SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyayaasha Baarlamaanka iyo Xisbiga UCID oo Booqasho Tacsi ah  ugu Tegay Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuum Saaqa 

Bristol-UK (Somali Voice) Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi ''Cirro" oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga UCID ayaa Booqasho tacsi ah ugu tegey Qoyskii uu ka geeriyooday Gudoomiyihii Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo America Marxuum Maxamed Caabi Ciise oo ku magac dheeraa "Saaqa" oo  Alle ha u naxariistee dhawaan ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Maka.  

Booqashada masuulyiintani ay ugu tageen Qoyska Marxuumka oo deggen Galbeedka Magaalada London waxay ahayd munaasibad ay ku muujinayeen sida ay Shacbiga Jamhuuriyada Somaliland ugu muragoodeen geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuumka oo ahaa halyey weyn oo olole weyn u galay la dagaalanka kala sarraynta iyo cunsuriyada jahliga ku dhisan ee boqolaalka sanadood lagu hayay beelaha laga tirada badan yahay ee Gabooyaha, iyada oo sidoo kale uu Marxuum saaqa ahaa ciyaaryahan caan ah oo taariikh dahabi ah ku lahaa garoomada kubada cagta isla markaasna uu ahaa xubin sare oo ka tirsan Xisbiga UCID.

 

Dhinaca kale  Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha UCID waxay  Hamblayo iyo Guul u rajeeyeen Mudane Naasir Maxamed Caabi Saaqa oo beeshiisu ay u doortay inuu qabto Xilkii Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee  QaaradahaYurub iyo Ameerika oo uu aabihii hayay intii aanuu geeriyoon, waxaanay u rajeeyeen inuu Allah ku guuleeyo xilkan balaadhan ,  sidoo waxay masuuliyiintani  ugu baaqeen Bulshada reer Somaliland inay usoo jeestaan la dagaalanka kala sarraynta una hawl galaan sidii xaqooda iyo xuquuqdooda ay u heli lahaayeen Beelaha Gabooye ee xaq u dirirka ahi. 

Masuuliyiinta kale ee booqashadan ku wehelinayay Gudoomiyayaashan waxaa ka mid ahaa Mudane Siciid Cumar oo ah Gudoomiye ku  Xigeenka Xisbiga UCID ee qaarada Yurub iyo Xasan Macalin Aadan oo ah ganacsade ka tirsan Xisbiga UCID iyo Mudane Abdulghani Ahmed Merah oo kamid ah odayaasha Magaalada London .

Sidii horeba aanu ugu ololeynaynay waxa mar kale Jariidada Somali Voice ay taageeraysaa Baaqa Gudoomiyha Baarlamaanka Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Gudoomiyha cusub ee Beelaha Gabooye ay soo jeediyeen ee ku saabsan in loo hawl galo soo afjarida cunsuriyada jahliga ku dhisan ee boqolaalka sanadood sida xaq darrada ah loogu hayay Beelaha Gabooye ee ku nool Geeska Afrika.  

Kaysar Cabdilaahi.
Bristol. UK
Tafatirka Somali Voice
kaysar@europe.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 4, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com