Go’aan uu soo saarey
maamulka Gobolka Banaadir oo ku Suubsan Suuqa Weyn ee Bacaadlaha Xamar-weyne
Guddmmoyaha
G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho,marka uu arkey baahida weyn ee loo
qabo in si degdeg ah loo howlgeliyo suuqa weyn ee Bacaadlaha Xamar weyne.
Marka uu arkey tala soo
jeedinta ku xigeenka Guddoomiyaha gobolka Bnaadir,ahna duqa magaalada
Muqdisho.
Marka uu arkey
wadahadalka iyo talo soo jeedinta midowgga ganacsatada G/Banadir,marka uu
arkey tixigeliyey;Baahida suuqa bacaadllaha ay u qabaan inuu shaqeeyo
shacabka Gobolka Banaaadir.
Sidaas darteeed,laga
billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7August 2007,waxaa si rasmi ah loo
billaabey boosaska suuqa Bacaadllaha Xamarweyne,iyadoo ganacsatada halkaas
degeysa laga raba shuruudaha hoos ku qoran.
1-In foomka lacag
bixinta laga soo qaato xafiiska midowgga ganacsatada Gobolka
Banaadir,iyadoo masuuliyadda suuqaas si madax banaan loogu wareejiyey
Midowgga G/G/Bnaadir.
2-Inuu Muwaaddinka Foomkaas hela uu bixinaayo
lacag furaha ah oo dhan $2000,oo muwaaddinku uu xaq u yeelanaayo inuu furaha
helo,inuu ku ganacsan karo ebedkiisa,kireysanna kara,iibsanna kara asagoo u
madax banaan nidaamka sharciga ee suuuqa u desgsan.
3-In Bakhtiyaanasiib
lagu kala helaayo qolalka sida ay u kala fiican yihiin.

4-Inuu Bixiyo
Muwaaddinku kirada qolka dabaqa hoose $35 bishiiba,dabaqa dhaxe $25
bishiiba,dabaqa sare $15 bishiiba,lacagtaasna ay tahay horumarin loona bixin
doono saddex saddex Bilood ugu yaraan.
5-Iyadoo dayactirka
bacaadlaha guud ahaan qarashaka ku baxaya uu bixinaayo maamulka G/Banadir.
Digreetadan ayaa waxaa
ku saxiixan Guddoomiyaha G/Banaadir ahana duqa magaalada Muqdisho
Maxamed Cumar Maxamuud
(Maxad Dheere).
Wa Billaahi Toowfiiq.
Danjiraha
Itoobiya ee Sweden:"Annaga waxaa noo yeeratay Dowlada KMG mana nihin ciidan
Gumeysi ah!"