SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxdda Sarre Xasuuqayaal Ummadeed.

  • -Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda.Midnimad iyo Cadaaladda Cod nool oo Ummadda Somaaliyeed, Xaqa iyo Qaranimadda u taagan oo Sida joogtada ah uga gilgishadda Tacadiyadda,Xasuuqyadda,Boobka Hantida Dadweynaha,Fara Xumeenta Haweenka Milgo gobeedka mudan iyo Afduubka.Qafaalashada iyo bara-kicin Muwaadininta Xaalaasha ah oo Dalkoodii hooyo,Caasimadii Qaranka Muqdisho Cadeey dhexdeeda lagu Silcinaayo,iyadoo loo adeeganaayo Ciidamada Gumeeysiga Duulimaadka Qaawan,Xaq Daradda cadaanka ku qabsaday Dalkii Hooyo iyo Raxanta Adeegayaasha ah oo Magac Somaaliyeed Sheeganaaya.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si weyn uaga Xumaadeen,uguna Qiiroodeey Tacadiyada Muwaadinka Caadiga ah lagu hayo,Xasuuqyadda iyo Dilalka Joogta ah oo Hooyooyinka,Caruurta,Waayeelka iyo Dadka Rayidka loo geeysanaayo oo eey Wadaan Is-baheeysiga Gumeeysiga iyo Xulufadooda,Madaaficda Saqda dhexe lagu Garaacaayo Dadka Hooygooda Sida nabada ah ugu Jiifo,cidna dembi ka geliin,yoolka la dhigtay oo Dilkooda la Xalaaleeystaay,laguna Fulinaayo Amarka kuwa Madaxda Somaaliyeed Sheeganayaa,Laakiin runtii la heeystayaal,Khaayiniin Gumeeysi raac ah.

Waxaa ayaan daro weyn ah Xasuuqa cad oo Loo geeysteey Muwaanidda Somaaliyeed XALIIMO JAAMAC qoyskeedii oo Sida naxariis Daradda ah loola beegsaday Madiic xoogan oo yoolkuna Yahay Shacabka Somaaliyeed,Waxaa xasuuqaas ku naf waayeey 3-caruur ah oo Hooyadaas Somaaliyeed dhashay,Ubadka Dalkeena,loona dilaayo Diintooda iyo Dhalashadooda Somaaliyeed,Waxaana dhaawac halis ku Jirra 2-Gabdhood oo Xaliimo Walaalaheeda ah,Su'aasha ayaa ah:-

1-Yeey Dembi ka Galeen Caruurtaas Somaaliyeed.

2-Yeey Duulimaad iyo Weerar Colaadeed ku Qaadeen.

3-Dalkooda,Degaankooda iyo Gurigooda miyeey Xasuuq ku Mudeeysteen.

4-Ma Dowlad Somaaliyee baa Mise Mid Ummadda Xasuuqeeysa.

5-Yaa u Maqan Shacbka Somaaliyeed oo Dhibaatooyinka iyo Dilka Joogtadda ah lagu hayo.

5-Masuulinta Dowladu Ma Dhiiga Dadkooda ayeey ku Naaxaan.

6-Maxaa Aamuusiyeey Shacabka Waxaas Arkaayo,Xanuunka iyo Silicaas Joogtadda ah ku Jirra.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey halkam Cambaareeyn weyn uga Soo jeedinaayaan Madaxdda Sarre ee Dowladda ku sheega Somaaliyeed oo ah kuwa Masuuliyadda Tooska ah leh,Aamarkoodna lagu Gumaadaayo Shacabka Somaaliyeed,Waana kuwa Gumeeysiga Dalka u soo Horseeday kuna Ridoobeey Diintooda iyo Xurmadii Dalkooda iyo Dadkooda,Sidoo Kalle Waxaan ugu Baaqeenaa Ciidamadda Gumeeysiga Itoobiya in eey Sida ugu Dhakhsaha Badan uga Baxaan Dalka Somaaliyeed Guud ahaanba kana waantoobaan Xasuuqyadda iyo Gumaadka Muwaadiinta,Somaaliduna waa in eeyy la Yimaadaan isku duubni iyo midnimo xoogan iskana Caabiyaan Gumeeysiga Dalkooda Heeysta,Waana Xaq Is-Difaaca iyo Illaalin Qaranimadooda iyo Jiritaankooda,Xurmadda Diinteena iyo Madax banaanideenba.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Waxeey ka Codsanaayaan,si weyna ugu Boorinaayaan Haweenka Somaaliyeed oo Damiirka Nool,Dareenka iyo Qiiradda Wadaniyadeed ku caan baxay,una Taagan Difaaca Diintooda iyo Dalkooda Qaaliga ah,Taakuleynta Dadka Dhibaateeysan oo Gudaha Dalka ku sugan in eey u gurmadaan,Caawiyaan,gacana u fidiyaan Qoyskaas Somaaliyeed oo Dhibaatadda weyn loo geeysteey,Murugeeysan Qaarkoodana Dhaawaca Weyn La Jiifaan Isbitaaladda,Isla Markaasna Duruufaha Dhaqaalle heeystaan,Isu Gargaariduna waa Waajiib Dadka u Dhexeeya oo Shareecadeena Islaamku Qeexeeyso.

-ALLAH MAHAD LEH-
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Nabada,Midnimadda
iyo Cadaaladda Somaaliyeed.
sharifhassan50@yahoo.co.uk

-04/08/2007-

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 5, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com