iyagu dhabarka u ritaan maadaama masuuliyada Muqdisho dowladu gacanta ku hayso, waxaan kaloo dowlada usoo jeedinayna in dadkii Waamo lagu xasuuqay oo in badan oo Ciise Cabdi ehel ahaayeen ay ku jireen in magdhow-goodii bixiso, waxaan kaloo dowlada usoo jeedinayna inay sida ugu dhakh siyaha badan war cad kasoo saarto dilkii marxuumka. SII AKHRI

April 12, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jee]: Dagaalka mashruuca ee u dhaxeeya SL iyo PL iyo qorshaha ka danbeeya: Waxaanu shacabka Soomaaliyeed la socodsiineynaa in dagaalka malmahan u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland uu san ahayn midxaqiiqa ee uu yahay mashruuc labada maamul isla og yihiin, looguna gogol xaarayo in ciidamo Itoobiyana lasoo dhigo meelaha dirirtu kasocoto, iyadoo ula jeedada ugu wayn ee Itoobiyaanka loo keeni ay tahay sadex arimood oo kala ah in raga hada madaxda ka ah S/L iyo P/L ay xukunka koror sadaan iyo in shirkado layiri shidaal bay qodin dhulka la keeno iyadoo aan wada og nahay inaysan jirin shirkad shidaal soo sari balse ay jiraan kuwo xaalufin khayraad u socda, iyo tan u danbayso ah in wadaadada SL iyo PL xoolahada la kantaroolo dhaq haqaaqodana la xadado. Heshiiskan ayaa kadacay magaalada Adis abbaba mar labada maamul ay tageen. SII AKHRI..

May 16, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Sadexda khayraad oo ay madaxda Puntland masaakiintii iyo agoontii iyo dadkii soo barakacay ayka qadiyeen oo iyagu maanta ay xabada iskugu haystan oo qarka usaarantahay in ay isku laayan ayaa waxaay kala yihiin, 1,200,000 (milyan iyo labo boqol oo kun) ay bixisay shirkada Batroolka baarista Range Reources iyo 1,000,000 (hal milyan) oo ay bixisay shirkada ari dhoofinta AL-Jaabir iyo waliba lacag lagu sheegay inay ka badan tahay 1,800,000 (milyan iyo sedeed boqol) oo laga qaaday maraakiib ay dhowaan qabatay shirkada bada Puntland ilaalisa oo lagu magacabo AL-Habiib, iyadoo aan og nahay shirkadaan AL-Habiib in laftigeedu ay xaqdaro ku hayso shaqada ay hayso oo wax raali ka ah uu san jirin. SII AKHRI

May 31, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee RPP: Waxaan usoo jeedinayna barlamaanka Puntland inaay maamulka Puntland maalmaha soo socda wax ka waydiiso shirkadii Range Resources saamiyadii ay ka iib satay shirkada Consort qayb tii kaga soo aaday Puntland meeshay martay dhaqaalahaas oo dhamaa $20 millyan oo ay waliba Range ay sheegtay inuu kharash kaasu galay gacanta maamulka Puntland 10-05-07, waa in barlamaanku maamulka waydiiya meesha la dhigay lacagta iyo dadka gacanta ku haya iyo waxa lagu qabanayo. SII AKHRI

Hadda, Nov 2007 fikirkiisa cusub waa:

Nov 1, 2007: C/Naasir Guure Faarax[jeer]: afhayeenka madaxtooyada ahna Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad gobaleedka Puntland:  "Waxba kama jiraan in dhaqaalaha Puntland wakhtigaan kooxyar qaadato, dhaqaalaha Puntland dhamaantii waxaa hada loo qoondeeyay sidii loogu xorayn lahaa gobolka Sool ee nalaka haysto hadaanahay maamulka iyo shacabka Puntland, dhaqaale la lunsado iska daaye jiro maayo xataa mushahaar uu qaadanayo qof ka tirsan maamulka Puntland inta laga xorayn magaalada mihiimka ee Lascaanod...

Intaas wixii dheer, Akhristayaasha ayaan u dhaafnay jawaabta....

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com