SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Naftii-hurihii ka Waxtar Badnaa Sheekhiisa 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Haddaad daaci As-Salafiyo-Ajjadiid ama Islaax ama Suufi ah weydiiso: ka warrama nin sabab u noqday in la dilo oo gaalo isku soo hogaanshay maxay diintu ka qabtaa? Waxaa dhici karta in kan ugu fiican ku yiraahdo: ma ahayn nin caqli badan marba hadduu naftii Ilaah sharfay sidaas raqiiska ah u halaagay! Waxaa dhici karta in qaarkood, sidaan ku aragno ama ka maqalno teleefishinnada iyo idaacadaha ay ku sii daraan waxyaalo aan la weydiin sida iyagoo dhaha: qofkii dad isku qarxiya waa ehlu-naar. Qofkii dad shacab ah laaya waa saas. Qofkii qof Amisom ka tirsan dila waa saas! Weydiiyuhu waxaa dhici karta inuu mas’alo khaasa cindiga ku hayey laakiin ducaaddaasi waxaa dhici karta iney la ciyaarayaan saxaafadda Carabta iyo tan Caalamka. 

Waxaa dhici karta in weydiiyuhu uu ka hadlayey arrintii xaddiiskii saxiixa ahaa ee ku yaalay saxiixul Muslim ee ka hadlayey wiilkii yaraa ee boqorku u dirsaday inuu wax ka barto ninkii saaxirka ahaa ee gaboowga la il darnaa. Haddii arrinta wiilkaas iyo dadka la halmaama ay niman ducaad ama mar marka qaarkood culumo sheegta si aan ka fiirsi lahayn ama iyagoo raalligelinaya cadow saas uga hadlaan waa arrin gef ah, sidoo kalana shacabka laga qarinayo xaqiiqda jirta. 

Arrinta wiilkaas ka waxtar badnaaday sheekhiisa waxaa ku sugan cajaa’ib: 

  1. Wiilkaas wuxuu soo baxay ka hor intaan nabi Muxamed (SCW) la soo dirin. Ma u habboon tahay qof Qur’aanka iyo Axaadiista akhriyey inuu wiilkaas iyo dadka la midka ah caay ku miiso?
  1. Wiilkaas isagoo dhallinyar, adduunyana lugihiisa taallay maaddaama u ku noolaa qasriga boqorka, jago weyna u soo socotay ayaa waxaas oo dhan wuxuu ka doorbiday inuu xaqa raadsho. Ka warrama qof muslim ah oo 40 sano dhaafay oo intaas culuum Islaam soo baranayey oo isagoo sacluuko/faqiir ah oon waxba heysan doorbiday inuu la shaqeeyo CIA iyo Tigree si uu xukum u helo?! Waxaa ka sii daran, dadkaas qaarkood waxay heystaan magac diin laga urinayo! Sheekh hebel! Shariif hebel! Daaci hebel!
  1. Wiilkaasi boqorkiisii waa ka qarsaday inuu nin raahib ah wax ka barto halka dad ducaad sheeganaya inta sirta naga qarsadaan la showraan CIA, madaxda Midowga Afrika iyo kuwa Carabta?
  1. Cilmi-baaris kaddib wiilku wuxuu goostay inuu tijaabiyo xikmadda Koonka/adduunka. Markii bahalkii dadka jidkii ka xiray; wiilkaasi inta dhagax qaatay buu labo arrimood sameeyey. Tan hore wuxuu waxweydiistay Allaah. Wuxuu kaloo yiri: haddii raahibka xaggaa looga jacayl badan yahay sixiroolaha, dhagaxaan ku dil bahalkaas. Sidii bey noqotay. Hadda dowladdaan jirta iyo madaxdeeda waxay la dhacsanyihiin madaxda Afrika sida Kibaki, Musevani, Kigame iyo kuwa kale halka aysan weli qaabilin madaxdii Muqaawamada! Waxay la shireen nimankii laga jeclaa cariga Maraykanka. Marka hogaamiyaheennu wuxuu qaaday jid ka soo horjeeda midka wiilku qaaday.
  1. Wiilku wuxuu ku soo koray bulsho gaala ah marka inuu raahibka iyo saaxirka kala saaro wuu ku khasbanaa inkastoo waddadii xaqa ahayd u maray. Hadda hogaamiye muslim sheegta baa leh: baarlamaankoow haddii dastuurka xaggiina laga jecelyahay Shareecada wax ka dhaha? Soow waalidiintood uma dadaalin oo dugsi-Qur’aan kuma bilaabin? Shaki ma leh. Marka side qof muslim ahi Shareeco Islaam muran u gashay?
