Allie Shah
/ Star Tribune, June 25, 2000
Qoraalkaan waxaan kasoo tarjumney Strar
Tribune oo kasoo baxa Minnesota. Waxaana isku daynay in aan usoo
meerino sidii uu qoraagu usoo qoray.
Waqtiga jirdhiska ama jimicsiga, gabdhaha dhawr-iyo-toganjirka ah
waxay qolka dharbedelka iskaga xayuubiyaan funaanadaha iyo
surweelada "jiiniska" ah iyaga oo markaas iskucirrinaya dhar aad
ugudhegan iyo surweello dabagaabyo ah. Laakiin Fartun Nur, 17 jir,
waxa ay iska qaadaa maro kasamaysan dun iftiimaysa taas oo u ah
xijaab.
Fartun xishoodkeedu wuxuu
soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada
(Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris
halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee
Soomaalida. |
Marka hore waxay xirataa
maro-dheer oo dhulka joogta. Kaddibna shaati gacmo-dheere ah.
Xijaabka iskama bixiso, wayna isku hagaajisaa (khimaarka) si ay u
xaqiijiso in uu weli asturayo timaheeda. Kaddib, waxay gashataa
surweel u jooga ruugagga, waxayna ku carartaa fasalka jirdhiska ee
gabdhaha keliya u gaarka ah.
Nimco Ahmed, 18 jir, waxay si tamashlayn ah kugashaa qolka
dharbedelka, raadiyaha dhegaha ugujira waxa uu dhamaystirayaa
muuqaalkeeda reer-galbeedka. Waxay surweelka jiiniska ah ee
looyaqaan 'boot-cut' kubedelataa kan looyaqaan 'rack pants', iyadoo
aan kalajeclayn (ama dan kalahayn), halka gabdhaha kale ee
soomaalida ah ay kalajecelyihiin, haddii ay aad u muujinayaan
(qaybaha dahsoon). Inta ay muraayadda jalleecdo ayey u ruclaysaa
fasalka jimicsiga nooca looyaqaan iskudhafka.
Fartun iyo Nimco, noloshu waa tijaabo maalmeed. Meel aad ugafog
waddankoodii hooyo, gabdhaha Soomaaliyeed waxa ka hor-imanaya dagaal
dhaqan iyaga oo kusugan waddan aad ugaduwan waddankoodii.
Iyada oo kaduwan gabdho
badan oo Soomaali ah kuwaas oo kulebista dharka dhaqanka.
Nimco Ahmed waxay xirataa surweel lugo-halaf ah iyo labis
reergalbeed |
Mareykanka, oo ay
lajirto dad meelo kaladuwan kayim oo isku-qasmay (isdhexgalay),
sinaanta, iyo maan-kuhaynta dhallinta iyo gogosha, ayaa uga
gacan-haadiyey meelkasta. Arimahaan cusub (dhaqamada) waxay
duqaynayaan ama ka hor imanayaan dhaqanka Soomaalida kaas oo ay ku
caddahay kaalinta ragga iyo dumarka, tixgelinta xukunka iyo
aqoonsiga kusalaysan qoyska, ee aan ahany mid qof ahaaneed (shakhsi
ahaaneed).
Meesha uguweyn ee dagaalkaan (dhaqameed) uu kamuuqdo waa dugsiga
sare ee lagu magcaabo "Roosevelt High School" ee Minneapolis. Iyada
oo aad uga for waagii ama waqtigii "Gov. Jesse Ventura" (waa madaxa
gobolka Minnesota) iyo caddaanka kale ee dabaqadda-shaqaysa ay
ugubadnaayeen (marinada dugsiga), maanta Roosevelt waxa uu ku faanaa
in ay dhigtaan ardada Soomaalida ah ee ugu badan ee magaaladan --
iyo lagaba yaabee wadanka oo dhan.
Ugudhowaan saddex-meelood oo meel kamida 1,550 arday ee isu
diiwaangeliyey bilowgii sannad-dugsiyeedka waxay ahaayeen Soomaali,
iyada oo ay qayb katahay (arintaas) dugisga Roosevelt oo kudeeqa
adeegyo luqadda ah.
Roosevelt, iyo dawankiisa iyo dareenkii-waayadii hore, waxa uu
gabdhaha Soomaaliyeed u yahay gabbaad. Dugsi (skool) waa meesha
keliya oo ay war-wareegi karaan si xor ah oo qoysaskoodu aysan u
fiirinayn (ama ulasocon) si xeel dheer.
Nimco, bidix, iyo Fartun,
midig, oo ku kulmay qolka dhar-bedelka ee gabdhaha. Nimco
fasalkeeda jirdhiska wuxuu ahaa iskudhaf halka Fartun uu ka
ahaa mid u gaara gabdhaha oo qura.
|
Qoysaska Soomaaliyeed waxa ay kafilyaan
ama karajeynayaan dumarku in ay xafidaan dhaqanka iyo in ay
siiwadaan sharafta (maamuuska) qoyska. Marka Fartuun walaalkeed uu
dhexgelikaro ragga ay isku fasalka yihiin oo uu xirankaro surweel
holof-holof ah (ka-yarehe-weyn) iyo funaanad, iyadu waxay ka dhex
muuqataa dadka iyada oo gashan dharkeeda Soomaaliga.
Wiilasha waxay booqan karaan makhaayadaha ama waqtigooda
kuqaadankaraan garoomada kubadda kolayga, laakiin gabdhaha waxaa
laga filayaa in ay gurga joogaan, meel ka qarsoon dadweynaha,
xafitaanna dhex-dhexaad nimadooda (wanaagooda iyo asluubtooda).
Waa dugsiga, marinka-skoolka dhexmara, fasallada iyo makhaayadda
skoolka, halka Fartun iyo Nimco ay ku wajahaan Mareykanka. Waxay ku
dhex darsamaan carruur ka kalayimid Iran, Vietnam, Mexico, Somalia
iyo United States, waxay majaraha u hayaan mawjadaha wada
Ameerikaanka.
Nimco: Nolosha labada duni (Adduun)
Sida qubada (diinka badda) oo kale, Nimco waxay baratay sida
loogu noolaado biyaha iyo berriga labadaba. Guriga iyo Roosevelt.
Dukaanka dharka iyo barafuunka ee hooyadeed oo kuyaala xaafadda
"Phillips" ee Minneapolis, waxay ku hadashaa Af-Soomaali deg-deg ah,
qosol iyo kaftan ayay layeelataa qaraabadeeda. "Galab Wanaagsan.
Seetahay?". Dugsiga (Skoolka), waxay saaxibadeed oo ka kalayimid
adduunka oo dhan ugu dhawaaqdaa "Whassup?" = (Maxaa-cusub).
Waxaan ahay nooc-caalami ah oo dadka oodhammi yaqaan ("I'm kinda
international") ayey tiri.
Marka dawanku dhaco,
Nimco, dhexda, waxay dhexgashaa gabdho badan oo maraya marinka
dhexe ee Roosevelt. "Muhiimad maleh habka aad u lebisan tahay,
waxaase muhiim ah waxa qalbigaaga kujira" Nimco ayaa
tiri. |
Ahmed (Nimco), oo wadata telefoonka gacanta iyo saxanka
(cajladaha), waxay kudhex socotaa marinka dhexe ee dugsiga iyada oo
u gacan haadinesa una qosleysa dadka, kuwaas oo iyada ugu yeera
magacyo qallafsan. 'Waan kahelaa wiilkan. Waa mid maad leh sida
dabka', ayey tiri iyaga oo markaas dhaafaya wiill "Asian" ah oo leh
timo nooca "frosted hair".
Waxay lakulantay koox gabdho soomaliyeed ah (oo ay aqoonshatay),
si ciyaar ah ayey isugu tuurtay, dib ayey isaga riixeen, waana
qosleen, waana ay katagtay iyada oo ilkacaddaynaysa. Markii ay
lugaynayeen ayna wada-hadlayeen, waxay boorsadeeda kasoo bixisay
xanjo iyada oo u dhiibtey jaalkeed oo gacanta soo taagaya.
Laakiin maro yar oo khafiif ah oo kuduuban timaheeda waxa uu
Nimco u ekaysiinayaa sida ardada kale Ameerikaanka ah. Surweel
Jiinis ah, kabo dhaareer, timaha oo laguxiro qalab soo raariciya.
Dhegaha oo midwalba ay ka durantahay meelo badan. Iyadu aad ayey u
jeceshahay hab lebiska Ameerikaanka.
Markii ugu horreysey ee ay timid Roosevelt sannadkii 1998, kaddib
markii ay siddeed sano joogtey Germany, Nimco kuma lebisnayn xijaab.
Xijaab waa kelmed Carabi ah oo dumarka Muslim-ka ah ay isku
asturaan, timohoodana ugu daboolaan si ay u dhawrsadaan. Markii
caruurta kale ay arkeen iyada oo madax qaawan waxa ay kasoo qaadeen
ama u maleeyeen in ay ahad Ethiopian.
"Waxaa igu bilaabmay in aan dareemo niyad-xumaan" ayey tiri.
Maalmahaan waxay xirataa xijaab, marka ay rabto. Waxay ay sidaas
u samaysay in ay cidwalba ogeysiiso in ay tahay Soomaali, waxay la
qabsatay marada madexeeda saaran, taas oo xusuusineysa cidda ay
tahay, iyo waxa ay tahay. oo ah Soomaali. Muslim. Dumar.
