Isku-xukunka Shareecada oo Baarlamaanka la Hordhigayo!
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
“KABURAT KALIMATAN TAKHRUJU MIN AFWAAHIHIM”
Ma garan karnaa micnaha cinwaanku wato?! Micnuhu waa haddii Islaamku
dhaho wixii la isku qabto haloola noqdo Ilaahay iyo Rasuulkiisa; hadda
in Shareecada la isku xukumo waxaa loola noqonayaa Baarlamaan ay soo
dhiseen Beesha Caalamka! Waxaa ka sii daran, dadka ku dhiirraday in
meesha la soo dhigo su’aasha ah: in la isku xukumo Shareecadda iyo in
kale? Meeyase culumadii Masaalixda sheeganayey oo lahaa waxay dhaxleen
nabi Muxamed (SCW).
Qofka Soomaaliga ah ee diinta Islaam wax ka yaqaan waxaa u soo
baxaysa in Shariifka iyo saaxibbadiis god ku dhaceen. Ash-Shabaab iyo
Xizbul Islaami waxay u muuqdaan labo wiil oo caqli badnaa oo ku taxnaa
casharo uu akhrin jiray nin sheekh sheegan jiray. Su’aal kasta oo la
weydiiyo ninkaas sheekha ahi wuxuu oran jiray waxaa laga yiri labo
qawl/hadal! Maalintii dambe baa labadii wiil ku tashadeen inay dadka
tusaan ninkaas sheekha iska dhigaya. Waxay weydiiyeen su’aashan
Qur’aanka ku jirta:
“AFILLAAHI SHAKKUN”? Sidii caadada u ahay sheekhii wuxuu yiri:
“Fiihaa Qawlaan” oo ah labo hadal baa laga yiri! Maalintaasay dadkii u
caddaatay inaan ninkaasi sheekh ahayn.
Hadda isku-xukunka Shareecadda Islaamka waxaa laga yiri labo qawl:
- Mid waa kan Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Kaas culumadii iyo
shacabkii waa dalbadeen laakiin Shariifka waxaad mooddaa inuu
leeyahay hadalka ugu dambeeya culumadu ma lahee waxaa leh dadka ay
soo dhiseen Beesha Caalamka (baarlamaanka).
- Kan Beesha Caalamka. Sida raajaxaa waxaad mooddaa in qolada
Jibuuti lagu soo dhisay aysan go’aan ka qaadan waxa culumadii iyo
shacabku dhaheen oo ah in Islaamka la isku xukumo. Ilaa hadda wa
kuwaas Shariifka iyo saaxibbadiis ku hayaan baarlamaankaa la hor
dhigayaa! Dadkii matalayey Islaamka ee culumada ahaa hadalkoodu
miisaan weyn uma leh marka waxaa muhiim ah waxa Xaabsade, Shariif
Xasan, Salaad Cali Jeele iyo Saciid-dheere dhahaan!
Marka sirtii Shariifka, saaxibbadiis iyo kuwii Musaalaxada sheeganayey
waa caddaaneysaa haddii baarlamaanka arrintaas la hor dhigo, waxaana ka
dhalan kara arrimo waaweyn oo qaarkood gaalnimo keeni karo:
- Haddii Shariifka, saaxibbadiis, Musaalaxada iyo qofkii kaloo
aamminsan in arrintaas ay xaq u leeyihiin baarlamaanku waa ku
gaaloobayaan ileyn arrinta isku-xukunka Shareecada su’aal ma gasho.
- Haddii looga danleeyahay in Beesha Caalamka iyo Mukhaabaraadkii
soo dhistay la qanciyo waxay noqoneysaa Shirki.
- In baarlamaanka laga codsado iney iska dhahaan: Shareecadaa la
isku xukumayaa si looga raayo dadka diiddan waxa Beesha Caalamku soo
dhisatay sidoo kalana la khaldo shacabka waxaa ka dhalan kara
gaalnimo kale oo ah ku jeesjeeska diinta Islaamka iyo in dad xaq
wada dhiiggooda lagu banneysto jeesjeeskaas. Sidoo kale haddii lagu
farxo ama gaalo lagu caawiyo dhiigga muslimiinta iyana waa lagu
gaaloobaa. Haddii Masaalixdu noo sheegtay in Islaamku la mid yahay
qabiilkeenna ama magaca Soomaali oo loo dhasho; arrintu saas maaha.
Waxaa jira waxyaalo buriya Islaamka.
ALLAAHU AKBAR. Isku-xukunkii Islaamku wuxuu ku xiray baarlamaanka!
Haddii baarlamaanka laga dhammeeyo iney aqbalaan Shareecada waxaa meesha
soo galeysa iney saacaddaas la kala diro! Marka sheekh Shariif tan
xisaabta haku darsado. Ninna ma khiyaami kartid. Haddii la kala diro
baarlamaanka ileyn Islaamku ma ogola cid aan Alle iyo Rasuulkiisa ahayn
oo sharci dajisee waxaa arrintaas lagu eegayaa il gaara waxayna soo
dhoweyneysaa isu-soo-dhowaanshaha Muqaawamada iyo isaga laakiin ma
filayo in qof caqli lihi yeelayo baarlamaanka oo dhaha diin Islaam baan
isku xukumeynaa waxaana sii ahaaneynaa gole sharci-dejin! Waa dhici
kartaa in la sameeyo guddi Shuuro iyo noocaas oo kale ah laakiin dadka
noocaas ah waa iney noqdaan dad “Ahlu Xalli wal caqdi” ama ugu yaraan
dad aan dambiilayaan ahayn oo shacabku qaddariyo.
Waddankaan Biritan haddii labada aqal isku raacaan oo soo saaraan
sharci cusub waxaa la sameynkaraa in Midowga Yurub loo doonto abbiil
qofkii ama ciddii diiddan sharcigaas. Hadda waxaynu niri Shareecadii
Ilaah iyo Rasuulkiisu (SCW) jideeyeen, hala siiyo codka u dambeeya
Aadan-madoow iyo saaxibbadiis maxaase dhici kara haddii baarlamaanku
diido in la meel mariyo Shareecada Islaamka? Haddii la hubo ineysan
diidi karin maxaa dambi intaas le’eg loo galayaa sida iyadoo su’aal
arrintaas la galiyo? Haddii khiyaamo laga rabay, haddee ogaada
wada-hadalka Muqaawamada iyo Shariifku waxay imaaneysaa marka
baaralmaanku ogolaado Shareecada dabadeedna la kala diro!
Waxaan dadka ku boorin lahaa iney akhriyaan faallo uu qoray Maxamed
Xirsi Guuleed oo uu ugu magac daray: Fatwadii la soo Caddeeyey! Wuxuu
kaga hadlayaa khiyaamada la soo maleegay iyo kooxaha jilaya.
“Nin adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban”! Ma Aadan Madoobe iyo
wiilasha iyo gabdha uu horboodayaa ilaahyo noo noqday oo aan uga
fadhinnaa in wixii Ilaah iyo Suubanuhu dhaheen ay noo fasaxaan ama noo
diidaan?! Ma Cabdi Qeybdiid baa Taliye booliis ah oo la rabaa inuu
dhaqan galiyo wixii “ilaah” Aadan-madoobe soo xukumo?! Ma Saciid-dheere,
Salaad Cali Jeelle iyo Dhagaxtuur baa madax u noqda gobolka Banaadir?
Sidii horay loo sheegay waxaa Xamar ku soo noqday Ashahaado-la-dirirkii
iyo kuwii garwadeenka u ahaa Tigreega!
Afxumadaas waxaa ka sii daran jeesjeeska ay Shariifka, Saaxiibbadiis
iyo Musaalixda soo waddo oo ah in shacabka la khaldo oo la yiraahdo
baarlamaankii waa ogolaaday in la isku xukumo diinta Islaamka! Sidii
Maxamed faalladii Fatwo la soo Caddeeyey ayaa la rabaa in Aadan-madoobe
la dhaqo oo la yiraahdo wuxuu u hiilanayaa Shareecada Islaamka halka
Abuu Mansuur shacabka Soomaliyeed u diiddan yahay nabad iyo horumar!
Laakiin si Aadan-madoobe u dhaqmo waa iney is casilaan oo dhahaan
Shareecadu ma qabto gole xukun-dejin. Ma yeelayaan? Ma filayo. Waxaanan
hubin waa waxa dadka la khalday yeelayaan. Marka qofkii jeesjeeskaas
Shariifka ku raaca isagay jirtaa laakiin ma filayo in Muqaawamo
yeeleyso.
Yaa looga dacwoodaa dadka Musaalaxada sheeganaya ee u shaqo tagay
boqorro Carbeed? Saxaabigii weynaa ee C/hi Binu Mascuud (RC) baa laga
hayaa qofkii taga albaabada Salaadiinta waa la fidneeyey. Arrintaas
darteed lama hayo Imaamadii waaweynaa oo tagay meel ay joogeen boqorro
kuwaan kun jeer ka kheyr badnaa ilaa ay ku khasbaan iney hortagaan
markay su’aalo weydiinayaan. Boqorrada hadda jooga waxay u shaqeeyaan
gaalo.
Shacabku waa iney bartaan cidda dacwada loo gudbiyo. Waxaa fiican in
garaadka shacabku bislaado ooy gartaan sida nin xaakim ahi uga dacwooday
boqor. Wuxuu boqorkii ku yiri: ilmuhu marka ay murjaca iyo sanadaha hore
joogaan waxay u heystaan in hooyadood dadka ugu xoog badan tahay. Markuu
ciyaarta bilaabo oo xoogaa jirsado buu garanayaa in aabbuhu yahay
mas’uulka guriga. Markuu kuray noqdo ayuu garanayaa in waalliga ama
boqorka magaaladaas jooga uu aabbihiis ka awood badanyahay. Kaddib qofka
muslimka ahi wuxuu ogaanayaa in Ilaahii Khaaliqa ahaa uu cid kasta ka
awood badan yahay. Marka wuxuu boqorkii ku yiri: dacwadda ma u gudbinaa
cidda kaa sarreysa (Ilaah)? Boqorkii wuxuu yiri: maya anaa dhammeynaya
ileyn wuu ogyahay dadka la dulmo xaqooda.
Marka waxaan uga danleeyahay waan ogeyn Ashahaado-la-dirir u heysta
in Zenawi ugu sarreeyo. Hadda Jibuuti waxaa ka yimid kuwa aamisnan in
awoodda looga danbeeyo Beesha Caalamka oo xitaa ku qanci waayey hadalkii
culumada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ahaa la isku xukumo Islaamka ilaa
ay ogolaasho ka helaan kuwa Beesha Caalamku soo dhisteen - baarlamaanka.
Kuwa Musaalaxo sheeganaya waxay dadka u dulleynayaan boqorro inkaar
qaba. Marka aan ka korno waxaas oon Ilaah dacwo u dirno. Inkastoon
kulligeen khaladka wax ka leennahay halagu duceysto in wixii diinta,
dadka iyo dalka belaayo la raba Ilaah naga qabto. Alloow kii roon reerka
u reeb. Qof walba waa yaqaan Qudradda Ilaahay. Marka iyada halagu
xisaabtamo.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com