SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 

Dal Dayacan Iyo Cadow Diyaarsan

aadam xassan c/raxmaan
          Lonodon ,   UK

aaden17@hotmail.com

Qaran u qafaalan dagaal ooge  qaanuun lagu badalay xeer qabiil soo in khasaaruhu isdaba  joogo maahan? soo in dunida laga haro maahan? soo in dadka la kala takooro maahan? soo in danbiile loo sacbiyo maahan?

soomaalidu ma taqaan waxa ka lumay? maxayse uga lumeen? yaase ka lumiyay?

17 sano ayaa la abuuraa  markasta  Golaha shacabka! yaa doortay!? Golaha caddaalada soomaaliyeed! ee ay dhiseen dagaal oogayaal soo  inuu shacabka wareersan jahwareer usoo kordhiyo maahan? tiisa  daryeelaa tu kale ku dara IGAD  soo  musuq maasuq iyo kali talsinimo maahan waxa shucuubtooda hagar daaamda la daba taagan?see ayay cadaalad iyo horu kac noogu keenaan? madaxwaynihii hore ee Kenya markuu  yiri Kenay iyo Itobiya waligood waxay ka wal walsanaayeen dawlad soomaaliya ka dhalata waxa hadalkaas beeniyay maahan madaxda soomaalida ( si qaldan ayaa loo  fasiray?) cadawga waxa uu qirto waa been la faafiyay!!

ma aqoontiibaa noqotay inaad ku hadashid laba ilaa sadex luuqadood  17 sanno ardo soomaali leedahay uma dareerin xarun wax barasho marka laga reebo dhawrka  iskool ee ay  furteen hay adaha  reer galbeedka iyo khaliijka si ay uher galiyaan siyaasadahooda fog iyo kuwa dhawba

  su aaashuse waxay tahay yaa dajiya manhaj wax barasho  oo la doonayo in lagu barbaariyo ubad si loogu fuliyo danaha dal lee yahay kuwa  fog iyo kuwa dhawba  si loo  ilaaliyo madax banaanidiisa iyo kamaaramdiisa?

Dayacnaanta maanta dalku marayo waxaa noo hor seeday madaxda maanta  ee siyaasadoodu tahay in ay habaynba u hoydaan Hotelada ugu caansan dunida saddexaad 

Dal Dayacan Iyo Madax Dalxiis Ah. Siyaasiyiinta Somalia  ma la waydiiiyay heerka aqooneed ee ay ku kasbadeen  hoggaaminta Qaranka Geeska Afrikaad ugu khayraadka badan

Muqdisho Caasimada Qaran Mise Hooyga Qabqalayaasha

maalinkasta waxaa ku nafwaaya tiro dad ah aan wax loo laayay aan la aqoon  madxduna waxay ku dalxiisayaan Hotelada sida wanaagsan loo ilaaliyo ardo iskool aadda warkeed ha sheegin intii la isu keenay ayaa la kala yaaciyay soo  ma dhaboobin hadalkii  mallse 2005 uu ka jeediyay Adis ababa ( iskoolada xamar ku yaalla waxaa lagu taba baraa ar gagaxiso haddii aan laga hor tagina waxay halis galinayaan nabada Gobolka  oo dhan) haddii  xarunta somalia iskuuladeeda ar gagaxiso yihiin soo xarunta ITobiyana maahan xarunta lagu qorsheeyo cirib tirka shacabka soomaaliyeed

Booqasho Ujeedooyin Qarsoon Leh

maalin walba waxay war baahinta soo tabisaa maxad soomaliyeed oo i wanaagsan loogu soo labisay  inay ka dageen dal hebel xaruntiisa lana kulmeen madax sare iyo masuuliyiin maxaa kasoo bxa dagaal ka busboonaada gudaha Somalia dad badan oo  la laayo labara kiciyo may is waydiiyeen  gudoomiyayaasha Xasuuqa iyo gumaadka geeska afrika dalka cidda u haraysa haddii ay mariyaan inta dhaawaca iyo dhibaatada la carari wayday  soo inay isu soo haraan maahan Habaar Qabe, Dhagar Qabe Iyo Xaraan Ku Naax!

Qeybaha Bulshada Iyo Doorkooda Burburinta Dalka Hooyo

marka laga reebo intuu adduunyada is wadata ee maraykan ugu waynyahay noo gaysatay iyo xabashida shalay ay soomaalida soo horb kacday soo  gacan soomalai kuba baa bidin waxii la dhisay 40 kii sane ee  dawkad la ahaa

damiirkiisa ninkase uu siiyay in uu  ku raaxysto xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha soomaaliya muxu  ka duwan yahay kii shalay arxan laa wayaasha gatay Ciraaqd kuwii birta saaray aabihii falatsiin maalin ciida  xanuunka  gumaysiga soo ugumaysan darin maalin ciida inay bireeyaan aabihii kaliya ahaa ee reer falastiin aan maalinna ka hagran awoodiisa inta xarumaha carabta kael lagu maleegayay sidii loo tir tiri lahaa awoodda  ciraaq.

Dowladda Gacan Ku Dhiiglayaasha Somaaliyeed

markii  dhan kasta nalaga  dhaawacay meeshii nalala doonayaya nala gaarsiiyay ayaa waxaa nala tusay in waxii la doono nalaga yeeli karo waayoo waxaa madax nalooga dhigay intii ugu khayrka darnayd ugu gumaadka badnayd  ugu burburinta abdnayd ugu qaad cunka badan soomaali kuwii shalay ku faanayay inay afka ciida u galiyeen Qarankii Soomaaliyeed kuwa  fagaarayaasha ka sheega inay ayagu dumiyeeen Dawladdii  somalia

aadam xassan c/raxmaan

          Lonodon

             UK

aaden17@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 4, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com