  1. Wiilku wuxuu gartay in marka arrintu khatar gasho ineysan wacdi kaliya ku filneyn ee loo baahanyahay naf-hurid. Wixii raahibku intaas oo sano keeni waayey ayaa wiilka sabab looga dhigay inuu dadkii daqiiqad ku muslimaan. Qof kasta oo muslim ah waa ogyahay qofkii raba in Islaam la isku xukumo waxaa loo baahanyahay naf-hurid. Marka Nafti-huruhu wuu ka nacfi badanyahay qofka ku ekaada inuu dadka waaniyo oo waxbaro keliya. Wiilka yar waa ogaa hadduu rabo inuu dadka badbaadiyo in loo baahanyahay inuu naftiisa ku deeqo.
  1. Wiilka yar wuxuu gartay in faa’iidada ugu weyn tahay in dadku cadaab ka badbaadaan. Wiilkaas wuu ogaa in dadka loo dooro dhimasho haddayba janno ku helayaan. Qofka inuu dadkiisa u doono in ay Shareeco isku xukumaan adduunka ama Shahiidnimo ku dhintaan ayaa ah wixii diinta loo soo dejiyey. Hadda waxaad maqleysaa niman culumo sheegtay oo shaqo ka dhigtay wax ka soo horjeeda waxaa wiilkaas diintu ku ammaantay. Haddii carruur badan oo sanad-jir ka yar oo Tigreegu Soomaaliya ku laayeen hadli lahaayeen waxaan shaki iiga jirin iney dhihi lahaayeen: Muqaawamooy xaq baad ku taagan tihiin ee doona in Shareecada la isku xukumo. “Culumadaas” haddii caqligooda la fiirsho, wiilku wuu khaldanaa maxaa yeelay dadkii oo dhan sababtiis baa loo ciqaabay oo u dhinteen! Laakiin Islaamku wuu ammaanay ilaa uu noo soo wariyo xitaa ilmihii yaraa oon hadli karin in inta Ilaah ka hadliyey ku jiri hooyadiis: isku tuur dabka, xaq baad ku taagan tahee? Ilaahoow sabi aan hadli karin yuusan naga caqli badnaan!
  1. Wiilku wuxuu bixiyey sirtii lagu dililahaa isagoo fiirinaya xikmadda ka weyn. “Culumadaas” waxaad mooddaa iney leeyihiin haddaad naftaada khatar gelisid waxaad tahay: samadiid. Waxayna shacabkii Xamar iyo Soomaaliya ku wareeriyeen heestii: samadiidoow dabin baa kuu dhigan lagugu dili doonee! Dacaayad raqiis ah bey dadkii ku khaldeen.
  1. Yaa fiican culumada iyo ducaadda intaas qaaradaha adduunka dawaafaya ee dadka waxbaraya iyo kuwa dhufeyska ugu jira caddowga? Labaduba waa fiican yihiin laakiin Imaan C/hi Binu Mubaarak baa gabayga ka tirshay isagoo caabidkii Xarameynka ku leh: haddii illin/ilmo cabsi-Ilaah darteed dhabankaaga qoysay; annaga waxaa dhafoorradayada qooyey dhiig. Marka marka naloo kaa eego waxaad ku jirtaa ciyaar! Ka warran ajarka qof hal habeyn naga waardiyeeyey Tigree iyo Tigree-raac?
  1. Culumadaas aan sheegayo qaarkood tobankii sano ee u dambeeyey haddii la qiyaaso tigidhadii ay dayuuradaha ku raaceen waxaa dhici karta in midkood keliya qarash gareeyey wax ka badan boqol kun oo doollar! Ceeb ma leh oo dadkey waxbarayaan, kheyrkaas ay waddaan baana dadku u jeclaaday laakiin waxay wax ka sarifteen ajarkii ay aakhiro heli lahaayeen marba haddii Ilaah cayshkii u sahlay. Ma filayo iney sanadahan dambe ay habeyn gaajo ku seexdeen lacag la’aan darteed. Intaas waxay joogaan magaalooyin waaweyn oo nal, biyo iyo internet leh. Ka warran nafti-hurayaashii ay diyaaradaha Maraykanku kor ka garaacayeen? Taankiyada Tigreega iyo Ashahaado-la-dirirkuna madaafiicda la dhacayeen? Sidoo kalana ay qaniinayeen kaneeco, dhuug, hangarale, masas iyo abeesooyin? Ka warran oonkii iyo cunto-la’aantii heysatay? Ka warran dhaawacoodii loo waayey wax lagu qulaamiyo ama lagu dhayo?
  1. Nafti-hure haddii la waayo oo dadku beerahooda iyo ganacsigooda iska dabogalaan waxaa imaanaya xaddiiskii nabigu (SCW) ka digay ee ahaa waxaa idin ku goobanaya oo idin wadaagaya ummadaha oo dhan sida saxanka weyn ee Alla-bariga/sabta cuntada loogu wadaago. Soow xaddiiskii maanta ma yaal? Soow badaheennii maraakiibtii dagaalka ee waddama waaweyn nama kor taagna? Soow Tigreegii iyo kuwo ay soo wakiisheen gobolladii dhexe dagaal kama wadaan? Soow Amisom oo loo soo tabobaray iney Muqaawamada ugaarsadaan Xamar ma joogaan? Soow ninkii hogaamiyaha sheeganayey madaxweynayaashii gaaladaha ahaa sida kan Kenya, Ugaandha, Ruwaanda iyo Burundi kaalmo kama raadsan? Ciladda xaddiisku sheegay ma aqoon la’aan bey ahayd? Mise adduunyo-jacayl iyo dhimasho-ka-carar? Xaddiiska waxaan ka fahmayaa haddii nafti-hurayaal xaq ku taagan bataan in cadowga na cunaya laga guuleysandoono haddii Ilaah idmo. Xaddiisku Mushrikiin ama gaalo keliyaa idin ku goobaneysa ma oran! Aan Fahamno waxa nabinimadu tahay iyo hadalka Suubanaha! Wuxuu yiri “Umam”. Ma kala duwana haddii Umadahaasi noqdaan sida Cali Cabdalla Saalax, kan Jibuuti, Qatar iyo kuwa ka yimid gaalo sida Maraykan iyo reer Galbeed. Alla Suubanaha hadlkiisu qiimo badanaa! Hadduu dhihi lahaa gaalo ama mushrikiin maanta Ashahaado-la-dirirka iyo dowladda Shariifku qiil bey heli lahaayeen laakiin xaddiiska waxaa laga fahmayaa ineysan kala duwaneyn qofkii Islaamka diida hadduu sheegto George, Zenawi ama Maxamed, Cabdi, Cali ama Axmed. Madaxda muslimiinta heysta waxay ku jiraan “Umam” ku soo duulay Ummadda muslimiinta ah. Nimankaas na heysta iyagaa dadka ugu neceb isku-xukunka Shareecada Ilaahay! Dadka sida haruurkii muslimiinta u boobaya iyagaa koow ka ah. Dhulalka reer Galbeedka waxaa laga yaabaa in laguu dulqaato muddo haddaad xaqa ka hadashid laakiin ka warrama waddamada Carabta? Waxaan ka hadlayaa xukaamta.
  1. Teeda kale mar wiilkaas la rabay in laga tuuro buur ama biyaha badda lagu maansheeyo kama reebin inuu noqdo nafti-hure. Marka Maraykan iyo Tigreegu intaas oo jeer bey isku dayeen inay tirtiraan Muqaawamada kumana guuleysan. Sidoo kalana walaalihii ku shahiiday dartood ma keenin in Muqaawamadu ka baqaan iney dalbadaan in Shareecada Islaamka lagu xukumo dalka.
  1. Haddii la is dhaho wiilkaasi wuxuu caawinayey oo wax barayey dad aan muslim markaas ahayn, marka seen u simi karaa shacabka Soomaaliyeed oo “100%” muslim ah iyo dadkaas? Soow in shacabka loo naxo maaha? Haddii nabigu (SCW) uu hooyadeen Khadiija iyo saxaabiyaddii daahirka ahayd eey dhaleen - Faadumo binti Muxamed (labadaba Ilaah raalli haka noqdee) u doorbiday iney caleenta iyo hargaha cunaan markii seddex sano lagu go’doomiyey meeshii la ogaa, iyadooyba dhici karto in hooyadeen Khadiija (RC) macaluul u dhimatay maxaa hadda dhibka na soo gaara loogu samri la’yahay si hadafka loo gaaro? Teeda kale soow nabi Muxamed (SCW) iska-hor-imaadkii dagaalkii Badar ee qof qofka ahaa ma xulin seddex saxaabi oo dad ugu sokeeyey? Marka dhimashada xaqa lagu dhinto iyo barakaca iyo gaajada muslimiinta soo gaarta waa sunadii Ilaahay. Marka sheekhii leh waan gees marayaa oo waxaa jirta waddo kale isagaa laga rabaa daliil.
  1. Teeda kale shacabkeenna muslimiinta ah wixii na soo gaara, innagaa isagu wacan. Haddaan gacmaha qabanno kuwa daalimiinta ah waxaa soo afjarmaya daldaloolada gaaladu naga soo geli karto. Aan xasuusanno xaddiiskii doonidii labada dabaq ahayd. Haddii dadku daalimiinta iyo Ashahaado-la-dirirku qabanwaayo waxaa dhacaysa inaan kulligeen wada halaagsanno.
  1. Iyadoo qodobkaas 14-naad aan ka duulayo marka shacabku xaqa u hiiliyaan dhibku waa yaraadaa. 2006-dii muddo yar baa Ashahaado-la-dirirkii looga saaray Soomaaliya. Haddeer Ashahaado-la-dirirkii labaad baa dagaal ka wada gobollada dhexe. Markii shacabkii Ceelbuur gacansiiyeen Muqaawamada wataas dabada looga dhacay gaalo-raacyada. Marka shacabka Xamar waa ku mahadsanyihiin ineysan weli ku dhicin dabinkii lala rabay ee ahaa in Amisom laga dhigto xabiib halka Muqaawamada loo tusayo shar-wadayaal. Arrintaas Ilaah idanki ma shaqeyneyso. Dad baa la idiin soo diray sheeganaya culumo oo sheekadoodu tahay iney Muqaawamada dacaayadeeyaan. Waxaan xasuustaa 1996-dii niman hadda Xamar makarafoon la taagan oo heysta Muqaawamada oo leh jihaadkii waa dhammaaday iyagoo caayaya wiilashii Luuq Zenawi kula dagaalayey. Haddee waa Zenawi oo Soomaaliya ku soo duulay!
  1. Waxaa isu key qaban la’ sida ninkii ku muxaadareynayey inuusan isu quurin sida nabiga (SCW) falay - inuu guursado gabar 9 sano jir ah, iyo nin Salafiya-jadiid sheeganayey oo markaas daaqadda kala baxay ninkaas kale xitaa heer uu gaaray inuu yiraahdo Qardaawi uma kala soocna xalaal iyo xaaraantu isagoo ku magacaabay buuggiisii “Al-Xalaal Wal-Xaaram sidaan oo kale: Al-Xalaal Wal-Xalaal! Micnuhu waa wax kasta Qardaawi waa u xalaal. Hadda Qardaawi, Ali-Islaax, As-Salafiya-Ajjadiidah, iyo As-Suufiyah waa isku dhinac marka loo eego Muqaawamada. Marka nimankii saas isku ahaa maxaa maanta isku safka ka soo jeedshay?
  1. Nafti-huraha kama wado qof shacab isku qarxiya ama sidaas wax u qarbuda ee waxaan ka wadaa qof naftiisa diyaar uga dhigay inuu Ilaah ka iibsado. Haddii wiil Soomaaliyeed ka soo tago dibadda oo ku biiro koox ma aha in la yiraahdo waxaa ka dambeeya wadaado. Waxaa u fiican in shacabku Soomaaliyeed ee qurbaha jooga gartaan khaasatan kuwa Maraykan in ugu dhowaan sanad kasta in wiil Maraykan ahi inta iskuul galo uu dilo ardaydii wax la dhiganeysay! Sidoo kale sanad kasta waxaad arkeysaa in la arko nin Maraykan ah oo carruurtiisa iyo xaaskiisa dila ama dad kale xabad la dhaca dabadeedna is dila! Ka warran haddii la dhaho diinta Kiristaankaa saas tiri? Ama dadka Maraykankaa sidaas ka raalli ah? Marka haddii wiil Soomaali ah isku qarxiyo xafiis Riyaale ama Cadde Muuse leeyahay maxaa loo leeyahay culumaa soo dirtay? Marka nin Maraykan ah dilo xaaskiisa iyo carruurtiisana waa u kaligiis? Maxaa markii wiil Maraykan ahi iskuul inta galo xabbad la dhaco ardeydiisii looga dhigaa inaan wax dhicin halka marka wiil Soomaali ah isku qarxiyo cadowgii waddankiisa ku soo duuleyna loo dhahaa wadaado dibad jooga ama masaajid dibad ku yaal baa ka dambeeyey? Ma Ash-Shabaab baa tabobaray wiilkii Jarmalka ahaa ee intaas oo carruur ah oo iskuul la dhiganeysay dilay dabadeedna isna is dilay?
