SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ma waxaysan hayn Boggii labaad ee Qoraalkii ay saxiixday March 31, 2013

  • SomaliTalk.com | June 21, 2013

Fowsiya oo markale arrintii Saxiixa Badda ku eedaysay Websiteyada Soomaaliyeed, ayadoo aan waxba ka dhehin saxiixii ay soo bandhigtay Jariidadda Standard

Jariidadda ka soo baxda Nairobi ee Daily Nation ayaa caddaadkeedii June 18, 2013 qoraal ay cinwaan uga dhigtay "The warring parties" waxay ku qeexday in Go'aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ka soo saareen Badda uu ka dhigan yahay in Soomaaliya afka u ridatay 38,000 Kiilomitir oo Labajibaaran oo ah dhul (badeed) Kenya rumaysan tahay in uu yahay dhul Keenya leedahay. Arrintaas weli wax jawaab ah kama aysan bixin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ee ay wasiirka ka tahay Fowsiya Yuusuf.

Laakiin Fowsiya waraysi ay siisay Telefishanka taabacsan ee Horn Cable, lana faafiyey June 20, 2013, waxay markale eedaysay websiteyada Soomaaliyeed ee daabacay saxiixii March 31, 2013 dhaxmaray Kenya iyo Soomaaliya.


HCTV oo waraysanaya Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS

Inta aynaan u gudnin waraysiga Fowsiyo ee TV-ga, aan marka hore eegno qoraalka Daily Nation ee "The warring parties"

Waxayna jariidadu qoraalkeedii June 18, 2013 ku bilowday "Soomaaliya iyo Kenya waxay u jihaysteen iska hor imaad kusaabsan cidda yeelanaysa aagagga shidaalka (oil blocks) ee xeebta."

"Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxay isku raaceen qaraar ay xuduuda badda ku kordhinayaan baaxad gaareysa 38,000 kiiloomitir oo laba-jibbaaran, halkaas oo ay soo hoos gelayaan lix masaafo ee agaagga sahaminta batroolka iyo gaaska. Kordhintaas ay Soomaaliya xadkeeda kordhisatay waxay ka dhigeysaa in ay afka u ridatay dhul ay Kenya u rumaysan tahay dhulkeeda, oo Kenya ku bixsay qandaraasyo wax-soo-saar wadaag ah oo ay la gashay shirkadaha sahamiya batroolka iyo gaaska," ayey qortay Daily Nation.

"Ayadoo ay aad u sarayso rajada laga qabo in batrool iyo gaas ku jiro xeebta ku dherersan Kenya, ayaa go'aanka ay soo saareen Golaha Wasiirada Soomaaliya, haddii la dhaqan geliyo, waxay markaas u badan tahay in labada dal ay soo kala dhex galaan xurguf is-nacayb," ayey hadalka ku xoojisey jariidadda Daily Nation.

Warka Daily Nation waxa uu intaas ku daray "Labada dawladood waxay heshiis kala saxiixdeen 2009, heshiiskaas oo u ogolaanayey in labadooda kii doonaa uu ku dhaqaaqi karo hawlo uu ka fuliyo aagga lagu muransan yahay inta la sugayo xadaynta."

"Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaankii Soomaaliya ayaa markii dambe qaadacay heshiiskaas kaddib markii ay (heshiiskaas) si xoog badan uga hor yimaadeen kooxaha (dadka) bulshada rayadka ah ee dalka (Soomaaliya)," ayey warkeeda ku xirtay jariidada reer Kenya ee Daily Nation.

Jariidadda Daily Nation si ay arrinta "muranka" u adkayso waxay qoraalka ku xoojisey muranada Afrikada bari ka jira sida: Sudan vs South Sudan: oo isku haysta halkii la marin lahaa batroolka ka soo baxa Koonfurta Suudaan. Ethiopia vs Egypt: oo isku haysta biyaha Webiga Niil oo ay Itoobiya doonayso in ay ka samayso biyo-xireen, kaas oo Masar diidan tahay, waayo biyaha Niil waxa uu waraabiyaa beeraha Masar. Kenya vs Uganda: oo ku muransan cidda yeelanaysa jasiiradda Migingo oo ku taal Lake Victoria. Tanzania vs Malawi: oo isku haysta cidda yeelanaysa harada loo yaqaan Lake Malawi.Kuwaas oo ah murano soo jireen ah. Waxaase jariidadda Daily Nation ay muranadaas ku dartay Kenya vs Somalia oo ay tiri Soomaaliya ayaa sheegatay badda Kenya. (Kama hadlin NFD ee waxay ka ahdashay xeebta).

Halkaas haddaan kaga gudubno warkii Daily Nation ee June 18, 2013, Arrintaas joornaalku shaaca ka qaaday oo ah in Kenya si bareer ah ugu andacooneyso Dhul-badeedka Soomaaliyeed ee baaxadiisu dha 38,000 kiiloomitir oo laba-jibbaaran, waa arrintii ay shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen. Laakiin hadalka mudnaanta in la siiyo ay tahaya ayaa ah sababta ay Jariidaddu shakiga u gelisey in uu dhaqan gelayo go'aankii Golaha Wasiiradda Soomaaliya soo saareen June 6, 2013.

