SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Af-hayeenka Baarlamaanka FKMG Sh. Aadan Madoobe oo mugdi geliyay sharcinimda Mooshinka la xisaabtanka Xukuumda

 Warbixin: Mooshinka la xisaabtanka Xukuumada uu hogaamiyo Prof. Geedi

 

Dooda Moshinka ka dhan ahayd Xukuumada Prof. Geedi Madasha Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray mudanayaal gaaraya 210- waxaana  idiin soo gudbinaynaa Khudbooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isu wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi & mudanayaasha kala ah Avv. Cabdi C/lle Saciid, Xildhibaanad Caasho Axmed C/lla.

 

Marka waxaan idiin soo gudbinaynaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Max’ed Nuur  (Sh.Aadan Madoobe) oo marka hore sharaxaad ka bixiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG oo diidayay Sharcinimada Moshinka Baarlamaanka ayaa yiri:-

 

 “Mudanayaal iyo marwooyin waad og’tihiin in mooshinkii hore ee lifaaqa watey laga reebey lifaaqa,, kidbna xildhibaano ay iisoo gudbiyeen lifaaqii oo mooshin laga dhigey, sidaa darteed markaan fiiriyey oo aan la tashadey qaar ka mid ah Garyaqaano dhinaca sharciga oo ku xeel dheer  sharciga kana  mid ah Baarlamaanka  waxaa inoo soo baxdey inuusan sax ahayn.

 

 Sababtoo ah waxyaabaha la daliishanayo in ay tahay in markii Baarlamaanka uu kasoonida weydiisanayey dhismihii xukuumadii hore,  ay heshey codka kalsoonida, laakiin waxaa is casiley qaar ka mid ah wasiiradii, waxaana dhacdey in xukuumad la soo dhiso kadibna cod loo qaado, taasi waxay yiraahdeen sharci ma ahan, waayo hadii mooshin ay soo gudbiyaan 20 xubnood oo baarlamaanka ah wuxuu noqonayaa sharci  hadii uu meel mar noqon waayo, waxaa doodaas la soo celin karaa mudo 6-bilood ka dib, marka doodaas iyada ah sida ku qoran Axdi qarameedkii hore ee 60-kii, isagoo socda mooshinkii oo aan dhamaan in mooshin kale la keeno, waxaad moodaa in lagu fududaayey, oo sharciyada xilligaas in Gudoomiyaha Baarlamaanka Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa qaldanaa shaci ahaan  wixii khilaaf siyaasadeed ahna way xalin karaan go’aana way ka gaari karaan, nidaamka ay wateena waxa uu ahaa mid waafaqsanayn Axdiga Qaranka  Barnaamijka 6-biloodna loo qabtayna ma ahayn mid  ku xiran jiritaanka xukuumada iyaduna way ku qaldandanayd inay soo gudbiso cod weydiin waxay inay soo gudbiso Qorsho howleedkeeda sidaa waxaa yiri qareenada  xildhibaanaduna waxay xaq u leeyiihiin in  wixii qaldan ay ka hadlaan balse wixii saxah inay ku qancaan ayaa haboon  sharciga ayaan isku maamuli doonaa waxaana soo jeedinayaa in Moshinkaas in Gudi  aqoon u leh loo saaro oo go’aan ka gaari  kara” Af-hayeenka Baarlamaanka  oo mugdi gelinayay Sharcinimda Moshinka in ka badan 60- Xildhibaan.

 

Xildhibaanada Caasha Axmed C/lla oo hadalka Gudoomiyaha ka dib ka  hadasahy Masraxa ayaa su’aalo dhowr ah weydiisay Af-hayeenka baarlamaanka ayaa tiri:-

“Annigu waxaan u istaagay Xukuumada waxaa Moshin keenay kal hore boqol iyo dheeraad markii ay kalsoonida ay heshayna waxaa is casilay wasiiradeedii  sedexdii Mas’uul ee ugu sareysana waxay soo dhiseen xukuumada cusub  oo ka kooban  31-wasiir moshinkaas kama hari karo labada xukumadood mid unbaa jirtee mida jirta qareenadaada soo weydii mudane Gudoomiye xildhibaanada markii ay kuu keenayeen inaad diido ayay ahayd lakiin ma  ahayn markaad ogolaatay oo aad halkan keentay inaad diido ma ahayn xukuumadana annaga uma aanan yeeran waxaa moshinka ku cad in 205-Xildhibaan inay soo xaadiraan ayay ahayd

laakiin annaga xukuumada uma aanan yeeran hadii ay timidna mas’uuliyad xumo ayaaan u arkaa Gudoomiye la jifayaa banaan ma dhici karto  laba un weeye in xukuukada ee ahayd boqol iyo dheeraadka ay jirto ama  tan 31-wasiir ah ay jirto”ayay tiri Xidhibaanad Caasha.

 

Ra’isu wasaaraha Xukuumada KMG Prof. Cali Max’ed Geedi ayaa  la wareegay cod baahiyaha  waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:-

 

“ Mudanayaal iga gudooma salaan, qadari iyo xushmad mudan  waxaana ka cidasanaya saaxibayday xubnaha baarlamaanka inaan is maqalno  waxaan aad ugu xumahay in la yiraahdo xukuumada uma yeeran miyaysan ogaeyn in xukuumada ay ka mid yihiin xildhibaano u yeeritaanka Baarlamaanka noo yeerayna  xaq ayuu u leeyahay waana waajib, ra’yiga qofka waa u xur isagoo ilaalinaya nidaamka iyo xeerka u degsan Baarlamaanka  waagaan miirka aan qabnay qofkii su’aal qaba waxa uu soo mari jiray xog-haynta laakiin hada waxaad moodaa inay saas ahayn  mudane Gudoomiye Xukuumada 2006-da waxay u ahayd maalin madow, marki la dhisay xukumada 31-wasiir  qorsho howleedkeeda waxa uu ahaa Qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen :-

 

1-In Madaxtooyada iyo Gudiyada Qaranka iyo inta laga mamaarmaanka ah loo raro magaalada muqdisho,  In Golaha Shacabku uu halkan ku sii shaqeeyo wxay ahayd wax la isku ogaa.

 

2-Adkaynta nabad galyada caasimda muqdsho iyo gobolada  kale ee dalka.

3-Si looga shaqeeyo Gobolada dalka isla markaana loo taabo galiyo dib u howl gelinta canshuuraha dalka.

 

Mudane Gudoomiye qodobadaas ayay ahayeen qorsho howleedkii xukuumada loo dhiibay waxaana ku guulaysanay dagaaladii ay nagu qaadeen Maxkamadaha Islaamiga oo ay duulaanka ku soo qaadeen gobolada dalka oo dhan gaar ahaan xarunta dowlada KMG  ee Baydhabo Alle mahadii waa ay ku guulaysatay dowlada waxayna ku soo qaadeen dagaal culus oo dhaqaalahii dowlada ciriiri geliyay hase ahaatee dowladii qorsho howleedkeedii waa ay fulisay oo ma seexan mudane Gudoomiye dhamaan Gobolda dalka waxa ay ka hergilsay gobolda dalka in kastoo haraadigii Maxkamadaha ay jiraan xukuumada waxay dib u dajisay dhamaan wasaardaha iyo hay’adaha kale ee dowlada loo sameeyay xafiisyo, gaadiid, iyo  shaqaale iyo weliba wixii kale oo waqtiga noo saamaxay, waxaana maamulo u dhisnay Gobolka Bannaadir, Sh/Dhexe, Sh/hoose, Hiiraan, J/hoose, J/dhexe iyo Bakool.

 

Dhamaan Gobolada maamulada laga dhisay waxaa laga bilaabay Canshuur Uruurin maxaa yeelay shacabku waxa uu bartay nidaam la’aanta,  waxay   dowladu u bandhigtey Deeq bixiyayaashu Barnaamijka dibu dhiska dalka, waxay dowladu ku guuleysatay in ay qabato shir dibu-heshiisiin oo ay kasoo qaybgaleen   in ka badan 2000 oo Ergey oo ka kala yimid Gobolada dalka iyo Jaaliyadaha dibada, dowladu waxay kharash ku bixisay Nadaafada, dayactirka xarumaha dowlada iyo Garoorkii Caalamiga oo loo bixiyey Aadan Cade International, dowladu waxay ku guuleysatay soo saarida Baasaboor cusub oo caalami ah, islamarkaana loo yaqaano E-basaboorto, oo markii hore ruux kasta jeebka ugu jirey si loo dhowro dokumentiga dowlada loo dhowro, waxaana inoo suura gashay inaan dib u furno qusuliyadahii aan ku lahayn caalamka, si loosoo celiyo nidaamkii aan Caalamka ku lehayn, dowladu waxay ku guuleysatey in la qaado cunaqabateyntii Hubka, si loo keeno ciidamo Nabad ilaalineed, Deeq bixiyayaasha caalamka waxay bilaabeen in

