"NIMAN IS BEEN FARIIMAY WEEYAAN"
Gudoomiyaha Kulmiye ee Minnesota Oo Beeninay Shir lagula Hadlay Axmed
Siilaanyo
Waxa maalintii ay taariikhdu ahayd, Axad, 29kii July 2007 khadka tilifoonka
ku xidhay gudoomiyaha ururka Kulmiye, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo,
koox reer Minnesota ah oo sheegatay in ay yihiin maamulka xisbiga Kulmiye ee
Minnesota, iyaga oo khadkana ay la galeen qaar ka mid ah hogaanka sare ee
xisbiga kulmiye u fadhiya gobolka Ohio ee isla carrigan Maraykanka.
Hadaba isla muddo gaaban gudaheed waxa soo if baxay in uu xiriirkaasu ahaa
mid kooxaysan, si gaar ahna looga qariyay dadkii run ahaan ururka ka soo dhisay
salka hoose, isla markaana sababay in uu xisbiga kulmiye noqdo kan ugu caansan
maraykanka oo dhan, gaar ahaan gobolkan Minnesota. Dadkaas shirka laga qarsaday
waxa ugu weynaa gudoomiyihii ururka ee Minnesota, Mudane Yuusuf Budle iyo Mr.
Shiine oo ahaa xubin firfircoon.

Yuusuf Budle
Hadaba si aanu u hubino sida ay wax u jiraan ayaa waxa aanu waraysi la
yeelanay Mudane Yuusuf Budle, gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee Minnesota, waxana
uu waraysigayagii ku bilowday sidatan:
Su’aal: Mudane Yuusuf waxa suuqa ku jirta in aad qaybsantihiin kulmiye ahaan,
dalkii iyo qurbahaba, taasuna ay keentay in xataa si gaar ah khadadka tilifoonka
loogu xirto Gudoomiyihiina Mudane Siilaanyo adiga oo aan waxba ka ogayn, marka
qaybsankaasu maxay ku salaysan tahay, ma qabyaaladbaa, ma figrado kala duwanbaa,
ma tartan siyaasadeedbaa, bal nooga waran?
Yuusuf Budle: Horta waad ku mahadsan tahay sida sharafta badan ee aad iigu
timid adiga oo xaqiiqada raadinaya, Mr. Khadar. Mar labaad ma qabo in uu xisbigu
qaybsan yahay. Waa xisbi siyaasadeed oo dabcan, tartan gudaha ah iyo mid dibada
ahiba waa jirayaa, taasna lama oran karo waa qaybsanaan ee anigu waxa aan ku
tilmaami karaa socodbaradka qaab siyaasadeedka loo yaqaan Dimuqraadiyadda.
Haddii aan u soo laabto su’aasha ah ma jirtaa in khadkaas tilifoon lagaa
qarsaday, waxa aan ka lee’ahay waa jirtaa, waana dhacday, sidayse u dhacday
looma wada oran. Waxa jira halkan, Minnesota iyo meelo kale oo badanba
shaqsiyaad aan run ahaan aqoon badan lahayn, kalana saari karin xaqiiqada
siyaasadeed iyo caadifadaha saaxiibtinimo, kooxo kooxeed amaba qabyaalad
hoosaadka macno beelka ah. Marka laba ama saddexnin oo gudoomiyaha, Mudane Axmed
Siilaanyo, tilifoonkiisa gacanta ku soo helay tolnimo ama saaxnimo qoyseed,
macno weyn kuma fadhiyayaan.
Su’aal: Marka ma waxa aad leedahay waxa uu xiriirkaasu ku salaysnaa
qabyaalad, ma sababtaasaana lagaaga qariyay?
