SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Sheegay in ay Dadaal ugu jiraan sidii Sharciga Badda ee Law No. 37 Loogu dari lahaa Dastuurka Qaranka

  • iyo Norway oo Dawladda Soomaaliya kala shaqaynaysa dib u eegista Lagu samaynayo Dastuurka Qaranka

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Sheegey in ay Riyo tahay in Baarlamaanka mar kale la Horkeeno Heshiiskii (Isfahamkii MoU) Badda, Xitaa Ajandahaan.


On the Somali government's statement last week "calling 'null and void' the Memorandum of Understanding between the TFG Minister of International Cooperation and Kenyan Minister of Foreign Affairs signed in Nairobi on April 7, 2009," the UN's Senior Legal Adviser on the Law of the Sea Annebeth Rosenboom would say only that every "note verbale" is put on the UN's website
Inner City Press has closely covered the issue, including a previous statement by the UN -- after being involved in the MOU - that is was "not actionable." Inner City Press asked if last week's Somali government statement is deemed as note verbale. No, is the answer. We hope to have more on this. (Video here from Minute 14:56)
Inner City Press thanked the panelists on behalf of the new Free UN Coalition for Access, and tried to push Ms Rosenboom to offer some answer on her and the UN's role on the Law of the Sea, with respect to the deal with Kenya about Somalia the UN brokered.


Inner City Press asked Lyall Grant if Kenya would be mentioned in his press statement, given Somalia's complaints including at the recent African Union summit how its parliamentarians were "blocked by Kenya" from entering Kismayo. Video here from Minute 2:38

  • "..in Sharciga Badda No:37 lagu daro Dastuurka Soomaaliyeed waana mid aan u Howlgeli doono si aan uga dhaadhicino (dhammaan) Xubnaha Baarlamaanka maadaama Dhowr jeer lagu soo Xadgudbey Badda Soomaaliya..."

Iyadoo Dhawaan Magaalada Nairobi ay Heshiis kuwa saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaasoo ku saabsanaa in mar kale laga wada hadlo Heshiiskii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya inkastoo Wasiirada Arimaha Dibadda ay Beenisey in Heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Kenya uu ku jirey Qodob ku saabsan Badda Soomaaliya hase yeeshee qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamanka oo aan wax ka weydiiney in uu jiro heshiiskaas ayaa sheegey Heshiiskaas wax badan lagu qarinayo oo ay wax ka jiraan .

Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo diidey in Magacooda loo adeegsado Warbaahinta ayaa waxaa wax ka weydiiyey in Dastuurka lagu daro Sharciga Badda No.37 ee soo baxay Sanadkii 1972 dii maadaama uu Golaha Wasiirada ay taageereen waxayna Yiraahdeen “Waa arrin aad u Wanaagsan in Sharciga Badda No:37 lagu daro Dastuurka Soomaaliyeed waana mid aan u Howlgeli doono si aan uga dhaadhicino (dhammaan) Xubnaha Baarlamaanka maadaama Dhowr jeer lagu soo Xadgudbey Badda Soomaaliya”

Waxayna xildhibaanadaasi sii raaciyeen: “ Heshiiskii Badda ee Horey u dhexmarey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee Sannadkii 2009 waxaa wax kama jiraan ka dhigey Baarlamaankii Xiligaas jirey marka waa wax Riyo in mar kale kale Dib loo soo celiyo Heshiiskaas Xitaa looma keeni karo Ajando ahaan “ayey Yiraahdeen Xildhibanadaas oo sheegey in Dasturka uu ku jiro Qodob ka hadlaya Xuduudaha ee Dhulka iyo Badda oo ay sheegeen in uu Tilmaamayo in uu yahay Qododbkaas mid lama taabtaan ah.

Ugu Dambeyntii waxay sheegeen Xildhibaanadaas in Cidii Dib u soo celisa heshiiskii uu horey u baa’biyey Baarlamaanka Soomaaliya in Taariikhdiisa ay Muqdi geli doonta islmarkaana Baarlamaanka Soomaaliya uu u diyaarin doono in Maxkamada la soo taago . Sidoo kale waxay Dowladda Federaalka ka codsadeen in ay mar waliba ka digtoonaadaan Heshiisyada wax u dhimi karo Qaranka Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Norway oo Dawladda Soomaaliya kala shaqaynaysa dib u eegista Lagu samaynayo Dastuurka Qaranka

Ra'iisul Wasarahii hore ee Norway oo booqasho June 15, 2013 ku tegey Muqdisho, lana kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Norway ay Soomaaliya kala shaqaynayso Dastuurka Qabyada ah (Drafting). Sidoo kale Jawaari (Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, ahna kusimaha Madaxweynaha) oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Norway kala shaqaynayso dib u eegista lagu samaynayo Dastuurka Soomaaliya. (sidoo kale Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa xiiskiisa ku qaabilay R.Wasaarihii hore ee Norway).

Halkan ka dhagayso hadaladii uu jeediyey R/Wasaarahii hore ee Norway


Jawaari iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondevik oo ku kulmay Villa Somalia (June 15, 2013)

June 6, 2013: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....

Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda

Faafin: SomaliTalk.com |  June 16, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: