Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Suuriya Oo Guddi
Cusub Doortay.
Dimishiq:-Xaflad Casho Sharaf ah oo si wanaagsan loo soo agaasimay
laguna qabtay huteel ku yaala xaafadda dimishiq ugu Taariikhda Dheer
ayaa waxa ay ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suuriya ku soo
bandhigeen gudidooda Cusub ee sanadka Cusub hogaamin doona ururkan.
Xafladan oo ay iska kaashadeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed, Xafiiska
Jaaliyadda Soomaaliyeed, iyo xawaalada qaran oo iyadu kharashka xafladan
ku baxay bixisay ayaa waxa ka soo qayb galay Safiirka Soomaaliya u
fadhiya dalka Suuriya Md Maxmuud Muuse Taray, Guddoomiyaha Jaaliyadda
Soomaalida C/raxmaan Aadan Cali, Ku Xigeenka guddoomiyaha Jaaliyadda
Maxmed Daahir iyo Madax Suuq gaynta Xawaaladda Qaran C/kariim ,madax
Xisbiga Ardayda u qaabilsan C/casiis arday iyo marti sharaf.
Ugu horayn waxaa xaflada ka hadlay guddoomiyaha ururka ardayda
Soomaaliyeed ee dalka Suuriya C/raxmaan Ashkir oo sheegay in ay maanta
xafladan u qabteen in ay ardayda iyo bulshada qaybaheeda kale ee ku
dhaqan dalka suuriya isku bartaan, laguna ogaado waxqabadka ururka
ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay C/raxmaan in ururka arday
Soomaaliyeed ee dalka Suuriya La aasaasay 1970kii xilligaas oo ardaydii
ugu horaysay ee Soomaaliyeed isku afgarteen in ururkan la aasaaso ka dib
markii ardayda wax ka barata dalka Suuriya soo badatay.

Wuxuuna intaasi ku daray in ururkani ilaa iyo xilligaas soo shaqaynayey,
wuxuuna sheegay in ay doonayaan in ay dib u soo xoojiyaan xidhiidhkii
ururka ardayda hore uga dhaxayn jiray Safaaradda iyo jaaliyada si loo
helo iskaashi waxtar lagu gaadho,C/raxmaan Ashkir waxa uu hadalkiisa ku
soo gabgabeeyey in dib loo soo celin doono majalad , ama wargays hore
ururka ardaydu u soo saari jiray oo muddo hakad galay,dhaqdhaqaaq
horlena bilaabi doonaan.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya C/raxmaan Aadan Cali
oo isaguna xaflada ka hadlay ayaa ku booriyey ardayda Soomaaliyeed ee
dalka Suuriya fursada waxbarasho ka helay in ay u dhabar adeegaan
waxbarashada oo ay ku dadaalaan sidii ay Jaamacadooda u dhamaysan
lahaayeen, wuxuuna C/raxaam ka dhawaajiyey talaabooyinka qaldan ee ay
ardayda dalkan Suuriya wax ka barataa ku dhaqaaqaan, taas oo ah ardaygii
oo sanad uga hadhsan yahay jaamacadda in uu iska kaga tago isaga oo u
hijroonaya dalalka reer galbeedka, taasina ay khasaare ku tahay, ardayda
,Dalkiisa, dalka Suuriya iyo mustqabalkiisaba, wuxuuna sheegay in loo
baahan yahay lagama maarmaanna ay tahay in ardayga fursadda qaaliga ah
helay in anaanu dayacin ee uu ku fara adeego wax barashadda,wuxuuna
balan qaaday in jaaliyaddu la shaqayn doonto Ururka ardayda
Soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya u Fadhiya dalka Suuriya Maxmuud Muuse Taray ayaa
khudbad kooban oo uu xaflada ka jeediyey uga mahad naqay ururka ardayda
Soomaaliyeed xaflada casho sharafta ah ee ay qabteen, isaga oo tilmaamay
in ay tahay xafladdii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah ee ay ururka
ardaydu qabteen ee uu ka soo qayb galay muddadii uu xilka hayey, wuxuuna
sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xafladan maanta ay soo qaban
qaabiyeen Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Suuriya ,
Safiirku wuxuu ku booriyey ardayda Soomaaliyeed ee fursadan qaaliga ah
heshay in ay ka faa’iideystaan oo aysan lumin, maadaama ayuu yidhi
safiirku ay ku yar yihiin inta waxbarasho bilaash ah oo heer jaamacadeed
ah helaa ardayda soomaalida, wuxuuna tilmaamay in ay ayyaan darro
noqonayso haddii aanu ardaygu isaga oo waxbarashadiisii aan dhamaysan uu
ka tago jaamacadda ama dhoof galo, taas oo noqonysa fursad uu isaguna
iska lumiyey ardaydii kale ee ka faa’iidaysan lahaydna iska hortaagay
taasina ay noqonayso labo khasaare.
Wuxuu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya Maxmuud Muuse
Taray in ay faa’iido weyn u noqon doonto ardayda ,Jaaliyadda iyo
safaaradda ururka ardayda Soomaaliyeed oo dadaal dheeraad ah muujiya,
laguna ogaan karo ardayda Soomaaliyeed sida ay waxbarashadoodu tahay,
wuxuuna safiirku ugu danbayntii u dardaarmay ardayda Soomaaliyeed in ay
Sumacadda Dalkooda ilaaliyaan , isaga oo aad ugu dheeraaday marxaladda
dalka Soomaaliyeed marayo Cidda laga sugayo in ay samata bixiyaanna
yihiin Ardayda Soomaaliya wax u soo baratay, wuxuuna hadalkiisa ku soo
gabagabeeyey in qofkastaaba halkiisa ku yahay safiir Soomaaliyeed.
Xafladan Casho sharafta ahayd ee ay qaban qaabadeeda iska kaa shadeen
ururka ardayda Soomaaliyeed, Jaaliyadda iyo xawaaladda qaran ayaa waxa
halkaas lagaga dhawaaqay xubnaha cudub ee sanadka soo socda hogaamin
doona ururka ardayda Soomaaliyeed iyada oo xubnihii hore u soo wadayna
loogu mahad celiyey dadaalkii ay soo muujiyeen waxaana guddoomiye loo
doortay C/raxmaan Ashkir Muuse,ku xigeena C/naasir Ismaaciil,Dhinaca
Warbaahinta iyo Aqoonta Yaxya Maxmed Shiikh,Ikraam C/risaaq Xasan ayaa
iyadana loo doortay dhaqaalaha, Hibo Cumar ayaa iyadana loo doortay
Abaabulka.
Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya
asadlaska@hotmail.com