Yuusuf Budle: Maya, ma aanan oran taas. Waxa aan idhi: Waxa jira shaqsiyaad
aanu anagu soo hadaynay, oo dhawaan ururka aanu ku soo darnay halkii ay wax
qabad ka bilaabi lahaayeena, ka bilaabay raadinta tilifoonka gacanta ee
Gudoomiyaha, si ay iskaga dhaadhiciyaan. Anigu ma rumaysni in ninaba qabyaalad
iyo jilibaysi wax looga qarsan karo, waayo ururka Kulmiye ma aha urur reer kali
ahi leeyahay, ee waa urur qaran deegaanada S/land-na looga wada dhan yahay. Waxa
aan ku difaacayaa in aanay qabyaalad ku salaysnayn: Dadka laga qariyay
shir/tilifoonkan keli kuma aanan ahayn ee waxa ku jiray intii run ahaan ururka
ka wadday Minnesota. Madaxda sare ee ururkana waanu kala hadalnay, una sharaxnay
sida ay wax u dhaceen. Midda kale anigu, shaqsiyan Kulmiye, dee cidna marti
ugama ahi, xataa golaha fulinta iyo gudoomiyaha ku dar’oo. Kulmiye waa
ururkaygii, waanan ku talo jiraa, iyadoo si gaar ah la iigu casumay, in aan
dhawaan dhulkii aado, intaan hadda kaga jirana in ka badan ka sii galo.
Su’aal: Marka aad leedahay “waanu kala hadalnay madaxda sare ee ururka”, yaad
u jeedaa, ma gudoomiyaha laftiisa, ma kuwo kalaa, sideedse ula xidhiidheen.
Jawaab: Taasu waa arrin anaga noo gaar ah, meeshase ay go’aamadu ka go’aan
waanu war gelinay, waanay nala qaateen. Arrinku ma aha hebelbaa hebel la qayila
ee u dir iyo hebelbaa hebel ay laba kala tirsadaan. Waxanu waa urur dhan oo
dhisan, maamulkiisa iyo habsami u socodkiisana leh, indhihiisiina ka mid ayaanu
nahay.
Su’aal: Sidee ayaad u aragtaa arrinta tartanka Madaxweyne kuxigeenimada ee
Kulmiye, mase jiraan shaqsiyaad aad si gaar ah u taageersan tahay?
Yuusuf Budle: Qah qah qah…. Haa raga meesha tartamaya waan kala jeclahay.
Qaar xiriir gaar ah iyo saaxiibtinimo dheer ayaa naga dhaxaysa, qaarkoodna maba
aqaan. Marka, Haaaaa. Haddana, Maya… oo siyaasaddu waa geeso badan tahay, lamina
saadaalin karo ilaa daqiiqadda ugu dambaysa. Marka waxa aan taas ka
warramidoonaa marka la gaaro goorteeda.
Su’aal: Balnooga warran tiradiina kulmiye ahaan, Minnesota iyo Maraykanba?
Yuusuf Budle: Waxa aanu nahay 60% ilaa 65% jaaliyadda S/land, meelkasta oo
Maraykan ah. Minnesota waxa aan oran karaa malaha waxa aanu nahay in ku dhow
70%-75% dadka reer S/land ee degen Minnesota. Waa marka aanu xisaabsano xataa
kuwan ku soo biiray markay maqleen Kulmiyaa u badan in uu sanadkan helo
doorashooyinka ee damacu galay….. qah qah qah , waa kaftan intaa dambe ee hasoo
qorin Mr. Khadar.
Su’aal: Ugu dambayn, run ahaan damac ma kaaga jiraa hogaanka amaba tartanka
siyaasadeed ee dalkii, xageedse ka bilaabaysaa?
Yuusuf Budle: Nin aan damac lahayn horta dameer ayaa karoon. Haa, haa, haa,
dabcan damac ayaa igaga jira in aan wax ka noqdo dalkaygii, xuduudna ma leh
meesha aan damcayaa. Laakiin, ma jirto gaajo ii haysa kursi jacayl, iwm. Marka
aan tago dhulkii, insha allah, bisha November ee sanadkan, ayaan su’aashaas iyo
kuwo kaloo badanba kaaga jawaabidoonaa.
Khadar Jaambiir (Khadar Jacayl)
Minnesota, USA
EAWCH@aol.com
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 6, 2007
Gudoomiyayaasha
Baarlamaanka iyo Xisbiga UCID oo Booqasho Tacsi ah ugu Tegay Qoyskii uu
ka Geeriyooday Marxuum Saaqa..
Akhri... Aug 4
Dr.Cumar
Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee
Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq...
Akhri... Aug 3