TAXANAHA
TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA
Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto)
| ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica |June 30, 2003
Q.1aad
| Q.2aad
| Q.3aad | Q.4aad | Q.5aad | Q.6aad | Q.7aad | Q.8aad |
Q.9aad |
Qaybtii 9aad
SOOMAALIDA XORTA AH IYO HALGANKA OGAADEENYA
Dadka soomaalida ah waa dad ka mideysan Diin, Dhaqan,
Caado iyo luuqad waxayna ku dhaqanyihiin geeska bari ee qaaradda Afrika.
Ahmiyadda juqraafiyadeed ee deegaankooda oo dhinaca ku haya Gacanka
cadmeed iyo marinka Baabul-mandam ee badda cas ayaa ah midka kusoo
jeediyey indhaha iyo dareenka dowladihii gumeysiga, kuwaasoo markii horaba
u tafaxeytay gacan ku dhigista soomaaliya. Adeygii ku qotomay dhaqankii
asalka ahaa ee ay lahaayeen dadka soomaalida ah ayaa sababay in loo gacan
dhaafi waayo danohooda gaarka ah.
Dowladihii gumeysiga ee soo duulay badhtamihii
qarniyadii 14aad ilaa bilowgii qarnigii 16aad ayaa dadka soomaalida ah
kala kulmay iska caabin ayna fileynin taasina waxay ku khasabtay in ay ku
talo galkoodii hore wax ka baddalaan. Markii falanqeyn badan la sameeyey
kaddib ayey soo baxday in si ula kac ah oo kasoo horjeedda rabitaankii
dadka soomaalida ah loo kala qaybiyo oo inba meel lagu faruur xidho si
quwaddooda loo wiiqo danta la leeyahayna loo gaadho. Dhibkii ka dhashay
kala qaybsigii afrika in intiisa badan uu ku dhaco dadka soomaalida ah oo
loo kala qaybiyey shan gobol oo wali qaar ka mid ah ay gumeysi ku hoos
jiraan waa arrin ku xidhiidhsan tashi iyo falanqeyn ay sameeyeen
gumeystayaashii wakhti hadda laga joogo sannado badan.
Dadka soomaalida ah oo intooda badan ahaa xoolo dhaqato
diin iyo dhaqan xooggan leh aadna u dareensan ujeeddada gumeysiga in ay
tahay burburinta afarta arrimood ee iyaga isku xidha ayna daba socoto
qabsasho dadkooda iyo deegaankooda ayaan marnaba isu dabcinin lagasoo
bilaabo xilliyadaas taariikheed een kor kusoo sheegnay ilaa xilligii
daraawiishta ee sannadihii 1900 ilaa 1921 kii.
Dagaalkii gumeysi diidka ahaa ee daraawiishtii uu
hoggaaminayey Mujaahid Sayid Muxamed Cabdalla Xasan waxa uu noqday mid
dhakafaar ku abuuray aqalkii looga talinayey boqortooyadii awoodda badneyd
ee Ingiriiska kaddib markii uu ciidamaddii gumeysiga Ingiriiska ku jabiyey
goobo badan oo ay iskaga hor yimaaddeen iyadoo aqal walba oo ka mid ah
dhulka Ingiriiska ay Ka dhacday baroor-diiq lagu xusayo saraakiishii
ingiriiska iyo ciidankoodii ku jabay soomaaliya, dowladda ingiriiskuna
waxay xilligaas ahayd dowladda ugu awoodda weyn adduunka oo uu calankoodu
ka babanayey caalamka intiisa badan, daraawiishna waxay noqotay qaaradda
Afrika gudaheeda gobanimodoonkii ugu horreeyey ee lagula dagallamo
dayaaradaha iyo maraakiibta, guushaana waxaa lagu xaqiijiyey oo kaliya
waddaniyaddii iyo midnimadii shacabweynaha soomaaliyeed.
