WARARKII: AUG 26, 2007
- Moowshin dib loogu celiyey qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka
- Daahir Riyaale “Dowladda Itoobiya waxaan isku
soo afgaranay”
- Nin lagu dilay Magaalada Baydhabo
- Qayb kale oo ciidamada Uganda ah oo Muqdisho soo
gaaraya
-
Qaraxyo iyo weeraro shalay ka dhacay Magaalada
Muqdisho
.Xariga saddex gudoomiye oo la dhigay xabsiga
Baydhabo oo abuuray xiisad
.Mowliid Macaane “Qaar ka mid ah Guddiga
Olombikada waxay jabiyeen sharciga u yaala Isboortiga”
.Tababarayaashii Xulka Qaranka Soomaaliya oo la
magacaabay
Wararkii: SomaliTalk.com | Muqdisho
Moowshin dib loogu celiyey qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka
Iyadoo weli Magaalada Baydhabo ay ka socdaan
shirarka Baarlamaanka ayaa wararka halkaasi ka imaanaya waxa ay sheegayaan
in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay soo gudbiyeen moowshin ku
aadan Gunooyinkii ay qaadan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaanadu waxa ay sheegeen in loo bahan yahay in laga dodo Gunooyinka la
siinayo Xildhibaanada si loola socod, maadaama xiliyo kala duwan la qaatay
mushaaro kala duwan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Max’ed Nuur (Sheekh
Aadan Madoobe) ayaa sheegay in moowshinkaani uusan noqon mid laga dodo,
balse uu yahay talo soo jeedin.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka carooday
arrintaasi, waxayna ku tilmaameen mid lagu caburinayo fikirkooda. Xubnaha
Baarlamaanka ee soo jeediyey mooshinkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay sii
wadi doonaan moowshinkaasi, ilaa uu ka doodo Baarlamaanka.
Dhinaca kale
Golaha Baarlamaanka ayaa u diyaargaroobaya sidii uu cod ugu qaadi lahaa
heshiisyada ay Dowladdu la galeyso Shirkadaha Batroolka iyo Macaadinta,
maadaama dhowr jeer ay soo noqnoqdeen arrimahaasi, sidoo kale maamul
Gobaleedka Puntland ayaa isagu ka soo horjeeda in Baarlamaanku ka hadlo
arrimaha Batroolka iyo Macaadinta. Maamul gobaleedka Puntland waxa ay
sheegeen in ay u madax banaan yihiin in ay heshiis la galan cid kasta oo
Bartool ama macdan ka qodeysa deegaanada maamulkaasi, hase yeeshee Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa isagu doonaya in uu hor dhigo Baarlamaanka
sharcigaasi, waxa uuna sheegay dhawaan in uu kalsooni buuxda ku qabo in
Baarlamaanku ansixin Doono sharcigaasi, maadaama shirkadaha doonaya in ay
Macaadin iyo Shidaal ka qodaan Soomaaliya ay marba marka ka dambeysa soo
kordhayaan.
Daahir Riyaale “Dowladda Itoobiya waxaan isku
soo afgaranay”
Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Somaliland
Daahir Riyaale Kaahin ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa kadib
markii uu saddex maalmood oo booqasho ah ku tagay dalka Itoobiya, isagoo
sheegay in uu halkaasi ku tagay martiqaad uu ka helay dowladda itoobiya,
waxa uuna sheegay in uu la kulmay ra’isul Wasaaraha d alka Itoobiya oo uu
sheegay in ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirada u dhexeeya
Somaliland iyo Itoobiya, waxa uuna sheegay in Dowladda Itoobiya ay ku
heshiiyeen in la hirgeliyo isgaarsiin ka wada dhexeysa labada dal, waxaa
kale oo uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo xoojin nabadgelyada
Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.
Daahir Riyaale waxa wuxuu meesha ka saaray in ay
ka wada hadleen arrimo la xiriira argagixisada, waxa uuna yiri isagoo
arrintaasi ka hadlayey “Arrimahaasi kama wada aan hadlin, balse waxaan ka
hadlay arrimaha quseeya labada dhinac, ee dhinaca nabadgelyada, maadaama
wixii ka dhaca Itoobiya ama wixii ka dhacay Somaliland ay saameyn ku
yeelanayaan labada dhinac”.
Nin lagu dilay Magaalada Baydhabo
Wararka ka imaanaya Magalada Baydhabo waxay
sheegayaan in Ciidamada Dowladda Federaalka ay shalay toogteen nin is hor
taagay guryo laga dhistay suuqii hore ee badarka ee Magaalada Baydhabo.
Guryahan oo gaaraya ilaa iyo 18 guri ayaa waxay
ka mid ahaayeen guryihii dowladda.
Ninkaasi ayaa waxaa dilkiisa ka xumaaday
dadweynaha deegaanka oo qaarkood sheegay in si gardaro ah lagu dilay
ninkaasi, hase yeeshee nin u hadlay Booliiska waxa uu sheegay in ninkaasi uu
sameeyey is hor-istaag cad oo la xiriira burburinta guryahaasi.
Waxaa maalmahan Magaalada Baydhabo ka socday
burburinta Guryaha sharci darada ah iyo waliba kuwa Dowladda ee la dhistay,
waxaana Magaalada Baydhabo laga nadiifiyey guryihii ku yaalay wadooyinka
kuwaas oo caqabad ku ahaa bilicda Magaalada Baydhabo iyo waliba isku socodka
dhaqdhaqaaqyada Bulshada iyo waliba kuwa Gadiidka.
Qaraxyo iyo weeraro shalay ka dhacay Magaalada
Muqdisho
Maalintii shalay ahayd Muqdisho waxay ahayd
weerar qaraxyo iyo dilal, waxayna qaraxyadii ugu dambeeyey ka dhaceen Suuqa
Xoolaha, Xamarweyne iyo Hawlwadaag, waxaana qaraxyadaasi lala beegsaday
ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo kuwa Dowladda.
Qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya oo
marayey wadada Suuqa Xoolaha, ayaa qaraxaasi kadib waxay ciidamada Itoobiya
fureen rasaas waxayna halkaasi ku dileen labo qofood, dhowr kalana way ku
dhaawaceen, sidoo kale qarax labaad ayaa waxa uu ka dhacay isla
deegaankaasi, oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo la
sheegay in waxyeelo gaarsiisay ciidamada Dowladda.
Qaraxna isna lala beegsaday saldhiga ciidamada
Booliiska ee Xamarweyne, waxayna mas’uuliyiinta booliiska ee saldhigaasi
sheegeen in aysan cidina wax ku noqono, waxaa kale oo uu qarax ka dhacay
wadada wadnaha ee Hawlwadaag kadib markii lala beegsaday gaari halkaasi
marayey.
Dhanka kale waxaa shalay agagaarka shirkadda
Hormuud lagu toogtay nin shaqaale ka ahaa Shirkadda Hormuud oo lagu
magacaabi jiray Cabdi Aadan Max’ed, waxaana dilkiisa gaysatay labo
dhallinyaro ah, waxaa kale oo kooxo hubeysani damceen in ay dilaan nin watay
gaari Garaasiido ah oo marayey agagaarka Dahabshiil, markii uu ninkii baxsay
kadib ayay kooxdii la sheegay in ay gaarigii rasaas la dhaceen, kadibna
isaga tageen..
Xariga saddex gudoomiye oo la dhigay xabsiga
Baydhabo oo abuuray xiisad
Wararka naga soo gaaraya Gobalka Baay waxa ay
sheegayaan in gobalkaasi uu ka oogan yahay qalalaase iyo caro weyn oo ay
Bulshadu ka qabaan xariga saddex guddoomiye oo haatan ku xiran gobalka Bay
ee Magaalada Baydhabo.
Waxaa xarigaani ka carooday dadweynaha magaalada
Baydhabo oo dhigay banaanbax ay kaga soo horjeedaan xarigaasi, waxayna
dalbanayeen in si dhaqsi leh looga sii daayo raggaasi.
Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Digil iyo
Mirifle ayaa waxaa la sheegay in ay si aad ah uga careysan yihiin xariga
saddexda guddoomiye, waxayna sheegeen in ay yihiin kuwo u xiran qaab
siyaasadeed, waxayna dalbadeen in la sii daayo raggaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan
Dowladda Federaalka ay soo xireen guddoomiyayaasha degmooyinka Buur-Hakaha,
Qansax Dheere, iyo Diinsoor
Qayb kale oo ciidamada Uganda ah oo Muqdisho soo
gaaraya
Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in
Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan ilaa iyo 250 askari oo Ciidamada Uganda
kuwaas oo qayb ka noqon doona ciidamada AMSON oo horey u joogay Magaalada
Muqdisho, waxayna tirirada horey u joogay ka dhigayaan 1850 Askari.
Ciidamadaas ayay dowladda Uganda sheegtay in
sababaha loo keenayo ay tahay baahi loo qabo dhanka nabadgelyada, isla
markaana ay xoojin doonaan dhanka nabadgelyada Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Uganda ayaa iyagu horey waxay u
joogeen garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho
iyo xarunta Madaxtoonyada, waxayna halkaasi ka qabtaan arrimo la xiriira
dhinac nabad sugida.
Dowladda Uganda waxay sheegtayin ciidamadeeda aysan u socon in ay ka
qayb-qaataan iska hor imaadyada ka jira dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in
ay ka qayb-qaadan doonaan sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka
Soomaaliya.
Mowliid Macaane “Qaar ka mid ah Guddiga
Olombikada waxay jabiyeen sharciga u yaala Isboortiga”
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Dowladda
Federaalka Mowliid Macaane Maxamuud ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in qaar
ka mid ah Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ay ku xadgudbeen dastuurkii iyo
xeerkii u yiilay Isboortiga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sida ugu
dhaqsiyaha badan loo qaban doono, doorashooyinkii Guddiga Olombikada
Soomaliyeed iyo xiriirada.
“Anigu cid aan wax u qabo ma jirto, balse waxaan
ku taaganay in la dhowro dastuurka” ayuu yiri Mowliid Macaane oo sheegay in
mudadii 17-ka sano ahayd dalka aan laga dhisin naadi Kubbadda Koleyga ah,
isagoo sheegay in Guddiga Olombikada Adduunka ay ku bixiyaan lacag fara
badan.
Mowliid Macaane waxa uu sheegay in xubno ka mid
ah Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ay iska maamulanayeen lacagihii loogu
talagalay in lagu hormariyo Isboortiga Soomaaliyeed, dhinaca kale Mowliid
Macaane waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in Muxiyadiin Darbaweyne uu
ku dhaqmo waxyaabo qiyaali ah oo uu sheegay in xiriirka K/cagta ee haatan
jira uu madax yahay Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe), isagoo sheegay in ay
aqoonsan yihiin xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA iyo xiriirada K/cagta ee
Afrika ee CAF, waxa uuna ugu hambalyeeyey Xiriirada K/cagta Soomaaliyeed
sida ay mar kasta uga dhex muuqdaan tartamada Qaaradda Afrika
Tababarayaashii Xulka Qaranka Soomaaliya oo la
magacaabay
Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Fulinta
Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, uuna shir guddoominayey Guddoomiyaha
Xiriirka Siciid Mugaanbe ayaa waxaa looga hadlay sidii loo diyaar-garoobi
lahaa tartanka is-reebreebka K/cagta Adduunka maadaama xulka qaranka
Soomaaliya uu ku soo beegmay xulka wadanka Swaziland.
Xiriirka K/cagta waxa uu markiiba muhiimadda
siiyey sidii loo magacaabi lahaa tababarayasha laylinaya labada kulan ee uu
yeelanayo qaranka Soomaaliyeed ee K/cagta.
Markii dhinac walba laga rog ay oo dhinac walba
laga fiiriyey aya waxaa la isku afgartayin tababaraha koowaad uu noqdo
Tababare Cawil, midka labaadna uu noqdo Tababare Cali Buu.
Tahniyad Dhalasho.
Dr, Saadaq Yuusuf Khasaaro, C/llaahi
Max’ed Xasan (Black), C/raxmaan Max’ed Xasan (Tuur), C/casiis Max’ed Xasan
(Dhegaweyne), Cali Max’ed Xasan (Makuunbe), C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham),
C/samad Max’ed Xasan (Blackyare), Axmed Wali Sheekh Cabdi, Yaxye Yuusuf
Khasaaro, Haaruun Yuusuf Khasaro (Sheeno), Faarax Max’ed Cali (Blue),
Max’ed C/llaahi Axmed (Xabeeb), C/fitaax Axmed Cilmi, dhamaan Reer Yuusuf
Khasaaro, reer Max’ed Xasan, Bahda Saxaafadda, Bahda Isboortiga, waxayna
hambalyo, bogaadin iyo tahniyad u dirayaan Amiin Yuusuf Khasaaro iyo
Xaawo
Kiin Max’ed Faarax oo 24-ka bishan Gabari ugu dhalatay Isbitaalka Xaawo
Cabdi, waxayna leeyihiin noqo tii dalkeeda iy dadkeeda anfacda.
Danjiraha
Itoobiya ee Sweden:"Annaga waxaa noo yeeratay Dowlada KMG mana nihin ciidan
Gumeysi ah!"
Faafin: SomaliTalk.com | Aug
26, 2007
.SOMALIYA
DANO BADAN TALO BADAN & QALIN DAREER AH
. ERGO: TIX GABAY AH: Ku Socdda Maakhir :::
| Max'ed Xasan
. Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye
iyo Beesha Reer Xaamud
.
Soomaalida oo ay kusoo badaneyso dadka
sheeganaya mansabyo
Dhulka Soomaalida ee
Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda
Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon
Xaaladda
Dadka ka soo Barakacay Muqdisho ee ku sugay Deegaanka Degmada Cadaado ee
G/Galgaduud... Akhri...
Aug 18


|