SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ash-Shabaab Wax ma loo Sheegi Karaa

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Weli shacabka Soomaaliyeed wuu qaddariyaa Ash-Shabaab inkastoo ay jiraan dad badan oo waxyaalo badan uga biyodiidsan. Waxaa la isku raacay iney qabiil ka sarmareen sidoo kalana waxay kaalinta koowaad ku leeyihiin xanuujinka Tigreega iyo Tigree-raacyada. Dacaayadaha Bush iyo gaalada kale dhib ma leh oo hadduu nabi Muxamed (SCW) ka badbaadi waayey dacaayad ma filayo inuu jiro qof kale oo xaq-doon ah oo ka badbaadaya. Kuwa gaalada u shaqeeya waxay u dhigmaan C/hi Binu Salool.

Marar badan markaan isweydiiyo waxa Ash-Shabaab shacabka u kasban waayeen iyo hadalo laga soo sheego waxaa ii soo baxday iney naftooda u rabaan iney Ilaahay hortagaan iyagoo jidkiisa ku dagaalaya. Waxaa qaar laga sheegaa iney dhaheen waxay jecelyihiin iney xitaa hal daqiiqo Shareecada fuliyaan. Ilaahay dadaal ha u kordhiyo. Inta badan Muqaawamadu ma ahan mooryaanta iyo jirriga ummadii dhibay. Marka dantu kuma jirto in inta shacabka lagu diro, qolyaha Jibuutina la adeegsado halkaas uu ku damo dabkii Shareeco-doonka ahaa.Waa arrin u baahan in si fiican looga fekero. Ka soo qaad in Muqaawamada la dhameeyo. Ka soo qaad in Ilaahay u qaado niyaddooda fiican oo ay janno galaan. Laakiin dalkii wuxuu noqonayaa kuwa ay ka taliyaan kuwa Jibuuti ka yimid oo noqda Yemen oo kale. Wuxuu waddanka noqonayaa in Maraykanku wuxuu ka faano inuu jir dilo loo diro Soomaaliya si loogu soo ciqaabo. Waa laga yaabaa dadku iney iska ceyshaan laakiin diin ahaan hoos bey tageysaa.

Ash-Shabaab ma is weydiiyeen arrimahan

  1. Markii ugu horreysay oo nabigu (SCW) inta buur fuulay isagu yeeray Qureysh soow ma oran waxaan idiin ka digayaa cadaab? Ka warran haddaad shacabkii oo cadaab ku socda aad sii ceyrisaan?
  1. Soow nabigu (SCW) maalintii Daa’if ma diidin in buur kor looga keeno gaalada? Soow nabigu (SCW) mustaqbalka shacabka kama hadleyn.
  1. Markii Ansaar isku dhammaadeen oo ay wafti u soo dirsadeen nabiga (SCW) soow nabigu (SCW) kama soo bixin hogaamintii loogu yimid? Maxaad adinku uga soo bixi la’dihiin markii la idiin soo cararay? Waqtigan aan maqaalka qorayo shacabka waxgaradka ah xaggiina bay soo fiirinayaan.
  1. Soow Ilaahay nabiga (SCW) kuma oran la tasho asxaabtaada? Ma iloowdeen “Ashiiruu calaya ayuha naas?” Haddii nabigii Ilaahay dadka kala tashaday arrintii awrta maxaa diiddan inaad culumada kheyrka lagu yaqaan la tashataan? Sidoo kale soow mucaskarkii uu nabigu (SCW) degay Badar saxaabi ma oran haddaan arrintu Waxyi ahayn ma ahan meel fiican ee aan ceelka dar ka xirano? Maxaa haddii arrin weerar la qaadayo talo la idin ka siiyo isu soo taagtaan? Mise wax walba waad taqaanniin?
  1. Odayaasha iyo dhaqanka waa xeerin jiray nabigu (SCW) isagoo og xumaantooda sida Aqrac Binu Xaabis halka ay culumadii waaweynaa idinka biyo diideen. Soow nabigu (SCW) inta maalka la dhaafo saxaabo badan oo gaajeysan ma siin jirin dad kale oo iimaankoodu hooseeyo si aysan cadaab u gelin?
  1. Maalin ayaa odeygaas ama mid kale ku yiri Cumar Binu Khidaab (RC) inuusan caddaalad sameyn sidoo kalana uusan Cumar xaqooda siin. Maaddaama Cumar (RC) lagu beenabuurtay wuxuu damcay inuu qaartiisii saarsaaro laakiin wiil ninkaas adeer u ahaa baa Cumar xasuusiyey aayad Qur’aan ah oo Ilaah nabiga (SCW) ku leeyahay: cafinta qaado, wanaagana far; kuwa jaahiliinta ahna iskaga jeeso. Xadiiska dadkii warinayey waxay dhaheen markuu Cumar (RC) aayaddaas maqlay ayuu gacantiisa istaajiyey iyadoon odeygaas gaarin. Marka siyaasiyiinta la sheego qaar iyagoo 80-jir ah beyna waligood weyso qaadan. Marka jaahil noocaas ah ciqaab la ciqaabo wax ma tareyso waxaaba dhici karta in kuwo fiicnaa oon imaan badan lahayn ay u damqadaan oo halkaas fidno ka timaaddo. Marka cafiska faa’iido badan baa ku jirta.
  1. Qaabka munaafiqiinta loola dhaqmo kaa ka badiyey nabi Muxamed (SCW)? Munaafiqiinta maanta joogta ka dhib badan kuwii hore. Kulli magac muslim bey wataan waana reer hebel. Sida loola xaalayo waxay u baahantahay taxaddar. Dil la dilo wuxuu keenayaa wixii nabiga Ilaahay ka baqayey marka waxaa fiican in shacabka laga wato.
  1. Sida jaahiliinta loola dhaqmo. Ninkii masjidka ku kaadshay sidee nabigu (SCW) ula xaalay? Jaahilkii waa la wanaajiyey sidoo kale kaadidii kuma firdhin masaajidka iyo saxaabada. Saasoo kalaa la rabaa in jaahiliinta loo caawiyo.
  1. Arrintii Khandaq yaa keenay? Waa in saxaabadoo dhan lala tashadaa xitaa kuwa qabiilkooda laga badan yahay. Idinku diyaar ma u tihiin inaad qaadataan talo ka timid waxgarad muslim ah? Difaaca waddanka wuxuu u yaal muslimiinta Soomaaliyeed oo dhan. Waxaanan fahmin sida ay u hadlaan rag badan oo Muqaawamada xukuma. Nabigii (SCW) baa sarbeeb isticmaali jiray sida markuu lahaa “naxnu minal maa’ i”. Markuu jihaad u socdo wuxuu mar mar magaalada uga bixi jiray jid aan ku toosneyn meeshuu u socdo. Marka xikmadda noocaas ah mala tagay? Teeda kale Addis Ababa baan qabsanaynaa ama meel hebla soow ma ahan wax qeyb ah oon la hubin? Goormaa la isku ogaa in been la isu sheego?
  1. Isla dhacdadaas Khandaq ayaa culumada siiradu waxay dhahaan inta nabiga (SCW) naxariis u gashay Ansaar ayuu soo jeediyey in Qadafaan iyo qabiillooyin kale oo Qureysh la socday la siiyo timir bilaash ah si ay dagaalka uga haraan. Sacad Binu Mucaad (RC) baa yiri: arrintu ma Waxyi baa nabi Ilaahoow mise waa fikradaada shakhsiga ah? Nabigu (SCW) wuxuu yiri waa fikradeyda. Sacad (RC) wuxuu yiri: markaan gaalada ahaynba timir bilaash ah maanaan siin jirin marka maanta annagoo muslimiin ah timir bilaash ah siin mayno iney naga gataan maahee. Marka nabigii Ilaahay baa saas aaraada loo dhaafsanayey marka idinka maxaa la idinka qeylinayaa? Haddey culumada Soomaaliyeed dhahaan Ash-Shabaab yaan hadal lagu celin haddee waa arrin kale! Marka muslimiintu saasaa fikradaha la isku dhaafsadaa ee u diyaargarooba.
  1. Video: Qubuur Kismaayo laga Burburnayo

    Ka daawo Aljazeera...

     

    Qabrigii Sheekh Nuur Xusseen ee tuulada Baladul Kariim oo la sheegey in la burburshey.

    Labada siyaabood ee dadka caada xun looga gooyo waxaa ka mid ah in marka hore dadka intaad wax barto ay iyagu iskood iskaga tagaan. Tan kalana waa markii hogaamiye uu imaan noqdo. Arrinta qubuuraha waxay ahayd arrin gabalkeed sii dhacayo. Goormaa ugu dambeysay iyadoo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya laga dhiso masaajid quruubo ku dhexyaalaan? Marka waddankii oo gumeysi heysto, dadkii oo iskood arrintaas uga tagaya, weli waddankoo oo dhan oo aydaan qabsan maxaad cadowga fursad u siineysaan si uu idin ku diro shacabka iyagoo kuwii Jibuuti wata? Teeda kale arrinta qubuuruhu waa arrin Soomaaliya oo dhan saameysay. Waxay u baahantahay xal waafi ah.
  1. Qabriga nalu ku weydiin mahayo waxa muslimiinta maanta Shareeco looga la’yahay maxaa yeelay waa arrin naga horreysay laakiin waxaa nala weydiinayaa waddadii saxda ahayd ee nabi Muxamed (SCW) ma heynaa? Nabi Muxamed (SCW) isagoo Beytul Maqdis furan buu dhintay. Waan jeclaan lahayn in kulligeen aragno adduunka oo Shareeco ka jirto. Su’aashu waxay tahay haddeydaan dadka diinta barin oo la idinku diro yaa Shareecada isku xukumaya? Ma geedaha? Ma kalluunka? Nabigu (SCW) markuu arkay Abuu Bakar (RC) oo dadkii tujinaya wuu dhoolla-caddeeyey isagoo sakaraad hayo. Sabab? Wuu ogaa nabigu (SCW) dadka saasoo kale u tukada inaan cidna Shareeco Islaam ka celin karin. Haddaad u qabtaan dadkoon diinta baran oon la midoobin oon is aaminin in Shareeco Islaam iska imaaneyso haddee waa arrin aan horay loo arag. Marka howl fiican baad qabateen oo ah dal xoreyn ee yaan la degdegin. Arrintu waa qori-isku-dhiib. Haddii jiil walba qabto kaalintiisa ama koox kasta ka soo baxdo dhinaceeda waxaa soo dhow guusha.
  1. Gaaladii iyo gaalo-raacyadii waa soo dhigteen. Waxay gaalo biloowday iney dameeraha kala bedelato. Waxay ka dageen kuwii Puntland ka yimid waxayna rabaan iney ku joogaan kuwa gobollada dhexe, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir ka yimid. Kuwii Jibuuti iyo odayaal waxay dadka qaar ku hantiyeen waa iyagoo leh: waxaan idinka qabannay C/hi Yuusuf oo jiritaankiinna ka soo horjeeday. Wixii qabiil aaminsanaa waa u riyaaqayaan arrintaas. Kuwa kale oo iska dhiga bulshada rayidka ah waxaa lagu khaldayaa waxaan idin ka saareynaa Itoobiya. Itoobiya-ka-saaridda waxaa wata gaalo oo leh: war si la isagu diro oo Muqaawamada meesha looga saaro waa in Tigreega la saaro. Ma qarsadaan oo wataas meel kasta ku qoran. Marka C/hi, Tigree (xudduudey tagayaan) baxaan waxaa la leeyahay si niman tiimbare lagu soo dhejiyey wax loogu dhiibo hala saaro Muqaawamo. Qolyaha Jibuuti iyo odayaal u hadla qabiil mar horaba waa bilaabeen iney Muqaawamada gobol gobol iyo qabiil u kala saaraan. Marka Ash-Shabaaboow haddaad arrinta saas ku waddaan waxaa idin soo wajahan shacab badan oo ay horboodayaan kuwa shalay Maxkamado idin la ahaa marka xigmaddii aaway?