Go’aannadii gumeysiga ee ku talogalkoodu ahaa
burburinyta shacabka soomaalida ma noqonin kuwo abuura hoos u dhac ku
yimaada dareenka dadka, waxayse dardar galiyeen ku talogalkii dadka
soomaalida ah ee ahaa in ay difaacdaan jiritaankooda, Si ay taasi u meel
martana waxay labanlaabeen isku xidhnaantoodii iyo midnimadoodii
arrintaasoo tabar darro ku keentay ku talogalkii cadowga ummadda
soomaaliyeed. Iyadoo aan wax natiijo ah oo la taaban karo laga gaadhin,
wax saameyn ah oo lagu yeeshay diintooda iyo dhaqankoodana ayna jirin ayuu
bilowday dagaalkii 2aad ee dunida sannadkii 1939kii.
Lagasoo bilaabo sannadkii 1945kii dhammaadkii dagaalkii
2aad ee dunida waxaa dalka soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaq
waddaniyadeed oo ay gadaal ka riixeyso khibraddii laga dhaxlay dagaalkii
2aad . Xisbigii SYL oo ahaa mid ka mid ah ururradii siyaasiga ahaa ee u
istaagay soo dhicinta xaqa dastuuriga ah ee dadyowga afrika ayaa
aasaaskiisii sannadkii 1943kii kaddib markiiba ku baahay qaybaha
soomaalida isagoo laamo iyo xafiisyaba ku yeeshay magaalooyinka iyo
tuulooyinka gabi ahaanba dhulka soomaalida oo dhan. Xeerkii ururka u
dagsanaa ma tilmaameynin in dadka soomaalida ay kala duwanyihiin juqraafi
ahaanna ay kala dal iyo jinsiyad yihiin ama uu deegaanku u kala
soocanyahay, aragtidaasina waxay salka ku haysay dareenka shacabka
soomaalida ee mideysan wuxuuna xuquuq siman siiyey dadka oo dhan. Xisbigii
SYL waxay awooddiisu ku fidsaneyd koonfurta soomaaliya iyo
Soomaali-Galbeed.
Sidoo kale waxaa gobollada waqooyi ee soomaaliya ka
jiray xisbigii siyaasiga ahaa ee lagu magacaabi jiray SNL ee la sameeyey
sannadkii 1947kii kaasoo isna aaminsanaa fikirka SYL mid la mid ah. Labada
xisbi waxay ku kala sameysmeen laba duruufood oo kala duwan maadaama ay ku
kala hoos jireen laba gumeysi oo kala jinsi ah qorshohooduna kala
duwanyahay kuwaas oo ahaa Talyaani iyo Ingiriis. In labada xisbi ay
mabaadiidoodu is waafaqsanaato waxaa saldhig u ahaa midnimada shacabka
soomaaliyeed. Halgankii labada xisbi ma ahayn mid ku kooban dad gaar ah,
waxay u wada taagnaayeen guud ahaan soomaalida, taasoo ay caddeyn u tahay
qaabkii ay uga howl gali jireen dhaqaalahana uga uruursan jireen
dhammaanba qaybaha soomaalida.
Xisbiga SYL wuxuu wakiillo ku lahaan jiray gobollada
kala ah Qallaafo, Qabridaharre, Jigjiga iyo degmooyin ka tirsan gobolka
Nogob, halka xisbiga SNL uu wakiillo ku lahaan jiray Dhagaxbuur, Awaare,
Wardheer iyo deegaamada ku wareegsan, Arrimahaasoo ah kuwa abuuray
dareenka midnimo ee u dhaxeeya ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogtaba. Howl galkii mideysnaa ee ay ummadda soomaaliyeed sida wadajirka
ah usoo gashay waxa ay natiijadiisii noqotay madaxbannaanidii ay gaadheen
labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
26th Jun 1960kii ayey
gobollada waqooyi madaxbannaanidooda ka qaateen gumeysigii ingiriiska. Si
ay tiir dhexaad ugu noqdaan midnimada iyo wadajirka dadka soomaaliyeed
ayey hoggaamiyayaashii reer waqooyi usoo anbabaxeen koonfurta soomaaliya
oo iyaguna madaxbannaanidooda ka qaatay gumeystihii Talyaaniga 1st July
1960kii waxayna halkaas labada gobol ku dhiseen markii ugu horreysay
jamhuuriyadda soomaaliya ee uu hadda caalamku aqoonasanyahay.
Dowladdii ugu horreysay ee dhalatay waxaa madaxweyne ka
noqday Mudane Aaden Cabdille Cismaan (Aden-cadde) kaasoo xilka hayey
Toddobadii sano ee ugu horreysay, waxaana wasiirka koobaad ka ahaa Mudane
C/Risaaq Xaaji Xuxeen oo ahaa nin si weyn looga yaqaanno ururkii SYL
dhexdiisa. Dowladdaas uu madaxweynaha u ahaa Aden-cadde waxay awooddeeda
isugu geysay iyadoo qaab siyaasi ah lagu dhaqmayo midnimada dalka
soomaalida in ay noqoto midaan gorgortan gali karin taasoo ahayd sababtii
dhalisay dagalkii dhex maray dowladdii da’da weyneyd ee Itoobiya iyo
dowladdii Afar sano jirka ahayd ee soomaaliya sannadkii 1964kii.
Waxaa dowladdaas xigtay middii uu madaxweynaha ka ahaa
Mudane C/Rashiid Cali Sharma’arke, wasiirka koobaadna uu ka ahaa Mudane
Muxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Dowladdan danbe waxay kaga duwaneyd middii
ka horreysay waxaa kala aragti duwanaa Madaxweynaha C/Rashiid iyo wasiirka
koobaad Mr.Cigaal, iyadoo uu wasiirka koobaad heshiisyo ganacsi la galay
dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo labaduba Soomaaliya dhul ka haysta isla
markaana uu aqoonsaday qodobkii ku qorraa xeerkii xilligaas ay inta badan
ee waddamada Afrikaanku qorteen ee dhigayey in xuduudaha Afrika loo daayo
sidii uu gumeysigu kaga tagay kaasoo ay soomaalidu diiddaneyd oo aanay
waxba ka sixiixin. Dhanka kalana waxa uu madaxweyne C/Rashiid arrinkaas ka
qabay aragtida Aden-cadde mid la mid ah oo wuxuu aaminsanaa in aragtida
soomaali-weyn ay saldhig u noqoto xeerarkii ururradii SYL iyo SNL sidaas
darteed waxay kala qaybsanaanta dhinaca aragtida ee madaxweynaha iyo
Ra’isulwasaaraha keentay in dhaqanka dowladdasi aanu noqon! in mid
miisaaman oo si dhab ah u raalli galiya dareenka iyo rabitaanka dadka
soomaalida ah, waxaana dowladdaas cimrigeedii ku ekaa dilkii Alla ha u
naxariistee madaxweyne C/Rashiid Cali Sharma’arke lagu dilay magaalada
Laasa-caano markii ay taariikhdu ahayd 15th October 1969kii.
Lix maalmood uun kaddib Dhimashadii Madaxweyne C/Rashiid
waxaa taladii dalka af-gambi kula wareegay ciidamada qalabka sida oo uu
hoggaaminayo Major gen. Muxamed Siyaad Barre. Markii ugu horreysayba waxay
dowladdaas millatarigu soo saartay xaashidii koobaad iyo middii labaad ee
kacaanka waxaana ku qorraa 13 Qodob oo qeexaya siyaasadda arrimaha dibadda
iyo arrimaha gudaha ee dowladda cusub, Waxaa qodobadaa kuwa ugu muhiimsan
ka mid ahaa qodobka dhigayey xoreynta dhulalka Soomaalida ee maqan xoog
iyo siyaasad midka ay noqotaba.
Lix sano kaddib; dhammadkii sannadkii 1975kii waxay
dowladdii kacaanku xeryo tababar uga furtay gudaha jamhuuriyadda
soomaaliya naftood-hurayaal ka tirsanaa Jabhaddii Gobanimodoonka Soomaali
Galbeed, waxayna markii uu tababarku udhamaaday badhtamihii sannadkii
1976kii howlgal dagaal ka bilaabeen gudaha Soomaali Galbeed iyagoo
taageero buuxda oo hagar la’aan ah ka heystay dowladdii millatariga ahayd
iyo guud ahaanba shacab weynaha Soomaaliyeed ayey soo hoyiyeen guulo
dhaxalgal ah waxayna qabsadeen inta badan dhulkoodii.