Hadalka jariidadda aan markale is xasuusino: "Go'aanka ay soo saareen Golaha Wasiirada Soomaaliya, haddii la dhaqan geliyo, waxay markaas u badan tahay in labada dal soo kala dhexgalaan xurguf is-nacayb."

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya weli wax jawaab ah kama bixin warbixintaas Jariidaadda. Maadaama dhulka baaxaddiisu tahay 38,000 km ee labajibbaaran ee laga hadlayaa uu yahay dhul-badeed Soomaaliyeed oo ah saddex-xagalkii muranka la geliyey 2009.

Waxaa warbixinta Dialy Nation ka horeeyey warbixin dheer oo jariidadda Standard ka qortay heshiis dhexmaray Wasiirada Arrimaha Dibadda ee labada dhinac ee Kenya Amina Maxamed iyo Soomaaliya Fowsiya Yuusuf.

Warbixintaas oo Jariidadda Standard ugu yeertay MOU, wax jawaab ah kama aysan bixin Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf.


Qoraalkii uu daabacay Wargeyska Standard ee ka soo baxa Kenya, June 9, 2013

Arrimahaas oo jira ayaa wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf waraysi ay siisay Telefishanka taabacdan ee Horn Cable, oo la faafiyey June 20, 2013, waxay markale eedaysay websiteyada Soomaaliyeed ee daabacay qoraalka ay kala saxiixdeen labada wasiir, oo uu ka mid yahay website-ka SomaliTalk.com, ayadoo aan haba yaraatee waxba ka dhehin jariidadda Standard oo si waadax ah u daabacday saxiixa dhex maray labada wasiir.

Waxaa arrin laga yaabo ah in wasiirku tiri "Waakan saxiixayga la saaray" ayadoo TV-ga tusineysa saxiixii June 2, 2013, laakiin waraqadda muhiimadda ah - oo ah tii ay kala saxiixdeen March 31, 2013 - inta ay boggeeda hore muujiso, ayey ka boodeysaa boggii labaad ee saxiixu ku qoran yahay ee warqaddii March 31, waxayna weriyaha tuseysaa bogga labaad ee warqaddii June 2.

Wasiiradda Arrimaha dibadda DFS kama hadlin, mana beenin qoraalkii June 1, 2013 ku soo baxay Daily Nation, oo qoray in labada Wasiir (Fowsiya iyo Aamino) ka wada shaqaynayaan sidii loo dhaqaajin lahaa nidamkii lagu xadaynayo xarriiqda badda (on maritime demarcation). (Haddii uu ku dhaafay qoraalkii Daily Nation ka akhri halkan).

Sidoo kale wasiradda Arrimaha Dibadda DFS kama hadlin, maan beenin warbixintii Jun 9, 2013 ee jariidadda Standard ay ku faahfaahisay saxiixii labada wasiir, kuna qortay sidan "31-dii May (2013) ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed waxay arrintaas usoo bandhigtay dhiggeeda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Aadam, ayadoo rajaynaysay inay ku guulaysato in ay ayidaad ka hesho dawladda Soomaaliyeed ee ay beesha caalamku aqoonsan yihiin.".. "Labada Wasiir (ee Kenya iyo Soomaaliya) waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta badda"

Wasiiradda Arrimaha Dibadda DFS kama hadlin qoraalkii June 18, 2013 ku soo baxay Daily Nation oo sheegay in go'aankii golaha wasiirada ka soo saareen badda ay jariidaddu sheegtay in Kenya rumaysan tahay in Soomaaliya afka u ridaynayso 38,000 kilomitir oo laba-jibaaran, jariidaduna waadax ka dhigtay in Kenya rumaysan tahay in dhul-badeedkaas ay Kenya sheeganayso.

Laakiin, Wasiiradda Arrimaha Dibadda DFS waxay June 20, 2013 waraysigeedii HCTV ku eedaysay websiteyada Soomaaliyeed ee qoray arrimaha la midka ah kuwo ay jaraa'idka Kenya qoreen. Waxaase cad in qoraaladu ku kala duwan yihiin cidda ay u danaynayaan: Wargeysada Kenya waxay arrinta ka eegayaan waxa dani ugu jirto Kenya, halka websiteyada Soomaaliyeed ka eegayaan waxa dantu ugu jirto Soomaalida.

Waxaa xusid mudan in qormadii Standard markii ay muujineysey saxiixa labada wasiir in ay ku astaysay in uu yahay MoU (Isfaham), wasiiradda Arrimaha Dibadda DFS Fowsiyo Yuusuf arrintaas wax kama dhehin.

Wasiiradda oo aan Muujin Bogga labaad ee Waraaqahii ay kala saxiixdeen

Sida laga daawan karo Video-ga hoose ee waraysiga HCTV, wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa bogga hore ee qoraalkii ay la saxiixatay Wasiiradda Arrimaah Dibadda Kenya 31-dii March 2013. Laakiin, ayadoo aan u rogin bogga labaad ayay u boodeysaa qoraalkii ay kala saxiixdeen 2-dii June 2013, boggiisa labaad.

Waxaana xusid mudan in saxiixa ay ka boodeyso Wasiiraddu uu ku qoran yahay bogga labaad ee qoraalkii ay kala saxiixdeen March 31, 2013. Sida ay Standard caddaysay.

Arrimahaas marka la dhuuxo, waxaa la isweydiin karaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ma waxaysan hayn bogga labaad ee qoraalkii ay March 31, 2013 saxiixday. Waxaa haboonaan lahayd in ay warbaahin madax bannaan tusi lahayd waraaqaha.

Saxiixa lama fujin

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS Fowsiya Yuusuf ayadoo ay jiraan caddaymaha kor ku xusan ee Jariidadda Standard iyo wararka Daily Nation, ayaa weli waxay ku andacoonaysaa in saxiixeeda inta warqad laga fujiyey lagu dhejiyey warqad kale oo ay Soomaalida websiyeadeedu sidaas sameeyeen.

Sida caadiga ah marka qof wax saxiixayo waxaa dhacda in saxiixu isku boos (isku bar) kaga qormin magaca qofka saxiixaya, taas oo ay keeni karaan arrimo ay ka mid yihiin qaabka markaas qofku u qabsanayo warqadda, iwm. Taas waxay ku caddahay labada waraaqood ee ay wasiiradu kala saxiixdeen labada maalmood ee kala duwan (March 31 iyo June 2).

Ufiirso halkaas: Haddii saxiixa warqad laga fujiyey oo mid kale lagu dhejiyey waa in ay 100% aysan xaraf saxiixu ku kala qalloocin ama ay isku meel kaga saxiixan yihiin magaca korkiisa..

Haddaba ufiirso saxiixa labada maalmood ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Amina C. Maxamed (eeg hoos). Waxaa cad in aan mid laga fujin ee laba maalmood oo kala duwan la kala saxiixay. Tan kale Jariidadda Standard ayaa saxiixa March 31, 2013 ka xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya.

Waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa "Xaqa haddii Afka la qabto, Feeruhuu ka dillaacaa."


Saxiixii March 31, 2013 oo ku qoran dhanka sare ee magaac wasiir Aamina.


Saxiixii June 2, 2013 oo dhex gelaya magaca Wasiir Aamina.

Halkan ka daawo Video Waraysiga HCTV



Wareysi fowsiyo yuusuf xaaji aaden oo ah wasiirka arimaha dibada ahna R/wasaare ku xigeenka DFS.waxaa wareysiga qaadey Durraan shirwac, Camerada maxamed yare iyo cali aar,Edditing-ka iyo farsamada Cali aar caroone (isha HCTV video)

Maxaa la gudboon Baarlamaanka Soomaaliya iyo Shacabka

Golaha baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa masuuliyad ka saaran tahay in ay hubiyaan qawaaniinta dalka, hubiyaan xukuumadda, kula xisaabtamaan wixii halis uga iman karto xornimadda Dalka.

Shacabka Soomaaliyeedna waa in aysan dhayalsan hadallada ku xardhan bogagga Daily Nation ee ka tarjumada hab fikirka Kenya sida erayadan:

"Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxay isku raaceen qaraar ay xuduuda badda ku kordhinayaan baaxad gaareysa 38,000 kiiloomitir oo laba-jibbaaran, halkaas oo ay soo hoos gelayaan lix masaafo ee agaagga sahaminta batroolka iyo gaaska. Kordhintaas ay Soomaaliya xadkeeda kordhisatay waxay ka dhigeysaa in ay afka u ridatay dhul ay Kenya u rumaysan tahay dhulkeeda, oo Kenya ku bixsay qandaraasyo wax-soo-saar wadaag ah oo ay la gashay shirkadaha sahamiya batroolka iyo gaaska," ayey qortay Daily Nation.

"Ayadoo ay aad u sarayso rajada laga qabo in batrool iyo gaas ku jiro xeebta ku dherersan Kenya, ayaa go'aanka ay soo saareen Golaha Wasiirada Soomaaliya, haddii la dhaqan geliyo, waxay markaas u badan tahay in labada dal ay soo kala dhex galaan xurguf is-nacayb," ayey hadalka ku xoojisey jariidadda Daily Nation.

Golaha Wasiirada DFS waxay June 6, 2013 qaateen go'aan geesinimo leh, waa inaan laga seexan si aan go'aankaasi u dhicisoobin.

Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda

Faafin: SomaliTalk.com |  June 21, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: