SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | DAAHIR (BAASTO)

TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA

Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto) | ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica  |April 30, 2003

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Qaybtii 7aad

SHIRWEYNIHII 2AAD EE ONLF OO LAGU QABTAY GUDAHA OGADENIYA

Bishii September 1998kii waxaa hoggaankii iyo maamulkii jabhadda si qurux badan oo uusan ku jirin buuq iyo is jiijiidasho uga dagay guddoomiyihii hore ee jabhadda N/Hure Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed oo halganka jabhadda xilligii ugu adkaa kasoo bixiyey wuxuuna ku wareejiyey Ad.Muxamed Cumar Cismaan oo ah shakhsi si weyn looga yaqaanno soomaalida qaybaheeda iyo caalamka kalaba taasoo wax weyn ku kordhisay halganka jabhadda waxayna jabhadda ONLF muujisay ilbaxnimo dheeraad ah oo aan tobankii sano ee inoo danbeysay laga aqoonin geeska afrika gaar ahaan soomaaliya oo kursi jacayl dartii qaarna ay dhalashadii iyo wadajirkii walaalnimo ka santaageen qaarna dhiig muslim, dhac bani aadam iyo dhibaateyn dad aan waxba galabsanin uu ku xambaaray. Waxaa la dhihi karaa arrinta ay ONLF kusoo bandhigtay shirweynaheedii labaad in ay tusaale u noqon karto guud ahaan soomaalida. Dhanka kale waxay ahayd arrin tababar u noqotay dhammaan xubnaha halganka ku jira, waxayna doorashadaas horseed u tahay dhaqan siyaasadeed oo salka ku haya ilbaxnimo, dagganaan iyo in aan ninna bulshada laga xigin, waxayna arrintaasi muujisay dareen ah in qof waliba oo ogaadeeniya u dhashay uu wax walba ka hormariyo maslaxada guud. Dad badan oo neceb halganka shacabka ogadeeniya iyo isticmaarka laf ahaantiisaba waxay natiijadii shirka ku noqotay dhabar jab waayo waxaa la filayey inuu burburi doono laguna kala tagi doono.

Markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada Sh.Ibraahim Cabdalla intii uu istaagay ayuu gacan qaaday Ad.Muxamed Cumar Cismaan oo ah ninka ku guuleystay codbixintii dhacday. Markii ay doorashadii dhammaatay ayaa labada halgame intay si wanaagsan isu gacan qaadeen ayey is garab istaageen waxayna labadooduba halkaas ka jeediyeen khudbado aan carrabka baarkiisa ahayn ee kasoo baxay niyad saafi ah oo ay khayaano ka madhantahay. Arrintaasi waxay warankii ku taagnaa ka siibtay shacabka soomaaliyeed ee reer ogaadeeniya oo wax noqoshadiisa usoo galay halgan walina ugu jira waayo waxay indheer garadka oo dhami ka cabsi qabeen in jabhaddu yeelato dhaqanka lagu bartay walaalhooda soomaaliyeed oo ah anigu aan madax noqdo haddii kale ha la burburo.

Intaas kaddib; wuxuu shirku guda galay howlihiisii caadiga ahaa, Waxaa lagu ansixiyey xeerka jabhadda qodabadiisa kala duwan iyo barnaamijka siyaasiga ah ee jabhadda, waxaa kaloo shirkan looga dooday halganka ay jabhaddu ku jirto sidii loosii horumarin lahaa arrimo badan gaar ahaan siyaasadda arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, sare u qaadidda tayada ciidanka xoreynta, abaabulka dadweynaha iyo unugyada jabhadda ee gudaha dalka. Dhanka kale waxaa shirka lagaga dooday xaaladda geeska afrika guud ahaan iyo gaar ahaan ummadda soomaaliyeed oo ay faragalin ku hayso itoobiya oo adeegsaneysa daneystayaal isku tilmaamay siyaasiyiin. Dhammaan arrimahaas aan sheegnay waxaa laysula meel dhigay si loo dhanyahay, wuxuuna shirku ku dhammaaday guul.

Waxaa xusid mudan in ciidanka itoobiya oo uu ka muuqday daal aad u badan uu isku dayey in weerar kama danbeys ah kusoo qaado goobta shirku ka socday waxaase si rasmi ah ugu jilib dhigay ciidanka xoreynta ogaadeeniya oo u diiday in ay u suurto gasho waxa ay doonayeen, arrintaasina waxay kor u qaadday dareenka dadkayaga xaq u dirirka ah.

Muddadii dheereyd ee uu soo taxnaa halganka shacabka ogaadeeniya iyo heerarkiisii kala duwanaa waxay siddeeddii sano ee ugu danbeysay ahayd taariikhdii ugu dheereyd ee uu si toos ah dagaalku uga socdo gudaha dalka. Waa sharaf taariikheed oo ay muteysteen jabhadda iyo dhammaan xoogaggii kala duwanaa ee ka qayb qaatay halgankaas. Iyadoo ay arrintu tahay ninba taagtiis ayey qodaxi ugu tagtaa oo aan annaguba dagaalkaas ku weynay dad farabadan marka laysku daro qaybihii kala duwanaa ee arrinta ay ka mideysanyihiin ahayd oo kaliya halka cadow ee ay leeyihiin, haddana markaan dib u milicsanno khasaaraha culus ee EPRDF ka gaadhay dagaalkii ogaadeenya muddadaas aan kor kusoo tilmaannay waa mid cashar ugu filin madaxda itoobiya haddii ay wax ku qaadanayaan.

 Akhri Qaybta 8aad   

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)
ONLFSA@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | 2003

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare..
Faallo

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin 

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!??..... WQ.Cabdi Warsame

WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH
wq. maxamed Cabdi

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
wq.C/raxman Ceynte

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF   


TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO