SOMALIYA DANO BADAN TALO BADAN & QALIN DAREER AH Mahdi
Muse Osam
Hagar131@hotmail.com
Hagar132@yahoo.com
Dhibaatooyinka Rabbaaniga marka laga reebo waxaa jira in
badan oo kamid ah dhibaatooyinka ku baahay dunida sadexaad
oo kuwo kassab ah fal sameyaheeduna uu yahay qeyb insaanka
ka mid ah, taa soo looga dan leeyahay yool higsasho mudan si
uu u xaarto fal sameeyuhu dan asaga u gooni ah. (aan
noolaadee adigu dhimo) .
Soomaaliya maxaa ka jaban …?????
Waa lagu daalay tilmaanta Somalida ee dhan walba
wadaaga ah, (dhaqan, diin, luqad, fir, iwm) hadana waxaa
muuqata in dhibaatada Somaliya eey in badan ka sareyso hadii
loo bar bardhigo kuwa lamidka ah ee Afrika ka dhacay.
Dhibaatada siyaasadeed ee Liberia waxey u muuqataa mid laga
talaabay, rajada cadaaladuna waxey qaadan rabtaa jidkeeda
oo waxaa u qoolan maxkamad Charles Tailorkii in badan
dagaalada kawaday wadankaa.
Bariga Afrika waa jirtaa in eey ka dhaceen xurgufo
siyasadeed oo u dhaxeeya dadka wada daga, Barundi isir sooca
ku baahay ee aan dhagaheyga kaga malqay muwaadin u dheshay
dalkaa ma,ahan mid somaliya eey haweystay, hadana xaalka
Burundi waxuu u muuqdaa mid aamusay oo sameystay hogaan
dawladeed aan qeylo ka soo yeerin.
Xurgufta Siyaasadeed ee Sudan waxey leedahay dhumuc
kastaa oo ay dad dagalamay ku kala duwanaan karaan, dalka
waxaa wadaaga qowmiyado Afrikan & carab ah , hadana waxaa ka
jira dhamaan diimaha caalamka laga helo, xaga kala
duwanaanshaha luqaddana waa mid boqolkiiba boqol gaarsiisan,
sidaa eey tahayna qaab lagu heshiiyay ayaa lagu wada socdaa
oo dhamaan inta dood wadaaga ah waa heshiiyeen, inta
dhimanna jidka nabad doonka ayeey hayaan, waxaa tilmaan
mudan in dhan walbaa uu dadka ku la hadlo guusha nabaddu in
eey xagiisa tahay qofkii guul raadis ahna waa in uu
sheegashada nabad raadineed uu ku quutaa.
Itoobiya ma mudna sheegid Diktatoorki fadhiyay
waxuu uga haluulay si sahlan oo aan jabaq laheyn waxuuna ka
tagey dal & dad aan waxba dhaamin lana dhaamin.
Somaliya bur bur aan ka soo waaqasho laheyn, Dagaal
aan xad laheyn , kala irdhoow aan hiloow laheyn & anaaniyo
aan dhamaad laheyn buu na dhaxalsiiyay xurguftii siyasadeed
ee lumisay qaranimadii dalka, waxeyna na gaarsiisay Duqii
doona Ducana ugu dara .!!!!!!!!! maxaan uga duwanahay
dalalkaa ayguba dhibkaa taabtay hadana sida sahlan uga
haluulay..?????
Dabinka Soomaaliya
Qeylo dhaanti Caalamka ee Biloowgi
Sagaashameeyadii Ee qarnigii tagey ma,aheyn mid niyad Sami
ku dhisaneyd, xalka Somaliyana Daacad lagama wada aheyn,
waxaa Xasuus Mudan Khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Qaramada
Midoobay ee ka hawlgalayay Somaliya, Talooyin mudnaan leh
wax qabad la taaban karana abuuri lahaa ayuu muujiyay U
qeybsanihii Qaramada Midoobey ee Somaliya Mr: Saxnuun
Xiligii Rajo soo celinta, kolkii uu tilmaamay in dhibka
soomaliya aan hab ciidan lagu xalin Karin, laakiin isku talo
lama wada aheyn, Natiijadi ka dhalatayna waxey noqotay in
hagardaamadii Caalamku eeysan wali ka harin Shacabka & dalka
Somaliyeed ba, waxaana Tilmaam mudan in dhaqaalhii UNISOM ee
xiligaa uu abuuray Hogaamiyaal hubeysan oo qaarkood ilaa
hada soo taagan.
Waxaa abuurmay Hey,ado ku dano gaara Magaca
Somaliya, Qaar ha,aahdeen kuwo horey u jiray laakin dhibka
Somaliya si kale ayeey Uga dooneen oo waxuu u noqday
Qandaraas eey ku gaaraan Danooyin badan eey ayagu leeyihiin,
Urur Gobleedka IGAD uma sameysmin mid siyaasadeed laakin waa
loo riixay waxuuna Mug culus ku leeyahay waxa Somaliya ka
dhacaya .
Waxaaba ka daran Dadaalka Yurubta & mareykanka oo
Noqday mar la,arag, marna ma la is weydiyay waxa fariintoodu
u soo daahirto marka dhacdo Siyaasi oo Xajmi leh eey
Soomaaliya ka muuqato. Rajadii Bulshada Somaliyeed &
doonista shacabka Muqdisho waxeey u dhamaadeen sabab eey
leeyihiin Dawladaha Reer Galbeedku, waxaa hubaal ah in
kacdoonkii Muqdisho uu ahaa guul Soomali u soo hoyatay oo
garab weydey, waana Aasaakii Somaliweyn isku imatankeeda oo
har cad u dumay dan shisheeye oo aan arxan laheyn laakin
adeegsanaya Gacan Gacal oo ka irdhoowdey Gacanteeda kale
.
Dawladaha Reer Galbeedku marna ma siin wax daneyn
ah Dawladda Kumeelgaarka ah ka hor inta eeysan soo bixin
maxkamadihii Islaamka, horey waxaa su,aal uga taagneyd
inta Maryekanku uu Ictiraafsan yahay Xakuumaddan cusub ee
Mbagathi lagu dhisey, waa lawada xasuustaa Bayaankii
kharijayada mareykanku in eeysan dhaafin Hubsiin ama ka
fiirsasho mawqifkooda ku aadan Dawladda, sidaa eey tahayana
dhawrkii Bilood eey Maxkamaduhu jireen ilaa intii eey ka
Baxaan Xariir Muuqaal leh ayuu Muujiyay Mareykanka tasoo
aheyd awoodda dhabt ah ee Maxkamadaha ka bixiyey Caasimadda
Somaliya .
Talabo talo ayeey keentaa..
Natiijo xumida & ballo abuurka shirarka Soomaaliya
loo qabtaa waxaa ka dhalatay baahi loo qabo in la helo xal
soomaliyeed oo lagu doonayo qaab Soomaliyeed, Soomali la
hashiisiinayo laakinse ayagu is heshiisiinaya, Goob ahaan,
Waqti ahaan, Ergo ahaan intuba, waxaana Hubaal ah in
Masrixiyadda Soomaliya gabagabadeedu eey sidaa ku soo
afjarmi doonto.
Nabad , Nabad , Nabad waa Oraah Kulmisa dhamaan
inta isku heysa Siyaasada Soomaliya, laakin waxaa Quman in
dhan walba uu eego dhanka kale, si eey ugu cadaato boogta
dhabta ee dhayidda u baahan, Doodihii Qabiilka , Qeybsigii
Xukunka IWM waxay u Muuqataa in laga soo gudbay, arimaha
Afkaarta , mabaadida, qaab maamulka ayaa noqotay kuwo u
badan khilaafka Siyasdeed ee hadda Soomaliya ka taaagan,
waana talaabo mudan in la dhiiri galiyo, waxaa fududaanaya
qaab loo wajaho dhibaatada Dalka, maxaa yeelay hadiiba uu
garto qofka waxa uu doonayo & waxa laga doonayo waa calaamad
xariiqi karta wada qeybsi & kala qeybsi, dhanka kale dhamaan
waxii dhib dhacay ee naf & maalin leh waxeey ku soo hoobteen
aan heshiino waloow sida aan horey u sheegnayba heshiisyada
badankood eeysan aheyn kuwo daacad laga yahay loona yahay,
Waqtigan xaadirka ahi talo waa in la heshiiyo qof walbana
ha u diyaargaroobo in uu laqqo waxuusan qaadan karin xataa
hadiiba eey taabaneyso mabda,a aan wax u dhimeyn asaaka
diinta, laakin Oraahdan waqtiga waa ka horeysaa qaabka wax u
socdaana nasiib kuma leh nasteexada noocan oo kale ah, waase
dadaalaa waa gaaraa, hadii eey ugu yaraatana talaba talo
ayeey keentaa ku biiri caqligaaga Badbaadada dalka inta aad
ka awooddo.
Qalin dareer ah mase…??????
Qoraalku waa habka ugu munaabsan ee fikrad lagu
gudbin karo, waxuu reebaa raad raac dheer oo waayo waayo
jira, Qalinkuna waa waxyaabaha ugu cimriga dheer, macnaha ku
jirana waa baahnaanta hawsha qalinka & waarida macnihiisa,
qoraalku waxuu u dhadhamaa inta eey la egtahay culeyska
hadaba Fikradda uu xambaarsan yahay marka laga reebo midka
loo qoro Suugaan ahaan, kaas waxaa dheeha Oraaho isku xiran
oo u taxan sida farsan Muuqal leh.
