SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | DAAHIR (BAASTO)

TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA

Wq. Daahir Maxamed Cali (Baasto) | ONLFSA@hotmail.com
Koonfur AFrica  |May 13, 2003

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Qaybtii 8aad

MUDNAANTA ONLF IYO HALGANKA SHACABKA OGAADEENIYA

Inkasta oo aannaan marnaba iyo sinaba uga tanaasuleynin xaqa jiritaankayaga haddana ma dhaheyno waddada kaliya ee aan wax ku dooneyno waa qori, dagaal iyo dagganaansho la’aan ee waxaan diyaar u nahay wada hadal iyo nabad lagu xalliyo dhibka jira ayadoo laga shidaal qaadanayo xeerarka caalamiga ah lana marayo waddooyinka dublamaasiyadeed ee laysla garanayo.

Dilka ula kaca ah, jidh dilka, uus xabaalka iyo ula dhaqmidda sida bani aadminimada ka baxsan waxay sabab u yihiin dhaawacyo soo gaadha shacabkayaga naftooda xoolohooda iyo deegaankooda, sidoo kale handadaadda, cagajugleynta iyo iska xidhidda waxay qaar badan oo shacabkayaga aan danbiga lahayn ka mid ah ku khasabtaa in ay u adeegaan cadowga naxariista daran ee aan u aabayeeleynin noloshooda arrintaasoo qofka ka qaadeysa xuquuqdii uu lahaa ee ahayd in la dhowro. Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan in la kashifo loona bandhigo caalamka waa waxa kaliya ee loo baahanyahay in laysla meel dhigo.

Jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya (ONLF) oo leh xeer iyo barnaamij siyaasi ah oo laga baaraandagay ujeeddadeedu ma aha in ay wax dulmido ama ku xadgudubto cid kale waayo waxay ka dharagsantahay xumaanta uu leeyahay xadgudub lagu sameeyo dad aan waxba galabsanin iyo axdiga qaramada midoobay ee u taagan dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda nafleyda iyo deegaanka. Waxay dooneysaa oo kaliya in laga saaro dheelliga ku jira miisaanka caddaaladda dunida maadaama ay jiraan dadyow badan oo aysan wali gaadhin nolosha ay ka madhantahay dulmiga iyo isku xadgudubka. Jabhaddu waxay waddo kasta u mareysaa xaqa dadyowga dulman oo uu ugu horreeyo shacabka Ogaadeeniya oo aan lahayn adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha sida Iskuullada, Jaamacadaha, Machadyada sare, Isbitaallo, xarumaha caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka ee loo yaqaanno MCH iyo farmashiyeyaal tayo leh midnaba, sidoo kale aan lahayn ceelal ay dadka iyo duunyadu ka cabbaan oo laga heli karo biyo nadiif ah. Haddaba u howl galidda iyo soo dhicinta xaqa ma huraanka ah ee shacabka ogaadeeniya oo ay hoos galayaan arrimahaas aan soo sheegnay waa midda ay ku muteysaneyso Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya inuu taageero qof waliba oo garanaya macnaha nolosha dhabta ah iyo jiritaanka sharafta dadyowga dunida.

Ummad kasta oo dunida guudkeeda ku nool waxay awooddaa in ay jabiso cadowgeeda haddii ay hagaajiso maamulkeeda ayna mideyso cududdeeda, caqligeeda iyo maalkeeda. Koox kasta oo aaminsan guusha in uu helo qofkii uu ilaahey siiyo islamarkaasna awood u leh in ay maareyso arrimaheeda siyaasadeed, ciidan iyo dhaqaale waxaan shaki lahayn in ay gaadheyso ujeedadeeda kana gudbeyso caqabadaha ka hor yimaadda si kastaba natiijadu ha usoo raagtee. Qofka halgamaaga ah ee naftiisa ku kalsoon aaminsanna kaalintiisa iyo kartidiisa uma shallaayo wixii soo dhaafay ee waxa uu ku tillaabsadaa waxa hadda la gudboon.

Ujeeddadu waa guul: Sida ay taariikhdu qireyso bulsho walba oo ka mid ah ummadaha dunida ku dhaqan waxa ay bulshooyinka kula simantaa dadaalka ay sameyso waxaadna ogaataan in ayna jirin cid baryo ku heshay waxa ku habboon nolosheeda si fududna gacanta loogu saaray, waxaana taas ka markhaati ah halgamadii kala duwanaa ee dadyowga adduunku usoo galeen soo dhacsiga xaqooda kuwaasoo ku kala gaddisnaa nooca iyo qaabka. Waxaa gumeyste kasta lagula halgamay qaabkii uu fahmi karay, kii qori iyo xabbad uu caqligiisu fahmi karay iyaga ayaa lagula dagaalamay, kii siyaasad qabow iyo dimoqraadiyad garasho u lahaana waddadeeda ayaa lala maray.

Gumeysiga itoobiya ee annaga dusha naga saaran ma aha mid fahmaya oo laga sugayo in ay ka timaaddo garasho cilmiyeysan oo ma dhaafaanka jira tixgalin siisa. Ma muuqato mana la sugayo inaan nahay shacab leh xuquuq la siman midda qowmiyadaha kale ee ay itoobiya xoogga ku haysato ee waxaan nahay cadow layska waardiyeynayo. Waxay dad farabadan oo aan xogogaal u ahayn dhaqankii soo jireenka ahaa ee annaga iyo itoobiya naga dhexeeyey isku dayayaan aragtiyo dhow oo aan ka tarjumeynin dhibaatada dadkayaga haysata. Waxaan xogogaal u nahay inta maamul ee soo martay dalkannaga intii ka danbeysay sannadkii 1992kii, intooda badan waxaa xilka looga qaaday maamul xumo taasoo ah mid xaqiiqda ka fog.

In maslaxada dadka iyo dalka wax laga weydiiyo dadka mudan waxaa EPRDF uga sahlan in ay wax ka weydiiso jaajuus ay iyadu diyaarsatay, arrintaasuna waxay meesha ka saartay in maamulkii jiray uu si aan shaki lahayn u guto masuuliyadda dadka iyo dalka ka saaran. Inkasta oo aannaan annaga iyo maamullada jira isku aragti ahayn marka tixgalin la siiyo qaabka ay ku sameysmaan haddana qofka isagoo isticmaarka la shaqeeya ayuu dadkiisa wax u tari karaa, halganka socdana ka qaybqaadan karaa. Waxa hubaal ah cid waliba oo EPRDF daacad u noqota marka ay danteeda ku gaadho haddii aysanba dilin in ay xabsiga dhigeyso isagoo dadkiisii ka sumcad beelay.

Nin walba waxa uu taariikhda gashado ayaa u galaya ilmihiisana lagu tixgalinayaa ee ha la ogaado waxaan nahay dad la duudsiyey oo xaqoodii iyo sharaftoodii la lumiyey meella looga dhacay jiritaankoodii ummadnimo, waxaa naloo dhiibay itoobiya oo ay naga dhaxeyso cadaawad taariikhi ah iyadoo aan waxba nala weydiinin marka waa waajib in aan halganno si aan xaqa ugusoo celineyno waddadiisii caadiga ahayd itoobiyana uga tuseyno in ay horeyna u gardarreyd haddana gardarantahay.

Walaalayaal; waxaan ku noollahay saban la wada arkay indhahana lagu kala qaaday caddaalad darrada jirta iyo sad bursiga ay ka danbeyso aragtida daneystanimo ee sharciga laga dhigay, waxaa loo baahanyahay in uusan inaga dhicisoobin qorsheheenna halganeed ee kusii baahaya meelo badan oo dunida ka mid ah, waxaa hubaal ah inaan guuleysaneyno haddaan ka fogaanno iskana ilaalino dhaqamada danbeeya ee aan nolosha casriga ah la jaanqaadi karin. Qof walboow waajibkaaga gudo waddadii aad ku kalsoontahayna u mar, ujeeddadeennu waa guul iyo xornimo.

Akhri Qaybta 9aad

Q.1aad | Q.2aad | Q.3aad | Q.4aad | Q.5aadQ.6aadQ.7aadQ.8aad | Q.9aad |

Diyaariye: Daahir Maxamed Cali (Baasto)
ONLFSA@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | 2003

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare..
Faallo

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin 

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!??..... WQ.Cabdi Warsame

WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH
wq. maxamed Cabdi

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
wq.C/raxman Ceynte

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF   


TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO