SomaliTalk.com
Tell Your Friends
Somali Students Network
. Click here to join..










barava



Xayaysiiska SomaliTalk

Fadlan daabac xaayasiiska Somalitalk kunadheji xarumaha Soomaalida ee cariga aad kunooshahay.

Guji halkan

Mahadsanidin Taageeradiina.


Chat | Forum | Search | Feedback | News
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | News | SomBusiness | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakaat | Saxaabada
LiveNews Update | AfricaNews Highlights | Sports-News | News Sources
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday
Minnesota, USA
Osman [Sherifosman]
Email: editor@somalitalk.com
June 9, 2000

Cedar Ave, Minneapolis, Minnesota, USA
sida lawada ogsoon yahay dadka ugu badan marka laga waramayo dadka laga badan yahay ee aan u dhalan iyagu[dalkan Maraykanka]gaar ahaan gobolkan Minnesota ama haysta jinsiyadaha kale ayaa ah Soomalida, tanoo ka dhigtay in ay qayb xoogleh ka qaataan dhamaan goobaha ay isugu yimaadaan dadka faraha badan ee degen Gobolkan Minnesota, hadii ay noqonlahayd goobaha waxbarashada, shaqada, iyo weliba kuwa faajafaajaha,.

Waxaa hadaba tan iyo maanta aanu dhex mushaaxaynay dhoowr ka mid ah dugsiyada hoose iyo kuwa sare kuwaas oo ay ka jirtay xaflado qalin jebin, waxaa wax aad lola yaaba ah sida iyo doowrka ay ka qateen ardayda Soomaliyeed xafladahaa qalin jebinta iyo dadaalkii ay muujiyeen intii ay dhex muquurayeen barnaamijkoodii waxbarasho,.

Xafladihii qalin jebinta ee ardaydaa ayaa waxaa aad iyo aad oga dhex muuqanayay arday soomaliyeed oo u badnaa gabdho kuwan oo lebiskii islaamku aad iyo aad oga muuqday,.

Waxaa kaloo aan cagta soo mariyay schoolka isagu lagu magacabo Roosevelt kan oo inta ugu badan ardayda Soomaliyeed ay dhigtaan waxaa halkaa iyana lagu soo bandhigay xaflad aad iyo aad loogaga soo shaqeeyay, tanoo ay kasoo qayb galeen madax badan oo ka socotay gobolka,.

Waxaa xafladaa iyada ah kusoo dhaweeyay madaxdii halkaa isugu timi Mr.Brain Boothe oo ah arday ka mid ahaa aradyda Schoolka kadibna waxaa hadalkii la wareegay Maamulka Schoolka Mr.Clarka Duhrkope,.

Intaa ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay ninka madaxa u ah gobolkan Mr.Jesse Ventura oo isagu mar arday ka aha schoolkaa Roosevelt Mr.Vantura oo aad ugu dhiiri geliyay ardaydii schoolkaa ka qalin jebinayay in ay dadaalaan oo waxa uu yiri anigan aad i arkaysaan imika halkan waxaan ku soo gaaray dadaal, adinkuna way idiin suurtoobi doontaa hadii aad markaa dadaal la timaadaan,.

Nagi Maxamuud Cabdulaahi, oo gashay kaalionta Labaad.
Hadalkii dheeraa ee Mr.Ventura ka dib waxaa bilaabatay in lagu dhaqaawo sadexdii qof ee ugu sareeyay xiligan schoolka ama qalin jebintan waxaa yaab badnayd markii lagu dhawaaqay magaca gabar Soomaliya oo iyadu noqotay qofkii labaad ee schoolka, gabadhaa oo magaceeda la yiraahdo Nagi Maxamuud Cabdulaahi, magacabideedii ka dib ayaa markeliya dadkii Soomalida ahaa ee isugu yimi halkaa sawaxan iyo qaylo afka furteen, runtiina waxay ahayd gabadh muunad wayn usoo hoyday magacii Soomaali,.

Nagi waxaa halkaa lagu gudoonsiiyay hadiyad iyo sacab iyo farxad wada jira anaguna hadaan nahay bahda Somalitalk waxaanu u diraynaa tahniyad iyo boogaadin waxaanan leenahay halkaagaa ka sii wad,.

Ardaydii darajooyinka fiicfiican helay ee ku xigay Nagi waxaa ka mid ahaa Xaawo Xuseen Farax iyo Maxamed Maxmuud Kaahinoo iyaguna mid walba uu helay darajo aan ka dhicin tan Nagi Maxamuud Cabdulahi,
70 arday Soomaaliyeed ayaa kaqalinjebiyey Roosevelt .
Hadalkii dheeraa ee Mr.Ventura ka dib waxaa bilaabatay in lagu dhaqaawo sadexdii waxaa hadaba celceliska guud ka qalin jebiyay Schoolkaa Roosevelt galabta arday soomaaliyeed oo gaaraysa 70 araday sida uu Noo sheegay ama aan kasoo xiganay madaxa ardayda Soomaliyeed ee Minnesota Mr,Jamaal Adan Cabdulaahi oo isagu goob joog ahaa xafladaa iyada ah,.

Waxaan hadaba si guud tahniyad ugu diraynaa hadaan nahay bahda Somalitalk.com dhamaan ardaydii soomliyeed ee ka qalin jebisay dhamaan dugsiyada hoose kuwa dhexe iyo kuwa sareba, waxaanan rajaynaynaa in ay ardaydu dadaalka halkaa kasii wadi doonaan inagoo u rajaynayna guul iyo baraare iinshaa allaah,.

Sherifosman
Roosevelt High School
Minnesota Somali Students Union
Mpls, MN, USA


HAMBALYO HAMBALYO ARDADA SOOMAALIYEED

Fadlan hambalyadiina u soo tebiya ardada Soomaaliyeed ee guulaha gaaray. Taas waxay ku abuureysaa dhallinta da'da yar niyad wanaag iyo in ay sii xoojiyaan horimarkooda, taas oo markaas faa'iido weyn u leh mustaqbalka ayaaha cusub ee Soomaaliya, Insha Allah.

Hamabalyadaada kusoo tebi halkan


AKHRI


>> URURKA ARDADA SOOMAALIYEED EE MINNESOTA
>> KULANKII ARDADA MINNESOTA
>> Somali Women in Diaspora Support Djibouti's Peace Plan
>> Quudka Naarta & Qaadka (BOQOLSOON)
>> Gabaygii ABSHIR BACADLE ee Qaadka


Posted by SomaliTalk.com Team
June 9, 2000
Allah Is Great
.
HAMBALYO HAMBALYO
Hambalyadaada usoo tebi ardada Soomaaliyeed.

Guji Halkan...

DOOD FURAN
Ka qayb qaado qaybta cusub ee aan u bixinay DoodFuran.

Guji Halkan...




mail


Top | Somali | Search | Forum | Add Site | Contact Us | Feedback