In badan baa Soomalida ka qoreen waxa ka jira
Dalka , doodo badanna waa laga dhiibtay, Kol hore waxeey u
muuqatay dhex galka waxa Somaliya ka jiraa & qoraalkeedu in
eeysan waxba is dhaamin, horaa loo yiri Dadku waxey u
qeybsamaan Gacan ku dhiigle, af ku dhiigle, Jiib ku dhiigle,
Qalin ku dhiiglana ku dar, asagaaba ka xun oo eey Ceebtiisu
& dambigeeduba uu baahaa.
Kadib Soo Bixitaankii Xoogaga Maxkamaduhu saaxada
Siyaasadda Soomaliya waxey yeelatay waji kii hore ka duwan,
Tusaale Cusub ayaa soo baxay oo Muujiyay in xalka Soomaaliya
si daakhili ah loo xalin karo, maxkamaduhuna waxeey noqdeen
Mithaal loo qaadan karo dib u dajinta & cag dhigidda bulsho
dhawr & toban sano Fawdo & wax ka daran hooy u noqotay, in
badan oo xussaad ah ayaa qiray wax qabadka Maxkamadaha,
qaarna waa qarsadeen aygoo ka turjumaya shakhsiyadooda
liidata aan awood Nafsi u siin Karin in Geyrkii uu wax u o
golaado, Caddaaladdaa muuqaalkaa ah ee aay Muteen koxaha
Maxakamada ahi dhaliil kama marneyn, waa Hubaal ah in camal
bashar uu san ceeb laawe noqoneyn.
Fariimaha eey xambaarsanaayeen Hogaanku maxkamaduhu
waxuu ahaa Aasaaska Bulsho weyn muslin ah dhaqan ahaan &
Dastuur ahaanba, waxeyna arintaa u mareen qaabka Xooga
malateri oo xukun noocaa oo kale ah lagu gaaro, laakin ka
dhashay kadib baahi gaamurtay oo ku habsatay Bulshada
Soomaaliyeed gaar ahaan inteeda ku nool Caasimadda oo ah
ubucdii Dalka ee Soomaali weyn, waxeyna abuurtay Kacdoonkii
eey hogaaminayeen Kooxaha kala duwan ee ka tirsanaa
Maxkamadaha Islaamka, taana waxey abuurtay dhawaaq ka yimi
xaga Maxkamadaha si eey u cadeeyaan dhambaalkooda hogaamin &
qorshahooda Siyasdeed ee ku dhisan Aragtida Islaamka.
Barnaamijka Maxkamaduhu xaga fikirka & Mabda,a
ahaanba ma aheyn mid kadis ku yimi, waxaa horey u jirey
Dareen Islaami ah oo arintan higsanayay, in ka badan Qarni
barkii ayaa Xarakaadka Islaamku sidaa u guuxayeen, meer
meer dheer kadib waxaa dhawaaday geedi furkoodi oo waxey u
xuubsiibteen Maxakamdaha Islaamka oo eey Noqdeen
Horjoogayaal & hormuud Hiil & hoo u haya, taa oo eey tahay
xaqqa fikirka & mabda,a uu qofka ka mutto, waana Ammaan in
qof kasta waxuu aaminay uu ku sugnaado. (allow nagu sug sida
xaqqa ah).
Qoraalku waxuu xaq u leeyahay in uu taabto
muuqaalka Maxkamdaha fikri ahaan , mabda,a ahaan , qaab
ahaan IWM, waxaana banana boos Mug leh marka la rabo in la
tilmaamo muuqaal is badel intaa la eg sameeyay, waxaad se
moodaa in badan In qalin dadreer ah lagu qoray, ama Fikir
Ciil qaba uu qoray, Caddaaladda Fikirka & macnaha dhabta ah
ee qoraalku waa Mid mudan in eey ka soo baxdo shakhsi sidaa
ku sifeysan, Qoraagu waa dhaye raba in uu daaweeye boog
biirtay oo loo caal waayay, ma mudna dhakhtarku in uu u
Caroodu bukaanka hortaagan ee dhayidda ka raba, mana aha
Asluub qoraal in la baahiyo qaab qaldan oo u muuqatay
Qoraagu, dadku waa wada qaldan yihiin laakin waxaa Madhluub
ah saxidda in la qaado dariiqeeda & sida aad ku gaari karto
qalbiga qofka Qaldan adoon Dareenkiisa ki cin, si aad u
saxdo waa surro Gal Qoraaga Qalinka dareerka ah wataa in uu
Noqod ugu yaraan Garab Sedexaad oo meel cidla ah Taagan.
Guushu waa mid lawada wadaago, waxaan xasuustaa
biloowgii Dagaaladii Muqdisho ee u dhaxeeyay Maxkamadaha &
Isabheysiga ladagaalanka Argagaxisada in in badan caga jiid
ka muuqday ama dhaliil ka imaaneysey ku wajahan qorshaha
dagaalka ah eey Islamiyiintu la galeen Hogaamiya Kooxeedyada
ayaagoo u sameynaya Magacyo aan niyad wanaag ka muuqan, ka
gadaal guushi maxkamaduhu waxaa goob jog loo ahaa
Mabruukiintii guushaa & sida loogu jiheystay Xarunta guusha
ee Muqdisho, dhamaan tabihii dagaal ee guusha sababay waxey
noqdeen ceeb ka saliim, Hogaankii Maxkamaduhuna waxuu helay
qadarin guushaa u dhiganta.
Ka gadaal jabkii Maxkamadaha waxaa muuqday qoraalo
badan oo taabtay hawlhii maxkamdaha, waxaa ugu darnaa kuwii
shakiga galiyay awooda hanasho ee Islaamiyiinta Soomaliya
Hogaanka Dalka, & u dhaweyn Mustaxiilnimada Mudnaanta
arintaa, dhamaan fariimaha sidan Muujiya ma ahan kuwo cusub
in badan oo caalamka ayaa wax ka qoray mid u cadaalad
sameeya & mid ku xadgudbaba, badanaana Qoraalada Noocan ah
waxey Tusaale u soo qaataan Tajrubooyin ka dhacay Caalamka
Sida Hogaankii Islaamka ee Dhaalibaan, laakiin waxaa Quman
in dib loo fiiriyo arimaha qaar, Gaar ahaan Tajrubadii
Maxkamadaha ee Lixda Bilood.
Hogaanka maxkamdaha waxaa looga mara kacay
Taalaabo Taariikhi ah, taa oo ah waxa Caajis galiayay In
badan oo Caalamka ka mid ah, Ku soo dabaaliddi Amniga
caasimadda waxuu Noqday mid fajaciso ku noqotay dhamaan
Caalamka Xabiib & cadowba, laakin waxaa Hubaal in Maxkamduhu
eeysan gaarin xili lagu qiimeeyo hanashada Hogaanka Dalka,
Mudada oo gaaban & xaalada Oo aheyd Mid Colaadeed ayaa si
sahlan u siibtay Jiriddii Asaaska u noqon laheyd qorshe
Siyaasdeed oo qiimeyn la la tiigasan karo.
Is dhex galka Afkaaraha & u xuub sii basho
la,aanta hal Mabda,a ayaa dheeh badan galiyay Qoraalada wax
ka yiraahda Maxkamadaha, Fariimaha Qoraal oo ay qoraan la
doodaha Maxkamduhu waa ku wo Daw ah kolka la tixgalinayo
ra,yi kale, maxaa yeelay waxaa jira Khilaaf sababay walax
la isku diidan yahay oo u baahan in loo maro asluubkiisa
mudan in la qaado, waxaase Nuxur la,aan ah Fariimaha u
muuqda talo dhiibasho ama wax saxid hadana in badan
haleynaya, taa oo ka dhalatay macno la,aan Fikradda
qoraalka ama fariin baahiyaha , Tusaale ahaan ma mudan
tahay Dawladdu in aan Niraahno ayadoo dhan maxkamadaha ha
raacdo si nabad loo helo!!!!!! Taa waxaa la mid ah fariinta
ku baaqeysa in maxaakimtu eey dawladdu isku dhibaan si nabad
loo helo, maxaa dagaal keenay hadaanu jirin wax la isku
diidan yahay, mase saaxiibka fikraddan ama Qoraaga macnahan
waa ka baxay Caalamka Afkaarta & mabaadida, waxaa kaloo
mudnaan leh Talo dhiibtuhu in uu kalsooni ka qabo intee in
la,eg ayeey fariintaada ku qancin karaan dhanka aad u waddo,
waxaa suuro gal ah in talo xaq ah eey kuula muuqato in
eeysan qaadasho mudneyn hadaad baahiso, sababo la xariira
xaga waqtiga & boosakaba, sidaa darted waxaa mudan in
qalinku noqdo mid ka dhibca macno dhisid, xaqiiq Dhab ah , &
naf daacad ah oo u run sheegeysa waxa eey aaminsan tahay.
(Allow Hadalkeena & qoraalkeena waa faji niyad wanaagsan )
Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiinnnn.
Mahdi Muse Osam
Hagar131@hotmail.com
Hagar132@yahoo.com