Guushaas lagu xoreeyey inta badan dhulka Soomali Galbeed
iyo guulihii ka horreeyey ee astaanta u noqday midnimada iyo wadajirka
Soomaalida waxa ay dhabarka ka jabeen markii ay sameysmeen ururradii
mucaaradka ahaa ee ay ugu horreeeyeen SSDF iyo SNM, uguna danbeeyeen SPM
iyo USC kuwaasoo ahaa ururradii sameysmay burburkii dowladdii Maxamed
Siyaad Barre kahor. Waxaa in la caddeeyo ay tahay waxa ay ku kala
duwanaayeen iyo waxa ay ka mideysnaayeen ururradaas afarta ah.
Waxay ururradaas ka mideysnaayeen:
In ay Itoobiya oo ahayd cadowgii soomaaliyeed
halganna lagula jiray saaxiib ka dhigtaan ayna ka dhageystaan waxa ay
ka yeeli lahaayeen mustaqbalka waddankooda, taasuna waxay duudsi ku
noqotay qayb ka mid ah xaqa dadka soomaaliyeed, dhaqankaasoo noqday
mid ay jideeyeen ururradaas aan kor kusoo sheegnay.
In ay xukunka ka tuuraan nidaamkii Millatariga ahaa
ee uu hoggaaminayey Gen.Maxamed Siyaad barre.
Waxayna ku kala duwanaayeen: Marka laga reebo ururka SNM
waxay saddexda urur ee kale ka mideysnaayeen midnimada jamhuuriyadda iyo
wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxay ujeeddadoodu ahayd oo kaliya in ay
baddalaan maamulka dalka ka jira xukunkana qabsadaan, waxa ay ururadaas
itoobiya ugu hoos jireenna waxa ahayd in ay ku gaadhaan danta ay leeyihiin.
Ururka SNM waxaa u qorsheysneyd oo mar kasta meel ool u ahayd in uu kala
dhantaalo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, taasna waxaa
daliil u ah ku dhawaaqiddii ay SNM horaantii sannadkii 1991kii ku
dhawaaqday waxa ay ugu yeedheen Somaliland. Dad badan ayaa qaba in arinta
ku dhawaaqidda Soomaaliland ay tahay wax ka dhashay is baddalkii ka dhacay
soomaaliya kaddib markii Caasimadda laga saaray hoggaankii dawladdii
Kacaanka, arrintuse sidaas ma aha ee waxay arintan goosashada ee madaxda
SNM salka ku haysay fikir soo jireen ah lagana wada dharagsanaa xog
ogaalna ay ka ahaayeen dhammaan maamulladii dalka isaga danbeeyay,! kaasoo
soo baxay wax ka yar saddex sano xornimadii kaddib markii ay isku dayeen
goosasho koox uu hoggaaminayo Xasan Cabdulle Walanwal oo ku magac dheeraa
(Xasan-kayd), arintaasoo dawladdii jirtay ay kaga jawaabtay ku qabasho
gacan bir ah si loo ilaaliyo midnimada iyo wada jirka qaranka soomaaliyeed.