Maali uun (mar-uun), marka ay aqal yeelato iyo carruur, waxay
heer kale kudaridoontaa sharfteeda, ayey tiri. Waxay xiran doontaa
Jalaabiib, waa maro weyn oo la isku asturayo kaas oo ay isku
muunad yihiin kan soorooyinka. Waa kan hooyadeed iyo Fartun ay
xirtaan. Waqtigaas Nimco waxay joojindoontaa in ay xirato ama ku
lebisato surweelada, ayey kudhaaratay.
Isbedeladaas waxay u samayn doontaa si ay carruurteeda ugu
horseedo tusaale wanaagsan iyo in ay u koriso carruurteeda sida
saxda ah ee diinta Muslim ka. "Waxaan u hayaa xushmad badan diinta."
ayey u tiri si adag.
Xeerarkee la raacaa?
Iyada oo fadhida sariirta qolkeeda hurdada, oo raso khimaarro
(jalaabiib) ah ay kujiraan armajada oo ay agtaal koofiyadda kooxda
"Minnesota Vikings", Nimco waxa ay kafekereysaa (ka baaraan
degeysaa) arimaha adag ee horyaalla ee kunoolaanta labada dhaqan.
Dugsiga waxay kula kulantaa dagaal iyo foorjayn taas oo caadi ka ah
ciyaalka Soomaalida iyo kuwa Ameerikaanka dhexdooda. "Qayb kamida
waxa ay yiraahdaan, 'wax xun ayaa kaa soo uraya,'" Nimco ayaa tiri.
Qayb carruurta ah ma fahamsana, ama aan si qayax u iraahdee majecla
caadada (dhaqanka) Soomaalida, sida gacmaha iyo lugaha oo lagu dhaqo
musqulaha skoolka salaadda ka hor.
Mid ay isku fasal yihiin
Nimco ayaa si cayaar ah isugu soo tuuray mar ay kujireen
fasalaka jimicsiga |
Booqashada makhaayada skoolka Roosevelt waxay ku tuseysaa
midab-takood dhaqan. Gabdhaha Soomaalida oo hal dhinac oo qolka ah
isugu taga, oo gooni ka ah wiilasha Soomaalida, Ciyaalka Asian ka,
Caddaanka iyo African-Americans.
Immanuel Huggins, oo ah African-American jaalna la ah Nimco, waxa
uu tiriyey gabdhaha Soomaalida saaxibadiis dhexdiisa. "Qayb badan oo
kamida waa bilic san yihiin," ayuu yiri.
Badanaa xiisadda ka dhexaysa Soomaalida iyo carruurta kale waxay
ka asaasantaa khalad ufahmidda diinta Islaamka iyo dhaqanka
Soomaalida, ayuu yiri.
"Marka aad aragtid gabar madaxa maro uguxirantahay, iyo iyada oo
lagayaabo in ay ku hadleyso luqad kale, kaddib waxay u malaynayaan
in aad iyaga ka hadleysida, waxaa bilaabma kala qaybsanaanta.
"Dhaqankoodu waa qiyaastii midka aad uga xagjira ama ka fog
dhaqankanaga."
Guriga (marka lajoogo), Nimco marmarka qaarkood way is celisaa si
ay u xafidato dhaqankeeda Soomaliga kaas oo ah kii lagu soo
barbaariyey. Waxay iska ilaalisaa in ay wax ka cunto makhaayadaha
Soomaalida iyo meelaha kafeega, iyadoo og in dhaqankaasi gabar ahaan
uu keenayo in lagu xanto, (wax lagasheego).
Nimco, oo kulebisan
funaanadda "Randy Moss" waxay macallinkeeda farshaxanka kala
hadleysaa arin kusaabsan "Valentines Day"
|
Intaas oo dhan kadib, waxa ay haysataa waa sumcaddii gabarnimada,
waqti dheerna qaadanmeyso in jaaliyadda Soomalida ah ee magaaladaan
looyaqaan "Twin Cities" (Minneapolis iyo St. Paul) ay waxa adiga
kukhuseeyaa noqon doonaan kuwo khuseeya qof walba. "Haddii aad wax
xun ku samaysid guriga bannaankiisa, waxay kunoqoneysaa guriga
gudihiisa. Qof uun ayaa sheegi doona". Nimco ayaa sharaxday
(arrintaa). "Hooyaday - ma ah in ay wax i yeeleyso aniga, laakiin
waxay dareemeysaa niyad xumo. Ma rabo in ay dareento niyad xumo.
Waxaan rabaa hooyaday in ay ahaato mid ku faraxsan waxa aan
samaynayo.
