Madaxda Jaaliyada Somaaliyeed Ee Dalka Canada iyo Madax Dawlada Federaalka
Somaaliya Ka Tirsan oo Shir Ku Yeeshay Nairobi.
Waxaa Shir si wada jir ah yeeshay Madax katirsan Dawlada Federalka ah ee
Somaaliya iyo Masuuliyiin sar sare oo xil ka haya jaaliyada Somaaliyeed ee dalka
Canada,Masuuliyiintaan ayaa shirkoodu waxa uu ka dhacay Magaalada Nairobi gaar
Ahaan xafiiska Gaarka ah ee uu ku shaqeeyo Afhayeenku.
Iyagoona kawada hadlay Arimo Badan oo Quseeya Dadka iyo dalka Somaaliya oo ay
ka mid ahaayeen Xariirka Jaaliyada Canada iyo dawlada Somaaliya Madaama Haatan
Dawlada dalka ay ku jirto dadaalo kala duwan oo dib loogu soo celinaayo
Amaankii Dalka iyo Adeegyadii kale ee Bulshad.
Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay Sidii Jaaliyada Somaaliyeed Ee
dalka Canada ay waxii ay awoodaan ugu caawin lahaayeen Shacabka Somaaliyeed ee
Aan Hantida Badan haysan,iyadoona Madaxdii Matalaysay Jaaliyda Somaaliyeed ee
dalka Canada sidiiran u aqbaleen Arinkaas iyagoona sheegay in ay Danta Dalka iyo
dadka Somaaliyeed ka doorsanayaan wax walba Iyagoona Sheegay in ay marwalba
Muhiimtahay in la is caawiyo waxii la isku Dhaamana la is taro.
Shirkaan Ay wada yeesheen dawlada Somaaliya iyo jaaliyada Somalaiyeed ee Dalka
Canada waxaa kala matalayey Madaxdaan kala ah, Jaaliyda dalka Canada Ahmed
Maxamed Jaamac ( Ahmed Ildab ) Faysal Cabdi Faarax Halka dawlada Somaaliyana uu
Matalaayey Afhayeenka Madaxweynaha jamuuriyada Somaaliya Mudane Xuseen Maxamed
Maxmuud (Xuubsireed) Shirkaas Qaran oo ay kazoo qayb galeen Madax iyo Shacabkla
Duwan waxa uu kusoo idlaaday Jawi Aad uwanaagsan.
Mdanayaasha kasocday jaaliyada Somaaliyeed ee Dalka Canada iyo Afhayeenka
Madaxweynaha Somaaliya ayaa Shirkoodi gaar ka ahaa Kadib Shir jaraaid oo ay
kazoo qayb galeen Qaybaha warbaahinta qabtay iyagoona waxyaabihii ay kawada
hadleen warbaahinta usoo bandhigay kadib Nimanka warar ka Fidiyaa Ay Su'aalo ka
weydiyeen.
Madaxda kasocotay jaaliyada Somaaliyeed ee Dalka Canada oo kala Ahaa Ahmed
Maxamed Jaamac (Ahmed Ildab ) Faysal Cabdi Faarax ayaa siwada jir ah waxa ay
ushegeen in ay tageerayaan Shirka Dibuheshiisiinta Qaran ayna Danaynayaan
Hormarka Bulshada Somaaliyeed.
Iyagoona Sheegay in ay Habayn iyo maalin utaagnaanayaan Dadaalkooda ku aadan
Hormarka Dalka iyo Dadka Somaaliyeed.
Guntii iyo Gabagabadii Shirkaas qaran ayaa kusoo idlaaday jawi Nabdeed
iyadoona Ugu dambayntii Madaxda kala duwan ee ka kala Socday Dawlada Somaaliya
iyo jaaliyada Somaliyeed ee dalka Canada ay gacmaha is qabsadeen iyagoo siwada
jir ah u sheegay in xariirkoodu naqon doono mid aan kala joogsi lahayn oo ay
marwalba wada xariirayaan.
Farxaan Xasan warsame CiiroYare
Ciiroyare1@hotmail.com Tell:254-721474611
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 5, 2007
Dr.Cumar
Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee
Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq...
Akhri... Aug 3