  1. Hogaamiyaha muslimiintu waa inuu geesi noqdaa. Dagaalkii Uxud iyo Xuneynba nabiga (SCW) waxaa ku soo haray dad yar ilaa waqti. Marka Muqaawamada waxaa la gudboon iney samraan. Horayna waa loo arkay in dadka badankiisu markay adkeysan waayaan idin ka cararaan laakiin haddaad sidii nabi Muxamed (SCW) samirtaan dadku waa soo noqon doonaa markay arkaan dadaalkaad waddaan. Yaa sidii Cumar Binu Khidaam (RC) ka hor istaagi kara Sacad Binu Cubaadah (RC) inuu xukunka qabto? Marka sheekh Shariif xaq uma laha inuu ka hor hadlo Muqaawamada maxaa yeelay isagaa halkankii ka cararay wuxuuna doortay inuu ku raaxeysto huteelada ugu qaalisan waddamdaas. Marka ninkii sheekh, daaci ama wuxuu rabo ha sheegtee qiil u raadsha Shariifka waxba uma helayo. Marka xitaa haddii diinta la iska indho saabo waxaa fiican waxa Soomaalidu ka tiri nafti-huraha in la milicsado sida heestii ahayd: waxaan ahay naftii-hure.
  1. Maanta arrintu waxay taagan tahay halkii dagaalkii Mu’tah. Soow nabigu (SCW) ciidan yar oo ilaa seddex kun ah uma dirin iney wajahaan 200,000 oo Ruum ah? Waxa lagu dilay Ehlu-beytkii nabiga (SCW). Waa arrintaas waxa keena in la arko dadkii ugu kheyr badnaa Muqaawamada oo dariiqa waran markay la dagaalaan cadowga ka hub iyo tiro badan. Ma xaqbaa in dad ducaad sheeganeysa dhahaan haddii Muqaawamada Soomaaliya caqli leeyihiin wiilal yar yar uma direen ciidan Tigree ama Ashahaado-la-dirir ah oo wata dabbaabado iyo saanad milateri oo farobaan? Sidoo kale ma xaq baa in la dhaho hadday xaq ku taagan yihiin hogaamiyayaashoodu dariiqa ma warnaadeen? Dagaalkii Mu’tah iyo kan Muqaawamadu ku jirto wuxuu na barayaa in kalsooni lagu qabo Ilaahii koonka abuuray. Markaad is dhiibto waxaa imaanaya nasrigii. Wiilashii Matabaan la waray kaddib soow hadda Muqaawamadii Xamar ma joogto? Meeyey Gabre? Inkastoo Gabrayaal kale ay madaxtooyada ku jiraan si dadban laakiin Ilaah waa dulleeyey Tigree. Insha Allaah gaala-raaca kalana waa dulloobayaan.
  1. Marka waxtarnimadu kuma xirna aqoon badan ood leedahay oo keliya ee waxay ku xiran tahay daacadnimo, geesinimo iyo fahan sax ah oo Ilaah ku siiyo. Wiilkaas yar sheekhiisii waxbaray oo soo taagan baa Ilaah xaqa fahansiiyey. Raahibkaasi wuxuu dad badan oo culumo sheeganaya dheeryahay wuxuu ahaa nin laab xaaran wuxuuna wiilkii ku yiri: adaa iga waxtar badan ee samir. Raahibkaasi wiilkaas inuu ka hormaray uma xanaaqin, xaasidnimana uma qaadin ee wuu u hambalyeeyey. Sidoo kalana wuxuu faray inuu wiilku samro. Raahibkii ciqaabkii waa taabtay laakiin wiilkii ma haaraamine wuu ku samray. Soow ma fiicna in culumada iyo ducaaddu sidaas u samraan oo ay wiilasha nafti-hurayaasha ah u qiraan halgankooda?

Ash-Shabaab Wax ma loo Sheegi Karaa Qore: C/Waaxid C. Khaliif


F.G. Marna ma dhahayo Ash-Shabaab ama Muqaawamada kale ma khaldamaan oo waa malaa’ig. Sidoo kale hadday khalad sameeyaan laguma raacayo. Hadda Soomaaliya bad iyo berriba waxaa ka soo weeraray gaalo iyo gaalo-raac marka waxaa muhiim ah in la taageero Muqaawamo oo ugu yaraan aan la dacaayadeyn. Dowladdii Mbagathi waxaa ka soo hoosbaxay Ashahaado-la-dirir. Tan Jibuuti waxaa ka dabo dhashay Ashahaado-la-dirir magac Suufiyo soo huwaday. Been idiin ma sheegayo, dowladda Shariif waxay jeclaan lahayd in Muqaawamada la mariyo. Laakiin Ilaah baa xukunka leh ee Beesha Caalamku ma laha.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Isku-xukunka Shareecada oo Baarlamaanka la Hordhigayo! Akhri...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS