SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUXAMMAD IDRIS

بسم الله الرحمن الرحيم

DHAMBAALKA  MANDELA U DIRAY SH.SHARIF & DR.C.IIMAAN!

W.Q. Muxammad Idris Axmad
Email: dalyaqaan@yahoo.com

Mahad oo dhan Ilaahay baa leh Nabad iyo naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Waxaan kasoo noqday safar gaaban oo aan ku booqanayey Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Africa. Booqashada iyo Arrimeheeda qorma gaara ayaan ka diyaarshey oo aan ugu tala galay Soomaalida adduunka kale joogta iney fikrad guud kaga qaadato ( Soomaalida iyo South Afrika) waayo wexey ka maqlaan oo keliya Soomaali badan oo lagu laayo. Laakiin qormadan waxaan ugu soo deg degayaa, inaan ku gudbiyo farriin ka socota Oday Afrikaan ah, Wax diin ahna aan rumaysnayn, Misana Wadanka Afrika ugu weyn uguna qanisan madax ka noqday, halgan dheerna u soo galay. Maadaama ay tahay in xaalka hadba si lagu dayo.

Waxaan halkaan ugu soo gudbinayaa Dhambaalka Odaygaa Afrikaanka ah, ee Waaya aragga ah, Nelson Mandela, Madaxweynihii Koowaad ee Koonfur Afrika, wuxuuna u dirayaa, Sh. Sharif Sh. Axmed, Sh. Xasan Dahir Aweys iyo Sh. Cumar Iimaan Abuubaker.

South Africa markaan soo gaarey waxaan la soo kulmay Caleema saarkii Madaxweynaha Cusub ee dalka loo doortay Jacob Zuma, waxaanan idaacadda ka dhegeystey khudbaddii uu ka jeediyey madasha caleema saarka ee magaala madaxda Pretoria, shir aad loo agaasimay oo ay ka qayb galeen in ka badan 40 Madaxweyne, waxaana hadalkiisi iga raacay (Haddaynu nahay Madow iyo Caddaan wexeynu wadaagnaa dalkan South Afrika, waana ineynu ka wada shaqaynu sideynu ugu wada noolaan lahayn nabad iyo horumar iyo Ammaan, waxaanan ku socon doonaa wadadii oo noo jeexay Madaxweyne Mandela).

Nelson Mandela, wuxuu halgankii xorriyadda u xirnaa 28 sano oo xariir ah, waxaa dheeraa muddooyin kale oo goos goos ah, markii uu xabsiga ka soo baxay, uuna noqday Madaxweynihii Madoobaa ee ugu horreeyey ee dalka South Afrika, wuxuu Dadkiis wadanka u badan ee madawgaa ugu baaqay erey maah maah iyo hal ku dheg u noqday, ayna wax badan ku gaareen, wuxuu ugu baaqay, ineyan isku mashquulin wixii horay u dhacay ee midab takoorku u geystey, iyo inaaney marna ku mashquulin iney ka aargoostaan, laakiin ay taariikhdaas xusuusnaadaan. Hadalka uu shicaarka uga dhigayna waa (Forgive but not Forget). (Cafi laakin ha hilmaamin).

Wuxuu ninkaas gaalka ahi gartay, aargoosigu inaanu xal noqonayn, dadkiisuna haddeey ku jeestaan sidii caddaanka dil iyo dhac iyo boob iyo bililiqo loogu geeysan lahaa, inaaney wax badanna ka helayn, dalkuna gubanayo, caddaanka laga badan yahayna dagaalamayo oo is difaacayo. Dalkuna waa buuxaa oo khayraad ayuu la ceegaagaa, maantana madawga ayuu gacanta u soo galay, wax ay gadaal ugu jeestaan, horana aaney ugu soconi ma yaalaan. Waxaa hadaladiisi ka mid ahaa:

(( Waxaa hal mar gacantayada kusoo dhacay Dawlad Casriya oo xoog leh iyo Nidaam Dhisan, Annagoo Qaarna Duurka ka yimi, Qaarna dhulka hoostiisa (Xabsiyada) waxaana lagama maarmaan ahayd inaanu wax wadaag ogolaanu)) Buuga Mandela’s World – James Barber

Waxaa kaloo Siyaasaddaas deggan ku bixiyey iney si tartiib ah dalka ula wareegaan, dadkooduna wax ku bartaan, kuwii horana shaqadana kusii wadaan, nabad gelyana ku dareemaan. Haddii Qolada Madaw ee weligood aan Dawlad arag xafiisyada laga buuxin lahaana hal mar ayaa nidaamku iska dabawareegi lahaa.

Waxaa sidaas oo kale yeelay, Qolada Shiicadaa ee reer IRAN, Khomeini iyo wadaadadiisu wexey Dawladda ayaamihii hore oo dhan maamulkeeda u dhiibeen, siyaasiyiin iyo aqoon yahanno, farsamayaqaanna ah, waagii dambana waa ka takhaluseen.

Waxaa Mandela lagu eedayn jirey inuu yahay nin aan Ilaawin oo u jajaban raggiisi lasoo halgamey ee gobanimada dhaliyey, xitaa markii uu madaxweynaha noqday, wuxuu si gaara u daryeeli jirey xisbigiisa ANC, waxaana la xusaa inuu 1998 xisbigiisa uga waasideeyey kaalmo lacag dhan 10 million oo $, midkiiba, Boqor Fahadkii Sucuudiga iyo Zayidkii Imaaraadka, si xisbigu isugu dhiso.

Dhambaalka Mandela wuxuu xambaarsanyahay, saaxiibada Muqdisha Maanta ku dagaalamaya, Sh. Shariif, Sh. Xasan iyo Dr. Cumar, waxaa mudda dheer ka dhexeysey saaxiibtinimo iyo wax wadaag, waxaan xusuusnahay, iyagoo saddex kursi oo isku xiga wada fariista oo aan la kala dhex geli Karin waqti aad u dhow.

Laakiin si kastaba ha laysugu khilaafo xallinta qadiyadda dalka gaar ahaana Muqdisha, waxaan laysku khilaafi Karin, iyana inkiri Karin, inaan labada dhinac midna midka kale anfin Karin, oo dhihi Karin (maba jiro) meel uu (joogana lama yaqaan).

Haddii caro uurka kaa buuxiso, carada aad qabtaana dami weydo, qofka aad u qabto keliya ma gubto ee adigana wey ku galaafataa.

Dersiga uu Mandela fahmay waxa weeye, dadka aan carada iyo ciilka liqi karin, si ay nolol hor leh oo mustaqbal leh u jeexdaan waa kuwa ugu ayaan daran ee iyaguna is guba kuwa kalana guba.

Nebi Yusuf Calayhi Salaam, markii walaalihiis oo marna ceel ku riday, marna gaday, oo ka takhalusay, uu la kulmay asagoo awood iyo gacan saraba ka leh, wuxuu ku yiri: ( Maanta laydin eedi maayo, Allaha ugu Naxariis badanna ha idiin dembi dhaafo, kaca qamiiskayga qaada, aabahay wajigiisa saara aragu wuu usoo noqonayaa, ehelkiinoo dhanna ii keena).

Wixii ciil qalbigiisa ku duugnaa oo dhan Ilaahay dartiis ayuu u liqay, cafis iyo saamax wanaagsan ayuu ka doortay, Ilaahayna wanaag iyo darajooyin sare ayuu ugu abaal gudey.

Nebigeenna Calayhi Salaatu wasalaam reerkiisa Qureyshi wexey ku sameeyeen waxa siiradu qortay oo cadaadis iyo camal cumo iyo dagaal ahaa.

Maalintuu awooda hantay, ee Makka furtay, ee dhammaantood lasoo hor tubay, wuxuu ku yiri: Maxaad fileysaan inaan idinku sameeyo, wexey dheheen: (Walaal wanaagsan ini adeer wanaagsan) wuxuu ugu jawaabay (Dareera waxaad tihiin kuwa lasii daayey oo aan la taabanayn).

Wadaadada ciilka isu qaba ee hilmaami kari la, in qaarkood qaarka kale, jilaafa u dhigay, ama keligi kala baxsaday ukuma ay meel ku diyaarsanayeen, waxaa habboon iney xusuustaan inaan aargoosiga iyo ciilku qalbi daawayn ee uu sii gubo. Qalbiga waxa qaboojiyaa waa cafiska iyo iimaanka. Adduunka ilaahay lama sheegin qof wax cafiya oo aan ku liibaanin. Xaddiiska Nebegeenuna wuxuu ahaa: (Addoon Cafis Ilaahay uguma kororsho waxaan sara marin ahayn).

Cafisku maaha inuu adiga daawa kuu noqdo oo keliya, oo ololka uurka kaa qabsaday kaa damo, laakiin wuxuu wax tar iyo baraarug sida badan u noqdaa kii aad ciilka u qabtey ama wax ka tabaneysey, wuxuuna marar badan ku bixiyaa, inuu ku soo noqdo kii cafiyey.

Waxaa in lays xusuusiyo mudan in waxa aad ku qaadanaeyso aargoosigaaga waxa ilaahay kuu gooyaa ka badan yihiin. Inta aad soo dhacsaneyso inta Ilaahay kuu soo dhicinayo ayaa ka badan. Daalinka inta aad is leedahay wax ku yeel, inta Ilaahay uga aarsanayo ayaa ka badan.

Ma laga yaabaa wadaadada shalay saaxiibada ahaa ee Muqdisha ku dagaalamayaa, Ummaddooda intii ka hartayna xasuuq iyo barakac u geysanayaa, iney garan waayaan, waxa Mr. Nelson Mandela gartay, mase dhici kartaa iney khibradda siyaasadeed ee Mandela qaataan?

Waxaan ku gabagabeynayaa, hal erey oo taariikh iyo Naseexa ah inaan u gudbiyo Sh. Shariif Sh. Axmed, Horayna waan ugu qoray maalintuu madaxnimada qabtay, waanan ugu celinayaa mar kale:

Madaxweyne Sh. Sharif, allaha khayrka waafajiyo, waxaan dhegtiisa ku ridi lahaa: Dawladda Inta uu dibadda ka doonayo, in 10 jeer ka badan haka baadi goobo Gudaha Dalka iyo Asxaabtiisa kasoo horjeedda, iyo dadka Soomaaliyeed. Dawlad Dibadda ku nooli dad iyo dal toona laguma khasbi karo. Laakiin Dawlad dadkeeda iyo dalkeeda ku tiirsan Adduunkaa ku khasban inuu la dhaqmo. Hadduusan taa yeelinna, ha ogaado sheekhu, Allaha khayrka waafajiyee, (Bulshada Caalamkoo) dhammi haddeey hiil iyo hooba siiyaan, (taasoo lafteedu aan muuqan) inaan dawlad (khasaba) loogu dhalin karin. Dibu heshiinta iyo wax wadaagunna, waa ficil ee hadal afkaa maaha.

Ereyga Kalena waxaan ku oran lahaa Dr. Cumar iyo Sh. Xasan Dahir, labadoodaba khayrka Allaha Waafajiyo, Shariif Sh. Axmed 30 Sano oo Islaamnima ah waxba kama jiraan, 2 Sano oo uu (Bulshada Caalamka) siyaasad u dhex galay, ayuu Islaamkii uga baxay, cid lagu qancin karayaa ma jirto. Waa Sax in Islaamka Kelmad looga bixi karo. Laakin Qaalli & Maxkamad Caadila ayey u baahantahay. Duminta Dawladda Sh. Shariif Maxaa ku xiga? Ma damaana qaadi kartaan inaad aayar Muslinka Xamar ku gubanaya wixii wadaya haba la arkee idinkaa, laydinka samri la’yahaye, faraha kala baxdaan, oo laydiin damaana qaado inan middaas wax idin ka soo gaarin diin iyo adduunyo iyo Soomaalinimo?

Ilaahow Wanaaga na tus oo kuwa raaca naga dhig, shartana na tus oo naga reeb, fitnadana naga badbaadi mid muuqata iyo midaan muuqan... Aamiin yaa Rabbi. 

Qoraaladii hore:

WADAADADA SOOMAALIDU AYAAN DARANAA MA AWLAADDII AW JAAMAC BAA?!!Sh. Muxamad Idris

Mariyaa mise waa run! Waxaa isoo gaaraya dhawaq dheer oo leh: Dadow Bishaaraysta ummadii waa hesh.. Akhrr...

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: