Danjiraha Itoobiya ee Sweden:"Annaga waxaa noo yeeratay Dowlada KMG mana
nihin ciidan Gumeysi ah!"
- W/D: Ikraam Cali-kaar | Aug 26, 2007
Iyadoo uu galay maalintii labaad shirkii caalamiga ahaa ee arrimaha
geeska Afrika ee sanad walba lagu qabto magaalada Lund ayaa hadana waxaa
durba madasha shirka laga dareemayey xiiso gooni ah taasoo la xirriirta
mowduuca oo intiisa badan diirada lugu saaray siddii xasilooni loogu soo
dabaali lahaa Soomaaliay, hase ahaatee ka qeybgalayaasha kulankan oo
yeeshay workshop-yo ayaa waxaa si aan rasmi aheyn doodo is weydaarsaday
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo danjiraha Itoobiya u jooga dalkan oo
difaacayey siyaasada dowladiisa ee la xirriirta ciidamada Itoobiyaanka.
Halka prof Cabdi Ismaaciil uu ku sheegay iney ahaayeen ciidamo si sharci
darro ah ku yimid meelna uga dhacay Qaranimadii Soomaaliya.

Inkastoo kulankan oo halkiisi kasii socday hadana waxaa khudbad xasaasi
ah halkaasi ka jeediyey Dr. Zakariye Xaaji Maxamuud oo aad uga hadlay
dowrkii Dowlada Embagati iyo marxaladii ay soo martay waxaase ayaan darro
uu ku tilmaamay markii ciidamada Itoobiya oo sheegay iney taageerayeen
dowladaasi taagta daran ee ay gudaha u soo galeen jamhuurayadii xorta aheyd
ee Soomaaliya taasoo u tilmaamay iney tahay ayaan darro una baahan tahay in
ciidankaasi dalka laga saaro.
Danjiraha Itoobiya oo aad u dhaliilay khudbadii Zakariye ayaa sheegay in
Itoobiya aysan aheyn ciidan cadow ah balse ay tahay waxa uu ku sheegay
"Saaxiibka soomaalida."
Si kastaaba arrintu ahaatee xildhibaan Zakeriya ayaa waxa uu si darran u
weeray Itoobiya taasoo markii dambe ka careysiisay danjiraha Itoobiya ee
joogay madasha keentayna inuu afka furto, waxaana isagoo laga dareemayey
wejigiisa carrada ka muuqata ayuu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirtaa
ay markeedi horeba soomaalida abuureen ee asyan muuqan wax dowladiisa loogu
riixo."Annaga ma nihin ciidan cadow ah ee waxaa noo yeeratay dowlada KMG!"
ayuu yiri danjiraha Itoobiya ee Sweden isagoo carabkana ku adkeeyey in
ciidanka dalkiisa ee jooga Soomaaliya ay baxayaan marka uu dhamaado waxa uu
ku sheegay howlgalka nabad sugida ah ee ay ku taageerayeen dowlada taagta
darran.

FG: Ninkan yaaban ee arrimaha Soomaaliya madax xanuunka ku riday waa
danjiraha Itoobiya ee Sweden u fadhiya wuxuuna dhafoorka la heystaa dood
kulul oo dhexmartay isaga iyo Cabdi Ismacil Samatar. Magaciisana Dina Mufti.
Shirweynihii caalamiga ahaa ee Lund oo si habsami leh u
socda
- W/D: Ikraam Cali-kaar | Aug 25, 2007
[Prof. Janis Grabbelaar" Ma fahmin ciidamada Itoobiya macnaha dhabta ah
ee ay u joogaan Soomaaliya, waxaanse ogahay iney yihiin gunta mushkilada"]
 Iyadoo maanta
gelinkii hore si rasmi ah uga furmay magaalada Lund ee wadankan Sweden
shirweynihii caalamiga ahaa ee sanad walba lugu qabto magaaladan ayaa
arrimihii halkaasi looga hadlay waxaa kamid ahaa. Arrimaha Darfur iyo
Soomaaliya oo aqoonyahanadii halkaasi iskugu timid ha hadlaan, waxaana kamid
ah haweeneyda la yiraahdo. Prof. Janis Grabbelaar ayaa waxey si cilmiyeysan
oo aad loola dhacay uga hadashay arrimaha murugsan ee Soomaaliya.
Haweeneydan oo ah macalin wax ka dhigta jaamacada Pretoria ee dalkaasi
Koonfur Afrika, ayaa waxey xustay in dalkaasi markii ugu horeysay laga
hirgeliyey Gudiga u qaabilsan waxa ay ku sheegtay "Runta iyo Dib u
heshiisiinta" si la isku soo horfariisiyo dadkii la dulmay iyo kuwii wax
dulmi jiray.
Dowladii ku dhisneyd midabtakoorka ee ka arrimin jirtay dalkaasi Koonfur
Afrika.
Gudigan oo haatan shaqeynaya muddo toban sanno ah ayey Prafasooradu xustay
inuu suuragal ka dhigtay in dadkii dambiyada dalkaasi ka geystay ay cafis
weydiistaan kuwii ay dhibka u geystaan halkaasi lugu cafiyey.
Dhinaca kale iyadoo hadalka kor ku xusan tusaale ugu soo qaadatay mushkilada
Soomaaliya ka jirta ayey sheegtay in sida keliya ee Soomaaliya nabad uga
dhalan karto ay tahay in si cadaalad ah loo wadahalo lana qirto qaladaadka
laga galay dadka dhibka loo geystayna iyagana ay cafiyaan.
Sidoo kale iyadoo weli arrimaha Soomaaliya ka hadlaysa ayey xustay in
sanadkii hore ay tagtay dalka Soomaaliya iyadoo horey u sii raacday koox
soomaali ah oo aadayey magaalada Muqdisho. Durba waxaan dareemay bey tiri
nabad lugu soo dabaaladay magaalada Muqdishoiyo dhamaan goboladii koonfureed
ee ay gacanta ku hayeen maxaakimtii Islaamka. Waxaa amaan mudan bey tiri
hadana iney fureen ilihii dhaqaale ee bulshada sida garoonkii diyaaradaha
iyo dekedii weyneyd. Waxaan markaasi isweydiiyey bey tiri hadana maxaa
dadkii qabyaalada kala leexisay ee dirirta ka dhaxeysay mudda badan
midaayey? Waxaan ogaaday in arrinta mideysay ay tahay Diinta Islaamka.
"Haddii xalka ummadaasi la doonayana waa in loo daaya Diintooda" ayey
hadalkeedii ku soo afjartay proffosooradan wax ka dhigta jaamacada Pretoria
ee dalkaasi Koonfur Afrika oo arrimaha Soomaaliya siyaalo kala duwan uga
hadashay. Waxaase xiiso badnyd markii ay iyadoo la yaaban awooda ay
adeegsadeen ciidamada itoobiyaanka ee ay ku soo xad gudbeen dal dhan
qaranimadiisa tiri " Waxaan maqlay in ciidamada Itoobiya ay tageen
Soomaaliya mase famin macnaha dhabta ah ee ay halkaasi u joogaan, waana
gunta mushkiada dalkaasi ee haatan jirta"
Ma ahayn haweeneydan oo keliya dadkii halkaasi ka hadlay hadana waxaa jiray
shaqsiyaad badan oo ajanabi ah dhamaantoodna isku aragti ka noqdeen
in Soomaalida ay haboon tahay arrimahooda ay wadahal ku dhameeyaan qilaafka
dhexdooda ah si loo badbaadiyo ummadda Soomaaliyeed ee dagaaladu daashadeen
muddada ka badan 17 sanno.
Maalinta berito ayaa shirkani waxaa uu geleyaa wejigiisii labaad waxaana
lugu wadaa in halkaasi ay ka hadlaan qaar ka tirsan mas'uuliyiintii
baaralaamka Soomaaliya ee aan ku fikrada aheyn Dowlada KMG sida Zakariya
Xaaji Maxamuud.
W/D: Ikraam Cali-kaar
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
25, 2007
Dhulka Soomaalida ee
Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda
Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon
Xaaladda
Dadka ka soo Barakacay Muqdisho ee ku sugay Deegaanka Degmada Cadaado ee
G/Galgaduud... Akhri...
Aug 18


|