Dareen indho la’aan ah oo xaqiiqda ka fog xog-ogaalna
aan u ahayn xeerarka caalamiga ah iyo kuwa goboleed oo ay la ban baxeen
madaxdii SNM ayaa masuul ka ahaa burburkii iyo gumaadkii ka baxsanaa
aadaminimada ee gaadhay shacabkii soomaaliyeed ee sharafta badnaa ee aan
waxba galabsanin ee ku dhaqnaa gobollada Woqooyi Waayo aragtida lagu
gagaal galinayay Ciidamada SNM ayaa ahayd in shacabka ku nool
magaalooyinka Hargeysa, Barbara iyo Burco laga qaadayo xaqiraad iyo
gumeysi ay ku sameeyeen maamulladii isaga danbeeyey hoggaaminta soomaaliya
lagasoo bilaabo Aden-cadde ilaa Maxamed Siyaad, taasuna waxay ahayd marin
habaabin ay madaxda SNM ku qarinayeen xaqiiqda waxa ay doonayeen oo ahayd
burburinta iyo kala dhantaalidda midnimada, wadajirka iyo walaaltinimada
shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo. Halka ay dowladdii
millatariga ahayd ku dagaal galisay ciidamada qalabka sida ilaalinta
midnimada qaranka, taasuna waxay tahay mid uu ka garaabi karo qof kasta oo
jecel wanaagga! iyo sharafta soomaaliyeed. Waxaa in la kala saaro ay tahay
waxyeellada ku dhacday shacabka aan danbiga lahayn iyo ururkii SNM, waxaan
xaqiijineynaa in aan ka xunnahay gabi ahaanba dhibaatadii ku dhacday
shacabkii reer waqooyiga, waxaase iyana meesha ku jirta oo qof waliba oo
daacad ah uu qabay in ay waajib guud ahayd in lala dagaallamo xoogaggii
SNM ee watay siyaasad ku saleysan cuqdad qabiil iyo burburinta qarankii
soomaaliyeed.
Anagu haddaan nahay shacabka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya
gumaysato kama aanaan aar gudanin kana aar gudan mayno danbiyada
taariikhda Soomaalida ku cusub ee ay naga galeen madaxda SNM, waxaana ka
mid ah danbiyadaas soomaalidu dhaqan ahaan way is dili jirtay wayna is
dhici jirtay waxayna arrintu ku danbeyn jirtay in si soomaalinimo ah looga
xaalo ugu danbeynna wanaag lagu dhameysto laakiin ma dhici jirin in dad
soomaali ah inta la garbo duubo loo gacangaliyo shisheeye ah cadow
soomaaliyeed, in ay intay rag garbo duubaan ay Itoobiya gacanta u galiyaan
waxaa ka fiicneyd kana cudur yareyd in ay iyagu ku laayaan faras magaalaha
Hargeysa.
Wixii nagu dhacay ee ay noo geysteen madaxdii SNM waan
ognahay waxayna ku qoranyihiin sadarro uu akhrin doono qof kasta oo
soomaali ah, waxaanse caddeneynaa in ayna fuleynin aragtida SNM ee ku
aaddan qaddiyadda Soomaali galbeed, sidoo kale waxaan marnaba suurtogal
noqon doonin qorshaha SNM ee ah in qurubqurub loo kala jarjaro dhalashada
soomaalida sharaftoodana la wiiqo. Qof walba oo soomaali ah wuxuu ku
khasbanyahay waajibna ku ah in uu taageero qaddiyadda shacabka
soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumeysato iyo Soomaali kasta oo dulman meel
kasta oo uu ku noolyahay, sidoo kale waxaa iyana waajib ah in uu qof
kastaa oo ay soomaalinimo ku jirto ilaaliyo midnimda jamhuuriyadda iyo
wadajirka soomaaliyeed. Dhanka kalana waa in qof walba oo soomaali ah
niyadda ku hayaa xisaabtana ku darsadaa in nabad ku wada noolaanshaha iyo
dagganaanshaha guud ahaan shucuubta geeska Afrika iyo gaar ahaan qaybaha
soomaalidu degtaba ay ku iman karto oo kaliya in ay dadka soomaaliyeed ee
Ogaadeenya x! aqooda helaan.
Q.1aad
| Q.2aad
| Q.3aad | Q.4aad | Q.5aad | Q.6aad | Q.7aad | Q.8aad |
Q.9aad |
AKHRI:
Heshiiskii Lagu soo af-jaray Xaaladdii Iskacaabinta oo dhexmaray
Jabhadda Soomaali Galbeed (UWSLF) iyo Itoobiya...
Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)
ONLFSA@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | 2003 |