- Shil naxdin ah oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay agagaarka Garoowe
- Koox dooneysay iney dhistaan garoon ciyaareed iyo dhalinyaro ku ciyaarta
garoonka oo iska horimaad dhex maray.
Shil naxdin ah oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay agagaarka Garoowe
Garoowe:-Waxaa xalay shil naxdin leh oo ay ku geerriyoodeen 3 qof, 5 kalana ay
ku dhaawacmeen uu ka dhacay tuulada laacdhaare ee u dhow magaalada Garooowe.
Shilkan oo ahaa mid ay 2 gaari oo isu soo gurmaday ay labaduba ay gaddoomeen
ayaa markii hore waxaa gadoomay mid ka mid ah baabuurtan oo ku soo jeeday
magaalada Garoowe waxaan ku dhintay 2 Nin , dabadeedna waxaa gurmad ahaan
ugu soo baxay gaari kale oo ay saarnaayeen ehelada 2-da Nin ee ku
geeriyootay , hase ahaatee intii uusan soo gaarin gaariga gaddoomay ayaa
isna uu ku gaddoomay isla agaas waxaana ku geeriyooday 1 Nin.
Magacyada marxuumiinta geeriyootay Allaha u naxariistee
- Dr. Bashiir Xaaji Xusseen Jibriil
- Siciid C/laahi Xaaji Xusseen
- Maxamed Faarax Yaxye
5 qof ee ku dhaawacantay ayaa 3 ka mid ah waxaa la sheegayaa in uu
dhaawacoodu uu aad u culusyahay waxaana iminka lagu daawaynayaa Isbataal si
gaar ah loo leeyahay oo lagu magacaabo Karama Hospital.
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com
Koox dooneysay iney dhistaan garoon ciyaareed iyo dhalinyaro ku ciyaarta
garoonka oo iska horimaad dhex maray.
Iska horimaad sababay dhaawac soo gaaray kooxihii dagaalamayey ayaa maanta
ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo kadib markii labada maliishiyo
beeleed ay isku qabteen dhismaha garoonka K/cagta ee C/llaahi Ciise.
Dagaalkan oo ay ku dhaawacmeen labo ruux oo kooxihii dagaalamayey iyadoo
dagaalkana uu dhex maray maliishiyo dooneysay in ay garoonka dhistaan iyo
kooxo dhalinyaro ah oo garoonka ku ciyaara kuwaasi oo ka soo horjeestay in
ay dhistaan.
Dagaalkan oo socday mudo 30 daqiiqo ah ay istaagtay iyadoo weli Koonfurta
magaalada Gaalkacyo laga dareemayo saan saan colaadeed oo u dhaxeysay
kooxihii dooneysay in ay dhistaan garoonka iyo dhalinyarada ka soo horjeeda
dhismaha sharci darada ah, waxaana jira dadaal odayaal dhaqameedyo ay ka soo
kala jeedaan labada dhinac ay wadaan oo lagu doonayo in lagu xaliyo
khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay.
Dhacdadan ayaa dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ay la noqotay mid ay la
yaabeen iyadoo dhalinyaradii difaaceysay inaan la dhisan garoonka K/cagta ee
Cabdullaahi Ciise shacabka ka heleen taageero.
bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 7, 2007
DUFCADII
LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa...
Akhri Aug 6
Dareenka
ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii
Duntay ee Minneapolis
Maxammed Guuleed oo ay qaraabo...
Akhri Aug 6
Shirka
Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay
balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna
waxey u ekeyd afwax cunay xishood...
Akhri Aug 6
Gudoomiyaha Kulmiye ee Minnesota Oo Beeninay Shir lagula Hadlay Axmed
Siilaanyo
Waraysi uu bixiyey Yuusuf Budle ayuu
Akhri
Aug 6