Halkaas weeye meesha ay Nimco labalabaynteedu kajiro. Sidee ugu
noolaataa xeerarka Ameerikaanka ee skoolka iyada oo aan ka caraysiin
dadkeeda?, Mararka qaarkood waxay sheegtaa been.
Waa xubin katirsan Kooxda "Roosevelt track team", waxay ku orodaa
dabagaab, iyada oo lugeheeda muujineysa si caam ah. Marka tartanku
dhammaado, waxay xiraataaa surweelkeeda loogu talagalay cayaarta ka
hor (warm-up pants). Laakiin haddii hooyadeed ogaan lahayd in ay
xirato dabagaab, way caaradi lahayd (diidi lahad). Sidoo kale ayey u
caaradi lahaayeen kuwakale ee katirsan jaaliyadda Soomaalida.
Mar ay tababaranayeen, ayaa koox rag Soomaali ah soo qaabileen,
markaas ayey argagaxday iyada iyo gabdhihii kale ee skoolka. "Maxay
kuwaas Soomaalida ah meeshatan ka qabanayaan? Ma arkeen iyada oo ku
ordeysa dabagaab?" ayey isweydiiyeen. Waxay arrintii noqotay in
nimankani ay rabeen in ay Nimco kala hadlaan koox cayaar fudud oo ay
asaasayeen.
Laba-labowga Shukaansiga (DATING)
Meesha saxda ah ee adduunka Soomalida, wiilasha iyo gabdhuhu
maleh shukaansiga nooca "DATING". Waa is aroosaan. Gabdho Soomaali
ah ayaa dhawr maalmood skoolka ka maqnaanaya, waxayna soo noqdaan
iyaga oo ay is-qabaan rag labajeer ka da' weyn.
Waji farxaan ah oo
kamuuqda Nimco iyada oo ay lajiraan gabdho Soomaaliyeed oo
daawanaya qoobkacayaar dabaaldeg ay qabaan Jaaliyadda
Soomaalida. |
Shukaansiga iyo qoob-kacayaarka Skoolka waa arin ku adag oo aan
la-ogolayn dhaqan mamnuucaya ragga iyo dumarkaa aan is-qabin xataa
in ay is taab taan. Qayb gabdhaha Nimco skoolkeeda ah waxay
leeyihiin saaxiibo (boyfriends) kuwaas oo ulasoo lugeeya fasalka oo
telefoon usoo dira, laakiin waxay sidaas usameeyaan hab dhagar
badan. Qayb gabdhaha ah waxaa qoobkacayaar lasameeyaan saaxibadood,
laakiin inyar ayaa ku dhiirada in ay u sheegaan waalidkood.
Sannadkaan xafladdii dhallinyaradu isugu imanayeen Nimco wuxuu u
keenay dhib. Waxaay qorshasatay in ay raacdo saaxiib, wiil soomaali
ah. Ma ahan shukaansi (date) ayey ku adkaysatay.
Toddobaad kahor qoobkacayaarkii, saaxibadeed waxa ay uga digeen
in aysan ku haboonayn in sawirkeeda lagaqaado, iyaga oo lebisan, oo
lajirta wiil Soomali ah. Ayadu ma aysan rabin in dadku kawada
hadlaan in ay yihiin lammaanayaan isku xeeldheer, markaas arintii
wey kabaxday (ama wey iska dhaaftay).
Maalintii qoob-kacayaarka, Nimco waxay istaagtey iyadoo caga-cad
oo gacan ku haysata makiinada timaha lagu fooneeyo, gacanta kalena
ku haysata buufinka timaha oo hor, waxayna is hor taagtey koox yar
oo gabdho ah oo kujira qolka alaabta lagu xafito ee Skoolka. Halkii
ay ka aadi lahayd bartii kulanka ee dhallinta, waxay u hagaajisey
timaha gabdhihii kale oo aadayey goobtaas.
Nimco saaxiibadeed oo layiraahdo Ifrah Mohamed, oo ah gabar aad u
reer-galbeedowdey oo aan madaxa daboolin sida gabdha kale ee
Soomaalida, inta ay kursiga wareejisey oo fiirisay koox xijaab qabta
ayey tiri: "Ma aamini karo sida waalidkiin idiinku ogolaanwaayey
inaad aadaan,. "Meelkasta oo aan aado, aniga keligay ayaa gabar
Soomaali ka ah." (sidaas waxaa yiri Ifrah).
Xataa Ifrah been ayey sheegi jirtey si ay guriga uga baxdo.
Ugu dambayntii waxay usheegtay aabeheed. "Aabbe, halkani waa
America. Keliya ii ogolow hal habeen." (si ay xafladda u aado).
Nimco way dhoolacadaysay iyada oo wareejineysa makiinadii
timaha-fooneeyaha. "mararka qaarkood waa adagtahay in sida saxda ah
lasameeyo." ayay tir mardambe. "Anagu waa ka duwanahay. Waxaan
rabnaa in aan samayno wax kasta oo dadka da'danada ah ay sameeyaan.
Badankooda [Duqayda Soomaalida], iyagu xaqiiqada ma fahmin ama ma
aqbali karaan.
Fartun: Soomaali Toosan (sida ay go'aansatay)
Dhanka Fartun, xooggu ama dagaalku wuxuu kaga imanayaa dhan kale,
waa Africa. Kenya oo ah meeshii ay ku kusoo kortay, waxay samaysay
go'aan miyir leh si ay midabkeeda kafeega madowxigeenka ah
(dark-brown) uga qariso fiirada dadweynaha. Waxay jirtey 14, waa
da'da marka gabdhaha Soomaalida ay bilaabaan in ay xirtaan xijaabka.
Fartun
oo dhoolacadayneysa markii ugu horreysey ee ay aragtay tuubada
marka lawareejiyo midabbo indha sarcaad ah leh,
(kaleidoscope) |
Waxay ahad ciid, oo
muhiimad weyn u leh Muslim-ka, hooyadeed waxa ay usoo bandhigtay
khimaaro kala nooc-nooc ah oo aad u wacan, kuwaas oo ay mid
kadooratay. Waxay u qushuucday ama u bogtey aragtida cusub ee ay
yeelatay markii ay isku fiirisay muraayadda. Waxay markaas
go'aansatay in xijaabku uu ka mid noqdo aqoonsigeeda abadiyan
(weligeed). Waxa keliya oo ay iska bixisaa marka ay lajoogto
qaraabadeeda iyo dumarka dhexdiisa.
Dugsiga Roosevelt, waxa ay soo xirataa jalaabiib dhammaystiran oo
midabo kaladuwan leh sida qaansaroobaadda: (turquoise, eggplant,
mint green, lemon.) Waxaa kamuuqda xarago (qurux) taas oo kasoo
raacday Kenya. Qoyskeedu waxay u guureen halkaas (Kenya) bilowgii
1990, intii aan dagaalka Soomaaliya ka qarxin. halkaas waxa ay
lahayd haween xannaanaysa iyo qol aad u waasac ah. Weligeed kuma
noolaan xero qaxooti, taas oo Soomaali badani soo mareen qaxooti.
Hooyadeed, oo lagu magcaabo Geni Nur, waa lagayaabaa in ay ku
hadasho Soomaali, laakiin Fartun xusuusteeda wadamadii ay kasoo
baxeen waqtigii ay yarayd aad ayey u yartahay.
Wadankeedii iyo noloshii Kenya waa waxa ay tebeyso, waxayna
qorsheyneysaa in ay maalin uun halkaas ku laabato. Buugeeda
suugaanta (gabayada) waxa ay ku diiwaan gelisaa sida ay u tebeyso,
iyada oo qoreysa sida "wadankii aanan weligay ilaawayn".
"Kenya wadankii aan kusoo koray... isku mid ma aha marka aad
bilowdid nolol kale oo kaduwan."
"Waxyaabo ayaa isbedeley".
Skoolka meesha dhexe ee lamaro ee sawaxanka badan leh, Fartun oo
aan bulshayn (aan dadka dhexgelin), waxa ay toos u abbaartaa
fasalka, iyada oo wajigeeda aan waxba laga akhrisan karin.
Shaqadeeda Skoolka aad ayey u tixgelisaa, waxay raacdaa
dariiqooyinka, iyada oo u shaqayneysa si hawlkar ah hanoqo marka ay
xallineyso mas'alo fasalka xisaabta ama ay qaadeyso culays fasalka
jimicsiga. Fasalka taariikhda meesha ay ardada kale ladoodayaan
macalinkooda, Fartun waxay u dhegeysataa si aamusnaan ah.
Fartun
hooyadeed waxa ay u muujineysaa debecsanaan gabasheeda
uguwey. |
Had iyo jeer ma ahaan jirin qof xishood badan.
Xaggaa iyo gurigii hooyo, waxay ahaan jirtid "midyar oo kulul".
Waxay jeclaan jirtey in ay dhibto qoftii xanaanany jirtey iyo iyada
oo ku cayaarijirtey saaxibadeed. Qofkasta wuu yaqaaney waagaas.
Dhowaantan, mid adeeradeeda kamida ayaa yiri: "Taasi ma
adigiibaa, Fartun? Aad ayaad u aamusan tahay. Maxaa kudhacay
Fartun-tii weyneyd.
"Wax badan ayaa isbedeley," ayey ku jawaabtey.
