SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Faysal Ali Waraabe: Ma aaminsani wax Puntland Layiraahdo

Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe
Axmed Hashi Cabdi Shiil
Axmed Hashi Cabdi Shiil
Maxamed Saalax Nuur
Maxamed Saalax Nuur

(Nairobi-Kenya). Waxaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ka dhacay intii u dhaxeeysay 23-26 November 2007, shirkii wadamada ku bahoobay Barwaaqo-sooranka ( comment wealth) ayna gumeeysan jirtay dowlada England. Shirkan oo ah mid 2-dii sanaba mar la qabto waxa looga hadlaa arrimo xasaasi ah oo intooda badan khuseeya dalalkan gumeestaha Ingiriiska uu gacanta ku heen jiray.

Jamhuuriyada la magacbaxday Somaliland sanadkan waxaa shirkaasi ooga qeebgalay 3 Ergo oo kala ah Faysal Ali Waraabe, Axmed Hashi Abdi Shiil, iyo Mohamed Saalax Nuur dhamaantoodna matalayay Jahmuuriyada la magac baxday Somaliland ee xilligii gumeestaha uu Ingiriiska gumeensan jiray sida koonfurta dalka Somalia uu u gumeestay dalka Talyaaniga.

Haddaba 29 November 2007 waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir Jaraa'id ku qabtay Axmed Hashi Abdi Shiil oo ah wasiir kuxigeenka wasaarada Qorsheenta, Faysal Ali Waraabe oo ah Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee UCID iyo Wakiilka Jamhuuriyada la magacbaxday Somaliland Axmed Nuur Axmed "Indha Buur".

Ugu horeentiiba waxaa sharaxaad guud ka bixiyay safarkoodii wufuudan ee dalka Uganda iyo Kenya Axmed Hashi Abdi Shiil, waxa uuna sheegay in ay shirka wadamada Barwaaqa-soorabka ooga qeeb galeen si aan rasmi aheen, sababtoo ah Somaliland ma ahan dowlad aduunka laga aqoonsanyahay. Intii shirka socdayna waxaanu u gubdinay codsi ah in aanu helo Madaxbanaani dhab ah.

Axmed Hashi waxa kale oo uu sheegay in ay la kulmeen inta uu shirka socday wadamo badan oo ay kamidyihiin dalalka Malaysia, Zambia, Siiralyoon iyo dadla kale oo ay uu sheegay in ay u gudbiyeen arrimaha Jamhuuriyada la Magacbaxday Somaliland. Waxaa uu intaasi ku daray in ka qeebgalka Somaliland ee shirka wadamadana Barwaaqo-Sooranka in ay u tahay sharaf "Waxaanu kasbanay saaxiibo cusub, anaga oo sii xoojinay saaxiibadeenii hore" sidaa waxaa yiri Axmed Hashi oo hadalkiisa sii watay.

Intaas kadib waxaa hadalka la wareegay Faysal Ali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, waxa uuna hadalka ku bilaabay "Xukuumada iyo Mucaaradka Somaliland waxa ay kamideeysan yihiin ilaalinta Qaranimada iyo Difaacida Jamhuuriyada Somaliland".

Mar aan wax ka waydiiyay arrimaha cakiran ee u dhaxeeya jamhuuriyada la magac baxday Somaliland iyo ismaamul gobaleedka Puntland waxa uu yiri "Horta ma aaminsani wax la yiraahdo Puntland, maxaa yeelay Puntland waa Qabiil, Qabiilna dowlada ma noqon karo, maamulka Puntland waxa uu noola midyahay somalida inteeda kale, haddii Maamulka Puntland ay isku dayaan dagaal horle, dagaaku waxa uu ka dhici doona Garowe"
Waxa uu intaasi ku daray Faysal "Wixii na soo doonta waan iska celinaynaa, wixii heshiin noola yimaadana si wanaagsan ayaan u soo dhawaynaynaa". Indhor Buur oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya oo sharaxaad ka bixiyay hadalkii faylsay eek u saabsanaa Puntland waxa uuna yiri "Marka aad oraneeysaan Puntland waxaad tiraahdaan Maamulka Majeerteeniya, Puntland ma ahan maamul Gobaleed dowlad u ansxisana ma jirto mana kala qeeybin karaan Sool Sanaag iyo Mudug intaba.

Faysal Cali Waraabe
Bidix: Maxamed Saalax Nuur, Axmed Hashi Cabdi Shiil, Faysal Cali Waraabe

Faysal Ali Waraabe waxaa kale oo uu sheegay in dowladihii ay la kulmeen ay u sheegeen in haddii Somalida haddii arrimaheeda iyaga loo daayo ay heshiin karaan sida Jamhuuriyada Somaliland waxaa sida uu hadalka u dhigay Fayli Waraabe.


Eng. Faysal oo hangool gacanta ku haya oo la taagan Ibraahim "Gentleman"

Wufuudan ka socotay Somaliland ee dhawaanahay ku suganaa dalalka Uganda iyo Kenya waxa kale oo ay socdaalkooda ku soo gabagabeen doona safar ay ku sii mari doonaan magaalada Adis Ababa kadibana ay ku laaban doonaan magaalada Hargeeysa.


Faysal Cali Waraabe iyo Ibraahim Daa'ud

Ibraahim Da'ud Abdale "Gentleman"
sayfudiin@hotmail.com
sayfudiin@gmail.com
Nairobi-Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com