na kaalmeeyaan si aan uga soo kabano burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka haleeley, dowladu waxay dadaal u gashay dibu habaynta shuruucdii dalka, mudanayaal hadaan kobo mudadii adkeyd ee ay soo martey waxay ahayd 100% ay hawshaasi fushay ma dhihi karno, mana doonayno inaan been ka sheegno xaqiiqada jirta, dowlad waxay ka hawlgasho waxaa ugu culus waa dagaal, wax ka dhib badana ma jiro, gobonimada iyo Qaranimada Ummada Soomaaliyeed dhiig baa u daatey sidaan soo sheegeyna, hadii intaas oo culays ah noo timid oo aanu ku guuleysanay oo hadana aan ka hortagney ama uu qarankii Soomaaliyeed sidaas ku burburo maanta meel aan kuwada hadalno ma jirteen, waxaan Baarlamaanka sharafta leh ka codsanayaa in la aqoonsado hawsha aan qabaney, waxaase nasiibdaro ah inagoo qaarkeen kor joogaan kuwa kalena hoos joogaan, labada qaybood oo wada shaqeysa ayaa muhiim ah ee inaan is khilaafno ma ahan wax lagu wada shaqeyn karo, inaan is jiid jiidno waxaa ka weyn Qarankii Soomaaliyeed, ee saaxiibadey waxaan ka codsanayaa cidii su’aal qabta inay weydiiyaan Wasiirada, waxaan maqlaayey xukuumda halaga takhaluso ee xukuumad aan lala xisaabtamin xukuumad ma noqoto, waxaan mudane gudoomiye kaa codsanayaa inaad ii ogolaato inaan hortiina ka jeediyo mahad balaaran u adeegaha labada xaram Amiirka dhaxalka leh Amiir C/lla Bin C/casiis ee Dowladda Sucuudi Arabia oo taageerada aad og’tihiin ee la taaban karo u fidiyey DFKMG, dowladu taabagal ayey noqotey ee yeynaan Riwaayad isu dhigin, xukuumadu ilaa waagii ay ka soo guurtey Nayroobi iyo hada wixii loo soo raaco ama wixii ay iyadu dadd u raacdo waa la arki doonaa, waxaa nagu jira dadd qaba in dowladu aysan shaqeyn, laakiin haday sidaas tahay anigu waxaan qabaa dadkaasi inaysan Soomaali ahayn, aragti waa laysku qaban karaa Af’kaarta si Dimogoraasi ah ayaa looga doodaa, waxaana haboon in la doodo oo aan si saraaxad leh aan ku shaqeyno, mudane gudoomiey Xukuumdu waxay diyaar u tahay is sixid iyo la xisaabtan dhab ah, mudane gudoomiye waxaan Baarlamaanka sharafta leh ka codsanayaa in la dedejiyo hindise sharciyeedka xukuumadu ay horey u  soo gudbisay iyo midka ku soo socda, hadaa nahay Baarlamaankii Soomaaliyeed halaga waantoobo wax shacabka Soomaaliyeed niyada ka dila hadii kale maalin cad bay dhagax nagu dilayaan,  Xildhibaano Saxaafada iskala hadalaya, Wasiiro saxaafada iskala hadlaya, in laga waantoobo oo laga gudbo ayaan idiin ka codsanayaa, Soomaaliya anagaa xukuna, dadka u maleynayoow in Saxaafada wax naga bedeli karto ha ogaadeen in Saxaafadu aysan wax naga bedeli  karin, xeerkii saxaafada waan haynaa oo Baarlamaanka ayaan keeni doonaa, haday ku xadgubaan sharci caalami ah ayaan keeni doonaa  mudane gudoomiye waxaan Baarlamaanka ka sugeyney ma aha wax meesha ka yeerayo”. Ayuu yiri Mudane Ra’iisul Wasaare Geedi.

 

Xildhibaan Avv. Cabdi C/lle  Saciid (Jnni Boqor) ayaa yiri:-

 

“Shir gudoonka waa mahadsan yahay waana salaamayaa waxaana u mahad naqayaa ra’isu wasaaraha sida uu u hadlay laakiin waxaa ka fiicnayd in moshinka la furo ka dibna uu sidaa u hadlo hada ka hor baan BBC-da ka iri waa geesi laakiin inuu Moshinka aqbalo ayaa ku fiicnayd Boyntiga saxa ah waxa uu ku salaysanyahay gudoomiyahu waxa uu fasiray Moshinadii sida ay kala ahaayeen moshinka la xiriira  in xukuumada kalsooni weydiisato Baarlamaanka 36-Xildhibaan baa soo saxiixday kii ka horeeyayna  65- Xildhibaan baa soo saxiixday nidaamka waxa uu ahaa in moshinka danbe in 20 kaliya saxiixaan laakiin dadaal badan bay sameeyeen waad ogtahay mudane Moshinadaas waxaad haysatay mudo ku dhow laba bilood “CALAAMATU MADHAR FI SAXAAB” anigu markaa baan quustay sida aad xaalada u dhigtayna mid sax ah ma aha  Gudiga aad u dirtayna  ma aha kuwo sharci yaqaano ah waa mid dhinac ah  oo u xaglinaya dhinaca xukuumada wax laga sugaa oo ay keeni karaana ma jiraan waxaana kula talinayaa xubnaha keenay Moshinka inay Baarlamaanka ka baxaan maadaama uu Gudoomiyuhu si bareer ah u hor istaagay Moshinka sarcigana ku tuntay”ayuu yiri Avv. Jinni Boqor oo  wejigiisa laga akhrisanayay caro xoog ayaa inta uu Boorsadiisa garabka gashtay ayuu Iridka hoolka shirka Bannaanka ugu baxay Jinni Boqor Saaxiibadiis oo ay isku dhinaca ahaayen ma ayan raacin.

Maxamed Macallin Cismaan {All-man} Somalitalk Baydhabo.

Email; fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 5, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com