Hase yeeshee mararka qaarkood marka ay la qosleyso saaxibadeeda
Skoolka ama ay lasocoto oo ay joogaan "Mall of America" waxa ay
dareentaa (in ay tahay) Ameerikaan, Fartun ayaa qirtay. Laakiin
marka ay guriga lajoogto walaalaheed, ayna la cayaareyso cayaarta
"Xusuuso markii..." waxa ay dareentaa waadiga ama gacanka u dhexeeya
iyada iyo ardada fasalkeeda in uu kaweyn yahay (ama ka ballaaran
yahay) qaaraddii ay kasoo tagtay.
"Wey dhuntay naftaydu-e, xagee bey ahaatay? ayey ku qortay gabay
ay ku muujineysey dhibaatadeeda xanuunka badan.
Marka dawanka ama gambaleelku dhawaaqo dhammaadka maalinta
skoolka, waxa ay si degdega uga soo baxdaa dhismaha dugsiga. Ilaa ay
kasoo gaarto irrida dukaan Soomaali ah oo kuyaal "Lake Street",
halkaas oo ay ku xeeranyihiin Soomaali kale, markaas ayey bilowdaa
in ay nasato (ama is degiso).
"Marka aan imaado halkaan, aad ayaan u hadal bataa. Ma garanaayo
sababta," ayey tiri, iyadoo dhoola cadayneysa.
Fartun
oo qurxineysa qolka jaaliyaada ee kuyaal Minneapolis oo
laguqabanayo xafladda qalin jebinta walaaleheed iyo maalinta
dhalasha ina-adeer |
Fartun iyo hooyadeed waxa ay iska bed-bedelaan (miilaystaan)
macdaar kuyaal qol (10 x 12 foot) oo ay ku gadaan khimaarada,
goonooyin dhaadheer, dharka waaraadka ah, kabaha, kaararka
telefoonada debedaha lagulahadlo iyo alaabooyin kale. Fartun waxa ay
bariidisaa macaamiisha iyada oo kala agaasimeysa waxyaabaha dukaanka
yaala. Marka dadku kalayaraado waxa ay ka shaqaysaa shaqadii-guriga
ee skoolka (homework) ama waxa ay la hadashaa (sheekaysataa)
saaxibadeeda soo booqda.
Marka hooyadeed kashaqayneyso dukaanka, Fartun waxa ay joogtaa
guriga oo ay mas'uul katahay toddoba kamida siddeeda walaalaheed ah,
oo da'doodu u dhexayso 16 ilaa saddex jir. 'Waxaan ahay sidii
horjooge oo kale. Iyadu waa maamulihii' Fartun ayaa tiri. Waxay
seexisaa kuwa yaryar, waxay nadiifisaa guriga iyada oo karisa hadba
wixii casho loo heli karo. Maalin waxa ay ahayd baasto & ukun
iyo hilibka kuuskuusan.
Qolka dabaqa saddexaad ee guriga ku agyaal wadada 'Abbott
Northwestern Hospital ee Minneapolis' waxaad ka dareemeysaa dhaqanka
Soomaalida. Roog wey oo beershiyaan (persian) ah oo dhulka yaal.
Daah midabka kafeega iyo guduud isugu jira oo kuxiran saqafka ilaa
sagxadda. Udgoon aad u macaan ee fooxa. Koox ubaxyo xariir ah oo
derbiga ka laadlaada.
Saas oo ay tahay, dhaqankii Ameerika waa dhexgalay. Carruurtu
waxa ay fadhiyaan qolka fadhiga iyaga oo kusoo xoomaya TV-ga. Waxaa
soo jiitey filimka musalsalka ah oo soo banshigaya jinsi iyo rabsho.
Laakiin marka uu soo galo xayasiiska "Victoria's Secret" oo
muujinaya moodada lugaha dhaadheer iyo dharka hoosgashiga, Fartun
markiiba waxay bedeshaa kanaalka. Iyada oo hal il ku fiirineysa TV,
waxay kaqarineysaa carruurta. 'Waxaan ugu yeeraa "Maggie", sida
Maggie Simpson" ee kujirta "Showga TV-ga ee Simpsons" , ayey tiri,
iyadoo dhoola cadaynesa, qancineysana carruurta.
Waxaa soo dhacay telefoon, Fartun canugii ayey dhinac u leexisey
oo waxay qaaday telefoonka. 'Waa Aaabbe!" ayey si farxad leh ugu
dhawaaqday, hadda iyadoo ku hadleysa Ksawahili. Waxay kamid tahay
kuwa nasiibka helay. Kuwo badan oo Soomali shawr-iyo-toban jirro ah
ayaa jooga halkan oo aan waalidkood lajirin (lajoogin). Waxaa
waalidkood iyo iyaga kala geeyey gaajo ama dagaal. Markii Fartun
qoyskeedu u soo guureen Minneapolis si ay ugu soo biiraan qaybta
kale ee qoyskooda, aabeheed waa uu ka haray isaga iyo canug yar oo
walaasheed ah. Fartun waxa ay tiri kama uusan soo tegi karin
ganacsigiisa (truck delivery business). Waxana uu rabey in canugiisa
ugu yar u joogo Afrika, si markaas ay u ogaato meesha ay leedahay.
Ilaa iyo Oktoobar 1998 ma aysan arag aabeheed (Fartun), laakiin
waxay qorsheyneysaa in ay soo aragto xagaagan.
Labaduba: Waxay iskudeyeyaan in ay halkaas kuwadaan
Sidee Nimco mustaqbalkeedu u ekaanayaa ama ahaanayaa?
Hooyadeed ma oga.
Laakiin waa welwelsan tahay.
Nimco hooyadeed, Mohobo
Hashi, waxay shucuur xanaaq u muujisay gabadheeda oo isku
deyeysa in ay xaliso dhibaato lacay shidaal. 'Soomaaliya adiga
wax usheegaya. Halkan America gabdhaha ayaa wax kuusheegaya"
Hashi ayaa tiri |
Mohobo Hashi, 51, waxa ay fadhidaa dukaankeeda dharka iyo
barafuunka ee Minneapolis xaafadda 'phillips', waxa ay derseysaa
gabadheeda. Nimco, oo ku lebisan shaati iyo surweel iyo xijaab
(khimaar), agteeda ayey kabaloodsatay si ay ugu tarjumto
fikradeheeda.
"Halkan America, in lagu koriyo gabdho waa adagtahay. Soomaaliya,
waxaad u sheegeysaa waxa lagudboon in ay sameeyaan.... Halkan
America, gabdhaha ayaa kuusheegaya waxa kula gudboon in aad
samaysid!" Halkaas gacmaha ayey kor u tuurtay, iyada oo garabka
nuuxisay si rajola'aan ah.
Bilowgii sannadkan, nin Soomaali ah ayaa yiri waxaa aan rabaa in
aan la aqalgalo gabasheeda. Hashi waa qososhay. Nimco fikradeeda
gaarka ah ayey lahayd, sidaas ayey u sheegtay isaga (ninkii).
Meelo baadan Hashi waxay shaabahdaa Nimco. Waxay leedahay
dhabanno iyo dhoolacadayn isku mida. Labaduba waxay xirtaan kabo
saandal ah oo suulku kamuuqdo. Kuwa Hashi waa midabka madow oo ay
xirtaan haween-dhaqameedka Soomaalida; kuwa Nimco waa guduud khafiif
ah oo ay xirtaan in badan oo ah dhawr iyo tobanjirada Ameerikaanka.
Markii ay dhalinta yarayd, Hashi nolosheedu lamid ma ahayn tan
gabadheeda. Markii ay Nimco da'deeda leekayd, waxay lahayd labo
carruur ah. Waxa keliya oo ay baratayna waxa uu ahaa dugsiga Carabi
ah halkaas oo ay ka baratay Qur'aanka, kitaabka muqaddaska ah ee
Muslim ka. Majirin xaflado ay wiilal iyo gabdho ku kulmaan, majirin
in lagasoo adeegto dukaamada loo yaqaan "MALL" (suuq-weyn. iyo
xaqiiqadii ma jirin shukaansiga nooca looyaqaan "DATING". Islaam-ka
ayaa mamnuucay.
Mararka qaarkood waxay layaabtaa imaanshaha Ameerika in uu ahaa
mid u wanaagsan qoyskeeda.
"Xaqiiqadii arintaas aad ayaan uga welwelsanahay -- in
carruurtayadu is bedelaan" ayey tiri. 'Iyagu xaqiiqadii waa da'yar
waxayna had iyo jeer ku dhex jiraan kuwo aan Soomaali ahayn. Maalin
walba ma arkayaan dhaqankoodii." ayey tiri.
La legdanka isbedelka
Qaar ayaa yiri wanaag ayaa kasoo baxaya isbedelka gabdhaha
Soomalaiyeed. Skoolka Roosevelt gabdhaha si aad u adag ayay
waxbarashadooda uga shaqeeyaan, si ka adag tan wiilasha, sidaas
waxaa sheegay Abdirahman Mukhtar, waa jaal kale oo ay Nimco
leedahay. "Soomaaliya gabdho badani ma aadaan jaamacadaaha: waxaa
laga filayey in ay aqalgalaan," ayuu yiri. 'Hadda lajoogo, markii ay
heleen fursadan, waxa ay rabaan in ay si xoog leh u shaqeeyaan.
Wexey rabaan in ay waddo cusub u ankumaan dumarka Soomaaliya."
Nimco Ahmed iyo Yusuf Kahin wey isku soo dhowaadeen,
laakiin midna kan kale gacmihiisa ma taaban markii ay kujireen
fasalka jirdhiska . |
Dhammaantood waa isku mid, isaga iyo kuwokaleba waxay laqabaan
Hashi oo kawelwelsan in qayb gabdho iyo wiilal ah ay iskubedelayaan
si dhaqso ah, iyaga oo soo naqlinayaa dhaqan kale iyo iyaga oo
tuuray koodii ay lahaayeen.
Gabdhaha sida dhaqsaha muuqaalka sare u bedela waa qiyaastii kuwo
aan xoogbadan lahan marka la eego nafsadooda hoos ahaaneed, waxaa
arintaas usoo fiirsday Muse Mohamed, oo ahaa madaxii hore ee ururka
"Roosevelt Somali Student Association." Ma'uusan dhexgelijirin
gabdhaha sababtoo ah uma uu arkeyn arintaas (dhexgelidda) in ay
tahay mid quman, Laakiin waxa uu arkay in qaar ay bilaabeen in ay
xirtaan surweello.
Aad ayey ugu adagtahay Soomaalida soo barakacay (immigrants) in
ay kudabaashaan mawjad iyaga ka hortegaya (ka hor imaneysa), Mohamed
ayaa yiri. "Waxay lamid tahay sidii galaas biyo ah oo aad kudaadisid
badweyn".
Hashi waxa ay Nimco la rabtaa in ay hesho waxbarasho wanaagsan
iyo in ay noqoto qof wanaagsan, oo Muslim ah, oo hooyo ah. Dumarka
waxbarashada waa u wanaagsan tahay, laakiin, "sheyga ugu wanaagsan
ee gabadha waa in ay yeelato carruur iyada dhiigeeda ah," ayey tiri.
Gabadheedu ma xafideysaa dhaarteedii ahayd in ay xiraneyso
xijaab, la aqalgeleyso nin Soomaali ah, carruurteeda u korineyso
sida qumman ee Islam-ka?
"Ilaah ayaa og," Hashi ayaa tiri, iyada oo farta kufiiqaysa
saqafka sare.
Nimco waxa ay ogtahay in duqeyda Soomaalida ay ka welwelayaan in
gabdhuhu ay illaawayaan dhaqankoodii oo ay qaadanayaan kuwo cusub,
laakiin waxay ku adkaysaneysaa in taasi iyada aysan ku dhacayn.
"Marabo ama madoonayo in aan lakulmo dhibaato qoyskayga ah. Ma
rabo in aan ahaado mid kaduwan," ayey tiri.
Marka uu yimaado waqtiga guurku, kaas oo hadda soo siqaya ama soo
dhowaanaya, waxa ay tiri waxaan dooran doonaa ninkayga, oo ah
Soomaali kaas oo maqsuud ku ah xorriyada shaqsiyadayda.
Fartun wey ka aamustay in ay ka hadasho guurka,. Sida Nimco oo
kale, iyadu waxay laqabtaa xiisaha iyo xaraaradda cilmiga (aqoonta).
Labaduba waxa ay qorsheynayaan in mac-had (koleejo) aadaan kadib
marka ay dhameeyaan dugsiga sare sannad ama labo kaddib.
Meesha ay ahaandoonaan, cidda ay la noolaan doonaan, midkoodna ma
oga. 'Waa arin wareer leh", Fartun aya tiri.
Waxyar kahor intii aan Skoolka sanadkaan laxirin (sannadkan),
Fartun iyo Nimco waxa ay kubiireen ardada kasoo jeeda Afrika ee
dhigta Skoolka Roosevelt si ay ugu dabaaldegaan hiddohooda. Markii
lagaraacay durbaanka Afrikaanka, waxa ay galeen masraxa halka dadka
daawadayaasha ah fariistaan. Aad ayey u adkayd in lakala garto
(yacni way isu egyihiin), iyaga iskadaaye xataa kuwooda la eyniga ah
ee kudhashay Ameerika.
Goono dheer iyo xijaab ayey iskudabooshay Nimco. Fartun agteeda
ayey istaagtey iyada oo dhoola cadaayneysa. Durbaankii ayaa sii
xoogeysey. Mid ayaa isbaray (magiciisa usheegay).
Waqtiyar; Fartun iyo Nimco waxay noqdeen isku mid. Somalis iyo
Americans, sidoo kale. Somali-Americans.
June 26, 2000
Copyright © Stra
Tribune Minnesota, USA
Waxaa soo tarjumey bahda
SomaliTalk.com
. Madax
Meel ka sareeya oo la masaxaa ma jirto