Ma ahan markii ugu horreysay oon talooyinka noocaas ah soo qoro. Reer Puntland baan ka soo bilaabay anoo tusaya in hogaanka xun uusan wanaag keenin. Xitaa hadda C/hi Yuusuf waa awoodi la’ yahay inuu is casilo. Gaaladii uu walaayadda u dhiibtay baa ka qaatay. Anigu waxaan jeclaan lahaa inuu sii joogo inta la diyaarinayo qofkii lagu beddeli lahaa! Sabab? Si uu ceeb ugu sii noolaado. Waxaan la hadli jiray dagaaloogayaasha. Waxaan ka digay shirkii Casmara inuu keeni doono dhib cusub. WALLAAHI dhagarta gaaladu buuraha haka weynaatee laakiin sida Ilaahay u yiri khiyaanada sheydaanku waa daciif. Marka hadda waxaa la rabaa in shacabkii iyo Muqaawamadii la iska horkeeno. Maaddaama Islaamku yahay hab-nololeed marka Ash-Shabaab ma fahmi karaan sida xikmadda diinta loo dabakho mar kasta iyo meel kasta oo la joogo?

Ash-Shabaab xisaabta ha ku darsadeen in waxa hadda la xaalaya aysan ahayn C/hi Yuusuf, Maxamed-dheere iyo Cabdi Qeybdiid iyo Bush! Hadda waxaa la xaalaya waa sheekh Shariif, Axmed Diiriye, Janaqoow iyo Obama. C/hi iyo Bush “iyagaa cadow iskugu filan”. Marka waxaan Ash-Shabaab u sheegayaa waxaa soo socda khiyaanada ugu daran ee ah doqon-ma-garato. Khiyaanadaas waxaa looga bixi karaa iyadoo la raaco sunada Nabiga (SCW) oo na fareysa in shacabka naxariis, caqli-celin, wax-siin iyo soo-dhoweyn lagu dayo. Waxaan maqaalka kusoo xirayaa inaan xasuusiyo Ash-Shabaab xaddiiskii uu ninku nabiga (SCW) weydiiyey goorta Saacadda Qiyaame dhacayso. Nabigu (SCW) wuxuu ku yiri ninkii maxaad u diyaarsatay? Waxaan leeyahay shaki maleh in Islaamku soo noqonayo. Laakiin qofkii dhaha Shareecaan rabaa waxaa la weydiinayaa maxaa u diyaarsan? Shacab kale iska daaye Muqaawamadii baan isla socon. Shacabkii waa didsan yahay. Si aan khalad la iiga fahmin waxaan u sheegayaa waa nagu waajib in loo dadaalo sidii Shareeco u soo noqon lahayd. Inteenna badan oon anigu ku jiro arrintaas waa gabeen marka waxaan ku leennahay kuwa dadaalka wada waxa muhiimka ah waa jidkii in la hayo. Ka-miro-dhalinta Ilaah baa ku shaqo leh. Marka waxa gaaladu garatay oo ah in shacab la kasbado iyagoo leh: Tigree iyo C/hi Yuusuf idin ka saarnaye raaca dadkaan idiin doorno (kuwa Jibuuti iyo Nuur-cadde) maxaa noo diiday? Shacab-kasbashada saxda ah waa in shacabka Ilaahii abuurtay lagu xiro ee kama wado iney ku ammaanaan ama ku taageeraan. Marka dadka muslimiinta ah waxaa ka dhaxeeya wax-isku-sheeg. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS